Kii dhuumanaayee dhabarku muuqdow
Kii dhuumanaayee dhabarku muuqdow, waa dharaar lagu dhawrayaaye
dadkaaga dhinac ka raac. Waa halku dhaggii mid ka mid ah heesihii
wadaniga ahaa ee ka bixi jirey Radio Muqdishu waqtigii
barisamaadkii.
Maah maah carbeed ayaa waxay leedahay: waxaa wax ugu yaab badan
inaadan waxba ogeyn oo hadana adan ogeyn inaadan waxba ogeyn.
Arintaas waxaa ku sifeysan cid kasta oo u qabta inay wax walba
taqaan oo ku dooda in dadka kale oo dhan ay khaldan yihiin ayaduna
saxan tahay. Ilaa bilawgii bishii April 2009, waxaa si isdaba joog
ah qeyladhaan u waday Ummadda Soomaaliyeed aqoonyahanadeeda iyo
waxgaradkeeda ayagoo ka dhiidhiyaya dhaxalwareejinta dhul-badeedka
Your browser may not support display of this image. Your browser
may not support display of this image. Your browser may not support
display of this image. Your browser may not support display of this
image. Afarta Injineer ee dambeysay heshiiska khiyaamada qaranka.
qaranka Soomaaliyeed oo DMQ oo uu hogaamiyo Shariif Shiikh Sh.
Axmed ay dawladda Kenya u hibeysay. Waxaa yaab leh sida uu Wasiirka
Kaluumeysiga iyo Keyraadka Badda oo ay ahayd inuu asagu difaaco
Badda Soomaaliyeed iyo Keyraadkeedaba uu si joogta ah u difaaco in
go’aanka dawladdiisu gaartay uuna saxan ku sheego. Waxaa ka sii
darani waxaa weeye inuu wasiirku si qayaxan uga hadlo wuxuusan
garaneyn, asagoo ku tilmaamay Badda Soomaaliyeed 3300 km (sida ku
cad SomaliTalk.com) halka ay gaareysoo 2000000 sq km sida uu
caddeeyey Admiraal Guuto Faarax Qare oo ah Taliyaha Ciidanka Badda
Soomaliyeed.
Haddaba waxaan xog warsaday takhasuska Prof. Ibbi wuxuu yahay iyo
wuxuu jaamacadda ka bari jirey, waxaana Professor-ka la sheegay inuu
ahaa bare Ciyaaraha. Dabadeedna waxaan isku qanciyey inuusan
wasiirku arintan takhasus u lahayn dabaashayna badweyn asagoon
dabaal aqoon. Sababta oo ah waxaa isaga darsan sida loo qiyaaso
dherarka iyo beddka oo ah laba hawlood oo aan shaqo isku lahayn.
Waxaa kale oo xusid mudan inuusan wasiirku wax haba yaraatee
tixgelin ah uusan siin khubarada Soomaaliyeed oo hawshaas ku
takhasusay oo ay ka mid yihiin, Waaxda Toobogaraafiyadda Ciidankii
Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Ciidankii Badda Soomaliyeed, Ciidankii
Difaaca Cirka Soomaaliyeed, Ciidankii Cirka Soomaaliyeed,
Wasaaraddii Gaadiidka Badda iyo Dekedaha, Khubaradii Wasaaraddii
Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda, Khubaradii Shuruucda Badaha,
Khubarada Shuruucda Caalmiga. Waxaan Hubaa in badan oo ka mid ahi
inay Baarlamaanka ka tirsan yihiin sida G/Sare Xayd oo ka mid
aqoonyahanaddii ciidanka badda, Maxamed Nuur Amiin oo shuruucda
badaha ku takhasusay, Caydiid Ilka-Xanaf oo asana shuruucda ku
xeeldheer iyo Qaar kale.
Markaan intaas uga gudbo arinta Professorka, waxaan aqristayaasha
ugu soo celinayaa ama xasuusinayaa arimo marar badan hore loogu
sheegay. Ugu horeyn heshiiska isfagaradka waxaa Kenya uga gollahayd
laba walxood: 1) in cid Dawlad Soomaaliyeed magaceed sheeganeysaa
caddeyso in Badda Soomaaliya qeybteeda Koonfureed ay tahay mid lagu
muransan yahy. 2) Inaan Dawladda Soomaliyeed aysan waxba ka qabin
qoraalka xuduud badeedka Kenya u gudubsato UN-ka. Labadaas qodob
labadaba waa ka heshey DMQ dawladda Kenya. Waxaanna nasiib daro ah
in Baddayadii muran la geliyo welibana lagu indha adkaado inay
saxtahay talaabadaas laqaaday oo khiyaamada qaran ihi.
Akhristaha Soomaaliyeed waxaan u caddeynayaan inaan heshiishkan
sidiisaba uusan ahayn mid lagama maarmaan u ah gudbinta qoraalka
qalfoofka baddeena sida ay qabto UN-ku uuna cadeeyey xoghaya gudiga
xadeynta badaha Hariharan Pakshi Rajan oo 13kii May shir jara’id oo
arinta khuseeya ku qabtay xarunta UN-ka sheegayna in haddii aan la
helin heshiis ay wada saxiixeen laba dal ee xuduud baddeed lehi
inaan UN-ku aysan arinta xadeynta xuduudooda geleyn. Waxaa kale oo
markhaati u ah qoraalkii ay dawladda Kenya u gudubsatey UN-ka
1989kii sida ku cad Webpage UN-ka ee hoose. Waxaa Webpage-kan iyo
kan hooseeyaaba caddeynayaan in xuduudda badda Kenya ee waqooyi la
xadididoono marka heshiis waafaqsan qaanuunka caalamiga ahi dexmaro
Soomaaliya iyo Kenya. Akhristow bal eeg sida ummadda loo
jaahwaeeriyey oo la isugu dayey in loo tuso in baddeena la gelinayo
maamul dawli ah haddii aan heshiis Kenya la gelin ka hor 13 May
2009.
Akhri qoraalkan english-ka ah |
Tixraackale
(4) The northern boundary of the exclusive economic zone with
Somalia shall be delimited by notice in the Gazette by the Minister
pursuant to an agreement between Kenya and Somalia on the basis of
international law.
Sida kor ku xusan, 1989 Kenya waxay caddeysay in xuduudda
baddeeda waqooyi ayan xadidneyn waagaas weyna gudubsatey
qoraalkeedii sida Soomaaliyaba waagaas u gudubsatay keedii.
Haddase sida hoos ku cad Kenya waxay xuduudeeda badda ku
gudubsatay dhab ahaan si khilaafsan qoraalkeeda ay gudubsatay
sanadkii 1989kii, kadib markay waxay weligeedba doondooneysay ka
heshay DMQ. (gujiwebpagekan)
Hadaba marka la isu eego sida Kenya u rabto inay u boobto Badda
Soomaaliyeed oo kor ku cad iyo sida u dhigayo heshiiskii ay kala
saxiixdeen Dawladdihii Ingriiska iyo Talyaanigu 15kii July 1924 oo
xuduudda laba dal ee aduunku citiraafsan yahay, waxaan akhristow kuu
caddaaneysa in horor dal baddeena ku ah ay Shiikh Shariif Sh Axmed
iyo Dawladdiisu u hibeeyeen Dhul badeed ay ku jiraan 4 Jasiiradood
oo beddkiisu dhan yahay 116000 sqkm. (guji
webpage-kan)
- From the confluence of the rivers Ganale [Ganale - Dorya]
and Daua, along the course of the Daua up-stream to the southern
point of the small southerly bend of the latter river in the
vicinity of Malka Re [Malca Rie]; thence in a south-westerly
direction in a straight line to the centre of the pool of Dumasa
[Damasa]; thence in a south-westerly direction in a straight
line towards Eilla Kalla (which remains in British territory) to
such meridian east of Greenwich as shall leave in Italian
territory the well of El Beru [El Beru Hagia]; thence along the
same meridian southwards until it reaches the boundary between
the provinces of Jubaland and Tanaland; thence along the
provincial boundary to a point due north of the point on the
coast due west of the southernmost of the four islets in the
immediate vicinity of Ras Kiambone (Dick’s Head); thence due
southwards to such point on the coast, Ras Kiambone [Chiambone]
[Dick’s Head) and the four islets above mentioned shall fall
within the territory to be transferred to Italy.
Isha: Inj. Salihi
Isha: Inj. Salihi qoraalkiisii lagu daabacay SomaliTalk.com 4tii
May 2009ka.
Isha: Inj. Salihi Qoraalkiis lagu daabacay Somalitalk.com 4tii
May 2009.
Waxaan hubaa in khariidaddaha sare ay si hufan u qeexayaan
qolfoofka baddeena iyo xuduudda aduunku citiraafsan yahayba, mana
muuqato wax mugdi ah oo ku jira ama muran badeed dhalinkara.
Norway maxaa uga shan iyo toban ah Baddeena?
Sida la wada caddeeyey waxaa aad ugu mashquulay dawladda Norway
malaayiin dollarna Kenya ku siisay inay diyaarsato qoraalka xuduudda
badda Kenya u gudbsatay UN-ka. Waxaa kale oo layaab leh in dadkii
qoraalkaas gacanta ka geystey ka mid yahay nin ku jira gudiga
dhexdhexaadinta muranka baddaha ee caalamiga ah oo dhalashadiisu
tahay Norwegian. Waxaa kale oo la xaqiijinayaa in nin kale oo
Wasaaradda Arimaha Dibedda Norway Xamar yimid kuna qanciyey in DMQ
ogolaato inay heshiis Kenya la gasho asagoo mudo 3 saacadood ah
warbixin arinta ku saabsan siiyey sida uu BBC-da ka sheegay
Wasiirkii heshiiska saxiixay. Hadaba su’aashu waxay tahay danta
Norway dhul-badeedkaan ka leedahay maxay tahay? Baaritaan aan
sameeyey dabacdi waxaa mas’uul sare oo dawladdii Soomaaliya ka
tirsanaa ii sheegay in bilawgii sideedtamaadkii ay la soo xiriirtay
shirkadda batrool dalka Norway Safiirkii Soomaaliya u fadhiyey
dalalka Scandinavians loo yaqaan Marxuum Cabdullaahi Ciise,
dabadeedna uu safiirkii u geeyey Madaxweynihii Marxuum M S Barre.
Wuxuu masuul ii sheegay in ay dawladdii Soomaaliya iyo shirkaddii is
afgaran waayeen sababo la xiriira wax qeybsiga awgood dabadeedna
halkaas wada hadalkii ku burburay.
Waxaa kale oo xusid mudan in shirkad Norwegian ah ay heshiis
Kenya la gashay inay shidaal baddeeda Soomaaliya iyo ayada u
dhaxeysa ka baarto 2005tii, waxaanna la tuhunsan in badda heshiiska
lagu galay ay qeyb ka tahay dhul-badeedka hadda Kenya DMQ u
hibeysay. Xog wareysi aan ganacsato Nairobi ku nool kala sameeyey
arintaan waxay ii xaqiijiyeen inay ku shaacsan tahay Kenya in
dhul-badeedka Soomaaliya laga goosanayo lagu tuhunsan yahay in
shidaal iyo gaas fara badani ceegaagaan. Waxaa tuhun kaas sii
xoojineysa qoraalka UN-ka Kenya u gudubsatay sanadkaan 2009ka
diyaariyeyaashiisa waxaa ka mid ah Wasaaradda Tamarta Kenya iyo
Kenyan Petroleum Corporation(KPC) oon daraf ka ahaadeen qoraalka
haddaan shidaal iyo gaas arintu ku lug lahayn. Ka qeyb qaadashada
KPC ee qoraalka iyo ka reebidda Keyan Ministry of Defence gudiga
qoraalka ayaa ishaareysa in arintu aysan ku salaysnayn khilaaf
xuduud ama bad maran badsigeed ee ay tahay arin shidaal iyo
dhaqaale.
Mas’uul sare oo dawladdii Soomaaliya raggii ugu sarsareeyey kamid
ahaa ayaa asna ii xaqiijiyey inuu fursad u helay inuu arko khariidad
muujineysa nawaaxiyada dhulka iyo baddaba ee lagu tuhunsan yahay in
shidaal ku jiro wuxuuna ii sheegay dhul-badeedka hadda Kenya
goosaneyso inuu kamid yahay goobaha la calaameeyey. Isku soo
celceli, xaajadu waxay u muuqataa in Norway ay dooneyso inay soo
saarto shidaalka iyo gaaska lagu tuhunsan yahay inay ceegaagaan
Badda nalaka boobayo.
Sdia uu qorayo webpage-kan
http://www.innercitypress.com/los2somalia051309.html
Norway Wasaaraddeeda Arimaha Dibedda iyo Waaxdeeda Shidaalkuba waxay
si toos ah ugu qeyb qaateen sidii loo diyaarin lahaa qoraalada Kenya
iyo Soomaaliyaba ay UN-ka u gudub sadeen. Sida hoos ku cad waxaa
10kii Maarso 2009 Nairobi ku kulmay maskaxihii ka dabmeeyey
khiyaamadaan oo kala ah Prof. Ibbi, Ku-xigeenka Oulad Abdalla, iyo
safiir Wilhem Longva oo ka socday Wasaaradda Arimaha Dibedda ee
Norway sida DMQ loo ogeysiiyo qorshaha Ould Abdalla ee ku aadan
qolfoofka badda iyo kaalmada ay ka geysaneyso Norway. Waxay qoraalka
DMQ u gudbisay UN-ka ku cad in Mr Longva uu Muqdisho tagey 5-6 April
asagoo ay casuumeen Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid iyo
Ku-xigeenkiisa Prof. Ibbi si uu talo iyo taakuleyn uga siiyo siday u
gudbin lahaayeen Qoraalka. Akhristow ogow maalinta 7 April-na waxaa
Nairobi lagu saxiixay heshiiska ummadda lagu hagardaameeyey oo Kenya
loogu hibeeyey 116000 sqkm Dhul-baddeedkeena ah.
Waa maxay doorka Ahmed Ould Abdalla?
Sida qoraalda ku cad, Wakiilka Xoghaya Guudd ama SRSG (Special
Representative of the Secretary General) waa ninkii hawshaan oo dhan
isku xiraha ka ahaa. Waxaanna la yaab leh amaba cajiib ah ayadoo uu
ahaa Ould Abdalla kabiirkii saxarada inuu inkiro inuusan haba
yaraatee waxba ka ogyahay arintaan. Soomalidu waxy ku maahmaadaa nin
wuxuu kugu falo waxaa ka daran wuxuu kaa damco.Ould Abdalla wuxuu
arkay in masuuliinta dadka sheeganaya ee Soomaliya aysan dan ka
lahayn dalkooda ama badankood aysan fahmi karin khiyaamada dalkooda
loo maleegayo. Wuxuuna ku qancay inaan Soomalidu wax jira ahayn
markay Nuur Cade iyo kooxdiisii aqbaleen in Shiikh Shariif iyo
kooxdisa 275 xubnood Baarlamaanka loogu daro ayna la tartamaan nin
200 cod heysta ayadoon madashii doorashadaba la soo gaarin.
Maalintaa wixii ka dambeeyey Ould Abdalla asagaa dalka siduu doono
ka yeelaya. Qoraalka DMQ u gudbisay wuxu sheegayaa sida soo socta:
17kii April, webpage-ka Wasaradda Arimaha ee Dalka Norway press
release lagu daabacay ayaa asna qoraya:
Somalia is the first African country to submit such information.
The submission was prepared with the assistance of the Government of
Norway in consultation with the Special Representative of the
Secretary-General (SRSG) for Somalia, acting on behalf of the
Transitional Federal Government of the Somali Republic.
The Transitional Federal Government of the Somali Republic and
the President gave their final approval on 6 April 2009 following
meetings in Mogadishu attended by Ambassador Hans Wilhelm Longva of
the Norwegian Ministry of Foreign Affairs. (guji
webpage-kan)
Maxaa hadda nala gudboon?
Wax kastoo DMQ madaxdeedu isku dayday inay qariso xaqiiqada
arinta nasiib wanaag manta ummadda Soomaaliyeed waa ogaatay dhibta
jirta oo xataa Prof. Ibbi ayaa qiray in Kenya xudeena badda kusoo
xadgudubtay. Talaabada ugu muhiimsan oo hadda hadhsani waxay ila
tahay in Baarlamaanka awooda la saaro sidu u fariisan lahaa una
baa’bin lahaa heshiiskaan iyo kii magaalada Caruusha- Tanzania Kenya
lagula galayba, islamarkaasna waa in go’aanka Baarlamaanka loo
gudbiyo UN-ka inta ka horeysa bisha September 2009 bilowgeeda.
Haddii arintaa si wanaagsan u hirgesho waxay hakinkartaa in gudiga
dhexdhexaadinta muranka baddaha arinta loo gudbiyo. Waxaa xusid
mudan in uu heshiiska ay DMQ saxiixday ku jir qodob u baahan aqoon
qaanuun si dadku u fahmaan, waana qodob aan filayo in ay ka baaraan
degidoonaan sharciyaqaanada Soomaaliyeed waana sidaan qodobku oo ah
kan ugu dambeeya qodobada heshiiska.
Arintu manta waxay jootaa meeshii uu Cabdullahi Suldaan Timacade
ka yidhi:
Hashaan gaadaweynow libaax uga gabanweynay, ayadoo sidkeedii
go’ay oo galabta foolqaaday,
Inaan goroyo-cawl uga tagaa wey garaad li’iyee
Aden Yabarow
ayabarow@yahoo.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan