Xaajo nimaan ogeyn indhahuu ka ridaa: Xeerka cusub ee
badda Soomaaliya
Qoraalkan waxaa igu dhaliyey markaan beryahan arkay
doodo , cabasho iyo qaylo dhaan ku wajahan heshiis uu wasiirka
Iskaashiga Caalamiga ee dawladdii dhawaan lagu soo dhisay Jabuuti uu la
sixiixday madax ka tirsan dawladda Kenya. Sababta aan u doortay
cinwaanakan waa iyadoo ay ii muuqatay in waxyaabo badan aan laga fahmin
heshiiska iyo anoo laf ahaanteyda aan ka sii cudurdaaranayo in aan
aqoonteyda gaaban ee mawduucan ay keeni karto inaan faham la’aanta sii
kordhiyo.
Si aan faham fiican u helnno waxaa habboon inaan ku
tiri-teen iyo war aan sugneyn aan ka gudubnno oo aan wax ka ogaanno waxa
uu yahay heshiiskan iyo waxa khasbay ka hadalkiisa xilligan. Waxaa jiray heshiis la magac baxay United Nations
Conevention on Law of the Sea (UNCLOS) ama
Law of the Sea Convention or Treaty. Heshiiskani waxa uu qeexayaa
arrimaha khuseeya badda iyo waxa ku hoos jira xeerkii lagu maamuli lahaa
iyo xuquuqda iyo xadka biyaha ee uu waddan kasta maamulkeeda si gooni ah
u leeyahay. Heshiiskaas waxaa wada hadalkiisu socday
muddo 10 sano ku dhow oo ah 1973
ilaa 1982. Waxaa la soo gabagabeeyey is af-garadkiisa
1982 markaas oo ay
bilaabeen dawladihii ka qeybgalay iney saxiixaan. Soomaaliya waxay
saxiixday 10kii December 1982. Si uu u dhaqan galo waxaa loo baahnaa in
dawladihii oggolaaday iney “ratification” ama “meel marin” waxa
loo yaqaanno ku sameeyaan taasoo Soomaaliya ay qalinka ku duugtay 24 tii
Luulyo 1989, Keenya waxay
qalinka iyana ku duugta 2 dii Maarso 1989. Heshiiskani wuxuu dhaqan gal
noqday 1994 markii dawladdii 60 naad oo aheyd Guyana ay qallinka ku
duugtay. Ilaa manta waxaa heshiskaas ku biiray 157 dawladood. Qodabada
heshiiskaas waa fara badan yihiin balse qodobka hadda dooddan iyo
muranka keenay waa qodobka 76 aad ee heshiiska UNCLOS. Qodobkaas oo ka
hadlaya waxa la yiraahdo “Continental Shelf” oo ah xadka ka baxsan
200 ee niyuutikal mile (200nmi) ee biyaha waddankaasi isla markaasna aan
ka badnaan karin 350nmi marka laga soo cabbir qaato jiinka badda
(baseline) waxaa hogaanka u haya guddi hoosaad UNCLOS u samaysey oo la
yiraahdo Commision on Limits of the Continental Shelf (CLCS). Halkan
ka akhri qodobka 76 aad oo ku qoran af ingriis siiba aad ugu kuur-gal
saddexda qodob ee ugu dambeysa 8, 9, iyo 10.
Sida
wasiirku sheegayba waa jirtaa in looga baahan yahay waddamadii heshiiska
saxiixay iney soo gudbiyaan waxa loo yaqaanno “Extended Continental
Shelf” ama ECS haddii ay 1999 ka hor saxiixeen heshiiska taasoo
Soomailya iyo Keenyaba ku khasbeysa iney saxiixaan (sida ku cad qoraalka
hoose boggiisa 114 aad oo sheegaya in waddamadii saxiixay heshiiska 1999
ka hor ay hadda 10kii sano ee loo qabtay ka dhammaaneyso sannadkan)[1].
Qaylo dhaanta ah waddankii qeyb in loo hibeeyenayo Kenya waxaan filayaa
inay salka ku hayso codsigaas ay labadii waddan ee bad wadaag ahi ay soo
gudbiyaan. Waxaa wasiirka amd ciddii
kaloo sharci yaqaan ah ama u dhuun daloosha arrinkan looga baahan
yahay iney faah-faahin ka bixiyaan in codsigani ku saleysan yahay in dib
loo eego xaduud badeedka labada waddan waayo ilaa hadda 7 waddan oo
kaliya ayaa codsiga dib u eeggidda ee ECS u gudbiyey guddiga CLCS.
Haddiise codisgaan yahay wax aan salka ku heyn dib u eegid xadka badda
ee labada waddan maxaa hoos geeyey qeybta ECS? Waxaa
kaloo aan caddeyn in 10 kii sanaba mar la cusbooneysiiyo oo u baahan in
la is weydiiyo yaa noo cusbooneysiiyey hadda ka hor illeen labaatan sano
ayaa ka soo wareegtey muddaddii aan saxiixnay oo aheyd 1989? Waxaa kaloo
su’aal ka jirtaa labaatanka sano ee wasiirku sheegay jiritaankeeda
maadaama qoladii xataa 1999 ka dib saxiixdey ay heysato fursad 10 sano
ah oo keliya iney codsi ECS ah ku soo gudbiso.
Laba
arrimood oo wasiirku afka ku dhuftay oo aad dareenkeyga wax ugu dhimay
isagana aqoontiisa iyo karaamadiisa wax u dhima kara waa:
1.
Soomaaliya
iyo Keenya wax xuduud badeed ah horey uma laheyn
2.
Codsiga
cusub ee fidinta xadka badda (ECS) waxba dhib ah ka imaan mayso.
Waa
tan kowaade ma wuxuu wasiirku filayey in sidii goofkii oo kale dhagax
ama tiirar badda dhexdeeda laga dhex taago? Ma fahamsan yahay waxa laga
wado 200 oo cabbirka meylka badda ah iyo sida adduunka badihiisa u kala
xadaystaan. Fadlan ka fiirso hoos sida loo cabbiray biyaha badda. Waxaan
u soo jeedinayaa wasiirka inuu raalli gelin u diro ciidankii badda ee
Soomaaliyeed iyo masuuliyiintii waddanka ee baddaaas dhereka badan
cadawga ka hortaagnaan jirey isna maanta uu ku hadaaqay ma xad badeed
baan lahayn.
Waa
tan labaade khubarada uu saddexda saac shirka la qaatey miyaa ka cilmi
badan kuwa adduunyada oo sidaan wax uga qoray markii la cusbooneysiiyo
heshiiska noocan oo kale ah. “New
ECS boundaries will have far-reaching implications for scientific
research and governance. The increase in potential juridical continental
shelf is large, posing management and security challenges as well as
potential economic benefits to coastal nations”[2]
Haddii
af-soomaali loo fasiro macnaheedu wuxuu noqonayaa “heshiis cusub oo ah
fidinta xadka kore ee badda (Extended Continental Shelf or ECS) wuxuu
keenayaa mushkilad qoto dheer oo xagga cilmi baarista iyo maamulka ah.
Wuxuu kaloo saameyn xoog leh oo xagga dhaqaalaha iyo nabad gelyada iyo
maamulkaba ku yeelanayaa waddamada xeebta ku yaal”.
Waxaa
iyana mad-madow ku jiraa hadal wasiirku ku sheegey in ay dawladda Yemen
ay la furayaan heshiiskan mid la mid ah maadaama uu iyana waqtigeedii
dhammaaday. Dawladda Yemen waxey saxiixdey heshiiskan 21 kii Luulyo 1987
taasoo ku tusineysa iney
muhiim aheyd in la hor mariyo haddiiba cid wax lagala xaajoonayo.
Sawirka oo weyn:
http://en.wikipedia.org/wiki/File:Zonmar-en.svg
Waxaan
rajaeynayaa in qoraalkeygan uu
iftiimeyey sida dawladda iyo masuuliyeenteeda u xilsaaran arrimahan ay
uga gaabiyeen sidii war bixin buuxda oo heshiiskan ku saabsan ay u bixin
laheyd taasoo ka hor tegi laheyd shakiga ah in waddankii
xuduudihiisa lagu xad gudbay. Waxaad
kaloo mooddaa in qolyaha dhaliisan sida heshiiskan loo wajahay ay iyana
jaahwareer iyo qaylo dhaan aan ku saleysneyn baaris cilmeyeysan
iyo caddeymo ay bulshada u soo bandhigaan marka laga reebo
qoraallo faro ku tiris ah.
Abukar
Y. Warsame
(abukar60@netscape.net)
Tixraac: