Home » Warar »

50 Sano kaddib oo Hargeysa markale loogu baaqay in ay hormuud ka noqoto Midnimada Qaranka iyo ummadda Soomaaliyeed

Barnaamij uu baahiyey Telefishanka Aljazeera, qaybta Afka Ingriisiga, ayaa waxaa looga hadlay midnimada Soomaaliyeed, doorashada Somalilanad, iyo in xisbiga ku guulaysta doorashadaas ay la gudboon tahay inuu hoggaamiyo nabbada iyo midnimada guud ahaan Soomaaliya. Waxaana barnamijkaas doodda ahaa ka qayb qaatay Prof. Cabdi Samatar oo wax ka dhiga Jaamacadda Minnesota, Prof. Afyare Cilmi oo wax ka dhiga Jaamacadda Qatar iyo Maxamed Cabdullaahi Cumar oo ku sugnaa Hargeysa. Barnaamijkaas Halkan ka akhri/Daawo...

Maanta waa June 26, 2010. Xorriyaddii Soomaaliya waxaa ka soo wareegtey 50 sano (June 26, 1960), waxaana markale ay professoradu ugu baaqeen Hargeysa in ay hurmuud u noqoto midnida Soomaaliya.. RIIX/GUJI...

“isku daygii ay Somaliland ku raadinaysay aqoonsiga waa lagu guul daraystay, waxaa sidoo kale lagu guul daraystay isku daygii in la askumo dawlad dhexe oo ka jirta Muqdisho, sidaas daraadeed maxaa hadda inaga hor taagan in aan isku dayno hab fikir cusub oo ah in aan Qarankii Soomaaliya ka soo askuno ama asaaskiisa ka soo dhisno Hargeysa.” prof. Afyare…

“Haddii dadka Woqooyiga Soomaaliya ay hoggaamiyaan maamulka dhammaan dalka oo dhan, waxay haystaan fursad aad u weyn oo ay arrintaas ku samayn karaan.” prof. Cabdi Samatar…

“Soomaaliya waa in ay ahaato hal wadan ugu dambaynta” Ranneberger, Safiirka Maraykanka u fadhiya Nairobi…

“marna laga hadlin in Muqdisho lagala wareego xurmadii caasumad nimo, laakiin xitaa haddii taas la qaato ma aha arrin laga argagaxo ama lala yaabo” Dr. Guutaale la Taliyaha Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha DFKMG

Warka iyo Barnaamijka oo dhan ka akhri halkan/DAAWO…

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

21 Jawaabood " 50 Sano kaddib oo Hargeysa markale loogu baaqay in ay hormuud ka noqoto Midnimada Qaranka iyo ummadda Soomaaliyeed "

  1. Wadani says:

    Waad salaamantihiin bahda Somalitalk, intaa kadib ma xuma warka Prof. Afyare oo ah Caasimada Hargaisa, lakii haddii qabiilkii yiraahda Somaali waa ka go’aynaa lagu maslaxo Caasimad iyo Madaxwyne qaata soo noqonmayso xarigaa furan ilayn dhaqanka Somaalida waa naqaan oo horay ayaan usoo aragnay Jamhadihii SS’ ta ee dalka lagu burburiyay ee isku dayashada ahaa.
    Mid kale dadka leh reer waqooyi waa arrin khalad ah in la isticmaalo eraygaa waayo reer waqooyi oo dhan iskuma waafaqsana arinta kala go’a qaranka Somaaliyeed.

    Ninbaa wuxuu yiri anagaa keenay Midnimada Somaaliya, taasna waa taariikh nagu cusub oo midnimada Somaali weyn ka shaqaynteeda waxa bud dhige u ahaa urrurkii SYL.

    ILLAAHOW dadkayga midnimada ku hannuuni.

  2. run sheege says:

    fikrada in hargeysa laga dhigo casimada somalia waa fikrad fiican

  3. Abdi says:

    Soomaaliya waa hal halwadan hal dad. wixii intaas dheeri waa minja daalis!

  4. hargaysa wax ma xukumi kartoo ninam sumaysan oon dadka somaliyeed arki karin baa jogee ilaahow somaliya nabadka dhig sool iyo sanaagna waxa dagan dad somalinimadu ku dheertahay ilahaayga raxmaankana waxan ka rajaynayaa inuu ina urursho hadan somali nahay o hal inaga dhigo amiin

  5. Danjire says:

    Salaanta mudnaanta le dabadeed.

    Soomaalidu waxay ahaayeen qabaa’il ku heshiiyey in ay dowlad noqdaan. Halgankii ay qabaa’ilkaasi qaadeen mira-dhalkeedii wuxuu ku soo abyoodey in qeyb kamid ah qabaa’ilkii ay ku midoobaan dowlad dhexe. Mid ku dulmanaa iyo mid dulmi-fale ahaaba, waxay yeesheen hal calan hal dastuur iyo hal kuri oo ay ku yeeshaan golaha caalamiga ah ee UN-ta. Kuwa daneystayaasha ah ee luggooyada la daba-taagan qabaa’ilka waqooyi, waxaa ku filan in ay imaneyso maalin shacabku garto oo loo eryoodo sida dagaal-oogayaashii Xamar. Marna suuragal noqon meyso in qabiil uu fadhi ka helo golayaasha caalamiga ah. Haddey taasi dhacdona qabiil walba taas ayuu raadsanayaa. Haddaba waxaan leeyahay, adduun lagu seegye haku aakhira seegin goosashada humaagga ah. Midda keliya oo Soomaali isu soo celineysana waxay tahay caddaalad, qof kasta wuxuu xaq u leeyahay in uu helaa.

    Eebow dembownaye maqfiro ha inoo diidin
    Xog-ogaal

  6. wadani says:

    somalia waxaa kala jari karo reer SOOL iyo reer SANAAG iyagana marabaan in lakala jaro somalia. sidaas darteed waxaan kula talinayaa dadka rabo in lakala jaro somalia ineey ka faaiideystaan fursadda ween ee ay heystaan ee ah ineey hogaamiyaan dalka magaalo-madaxna laga dhigo hargeysa. looma hadlo af baa igu yaal! waxaa muhiim ah in la xisaabtamo oo la sheego wax aqligal ah.

  7. waxaan salaamaya dhamaan asxaabta meesha fekerkooda ka dhiibanaya waxaan somalida alle uga baryayaa inay caafimaad helaan way bukaane ta kale dadka wax qaybsi iyo tanaasul iyo caasimad hargaysa laga dhigo iyo yaan laga dhigin isku haystaa waxaan odhan laha ka nasta oo ka danraacda waxaa jira wax aan mara dhici karin inta aad aduunka ku nooshahiin 1 somaliland ama hala aqoonsado ama yaan la aqoonsan 100 sano ha gaadho malaga yaabo inay dib somaliya calan iyo dawlad iyo madaxwayne ka wada taliyo 2 maxaa naga saamaxa dhamaan dadka somaliyeed oo ma nihin dad ciil qaba waxaanan nahay dad ka duwan kuwa uura iyo afka uun ka buka mabda diineed iyo mid siyaasadeed midna aan lahayn somalia waan ka xumahay dhibta ka dhacaysa alle haka qaboojiyo somaliland himaladeeda dib u noqosho malaha qunbaha sobageee qotoma qormada wiilbaa dhigteee ka quusoo ha quudarayn waqti dhaw somaliland wayba ka dhamaanayaan dadkii midawga somalia iyo waxaas soo gaadhay yaa idin yaqaanba

  8. Somali says:

    Aad Baan u Salaamayaa Dadka Somaliyeed ee Halkan ku Hadlay… Kuna Iimaan Qaba Inay Somali Yihiin….

    Waxaan Odhan Lahaa Xaalka Waqooyiga Somalia… Dadkaas Dad baa ka xoreeyey Gumaystihii Raran Jiray in badan oo iyaga ka mid ahna u bixiyey Mikel iyo Marry.. dadkaas uun baa damacoodu mar walba soconayaa…. Hadaan gurigayga Maro Sudho… Dhowr NGo oo ay leeyihiin Catholics-ka Romanka iyo Protestins-ka Serbia… ay iikeenaan Digir Iyo Gallay Dhacday./.. I Belive inaan aniga iyo Dowladnimo kala dheernahay…. Haddii cidi saa dawlad ku noqonaysana Cid Walbaa Waa samaysan Lahayd…..

    Jiritaanka Somalia Waa Wax ilaahay sameeyey oo aan lahayn ka gabasho iyo ka muran midna waxaanu anigu ku soo gaabinayaa hadalkayga tuducdan odhanaysa” |Somalia Ninkii Diidayaa Dibadda Haw Guuro|”

    Somalia Way Jiri Wayna Joogi Insha allaah…

  9. xasan says:

    Asalaamu Calaykum, Somalitalk. Salaan kadib. Maxumo fikradda profesor Afyare ee ah in caasimadda loo wareejiyo Hargeyso laakiin, waxaa isweydiin mudan… reerka dago Hargeyso ee ah reerka ka dambeeyo fikradda ah in Somaliya lakala jaro, ma ogolyihiin in Hargeyso laga dhigo caasimadda Somaliya oo sidoo kale maku qancayaan ineey ku guul dareysteen aqoonsi raadinti? Aniga aad baan usoo dhaweynayaa in Hargeyso laga dhigo caasimadda Somaliya, sababta oo ah waxaan aaminsanahay ineey tahay sida kaliya ee lagu badbaadin karo Somaliya. Ugu dambeeyn, waxaan usheegayaa dadka soo dhiibtay fikradahooda ee aan rabin in Hargeyso laga dhigo caasimadda Somaliya, ineey Hargeyso uqalanto caasimadda Somaliya maanta reer waooyi galbeedna aysan ubaahneen reer waqooyi bari iyo koonfur laakiin reer waqooyi bari iyo koonfur ay ubaahan yihiin reer waqooyi galbeed. WAXAAN AAMIN SANAHAY INEEYSAN MAANTA MUQDISHO UQALMIN INEEY AHAATO CAASIMADDA SOOMAALIYA.

  10. Omar Ismail says:

    Asc marka hore salaan kadib thnx ayaan leeyahay somalitalk howsha ay u hayaan umada afka somaliga ku hadasha inta kadib aan u daa daggo dulucda u jedkayga aniga oo ka shidaal qaadanay ninka magaciisa ku sheegay A.Abanur .
    Sxb asc marka hore inta kadib sxb waxaan horta ku dhihi lahaa wax ha iska soo qorin adoon hoostaada eegin waxaana jelcahay inaan ku xasuusiyo Hargaisada aad leedahay caasimad inay somalia u noqoto lama yeeli karo ogow sxb inay tahay midii shalay iyada oo awood kasta leh oo xornimada kaa hor qaaday inay kaaga tanaasushay dano kasta oo ay lahayd oo ay kuu ogolaatay inad qadato caasimadii,madax waynihii iyo walibana ra’iisal wasaarihii,adiga oo aan eegin bal umada kuu soo gaclootay wax walba inaad xataa siin waydo raiisal wasaare iimaan daradaada ,maantana nabsigii ayaa ku haya ee ka dabaalo sxb.
    waxad kaloo xisabta ku darsataa maanta Hargaisa ma iyada ayaa kuu baahan mise adiga ayaa u baahan iska hadloo ina igare looma hadlo walaal ee waxaad ogaataa daata un daryeel somaliland kuuma soo socoto .
    Maroodiga takarta saaran ma arkoo ee ta kaluu arkaa ayuuna warkaada yahay .
    Dhamaan umada meesha isugu timi iga raali noqda iyo somalitalkba hadaan gafay wa xagayga hadaan wanaag sheegayna wa xaga eebe subxaana watacaaal .
    Fii amaani laah.wscwwbrkth.

  11. asalamu calayku warax matula wabarakaatuhu ,waxaan idiin sheegayaa haddaad reer koonfureed tihiin haysku maaweelinina khiyaal iyo riyo barkumataal ah ,somalino,walaal nimo,qaran nimo ,wada jir ,intaba annaga ayaa idiin keennay ,laysaga sheekayn maayo waxa shacbiga reer somaliland kadhaxleen,ga,aan marnaba laga noqonayn inaan gooni isu taagno marlabaad dab aydoonto hakulaashee, sidaannu u ognahay waxaytahay somaliweyn uma ogidin, waxaa keliya oo idin shaqaysa maskaxda qaybta xaasidnimada ,xaqiirnimada,lahadhnimada.iwm.waxaad rabtaanna waa intaasi iyo in la mid ah ee qaranimo ,wadaniyad ehel uma tihiin waayo aragbaanu u nahay taasi (dabkii waa hore ku gubey danbaska waa laga guraa hadaad dib ugu joogsatana adiyo doqoniinadaa) soo barta somalinimo qaranimo ,wax layidhi nin kaa war roon ku waraystaa muxuu leeyahay, laydin ma samayn waxan ka hadlaysaan bal yaabkan eeg!!!!!!! somaliweyn waa maqadas afkaa idinka bartay islayaabaa, maxaad somaliland ka rabtaan aan xaasidnimo idinka guuxaysa ahayn, khayraadkii ,beerihii,baddii,iyo ilaa kaneecadii idinkaa iska leh ilaahay wixiinna haydin tuso. waxaa laga hayaa gabyaa somalilander ah ……………
    (marwo hadal xun maangaab ninkeed maqasha baa dhaanta ,madi cararta maqasheeda koris minowsan baa dhaanta ,xidid aan murwaad kala helay malihi baa dhaanta, walaalkaa aan mukhaalofo lahayn maqanahaa dhaama.
    hadal lama saaraado waxaan idin leeyahay ragow barasho geelowna rarasho waxaad doonaysaan majiraaan waxaannu ognahayna ma ogidin waxaad jeceshiin inaynu is jiidanno oo keliya tashada caqligana isticmaala
    arka waxa belo iyo baas idinku dayran idin mee waa laydin sahan saday waxaannu 1960 aragnay weli indhihiinnu maqaban ma diirsado walaal keed intay dunida joogtee doqoneey dabkaa be. sida idinku aad u necebtihiin somaliland idiin ma necba (LONG LIVE SOMALILAND) BY JUNDI

  12. marka hore waxaan salaamayaa dhammaan bahda reer somalitalk, mark kale waxaa wax lagu qoslo ah dadka ku taliyey hargeysa somali ha u taliso.
    ma xuma taladaasi laakiin miyaydinaan ogeyn dhibta iyo burburka soomaaliyeed inad hargeysa (waqooyi) ka damaysey miyayan ahayn ragii xabashidu soo hubaysay
    oo dalka ka riday dagaalka ilaa iyo haddana ka shaqaynaya sidii somalida koonfureed ay u bi,ilahayd iyana u barwaaqoobi lahaayeen si ay u helaan aqoonsi. Ma weyen ahayn kuwa ragga hogaaminayaan marar badan ku dhawaaqay wiilka ku dhashay mogadisho waxaa naga xiga kan ku dhasha
    addisababa. ma wayana ragii u saxiixay xabashida inay qaataan magaalada zeylac oo deked ka samaystaan. waxasoo dhan waxaa daran somali ma rabaan? ma doonayaan? ma maqlikaraan? Bahi waa in istaqaan dadka degan gobolada waqooyi haddii ay doonayaan in soomaali heshiiso bilbay ku heshiisiin lahaayeey ee waxay rabeen soomali halaageeda ma wada aha dadwaqooyi oo dhan kuwa aan hadalka ula jeedo ee waa kuwa lagu yaqaan arrimahaas.

  13. A.Abanur says:

    ASCWW,

    Salaan ka dib, waxaan jeclahay in aan halkan ugu soo gudbiyo Maxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane: SHEEKH SHARIIF iyo Xukuumaddiisa KMG ah in ay si feejignaan ah ugu fiirsadaan arrinta Tanasulaadka ah ee Gobollada Waqooyin ay siinayaa sida Madaxweynaha Qudbadiisa ugu dambaysay uu kaga dhawaajiyey, macnaheedu ma aha in Reero degga Waqooyiga Soomaaliya ee dalka Soomaaliya muddo 20 sanno ah ayga sida ay doonaan u dhaqmayey in maanta lagu qanciyo in la yiraahdo waxaad dalka Soomaaliya ka noqoneysaan Madaxweyne, magaala madaxdii dalka Soomaaliya Hargeysa ayaa laga dhigayaa, waa arrin runtii la ogolaan karin, waayo haddii ay taa dhacdo macnaheeda waxa weeye in dadalkii dalka Itoobiya ee uu ugu jiray arrimaha Soomaaliya oo lagu Guuleystay, dowladnimadii Soomaaliya in ay meeshaa ku dhamaatay, aad waa in looga fiirsadaa arrintaa ayada ah, sida aad la socotaan Gobollada Waqooyiga iyo Waqooyi Bari ee Soomaaliya waxa hadda looga taliyaa Itobiya, waxaana sahlanaaneysa kala go’ dalka Jamhuuriyada Soomaaliya, waa in lagu adkeystaa Midnimada Soomaaliya iyo Muqdisho in ay ahaaneyso Magaala madaxda Soomaaliya, waxaan filayaa in aad sidaas iila garan doontaan.

    Wabillaahi Towfiiq

  14. hambalyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed nisful qarnigaas ka soo wareegtay markey xuriyadooda heleen.
    bahhda somalitalk waa mahadsanyihiin fursadaan ay na siiyeen.
    Ilaaahay xarigisa ha la qabsado wanaaggana ha la isku kaashado sida uu ina amray waa la guuleysanayaa haddii Alla idmo, marna yaan la quusan. Wa billaahi towiiq.

  15. somalilander says:

    salaan dhamaan.
    waligay maan arag ummadan reer somalia wax ka indho adag,umada tashatay ee hore u socotay ayay ku mashquulsan yihiin,waar quusta somaliland socotay,xagee lagu soo noqdaa ma cadaabta aad ku jirtaan,maya maya maya,

    caqligaa xumi waa waxa aad wax lanoqon waydeen inay cid kale wax noqotana aydaan u ogolayn,
    takale walaahi shakibaa iga galay inaad waalantihiin iyo inaad suuxdin waqtiga aad ku dhaaftaan ku jirtaan baann kala garan laahay,

    somaliland iimaansada ma joogto meel dadkeedu saaqidid yihiin in lagu soo celiyo.
    viva somaliland iyo dadkeeda qurxoon ee caqliga badan

  16. abdilahii says:

    asc MARKA HORE WAXAAN SALAAN QAALIYA SALAMAYA BAHDA SOMALI TALK intaa ka dib somalia waxa maanta ka jira waa wax mar hore laga shaqayey balse ma aynan garan waxaa la yiri lafo geel iyaga ayaa laysku jebiyaa hada somaliyey yar iyo weyn waxaaad ogaatan inta aad ka hadleysan hargeysa ha laga dhigo magalo badax maba xumee horta dalkii meeh dadkii meeh waxay ila tahay qofkasta oo somalia wuu ogyahay somaliya in aysan jirin cid inaka nexesa ama inoo dan qaneysa in layna sii baabi iyo mooyee waayo mar kii dhib ku hayso waxaa kaa naxa qof aad wax wadaagtaan isku dad ama isku dal ama isku diin hadaba midna malihin waxaad ogatan wlala malihin aabe malihin adeer malihin abti malihin ehel aan wax wadaagno malihin yaan lee nahay waa rabi uun wsc sorry wixii khalad ah

  17. mohamed isse says:

    as,c,w,w , dhamantiin akhyarta bahda somali talk, waxan hanbalyo usoo jeedanaya sanad guuradan 50 kontanad ee xoriyada soomaliya manta , waxan ladhac sanahay walalahay somali land sida ay u meel mari riyadoodi ku dhisneed doorasho xor ah, wayna mudan yihin in ay wadanka hogaamiyaan , madama ay somalida inta kale ay caqli dhaman, inta soomalida ay dhamanteed isaga imanayso waa in hogan looga dhigaa hargaysa, waa in aan waqti danbe lagu dhumin mogdishu oo noqotay goobta laga soo hago burburka soomaliya gumaystahana xarun u noqotay waxay ila tahay fikirkas hadii la taabo galiyo in u shaqayn lahaa, waxaa un igu raaci kara fikirkaas qofka garanaya ummadnimada macneheeda iyo qaranimo xal u radin ku dhisan, sidaa iyo nabadey

  18. Assalaamu caleykum waraxmatullaah,salaan kadib haddaanu nahay reer koonfureed waa inaan aqbalnaa in nalaga xukumo hargeysa inta ay kalsoonidii soo noqoneyso,sababtoo ah waan ku guuldareysaney inaan sameyno nidaam awoodleh,sidaa darteed waa inaan walaaleheena reer waqooyi u ogolaannaa iney waddanka hogaamiyaan,wassalaamu caleykum.

  19. Faisal says:

    Somaliland waxay ku hungowday midnimadii hore 1960-kii ee walalahooda kale ay la galeen hadana sidaas Oo ay tahay sida dadka qaar moodayaan uma sii fogin hadaan nahay reer Somaliland laakin waxaan filaya in aanu la’nahayba cid aanu la hadalno ilayn dadku markay wada hadlaan ayay wax meel dhigtaane, mana rabno israac danbe oo bila shuruud ah!

  20. Amaanullah says:

    Aniga waxaan raacsanahay in Somalia laga xukumo waqooyi lakin in Caasimada laga soow areejiyo Muqdisho waa guuldaro wa ahadii ay dacdo sababtoo ah Hargaysa maahan meel uq alanta Hurmoodka dalka sababtoo ah waa dhul oomane ah aana beero lahayn dekado lahayn lakin muqdisho waa ishiiw adanka

  21. waxaan qabaa in arinta xeerka caasimadda soomaaliya aad loo buunbuuninaayo meeshii la rabay in la baadi doono aslan soomaalinimadii iyo sharaftii qaranka soomaaliyeed oo gacanta u,gashay shisheeyo weliba siina dhumeysa nadaamka xukunka soomaaliya woxow ku cadyahay nadaamka ey kuwa aaminsan haddana magaca wata ey kusoo qorteen keenya waana fuli la,yahay waa federaal maxaa yeelay taladiiba soomaali gacaanteeda kuma jirto.
    waxaan qabaa waxaa mudan in maanta shirar loo qabto arimahaan,islaamka iyo dowlad wadaagga,yaa xaq uleh iney xukunka qabtaan,sedeesa lagu gaari karaa in dalku dego,sidee leesu waafajiyaa danaha guud ee dowlad nimo iyo kuwa gaar ahaaneed ee qa,baa,ilka iyadoo aan midna kan kale ku xadgudbin,sedee loola dhaqmaayaa daahirada xagjirnimada ma leesu dhiibaayaa,mala ma awood ayaa loo sheeganaayaa sida ey qabaan reer galbeed.
    walaal waxaasoo dhan ayaa u,baahan in si cumqiya looga doodo laakin waxaan u,arkaa in mashruuca caasimadda iyo xeerkeedu yahay qunbulo cusub oo soomaaliya la doonaayo in shaki iyo colaad cusub looga huriyo dad gaara ayaana lagu baacsanaayaa sida ka muuqatay khudbadaha ragga qaarkood waxaana ka dhalanaya sida iska caadigaa tadharuf mucaakas ah oo dhanka kale oo hadafka ah ey ku tilaabsadaan waana waxyaabaha hadda shirar badanu ka socdaan marka walaal umaddaan waxbaa lala damacsanyahay ALLA ayeysa leedahay mahadsanidiin dhamaan reer SOMALITALK shkran.