SOMALITALK.COM Dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALIA FOR SALE

Somalia for Sale

Soomaaliya waa iib (4)

AMISOM (MUKULAAL-MADAW).

Qore: Axmed sadiiq
Sadiiq120@gmail.com

Waa barnaamij toddobaadle, taxane ah...



Hordhac :

Boobka Soomaaliya ka jira waxaa kamid ah maxlalka ay sameynayaan ciidamada AMISOM, iyo isdaba marinta ay ku hayaan qaranka. Qormadan waxaan ku eegi doonaa ciidamada AMISOM ee jooga Muqdisho, looguna magac daray nabad ilaaliyeyaalka (African Union Mission in Somalia Peace Keeping) waxaana ka jaawaabi doona su'aalaha kala ah: yaa abuuray AMISOM?, maxay u yimaadeen?, wax ma dhisaan mise waa dumiyaan ? Maxay cunaan? Yay ilaaliyaan ma dawladda oo dhan mise qaarkeed? Lacag wadanka masoo galiyaan? ciidamada Soomaalida wax xariir ah maleeyihiin?, Soomaalida guud ahaan maxay ka'aaminsanyihiin?.

Yaa abuuray AMISOM?


Abuurayaasha amisom(fikrada)

Marka laga hadlayo ciidamo ka yimi wadamo kale, iyo dawlado aysan Soomaalida isku dhaqan ahayn, masahlana waayo waxaad dareemi kartaa in uu jiro dhib aad u weyn keenayna in la'adeegsado ciidamo kale, la'iskuna adeegsado jihooyin kale, kadib markii Soomaalida dhexdeeda ay isku qasabtay arinkaas oo qofka Soomaaliga la gaarsiiyay in uu maciin bido asal ahaanba jiha aan ahayn Soomaali arinkaasna waa cudur jiray 20kii sano ee laso dhaafay, ayna keentay nabsiga MUKULAAL-MADAWDA oo Soomaalida qaarkeed lagu qasbay si'ay u noolaadaan.

Haddaba ciiidamadan Afrikaanka ah qaybtii ugu horeysay waxay Soomaaliya soo galeen 03/06/2007, go'aaminta ciidamada kasoo bilaw shirkii Addis-ababa 18/01/2007 isla shir kale oo ka dhacay Sirta Liibiya 25/01/2007, kadib Adis-ababa ayaa lagu go'aamiyay 12/02/2007, in Soomaaliya lageeyo ciidamo dhan 8000 kun oo askari, waxaa markaas balan qaad sameeyay Ugandha 1500 askari, Burundi 1700 askari, Malaawina 500, Gana iyaduna waxay sheegtay 300. Yaboohaas ciidan ilaa hada waxaa wax ka fuliyay Ugandha iyo Burundi. Xaga maal-gelinta dawlado ay kamid tahay Maraykan iyo Yurub ayaa lacago badan bixiyay. Maraykanku wuxuu bixiyay 100 Milyan oo Dollar, Yurubna 20 Milyan oo Euro, Carabtu waxay balan qaaday 1milyan oo Dollar, Liibiya iyo Aljeeriya ayaa ayaguna dusha u ritay dhanka hawl fududeynta ama loojistikada ilaa hadana Aljeeriya waa wadaa hawshaas badanaa diyaaradaha AMISOM wax u keena waxaa laga leeyahay Aljeeriya.

Qoraalkii kasoo baxay Q/midoobay ee tirsigiisu ahaa 1725 waxaa lagu sheegay sanadka ugu horeeya AMISOM in lagu Kharash gareenayo 340 milyan oo Dollar, lacagta ugu badan ee ay helaan waxaa bixiya Maraykan iyo Yurub.

Ciidamadaan waxay yimaadeen inta aysan imaan dawladaan hada, waxayna ka dhaxashay dawladii ka horeysay, taas macnaheedu ma'aha waxaan dhaxlo waa dhaxal aabahay iiga dhintay waa lama taabtaan, lagamana hadli karo ciidamadan waxaa lagama maarmaan ah in la cadeeya dawrkooda iyo waqtiga ay baxayaan maxaa faa'ida ah oo ay noo hayaan? Maxaase khasaaro la yimaadeen?.

Maxay u yimaadeen Somaaliya ?(MANDATE)

Sida AMISOM ta sheegatay kuna qoran qoraaladooda waxay u yimaadeen sedex arimood oo kala ah:

  • (i) To provide support to the TFIs in their efforts towards the stabilization of the situation in the country and the furtherance of dialogue and reconciliation,
  • (ii) to facilitate the provision of humanitarian assistance, and
  • (iii) to create conducive conditions for long-term stabilization, reconstruction and development in Somalia

Aan eegno qodobadaas:

1. In ay kaalmo u fidiyaan mu'asasaadka federaalka si uu wadanka u dago ogana qayb qaataan dib u heshiisiinta.

Su'aashu waxay tahay ilaa 2007 dii AMISOM wax kaalmo ah masiiyeen xukuumada mu'asasaadkeeda?, hadayba jiraan mu,asasaad taagan maka qayb qaateen in dib loo hagaajiyo? waxaan filayaa arintaasi waa afka wax laga sheegay ee aysan jirin wax musaacada ah oo ay u qabteen dawladda marka laga reebo in ay ka celiyaan weerarada oga imaanayo ururada kale. ayaduna aan filayo inaysan faa'ido lahayn, waayo waxaa ku dhamaaday ummadii oo dhan iyo dhaqaalaheedii. ilaa hada AMISOM darbi dumay ma'aysan dhisin in mid dhisan ay dumiyaan mooyee, taasna daliil uma baahna, wali ma aanan arag AMISOM oo shirinaysa odayaal si loo raadiyo maslaxad waa hadayba u yimaadeen maslaxa raadis .

2. In ay fududeeyaan gar gaarka in lagaarsiiyo dadka Tabaaleysan.

Intaan Muqdisho joogay ma maqlin AMISOM ayaa gargaar gaarsiisay qaxooti tabaalaysan, ama ugu deeqday lacag dhan intaas sababtu waxaa weeeye oo aan anigu isleeyahay ayagaaba tabaaleysay oo kayimid wadamo aad sabool u ah, waxii loo soo dhiibana kama badna, hadii maanta musaacado jiha kale u soo marisana yaa kula xisaabtamaya oo kuwii aan niqiinay ayaaba lala xisaabtami waayay? Ma qolooyin waxay u joogaan aanan aqoon miyaan la xisaabtamaynaa? waxay u joogaan ayagu inay is taakuleeyaan ee uma joogaan inay Soomaali taakuleeyaan?

Qof baa igula doodi doona; soo isbataalo ma maamulaan? taas jawaabteedu waxaa weeye nin wasiir ah baa ii iiga sheekeeyay qisadan: Wasaaradda markii lagu wareejinayay wixii lagu wareejiyay waxaa kamid ahaa hal Laptop, muda kadib buu safiirada Yurub mid kamid ah kula kulmay Nairobi, markaasay kawada hadleen taakuleyn, markaa buu ku yiri nin yahoow hal Laptop ayay dawladeenu ugu deeqday wasaaradaada, hadee wasiir layiri laptop kaas ma'aragtay ka waran? Shilin walba meeshuu galay iyo sababtuu u baxay waa u qoranyahay, anaga keenuna xisaab xir maba lahan, hadafna iska daa, marka isbataalada AMISOM waxay wax qiima leh malahan marka loo fiiriyo lacagta lagucunayo ee nagu magacaaban.

3. Inay jawiga u diyaariyaan in uu wadanka dago waqtiga dheer iyo in ay wadanka dhisaan hormarna u diyaariyaan.

Sida muuqata wadanka uma diyaarin karaan inuu dago ama hormaro, waayo qaab dhaqankooda ayaad ka fahmaysaa inay yihiin niman qandaraas un soo qaatay, dadaan cidna u naxayna iska xasuuqaya.

WAX MA DHISAAN AMISOM?


Xarunta AMISOM ee K4

Qofkii u fiirsada AMISOM waxaa usoo baxaysa inay yihiin ciqaab kamid ah ciqaabaha Soomaalida loosoo diray, inay guri taagan mooyee iyo weligood darbi ma toosin. Tusaale ahaan, meesha ay deganyihiin ee Makka Al-mukarrama waa meesha ugu burburka badan Muqdisho, waxaa maalin walba ku gadooma baabuurta laga soo raray dakadda Muqdisho, way fiirsadaan gacan uma dhaqaajiyaan, waxaan meesha ku arkay odayaal jooga oo ciida ku shuba baabuurtana ka qaata lacag waxii lasiiyo, mandate-kana waxaa ugu qoran inay ka qayb qaadanayaan fududeynta hormarinta wadanka, intaa waxaa dheer oo aan la yaabi jiray meesha ay daganyihiin guryihii ku yaalay ee awalba dunsanaa ayay docda kasii dumiyeen si ay ugu xareystaan madaafiicda ama baabuurta wax tuura ama mararka qaar oo tangiyadda ay gashtaan , ma,ayagaa lagula xisaabtamaa in ay sameeyaan waxii ay dumiyeen mise ayagaa wax dhisaba?

Waxaa jiray muwaadin Soomaliyeed oo dacwad ka keenay AMISOM-ta waxayna ku saabsanayd guri uu lahaa oo ay mudo sanad daganaayeen oo aysan wax kirana siinin gurigiina ay gabi ahaantiisii bur buriyeen guriga waxaa uu ku yaalaa NO4, ninkaas asaga ah wax uma suura galin, dacwadaas wuxuu keenay madaxtooyadda markaan ogaana wax loogama qaban intaas iyo in kabadan baa jira.

Su'aashu waxay tahay macquul matahay in dib loo eego shaqada AMISOM qabato mase lala xisaabtami karaa mise waa Khadd cagaaran .

Dhac dhac Malaga helaa AMISOM?

Horay waxaan ku soo sheegay in ciidamadda AMISOM lagu qarash gareeyo in ka badan 400 oo mliyan sanadkii, makula tahay lacagtaas hadii lasiin lahaa ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed, isbataalo loogu dhisi lahaa in aysanba jiri lahayn qof xabad rida.


Ugaali iyo Jabaati

Waxaa intaas dheer oo aan la yaabay ciidamada la sheego in ay gaarayaan 4000 ta kun ee askari, inayan Muqdisho waxba ka'iibsan haba yaraatee, cuntada ay cunaana ay ka keensadaan wadankoodii, waxayna u badantahay cunto wadani ah qandaraaska cuntada waxaa qaatay shirkaddo Amerikaan ah oo Mareykankii asagaa lacagta ugu badan siiya Amisom, hadana isla ayagii ayaa qaata, waxa ku baxana qof Soomaali ah kama helo shilin, xogtaas waa xog xaqiiqa ah shirkadaas saldhigeedu waa Xalane,(xaruntii hore tababarka qaran saarana dayuurad dageenka ama airporka aadan cade) biyaha ay cabaan ayagaa nadiifsada, cuntaduna waa ugaali (soor) ama jabaati, digir nooca Soomaalida u taqaan bebe shee, hilib kama iibsadaan wadanka digaaga, soorta iyo digirta dhamaan dibadda ayay ka keensadaan, biyahana shirkadaha Soomaalida ee sifeeya kama iibsadaan ee ayagaa sifeysta, dhulkayaga waxay kusoo kordhiyaani waa markay intaas cunaan inay musqulaha ama banaanka meelaha ay deganyihiin dhigaan. Arintii ahayd waxaa ay u yimaadeen hormarinta ka shaqeenteeda meesha ka saar ayadana.

Maxay ilaaliyaan AMISOM?

(Ujeedada ama) Mandate ka ay u yimaadeen waxaa kamid ah inay ilaaliyaan meelaha muhiimka ah iyo xukuumada. su,aashu waxay tahay qaabkee bay wax u ilaaliyaan? Waxaa ku qufulan oo ay aaminsanyihiin waxa loo soo diray inay tahay oo kaliya ilaalinta Madaxweynaha, R/wasaaraha, G/baarlamaanka, wasiirada maba is yaqaanaan wax xariirana kama dhexeeyo, waxay kaloo aaminsanyihiin inay madaxda sare ka'ilaaliyaan wax walba, Soomaalidda oo dhan xataa askarta dawladda iyo shaqaalaheeda. Tusaale ahaan hawlwadeennada xafiisyada aan soo sheegay marwalba oo ay xafiiska ka baxaan oo kusoo laabanayaan si'aad u fool xun ayaa loo baraa, mararka qaar aad dareemaysid hawshoodu inay tahay dullayn iyo sharaf ka-qaad. arinkaas oo aad loo dhibsan jiray hadana aan waxba laga qaban oo marar badan la'is weydiiyay nimankaan maxay waardiyeeyaan? Waxay madaxda ku abuureen cabsi aan sal iyo raad lahayn oo ah ka shaki qof walba ha'aaminin Soomaalida oo dhan, iyo ayaga kaliya inay amaanka madaxda sugi karaan, ayaguna waa aamineen, waxaa xusid mudan ilaalada Khaaska ah Maamulkii C/laahi Yuusuf kuma jirin AMISOM.

Intaan ogaa salaanta calanka waxaa madaxweynaha siiya ciidamada Afrikaanka. Nin sarkaal sare ah ayaan su,aal weydiiyay, waxaan ku iri: soo ceeb maaha in madaxweynihii Soomaaliya ay salaan siiyaan ciidamo ajnabi ah? miyaa lawaayay ragii dheerdheeraa ee salaanta bixin jiray? inta qolooyinkaan gaa gaaban salaanta bixinayaan? wuxuu iigu jawaabay: lama aamini karo, waxaan ku iri: ma lahaystayaal baa la'ahaanayaa? aaway ciidankeenii? hadalkayga dan kamuusan galin oo waxaa uu ku qanacsanaa in aan la gaarin xili askari Soomaaliyeed lagu aamino madaxweyne.

Xariirka labada ciidan (Amisom iyo kan Soomaaliya)

Hadii laba ciidan ay isku meel joogaan, meelo kala duwana ka amar qaataan, waxaa lagama maarmaan ah inay yeeshaan xariir dhinacyada hawl-gallada, Sirdoonka, is tixgelinta iyo ixtiraamka qaabka darajooyinka iyo waliba isku xirnaanshaha dhinac walba, arintu sidaas waa ka duwantahay waa arin muujinaysa argagax weyn, wax xariir ahi majiro, taasoo ku tusaysa inaan isku rati la saarnayn, oo an isku dan la'ahayn. maanta waxaan aragnaa in madaxda qaranku 100% ku aamineen aminigooda ciidan ajaanib ah, qorshahan aysan ku darsan sidii looga baxi lahaa gacantaas.

Xariirka u dhaxeeya labada ciidan waaba hadii loo ogolaado in lagu magacaabo ciidan waxuu lamid yahay xariirka u dhaxeeya qof waardiya ah iyo kan lawaardiyeeynayo, ciidamada Amisom waxaa ay aaminsanyihiin in Soomaaliya waligeed saan ahayd, dablaha AMISOM haduu ku soo hor-baxo janan Soomaali ah wadada oogama leexanayo, mana salaamayo, salaantii ciidanka. Su'aashaas waxaan weydiiyay nin sargaal ah waxaan ku iri: soo adiga ninkaan minjirka (waa jago ciidamada lasiiyo ama gaaraan) ah ee haysta madaxtooyada kama daraja sareysid? muu salaam kusiiyo? intuu aamusay buu yiri: Adeer waxaan ku korfadhinaa qaran la'iibsaday haraagiisii, Markaasuu ii raaciyay horta ma'ogtahay inaan seerjida(magaca ciidamada militariga Soomaaliya la dhihi jiray) ahaan jiray oo aan kaarta hebel wax ka dajiyay, halkaasuu war iyo calaacal dal dalay.

Xaga sirdoonka AMISOM waa u gaar, kumana xirna cidna, waxay leedahay jihaaz u badax banaan cidna wax kuma halaysato, taas waxaa ka dhalanayso in madaxdii cabsi galintoodii ay badato, oo xataa layiraahdo hebel baa ku dili raba, oon loo ogolaan inay lug ku imaadaan xafiiskooda oo lasoo saaro baabuur qafilan, taas maaha amni, ee waa cabsi galin ah ha'iga maarmin, dhibka sirdoonka u khaaska waxaa ka dhashay in qof ku xisaabtama daqiiqadaha warka uu keenayo uu soo gudbiyo mcluumaad been ah, sida ayagoo dhaha guri hebel waxaa ku shiraya madaxda Alshabaab, kadib meeshii duqeyn loo geysto arinkaasna waa ay dhacdaa badanaa waxaa intaas sii dheer sirdoonka Mareykanka iyo kan Fransiiska ah iyo kuwa kaloo aad u badan oo meesha ku hardamaya, waxa lagu hardamayo waa meel baaba,day waxaan ku timaami karaa Muqdisho maanta qubuuro korkooda lagu dagaalamayo kuna dagaalamayaan Soomaali aan xikmad badan lahayn, iyo dad Soomaaliya is leh ku taaksada ilaa uu qofka Soomaaliga ah gaaro waxaad rabto igu samee.

Madaxda ugu sareysa ee Amisom badanaa xafiisyada madaxtooyada wax xariir dhanka documentiga kama dhexeeyo, markay dan kaleeyihiin way imaadaan ayagoo wata baabuur qufulan way shiraan danahooda ayay ka hadlaan waana noqdaan, majecla wax qoraal ah inay soo diraan oo saxiixan waxay la tacaamulaan dawladahooda, badanaa Soomaaliya boobkeeda waxaa maanta ka qayb qaadanayo dawladaha Africa ugu dhaqaalaha yar uguna cudurka badana sida Ugandha iyo Burundi .

Boobka AMISOM

Lacagta Amisom waxay soo martaa dalaaliin badan, tan koowaad dawladaha ay ciidamada ka joogaan meesha iskama joogaan ee waxaa loo joogaa dhaqaale samayn, askariga caadiga ah mushaarkiisu waa 3000$ halka saraakiisha ay qaataan ilaa 5000$, laakiin saraakiishoodu waxay sheegayaan December 2008 in lacagta loo badiyay 400$ ilaa 750$ loogu daray,dhanka mishaaraadka waa la qariyaa arqaamta, waxaa dheer maktooda waxaa la bixiyaa 100 geel ah qiimahood, kii dhaawacmana waxaa uu leeyahay mag nuskeeda waxaa intaa dheer lacagta waxay ugu dhacdaa Accountiyo ay ku leeyihiin wadamadooda ee Soomaaliya maba timaaddo, oo marka ay joogaan Muqdisho aday kaa baryayaan in aad hal Dollar oo kaararka ah aad ugu shubtid teleefankooda si uu ola hadlo hooyadii oo ku nool tuulo ay ka dagaalamaan Jeyshu rabiga ku kacsan Ugandha, oo badankood waxaa laga keenay goboladaas.

Ciidamada Burundi badanaa ma,arki jirin, badanaana uma badna meelaha dawlada ama mas'uuliyiintu joogaan oo hawshaas waxaa qabta reer Ugandha, sababta ma'aqaan , waxaa shaki iiga jiraa in xataa tirada la sheego ee ah 4000 oo ciidan Amisom ay joogaan, waxaan isleeyahay ayagoo ciddooda jooga ayay mushaar ku qaataan Soomaaliya inay joogaan, anoo shakigaas ku dhisaya wax yaalo badan, sida dhulka oo aad u yar dartii iyo tirada lasheegayoo badan ayaa isku kay qaban waayay.

Su'aashu waxay tahay see ku baxayaan amisom, aniga waxay ila tahay sida ugu haboon oo ay ku baxayaan waa in Soomaalida wada hadlaan heshiiyaana hadii kale amisom baa laga hadlayaaye waxaa la,isku adeegsanayaa qolooyin loo duceen doono amisom-ta oo hada madfac baa laga qaylinayaaye waxaa la,arkayn meel ay joogaan baa wax soo tuuri doona markaas baa waaga markuu baryo la,arki doonaa cidii wax soo tuuray aanba la,arkin oo ay wada aadeen aakhiro,intaas ka hor waa in dadku xal keensadaan .

Dhamaan dhaqaalaha aan soo tilmaamay inuu Amisom ku baxana waa mid ku xisaaban in Soomaali la siiyay sadaqana ma'aha, mas'uuliyadaas waxaa qaadaya dadka Soomaaliya hor boodaya maanta dhinacay doonaan iyo magacay doonaan ha qaateene, AL iyo S midkay rabaana hala bexeene, ciqaabtooduna xaga Alle ayay jirtaa, adduun iyo aakhiro miday noqotaba.

  • Ilaa hada AMISOM darbi dumay ma'aysan dhisin in mid dhisan ay dumiyaan mooyee (inay guri taagan mooyee iyo weligood darbi ma toosin),
  • Soomaaliya waxay u joogaan ayagu inay is taakuleeyaan ee uma joogaan inay Soomaali taakuleeyaan.
  • Qofkii u fiirsada AMISOM waxaa usoo baxaysa inay yihiin ciqaab kamid ah ciqaabaha Soomaalida loosoo diray
  • Mararka qaar aad dareemaysid hawshoodu inay tahay dullayn iyo sharaf ka-qaad, xitaa salaanta calanka waxaa madaxweynaha siiya ciidamada Afrikaanka
  • Maanta waxaan aragnaa in madaxda qaranku 100% ku aamineen aminigooda ciidan ajaanib ah, qorshahan aysan ku darsan sidii looga baxi lahaa gacantaas.
  • Badanaa Soomaaliya boobkeeda waxaa maanta ka qayb qaadanayo dawladaha Africa ugu dhaqaalaha yar uguna cudurka badana sida Ugandha iyo Burundi
  • Adeer waxaan ku korfadhinaa qaran la'iibsaday haraagiisii...

AKHRI  qabta 5aad

| Q.1aad | Q.2aad | 3aad

Qore: Axmed sadiiq
Sadiiq120@gmail.com

Qoraaga warbixintan waxa uu muddo ku dhawaad ah sanad ka shaqeenayay xarunta Villa Soomaaliya (Madaxtooyada) ee xukuumadda hadda ka jirta Soomaaliya. Qoraagga ujeedadiisu ma aha in qof si khaas ah u falan qeeyo, laakiin marka la fiiriyo xaalada dalka uu marayo iyo asagoo mararka qaar is dhaha Wax yaalaha qaar hadaad ka aamustid armaad danbi ka gashaa ummadda Soomaaliyeed awgeed ayuu u qoray qoraaladan xiriirka ah oo ku saabsan Somalia for sale (Soomaaliya waa iib) safaaradaha iyo badda iyo dhulka. Qoraagu waxa uu aaminsan yahay in waxa Soomaaliya ka socda ay yihiin boob qarameed oo meel walba ah, oo ay waajib tahay in la galo dagaal lagu bad-baadinayo hantida guurta ah iyo midda maguurtaba ahba.

Faafin: SomaliTalk.com | June 6, 2010

Isha Sawirada qaar: www.bing.com

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: