SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIFAACA BADDA SOOMAALIYEED

Heshiika Dawlada Soomaaliya iyo Kenya

Sida la ogyahay khilaafka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Ethiopia iyo Kenya wuxuu ku salaysanyahay Dhul ama Badda ha ahaado ama Beriga ha ahaado.

Waa khilaaf soo jiray qarniyaal , marka qofkii yiraahda mudada yar ee Dawlada Shariifku Madaxweeynha ka yahay ay jirto baan xalinyaa waa qof wax kale u jeeda ama dan gaar ah wata ama aan Dal iyo Dad midna dan ka lahyan.

Waxaa laga yaabaa qofkii aqriyey hadalka Raysalwasaaraha iyo Ragii saxiixay arrintan ineey yiraahdan dadka buuqaya arrinta ma fahamsana oo waxaas xujo ka dhigtaan.

Laakiin Dawlad cimrigeedu labo sano yahay ineey gasho heshiisyo noocan oo kale ah waa arrin aad u khatar ah .

Midda kale arrintan Golaha wasiiradu kama doodin Baarlamaankana lama soo marrin marka waa wax Miiska Hostiisa lagu saxiixay.

Dawladu sideedaba waxay ka koobanyahay Hogaamiye kooxeeyadii iyo Mucaaradkii Maxkamadaha marka waa dowalad lagu soo dhisay waan soo dagaalamay inkasta Mabda,a ama Hadafka dagaalku kala duwanaa. Marka yaa la xisaabtamya dawlada ?

Su,aasha kale waxay tahay miyaan shacab Soomaalidu rayi lahayn markata waxaa lagu socodsiiyaa wax aanu la socon ama raali ka ahayn sida

1 – Hantiwaadaag cilmi ku dhisan oo aan la garanayn wixii loola jeedey xiligaas.

2- Dawlad Federaal ah oo aan la garanayn waxa loola jeedo ilaa hadeer ama inta garanaysaa yartahay waayo shacabka lama weeydiin loomana sharxin lamna kala dooransiin inuu rabo ferderaal iyo inkale .

3- 4.5 oo ah xujo nin kasta dawaladnimada diidan uu cuskado.

Hadda yaa la socda wax loo saxiixay Kenya , waxay ila tahay waa inuu ogyahay qofkasta oo soomaali ama Kismaayo ha joogo ama Hargeeysa ha joogo ama Bosaaso ama Buulo xaawo ama Xamar ha joogo waayo waa wax afka Carabiga lagu Yiraado القضايا مسيريه) )

Dawlad aan shacabku dooran heshiis ku saabsan mustaqbalka Dalka iyo dadka ma gelikarto waayo markii laga reebo shakhsiyaad ma aha dawlad karti iyo Daacadnimo kulansatay.

Waxaa kale oo isweeydiin leh markii ay wasiiradu saxiixaayeen heshiis ku sheegan ma latashadeen dadka aqoonta u leh Xuduuda ah iyo shuruucda badaha .

UN ku ma aha hayad lagu kalsoonaan karo, waa la ogyahay maanta sida Qiimaha looga qaaday, UNka waxaa sharaftiray Maraykanka iyo inta uu ku shaqaysto.

Miisaal waaxaa noogu filan markii Ciraaq loo diray in ay hubiyaan ineey hub Nukliyeer ah haysato iyo inkale , meelkasta waa baareen markeliyana waa oranwaayeen Ciraaq hub ma yaal, waayo waxaa lala damacsanaa sida maanta ay tahay ama noqotay.

UNku ma orankraan maanta war yaan caruurta Falastiin la layn.

Marka ma ka sugeeynaa ineey xaq inoo soo dhiciyaan , ha ka yaabin marna in UNku qof muslim ama carab ah XAQ u soo dhiciyaan .

Khudbad aan ka dhegeeystey Mr. Nelson Mondela waagii uu Kofi Anan madaxda ka ahaa UNKA wuxuu isweeydiiyey tolow waxay u quursanyaan Bush iyo Blair UNka ma nin Madoow baa madax ka ah baa.

Waxaan uga jeedaa arartan ku heshiis ku sheega saxiixoow UNKa meesha fadhidey ama arrinta ogeeyd idinka yeelimeeyno ha dhow iyo hadeerba. Waxaa kale oo loo baahanyahay in wasiirkii saxiixay lagu sameeyo waxaa loo yaqaan : Istiwaabka ama afqalaad loo yaqaan ( impeachment ) si loo ogaado ciddii masuulka ka ahayd arrintaas, shaqadaasna waxaa is leh oo laga rabaa inuu la xisaabtomo dawlada waa baarlamaanka.

Wallaahu weliyu toofiiq.

Abdisamed M.Noor
Mrsomalo60@hotmail.com 

Faafin: SomaliTalk.com | April 15, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: