SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIFAACA QARANKA

150 Maalmood oo Cumar C/rashiid laga hoos qaadi waayey warqad uu u Qoray Qarammada Midoobay

Warqadiisii taas ka horaysay ee dhul-badeedka Soomaaliyeed baylahda gelinaysay waxaa laga aqbalay 7 cisho gudahood...

  • Faalladii SomaliTalk.com | May 9, 2010

Taariikhdu waa macallin. Waana waxa lagu xisaabtamo marka la doonayo in Qaran la jiheeyo. Dhacdo taariikhi ah marka sida saxda ah loo wajaho waxay hordhac u noqotaa horumar. Haddiise la iska indhasaabo cawaaqibka ka dhalan kara uma baahana shaaraxaad.

Faalladeena maanta waxay ku saabsan tahay laba warqadood oo taariikhi ah oo Cumar C/rashiid u qoray Qarammada Midoobey oo midna durbadiiba la aqbalay, midda kalena ay qaadatay 5 bilood. Maxay arrimahaasi ku dhaceen?

Aan ku bilowno warqadda qaadatay 5-ta bilood:

Ra'iisul Wasaaraha Dawladda Federaalka Kumeelgaarka ah (DFKMG) ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa October 10, 2009 waxa uu qoraal rasmi ah u diray Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobey (QM) Ban Ki Moon. Qoraalkaas oo ku saabsanaa in Baarlamaanka DFKMG uu August 1, 2009 diidey ama waxba kama jiraan ka dhigay Heshiis Is-Afgarad ahaa oo April 7, 2009 ay magaalada Nairobi ku kala saxiixdeen DFKMG iyo Kenya, Is-afgaradkaas oo ku saabsanaa dhul badeedka Soomaaliya.

In ka badan 150 maalmood markii ay ka soo wareegtay warqaddii , ayaa horraantii bishii March 2010 qoraal lagu faafiyey shabakadda rasmiga ah ee Qarammada Midoobey (UN) waxa uu shaaca ka qaaday in Heshiiskii Is-fahamka (MOU) ee dhex maray DFKMG iyo Kenya "in Baarlamaanka Federaalka kumeelgaarka ay diideen is-afgaradkaas, sidaas daraadeedna waa in loo tixgeliyo mid aan lagu hawl geli karin ama la cuskan karin". Waxaana March 24, 2010 ay QM sheegtay in ay go'aankaas gaareen kaddib markii ay heleen Warqad ku taariikhasan March 2, 2010 oo ka soo gaartey Safaaradda Soomaaliya u fadhida UN-ta.

Haddaba, warqadda ay xustay Qarammada Midoobay (oo aad hoos ka daalacan kartid)[1] waxaa ku saxiixan Dr. Cilmi Axmed Ducaale, Safiirka Soomaaliya u fadhiya QM. Waraddaas oo ku taariikhaysan 2 March 2010 waxa uu ku lifaaqay warqaddii uu qoray ra'iisul wasaaraha DFKMG oo ku taariikhaysan October 10, 2009.

Warqaddii 7 Maalmood gudahoos ku gaarey UN

Warqaddaas kor ku xusan waxaa aad uga duwan warqad ka horeysey oo uu qoray Cumar C/rashiid, taas oo 7 cisho gudahoos ku gaarey UN.

Magaalada Nairobi ayaa heshiis Is-faham waxa uu ku dhexaray DFKMG iyo Kenya, is-afgaradkaas oo haddii uu hirgalo ay Soomaaliya ku waayi lahayd dhul-badeed aad u baaxad weyn. Heshiiskaas waxaa la kala saxiixday April 7, 2009. Maalin kaddib, April 8, 2009 ayaa Cumar C/rashiid oo Muqdisho ku sugan waxa uu warqad u qoray Qarammada Midoobey, warqaddaas oo uu ku lifaaqay heshiiska is-fahamka. Lix maalmood kaddib, April 14, 2009 ayaa Qarammada Midoobay waxay qoraalkii Cumar C/rashiid ku faafiyeen website-ka UN-ta. Arrintaas oo dhabar jab weyn ku ahayd shacabka Soomaaliyeed.

Cumar C/rashiid marna kama uusan hadlin sababta warqadna durbadiiba loo aqbalay, warqadda kalena ay xafiiskiisa u dhaafi weydey ama looga hoos qaadi waayey.

Maxay ku kala duwan yihiin labada Warqadood?

  • April 8, 2009 Cumar C/rashiid warqadii uu qoray waxaa UN faafisay April 14, 2009
  • Oct 10, 2009 Cumar C/rashiid warqadii uu qoray waxaa UN faafisay March 2, 2010

Labada warqadood qoraagooda iyo cidda ku socoto waa isku mid, laakiin waxaa kala duwan arrinta ay xambaarsan yihiin.

Waxaana halkaas laga dheehan karaan marka la doonayo in la baylihiyo dhulka Soomaaliyeed waxay qaadanaysaa wax ka yar toddobaad in arrintaasi dhaqan gasho. Laakiin waxay qaadanaysaa halgan dheer marka la doonayo ama la isku dayo in la soo dhiciyo dhulkii la baylihiyey (oo xitaa kuwii baylihiyey ay khasab ku noqoto in ay arrinta ka dab atagaan). Halkaas waxaa ku sugan taariikh u baahan in aan la dhayalsan.

Sawirka hoose waa warqaddii cumar c/rashiid u qoray UN.

Waxaa xusid mudan taariikhdan kooban kooban ee ku saabsana heshiiskii is-fahamka:

  • April 7, 2009: Nairobi waxaa heshiis ku kala saxiixday DFKMG iyo Kenya, heshiiskaas oo ahaa is-faham oo ku saabsan badda Soomaaliya.
  • April 8, 2009: Cumar Cabdirashiid ayaa qoray warqad uu ku taageerayo heshiiskaas oo ku socota UN : http://tinyurl.com/2fbxckk
  • April 14, 2009: UN ayaa websitekooda ku faafisay warqaddii Cumar C/rashiid. http://tinyurl.com/25szzx9
  • May 6, 2009: Kenya ayaa UN u gudbisatay qoraal ay si weyn u tixraacayso heshiiskaas is faham, qoraalkaas oo Kenya ku cabiratay qayb kamid ah badda Soomaaliya. http://tinyurl.com/2b5dhfh
  • August 1, 2009: Baarlamaanka Soomaaliya ayaa si geesinimo taariikhi ah oo lama ilaawaan ah waxay codkooda ku difaaceen badda Soomaaliya, ayagoo heshiiskii DFKMG iyo Kenya ka dhigay waxba kama jiraan (NULL & VOID)
  • Augsut 19, 2009: Prof. Ibbi, ra'iisul wasaare xigeenka DFKMG ayaa UN waxa uu u qoray warqad uu ku qoranyahay magaca Cumar C/rashiid laakiin uu saxiixay prof. Ibbi, warqaddaas oo si bareer ah uga hor imanaysay go'aanka baarlamaanku ku diidey heshiiska, waxana warqaddaasi gaarab siinaysey heshiiskii Kenya ku qaadan lahayd badda Soomaalida. http://tinyurl.com/24tugvw
  • October 10, 2009: Cumar C/rashiid ayaa UN u qoray warqad uu ku xusay in heshiiskii Isfahamka uu diidey baarlamaanku sidaas daraadeedna aan la cuskan karin. Laakiin warqaddaasi UN ma gaarin ama ma aysan faafin muddo 5 bilood ah. http://tinyurl.com/26kf32w
  • March 2, 2010: Safiirka Soomaaliya u fadhiya UN, Dr. Ducaale, ayaa qoraalkii Cumar C/rashiid waxa uu ku lifaaqay warqad uu u diray UN uu ku wargelinayo in heshiiskii Isfahamka uu Baarlamaanka Soomaaliya diidey. http://tinyurl.com/26kf32w
  • March 12, 2010 ayaa UN faafisay in baarlamaanka Soomaaliya diidey heshiiskii is fahamka.

Sawirka hoose waa warqaddii Cumar C/rashiid oo muujinaysa shaabad xilligii ay gaartey Xarunta Qaramada midoobay.

Sawirka hoose waa warqaddii Dr. Ducaale ku lifaaqay warqaddii Cumar C/rashiid, waxaana ku shaabadaysan xilligii aya gaartay UN.

Yaa la xisaabtamaya Madaxda Soomaaliyeed?

Adduunka meelaha laga tixgeliyo qaanuunka, marka ay xukuumaddu ku dhaqaaqdo arrin xad-gudub ku ah xornimada dalkaas waxaa durbadiiba loo saaraa guddi baarlamaani ah oo arrintaas baaritaan madax bannaan ku sameeya, kana baaraan dega wixii sababay, ciddii gaf gashayna si cad loogu dhaliilo ama sharci la mariyo si arrintaasi aysan mardambe u dhicin.

Xukuumadda FKMG waxay si bareer ah u difaacday heshiis (haddii uu u hirgeli lahaa) ay dadka Soomaaliyeed ku waayi lahaayeen dhul badeed ballaaran. Arrintaas waxaa ka hor tegey oo difaacay shacabka Soomaaliyeed iyo Baarlamaanka Soomaaliya oo galay taariikh mudan in lagu ammaano.

Baarlamaanka DFKMG fadhi uu yeesho waxaa ugu dambeeyey August 1, 2009 oo ahaa fadhigii ay sida cad ugu diideen heshiiskii Is-fahamka. Fadhi kaas ka dambeeya isuguma iman weli. Waxaana intii ka dambaysay maasheeyey khilaaf la sheegay in uu salka ku hayo guddoonka baarlamaanka oo xilligoodii dhammaaday. Tafaraaruqaas oo keeni kara in xukuumaddu u madax bannaanaato in aan lala xisaabtamin. Haddii la doonayo in dhanka wanaagsan loo jiheeyo Qaran waa in uu jiro xisaabtan iyo in aan la iska indha saabin dhacdooyinka taariikhiga ah ee raadka ku reebi kara shacabka iyo dalka.

Soomaaliya waxaa hadda baylah weyn ku jira khayraadka badda Soomaaliyeed, halkaas oo aysan jirin qaran Soomaaliyeed oo ilaaliya, ciddii doonta ay si arxan darro ah uga kalluumaystaan ama ugu duugaan sun halis ah. Intaas waxaa ka daran dhibaatada, rafaadka iyo gaajada haysata kumanaanka shacabka ah ee ka barakacay guryahoodii iyo tiro ka badan oo qaxooti ku ah dalal shisheeye.

20-kii sano ee ugu dambaysay waxaa Soomaaliya la soo dersey dhibaatooyin aad u waaweyn, waxaana u kala dambeeyey dhawr xukuumadood, tii Carta lagu soo dhisay, tii Nairobi lagu soo dhisay iyo tan hadda oo Jabuuti lagu soo dhisay. Waxaa la oran karaa in aan si dhab ah loola xisaabtamin madaxda Soomaaliyeed ayaa sabab u ah in 5-tii sanaoba laga soo bilaabo meel ka liidata bartii ay xukuumaddu ka bilaabatay. (Baarlamaanka DFKMG ee hadda ayay fursaddaasi hadda hor taal: in ay guddi madax bannaan u saaraan oo si rasmi ah u soo baara sababta xukuumadda ku kalliftay in ay gasho heshiis sababi lahaa in dhul-badeed Soomaaliyeed la waayo.. si dhab ahna ay ula xisaabtamaan xukuumadda, sida lacagta SH.SO oo ay ku qoran tahay warqaddiiba 50,000 iyo khasaaraha sicir bararka ee ka dhalan kara.)

Waxaa hubaal ah in shacabka Soomaaliyeed u ooman yahay CADDAALAD. Haddii ay arki lahaayeen madax caadil ah oo dhawraya qaanuunka in ay taageeri lahaayeen.

[1] Warqaddii Dr. Cilmi Axmed Ducaale oo ay ku lifaaqan tahay warqaddii Cumar C/rashiid (HALKAN KA EEG )

Faafin: SomaliTalk.com | May 9, 2010

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: