Dhul-badeedka Soomaaliyeed Wuu Leeyahay Soohdin Cabbiran
Magaceygu
waa Bashiir Shiikh Maxamed, waxaanan ahay diblomaasi Soomaaliyeed oo ka
soo shaqeeyay safaaraddii Soomaalida ee Stockholm xiligii uu safiirka ka
ahaa halgamaagii weynaa ee ee Cabdulaahi Ciise Maxamuud (Alle ha u
naxariistee).
May 07, 1979, markii uu Mudane Cabdulaahi Ciise (AHN) aaday waddanka
Norway si uu u soo qalqaaliyo shirkaddii batrool baarista ee WESTERN
GECO, waxaan ahaa mas’uulkii loo magacaabay inuu noqdo sii hayaha
(Chargé D'affaires) ee safaaradihii nooga furnaa waddamada Sweden,
Denmark iyo Norway (Eeg verbal note)[1].
Wareegtadii safaarada Soomaaliya ee Stockholm (Sweden) 1979
Haddaba, aniga aad uga xun boobka iyo bililiqeysiga lagu hayo
dadkeygii iyo dalkeygii hooyo ayay ila noqotay inaan walaalaheyga
Soomaaliyeed u soo gudbiyo wixii waayo aragnimadeyda ah, aanan garab
istaago walaalaha qalinka u qaatay sidii ay u difaaci lahaayeen
dalkeenna iyo guud ahaan danaheennaba.
Waxaanan isku dayi doonaa aniga oo soo koobaya inaan idiin soo
gudbiyo waxa aan ka ogahay sida uu ku billowday qorshahaan shidaal
baarista ee ay Norway ka waddo Bariga Afrika, anagoo la soconna meesha
halista ah ee maanta xaalku marayo iyo in hadda la isku dayayo in
dhulbadeed ay Soomaaliya leedahay loo sharciyeeyo Kenya. Walow ay
Qaramada Midoobay dhowaan hor istaagtay heshiiskii is
IS-AF-GARAD, waxba kama jiraanna ay ka soo qaadday. Haddana weli
waxaa taagan khatar weyn oo mudan in aad looga foojignaado. Waxaana
beryahaan soo shaacbaxaya warar ka soo baxaya shirka Istanbul oo la
leeyahay dhulbadeedka Soomaalidu soohdin sharci ah ma laha, lana
leeyahay haddaa soohdin loo sameynayaa.
Telex-kii[2] magacaabista ee laga soo diray
Muqdisho 1979
Sidaan kor ku sheegnay Mudane Cabdullaahi Ciise (AHN) oo markaas
ahaa safiirkii Soomaaliya u fadhiyay Stockholm (Sweden) ayaa soo
qalqaaliyay heshiisna la gaaray shirkadda WESTERN GECO oo ay
xarunteedu tahay waddanka Norway. Shirkaddaasi sanadkii 1980kii
ayay billowdahay in ay batrool ka baarto dhul-badeedka Soomaaliya ayadoo
wajigii koowaad ceelal shidaal ka sahmisay Raas-Kamboni ilaa Baraawe.
Wajigii labaadna Baraawe ilaa hoboyo.
Baaritaankaas shidaalka lagu sahminayay wuxuu qaatay muddo laba
bilood ah, kadibna si loo ogaado natiijadii ka soo baxday baaritaanka
markabkii howsha waday wuxuu dib ugu laabtay saldhiggiisii STAWANGER
–Norwey. Ka dib, waxay noo sheegeen in baaritaankii ay ku guuleysteen
qaybtaas dhul-badeedka Soomaaliya ee ay baareenna ay ka heleen laba god
oo aad u waaweyn. Waxay noo sheegeen in keydka bartoorka ee ku jira
labadaas god uu ka badanyahay keydka betroolka ee ku jira waddanka
Norway oo dhan, ayadoo Nowey lagu tilmaamo dalalka ugu keydka batroolka
badan qaaradda Yurub.
Shirkadda WESTERN GECO iyada oo ku faaneysa guusha ay ka gaartay
sahmintii batroolka ayay warbixin arrinkaas ka hadlaya ku qortay
Warside ( Bulletin) bishiiba mar soo baxa oo ay shirkaddu iska laheyd.
Waxayna warkooda gaarsiiyeen shirkadaha batroolka baara si ay ugu
muujiyaan guusha ay ka gaareen batroolkii ay Soomaaliya ka sahmiyeen.
Laga soo bilaabo sanadkii 1960kii waxaa soomaaliya shidaal ka baaray
shirkado badan oo ay ka mid yihiin : AMOCO, CONOCO, PHILLIPS, CHEVRON,
SHELL-(PECTEN), ARCO, AGIP, ENI, SINCLAIR, Total-Fina-ELF (French
company). Shirkadahaasina waxay haystaan heshiisyadii ay la galeen
xukuumadihii waddanka soo maray ilaa markii calanka la taagay. Waxayna
shirkadahaasi iska leeyihiin xuquuqda shidaal baarista bad iyo berriba.
Shirkadahaasi markii ay heleen akhbaartii ku qorneyd warsidaha
(bulletin) Western Geco wey baraarugeen oo Soamaaliya ayey isku wada
shubeen, ayagoo ka doodaya kana soo horjeeda sababta shirkadda WESTERN
GECO loogu oggolaaday in badda Soomaaliya batrool ka baarto. Waxayna
shirkadahaasi ku doodeen in lagu xadgudbay heshiisyadii caalamiga ahaa
ee lala galay.
Dowladdii Soomaliyeed waxaa khasab ku noqotay in ay si deg deg ah
baaritaankii batrool uga joojiso shirkaddii WESTERN GECO, ayadoo
heshiisku ahaa in ay baaraan badda Soomaaliya oo dhan. Baaritaankaas
kharashka ku baxayay oo dhamaa $10 milyan oo doollar, waxaa bixinayay
dowladda Norway. Kharashkii baaritaankaas hore ku baxay waxuu ahaa $2
malyan oo doolar, siddeeddii malyan oo doollar oo hartayna Norwey dib
ayey ula laabatay oo waxay dheheen kharashkan waxaan ugu tala galnay
baaritaan batrool. Halkaasna waxaa ku soo afjarmay rajadii ay Norway ka
qabtay batroolka Soomaaliya.
Haddaba sanadahaan dambe Norway ayadoo ka faa’ideysaneysa qaska iyo
dowlad la'aanta ka taagan Soomaaliya ayay markale isku dayday iney soo
nooleyso damacii ay ka laheyd batroolka Soomaaliya oo ay weli ka samri
la’adahay. Waxaase nasiibdarro ah in dowladda Norway ay arrintaas u
martay waddo qaldan oo sharci darro ah. Waxaan la wada soconna in Norway
ay sanadahaan dambe shidaal baaris ah ka wadday xuduudda u dhaxeysa
Soomaaliya iyo Kenya. Waxaan kale oo aan la soconnaa kaalintii
firfircooneyd ee Norway ku laheyd heshiiskii
IS-AF-GARAD ee Kenya iyo Soomaaliya ay wada saxiixdeen. Arrinka kale
ee la yaabka lihi waa kaalinta Qaramada Midoobay iyo ergeygeeda ah ee
arrimaha Soomaaliya
Ahmed Oloude Abdalla ay ku leeyihiin isku dayga lagu doonayo in
lagu booboo badda Soomaaliya.
Waxaa sidoo kale la yaab leh shirka hadda socda (soo gabagaboobay May
23, 2010) waddanka Turkiga ee
la leeyahay Soomaaliya ayaa bad loo sharciyaynayaa (ayadoo loo marayo
kalluumaysiga). Maxay iskaga
indhotirayaan kuwa arrimahaan aan laga fiirsan faraha kula jiraa
heshiisyadii caalamiga ahaa ee ay Soomaaliya horay u gashay oo muujinaya
in Soomaaliya ay leedahay xuquuqda batroolka badda ee ku jira ilaa 200
mayl-badeed (370km) ? Kuwa Soomaalida matalayaase miyeysan u warheynin
in Soomaaliya ay leedahay xeerar si cad muujinaya xuduudaha badda
Soomaaliyeed oo caalamku aqoonsanyahay, heshiisyo caalami ahna ay ku
gashay?
Ugu dambeyntii waxaan ummadda Soomaaliyeed ugu baaqayaa in ay si aad
ah uga horyimaadaan iskudayada iyo heshiisyada lagu doonayo in lagu
booboo dhulkooga iyo khayrkaadka ku jiraba. Ma jirto maanta cid noo
maqani, waana in aan gacmaha isqabsanno kuna dadaalno wixii tabarteenna
ah inaan ku difaacanno dalkeenna. Waxaa kale oo aan halkaan uga
mahadcelinayaa walaalaha habeen iyo maalin u taagan sidii ay ummadooda
uga badbaadin lahaayeen boobka iyo balaayada lala damacsanyahay.
Bashiir Shiikh Maxamed
bashirmohamud@yahoo.com
1. Wareegtadii Safaaradda ee
SS/102/3/207/79 (May 7, 1979) verbal note
(Halkan ka eeg)
2. Telex-kii magacaabista ee laga soo diray Muqdisho (May 1979)
Halkan ka eeg (FG. Khadda uu ku
qoran yahay Telex-ka oo
gabow ah awgeed ayaan si fiican looga arkayn marka lagu sameeyo scan)
___
America's interests in
Somalia: Four major U.S. oil companies are sitting on a prospective
fortune in exclusive concessions.
Faafin: SomaliTalk.com | May 24, 2010
|