FAALLO: Dowladda Sheekh Shariif oo Meelo badan ka shaabahda Manhajka
Maafiyada
Col.
Faarax Bootaan Warfaa
E-mail: fbwarfaa@gmail.com
Odense, Danmark
Tel: 00 45 42 97 13 67
Faallo: (pp)- Sheekh shariif sheekh Axmed Macallin iyo qaadi Jowhar intaasi
waa aqoonta lagu sheego inuu leeyahay Shekh Shariif Sh. Axmed ,waxaa intaas u
dheeraa oo la shegaa inuu hoggaamiye ka ahaa Maxkamad beeleed xaafad ka mid ah
Xaafadaaha Muqdishu,ugu dambeynaa guddoomiyahii Maxkamadaha Islaamiga ee Beelaha
Muqdishu sidaasuuna kusoo caanbaxay. Wuxuu u soo cararay December 2006-dii Kismaayo Jubbaland isagoo yiri waxaan
xamar uga soo baxay inaan badbaadiyo shacabkeeda,waa xilkas dadkiisa jecel kana
damqanaya waxyeeladooda, waxa iiga suŽaal ah yuu dhibaatada usoo safriyey? .
Hadlkaas waqtigaas ka soo yeeray Sh. Shariif wuxuu cadaawad kaga samaystay dad
badan oo aqoonyahaniin ah oo ka soo jeeda Jubbaland , waxayna hadalkaas ku
tilmaameen mid ku salaysan Caadifad qabiil, kaas oo tilmaamaya in Qabiil dhib
laga qaaday mid kalena dhib loola yimi, taasina waxay markii danbe sababtay in
Billooyin Hubab qatar lagu garaaco shacabkii ku noolaa gobollada Jubbooyinka. Markaa Sheekh Shariif waxaa cad inay u kala wanaagsanaayeen shacabkii
soomaaliyeed ee ku kala noolaa Magaalada Muqdisho iyo kuwii uu u soo qaxay ee
ugu yimid deegaanada Jubbooyinka. Haddaba qof saas u fekeraya xaggee Soomaali
gaarsiin karaa ? waaba ka sii dartayoo hadda waxay dowladdan indhaha la ay
gadaysaa Baddii Soomaaliya, sidee loo qiimeeyaa?..... Habeen madow ayuu xadka ka tallaabay Sheekh Shariif iyadoo badda,berriga iyo
hawada laga garaacayo Jubbaland, waxaa xadka diyaar ugu aheyd diyaarad
helicopter ah,waxaa inoo xigtay inuu kasoo muuqday Hotel Holiday inn Nairobi
iyadoo hotelka qeybta uu ka deggenyahay ay ilaalo ka yihiin ciidanka Marinka ee
Mareykanka. Toddobaad kaddib Jendayi Frazer ayaa tiri waa in dowladda federaalka lagu soo
daraa ragga macquulka ah sida shariifka, waa cajiib tolow yaa xiriiriyay?afkeyse
ku wada hadleen? Golahiisa Dowladda ayaan xamarba ka talin, waxaa xigtay wax lagu sheegay heshiis
xagga xuduuda badda ah oo lala galay Kenya, kaasoo lagu muransanaa in muddo ah. Waxaana dhankooda ka saxiixay heshiiska Ina cabdishakuur wuxuuna saxiixay
dokumenti ay dowladda Kenya soo diyaarsatay 2005 . Ina cabdishakuur wuxuu yiri xuduud lagu heshiiyey ma jirin hadda kahor. Bal aynu taariikhda dib ugu noqono Jubbaland waa inta u dhexeysa labada webi
Jubba iyo Tana ,aan kuu jilciyee waa magaalada Mareerey ee Jubba ilaa iyo
Gaarissa. Waxaa heshiis ku wada galay Roma 15 July 1924 boqortooyada Ingiriiska iyo tii
talyaaniga taas lagu heshiiyey in Talyaaniga laga soo gudbiyo webiga Jubba lana
soo gaarsiiyo ilaa iyo Dhoobley, waxaa xigtay warqaddii dacwad aheyd ee Suldaan
Xaaji Cusmaan Magan bishii september 1924 uu udiray labada dowladood uuna ku
yiri dalkeyga Jubbaland maqeybsami karo, warqaddaas oo carabi ku qorneyd maanta
waxay taal madaxaafyada Ingiriiska iyo kan Kenya, waxaa kale ay ku daabacantahay
buuga I. M. Lewis (the Modern history of Somalia). 1925 waxaa laga soo diray Mombasa ciidan uu watay captain Leopold, kaasoo soo
gaaray Dhoobley si uu xadka u calaamadiyo halkaas ayaana lagu diley, waxaana
loogu magac daray magaalada Liboi Kenya; xadkiina calaamadiisa sidaas ayey ku
hakatay muddo sannad ah. 17 december 1927 ayuu xadku dhaqan galay laga soo bilaabo badda koonfur bari ka
xigta Jasiiradaha shanta ah ee Lama shaaqo, kuwaasoo koonfur bari kaga toosan
Raas kiyaambooni wuxuuna usoo gudbaa xagga berriga, isagoo sii mara dhul aad u
dheer kuna dhammaada degmada Beled Xaawo ee Gedo.waana xagal toosan oo 90 degree
ah. Waxaa xusuus mudan in heshiiskii Caruusha eeTanzania 1967-dii uu Maxamad I.
Cigaal la galay Kenya ee uu dhexdhexaadiinayey madaxweynihii hore ee Zambia
Kenneth Kaunda,ayaa u qornaa qaabkan oo kale (Memorudum of understandig
)qodobada heshiiska ayaa ahaa in kenya ay dhulkeeda leedahay ,xuduuda ay la
leedahay Soomaaliyana ayna dhibaato dambe kaga imaaneynin; heshiiskii qornaa ee
la soo bandhigay wax muran xuduud ah oo hala saxo la leeyahay kuma jirin. Aan usoo noqdo mowduuca xuduuda badda Jubbaland, meelna kuma hayno wax dacwad ah
oo kenya ay soo bandhigtay oo loo gudbiyay maxkamadda caalamka ee Hague ama urur
goboleedka IGAD ama AU,xuduudkana waa xuduudkii mustacmarka ka tagay bad iyo
berriba waxaana yaal malafkii Ingiriiska iyo kii talyaaniga kuwaa dib maloogu
noqday? Ma baddiiba dib u noqotay oo berri cusub baa la helay? Ma vulkaano ayaa
qarxay oo jasiirado cusub miyaa sameeysmay?maxaa xagga badda ka soo kordhay oo
aan berriga ka jirin? Haddaba aynu u gudubno xaqiiqda jirta:
Col. Faarax Bootaan Warfaa |
Kenya ayaa 1994 ka bilowday xeebaheeda baaris shidaal kaasoo la soo gebagebeeyey
2004; wax natiijo shidaal ahna lagama gaarin; waxey khubaradii barnaamijka waday
sheegeen in isha shidaalka ay gudaha ugu jirto Soomaaliya gaar ahaan Kudhaa. Waxaa loo saaray guddi farsamo oo arrintaasi soo dersa; sannad kaddib wuxuu soo
saaray naqshad cusub taasoo ah in xagal 30 degree ah xagga bari xuduuda Kenya
loo weeciyo;waxaana xadka cusub ee kenya bartanka ka marayaa Jasiiradaha lama
shaaqo isla markaana wuxuu gudaha usoo galayaa xeebta Soomaaliya qiyaastii 210
km wuxuuna kusoo dhowaanayaa magaalad Kismaayo ;Waxeyna Kenya sidaa ku
dhaxleysaa (38.000 kmČ) oo badda Soomaaliya ah. Marka heshiiska la wada waa kaa, waxaana soo diyaarsatay Kenya 2005 waxaana
250.000.000 US$ ku meel gelisey dowladda Norway oo ay dabada ka riixayso
shirkadda Batroolka STATOIL HYDRO . Haddaan usoo noqdo Dowladda Norway sannadihii ugu dambeeyey waxay u xusul
duubeysey iney kheyraadka shidaal ee lagu sheegay badda kenya ay soo
saarto,hadda waxaa ku sugan badda u dhow Jasiiradaha Lama Shaaqo Markab Riig
wato Lagu magacaabo (MV-CHIKYU) oo laga soo kireyey dalka Japan ayna leedahay
HayŽadda JAMSTEC( Japan Agency for Marine Earth Science and Technology); wuxuuna
dhowaan qodis ka bilaabayaa aagaa aan soo sheegay. Maanta ayaa xagga Soomaaliya laga helay rag macquul ah oo wax ka fulin kara
arrinkaan. 22-kii febraayo ayaa Golaha wasaaradda soomaaliya ayaa la dhaariyey,waxaa xigtay
in 10kii marso uu Nairobi wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda kula
shiray Ambassador Hans Wilhelm Longva oo ka socday Wasaaradda Arrimaha Dibadda
ee Boqortooyada Norway. Waxaa 5tii iyo 6dii April 2009 Muqdishu tegey isagoo martiqaad ka helay RaŽiisal
wasaaraha cumar cabdirashiid wafdi uu hoggaaminayey Ambassador Hans Wilhelm
Longva oo ka socday Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Norway si uu
gacan iyo talo bixin uga geysto arrimahii Nairobi laŽisla meel dhigay. Waxaa
kale oo ergeyga reer Norway uu la kulmay Madaxweyne Sheikh Shariif Sheikh Axmed,
islamarkaana waxaa kale oo ergeyga la siiyey fursad uu kula kulmo RaŽiisal
wasaaraha Cumar Cabdirashiid iyo golaha wasiirada si uu u siiyo sharaxaad
dheeraad ah oo ku saabsan arrimaha la xiriira xuduuda badda ee Soomaaliya,
gorgortan raqiis ah oo lagu sheegay adduun dhan ( $2.000.000 US ) kaddib guul
iyo isafgarad bey ku dhammaatay. Maalin kaddib 7-dii April ayaa wax lagu sheegay heshiis loogu magacdaray
Memorundum of understanding ( Qoraal Isfaham) ayaa dhexmaray dowladda Soomaaliya
iyo dowladda Kenya xagga xuduuda badda labada dal oo lagu murunsanaa; Heshiiska
waxaa Kenya u saxiixay Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Moses Wetangula halka
Soomaaliya uu heshiiska u saxiixay Wasiirka Qorshaynta Qaranka iyo Xiriirka
Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.
Xafladda saxiixa oo ka dhacday xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda (Kenya ee
Nairobi) waxaa dadkii goob joogga ka ahaa ka mid ahaa Amb. Longve Hans Wilhelm
oo ah lataliyaha gaarka ah ee Norway wasaaradeeda Arrimaha Dibadda iyo Ms. Rina
Kristmoen oo ka socotay Safaaradda Norway ee Nairobi. Sidoo kale waxaa goobta
joogay Mr. Thuita Mwangi oo ah Xoghayaha joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda
ee Kenya, Amb. Ben Ogutu oo ah Agaasimaha arrimaha siyaasadda iyo Mr. James
Kihwaga oo ah Madaxa Qaybta Sharciga (Qaanuunka) Kenya. Waxaa iiga suŽal ah goormuu protocolkii dowliga ahaa isbedeley aaway wasiirkii
arrimaha dibadda ee Soomaaliya?maxaa keenay meesha wasiirka qorsheynta? Aaway
beeshii caalamka ee marqaatiga iyo garsoorka laga rabay kol haddii la yiri
meesha waa lagu muransanyahay?aaway raggii khubarda ahaa ee dhanka Soomaaliya ee
isugu jiray Sharci yaqaano iyo topografo iyo khubaradii badda? Meesha la
leeyahay waa la isku haystaa mala tagay oo mala soo cabbiray?waddan saddexaad oo
laŽisugu tago si loo qaldo bulshada miyaa la waayey? Waxaa caddaaan ah in wiil iska socda oo ku soo barbaaray dowlad laaan oo aan
aqoon fog lahayn Maamulka Dowladnimada iyo sharciyada xeeriya , in maanta uu
wato Magacii Dowladeed uuna si suuq madow ah uu u saxiixay dokumenti ay dowlad
wadato qaab iyo ujeeddo fogna leh, ayna ka dambeyso Dowladda Norway, Beeshii
caalamkana waxay dhaafi weydey Norway. Haddaan u gudbo RaŽiisul wasaaraha Cumar Cabdirashiid waxaad noo micneysey waxa
ay kala yihiin agreement iyo memorandum of understanding, memorundum of
understanding kaa naguma cusba waa kii 28 Oktoober 1967dii lagu duudsiyey NFD,
qodobkaas xiiso uma qabno, callaa kulli xaal arrinta yeysan noqon wuxuu wiilka
ina C/shakuur saxiixay mid la xeer noqota tii Yaasir Carafaat uu u saxiixay
Yitzhak Rabin ee ka dhcday Aqalka cad ee Washington ee 13 september 1993 uuna
goob jooga ka ahaa Bill Clinton, oo micnaheedu ahaa dhul lagu beddeshey nabad ,
subaxii dambena lagu yiri Yaasir Carafaat dhulkaagii nabad baad ku beddelatay,
Yaasir Carafaat ayaa loo keenay warqad rag rug caddaa ah oo soo tashaday ay soo
diyaarsadeen oo ujeeda badan ah, qalinka ayuu ku boobay,waa la ammaanay billad
Nobel peace prize waa la siiyey,maxaase xigey,waatan maanta ay falastiin
miraheedu guranayaan. Waxaa taas nooga sii daran iyadoo Sheekh Aadan Madoobe oo lagu magacaabo inuu
yahay Af-hayeenkii Baarlamaanka Soomaaliya oo la rabay inuu si wanaagsan u
difaaco danaha iyo kheyraadka ummada Soomaaliyeed ayaa aamuusay ma xiniinyahiisa
Baydhabo ayuu ku soo iloobay? Waa kii shaleyto lahaa gacmaha iyo lugaha
taaga,maxaa si ka ah wadaadka? Saamigiisa ma horumarin baa loo siiyey? Ileyn
xeerka Mafiada iiga sug kuma jirto. Gunaanad Sheekh Shariif iyo kuwa uu golaha dowladdiisa ku soo daray waa kuwo aan markii
horeba ay ku yarayd qiimaha ay dowladdnimadu leedahay , taasna waxay
fududaynaysaa inay waddankii iyo qaranimadiisii si fudud ay u iibsadaan. Wax badan baa waxaa laga hadlay burcad baddeeed , waxaase iga suaal ah burcad
baddeed ma shariif iyo Kooxdiisa ayaa ah mise wiilasha yar-yarka ah ee hortaagan
in badda soomaaliyeed la xaalufiyo ama lagu shubo suntan haraaga ah ee (Nuclear
waste), taas oo marka danbe keeni karta (Radio active). Haddii ay maanta dhaqan gasho waxay saxiixeen Kooxada sida maafiyada ku
shaqaysay ee doonaysa inay baddeena u saxiixaan dowladda Kenya,waxaa hubaal ah
inaan Berri aan sugi doonoo Ethiopia iney tiraahdo Ha la saxo xaduudeena waxay
ahayd Magaalada Jowhar.
Yaabka yaabkiisa: Waxaan aad ula yaabanahay aaway wasiirkii Gaashaandhigga prof.
Maxamed Cabdi Xaaji Gaandi, maxaa ku aamusiiyey Jubbaland sow waddankaagii maaha
, kuwa shirqoolaya ma ka mid baad tahay? Xaggeen kugu tirinaa ? Mahadacelin Waxaan halkaan uga mahadacelinayaa Wasiirka arrimaha dibadda Maxamed C/llaahi
Oomaar mowqifka uu ka istaagay arrimaha bada soomaaliya , waxaa kale oo aan u
mahadcelinyaa Xildhibaan Ilkaxanaf oo isagana si fiican soomaalida ugu
bayaamiyey khatarta ay keeni karto Heshiiskiii lagu gaaray Kenya. Waxaana Mahad
la soo koobi Karin u jeedinayaa Websiteka somalitalk dadaalka iyo Macluumaadka
uu soo bandhigay.
Col. Faarax Bootaan Warfaa
E-mail: fbwarfaa@gmail.com
Odense,Danmark
April 26, 2009
Daabacaada: Puntlandpost.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | April 29, 2009 |