Home » Warar »

DFKMG oo Arrimaha Badda sida EEZ ka Saartay Qorshaha Roadmap-ka

Shir ay yeesheen Golaha Wasiirada oo uu shir guddoominayey ra’iisul wasaaraha DFKMG ayaa lagu go’aamiyey in “arrimaha badda sida EEZ laga saaro dhammaan dokumentiyada sida Qorshaha Qaranka ee Xasilinta Nabadgelyada iyo Roadmapka.

Warsaxafadeedka ayaa u qornaa sidan:


War-Saxaafadeed

Shirka Golaha Wasiirada

Muqdisho, 11 October 2011

Shir ay maanta yeesheen Golaha Wasiirada oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin warbixin safarkii Ra’iisul Wasaaraha, Qaraxii 4ta October,Qorshaha Qaranka ee Xasilinta Nabadgelyada (NSSP) iyo arrimaha badda.

Golaha Wasiirada waxey maanta warbixin ka dhageysteen Ra’iisul Wasiiraha Soomaaliya Dr Cabdiweli Maxamed Cali ee safarkii shaqo ee uu ku tagey Qaramada Midoobey, Mareykanka, Canada, Denmark iyo Ethiopia. Ra’iisul Wasaarahu waxuu sheegay in safarkan uu ahaa mid guul iyo isafgarad ku soo dhamaaday oo caalamku ay aad ugu qanacsanaayeen horumarka dhanka amniga, gar-gaarka bani’aadanimo, xiriirka Dowladda Federalka iyo Maamulada dalka ka jira, dib-u-heshiisiinta iyo maamul wanaaga. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in caalamku ay aad ugu soo gurmadeen arrimaha gar-gaarka bani’aadanimo, hase yeeshee uu caalamka kala soo hadlay sidii xal waara loogu heli lahaa oo ummadda soomaaliyeed loo soo gaarsiin lahaa mashaariic horumarineed oo soo celiya adeegyadii bulshada iyo nolol maalmeedkii shacabka soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaaruhu waxuu sheegay in loo baahanyahay in Roadmap kii 6da September ay Soomaalidu saxiixdeen la dhaqangeliyo.

Wasiir Ku xigeenka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka iyo qubaro Soomaaliyeed ayaa laga dhageystay warbixin la xiriirta qabyo qoraalka Qorshaha Qaranka ee Xasilinta Nabadgelyada (NSSP), dood dheer ka dib waxaa la go’aamiyey in qabyo qoraalka lagu soo sameeyo saxitaan iyadoo la tixgalinayo macluumaadkii iyo fikradihii goobta laga soo jeediyey, isla markaana la soo ururiyo fikradaha Saraakiisha Soomaaliyeed, ka dibna wadatashi loogu gudbiyo ka soo qeybgalayaashii shirkii wadatashiga ahaa. Qabyo qoraalka Qorshaha Qaranka ee Xasilinta Nabadgeyada (NSSP) ayaa lagu soo celin doonaa golaha wasiirada si ay u ansixiyaan ka dibna loogu gudbiyo Baarlamaanka Soomaaliyeed.

Wasiirka Kalluumeysiga, Qeyraadka Badda iyo Bey’ada iyo qubaro Soomaaliyeed ayaa laga dhageystay warbixin la xiriirta arrimaha Badda. Dood dheer ka dib golaha Wasiiradu waxey go’aamiyeen in arrimaha badda sida EEZ laga saaro dhammaan dokumentiyada sida Qorshaha Qaranka ee Xasilinta Nabadgelyada iyo Roadmapka.

Wasiirka Garsoorka iyo Arrimaha Diinta ayaa sheegay inay wadaan dadaalo ay kula xiriirayaan eheladii iyo qaraabadii dadkii ku geeriyooday iyo kuwii ku dhaawacmay, si warbixin dhameystiran ay ugu soo gudbiyaan golaha wasiirada, sheegayna in Dowladda Turkiga ayaa qaaday 36 ka mid ah dhaawacii. Wasiirku waxuu sheegay inay arrimahooda u marayaan heer wanaagsan una mahadceliyey shacabka soomaaliyeed oo si wanaagsan ula shaqeeyey. Golaha Wasiiradu waxey kaloo go’aamiyeen in 8dii wasaaradood ay dib u howlgalaan loona saaray guddi ka soo talo bixiya 3 maalmood gudahood, iyagoo sheegay inaysan Al-Shabaab marnaba laga aqbaleynin inay hakad geliyaan u adeegidda shacabka Soomaaliyeed.

– DHAMAAD –


Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)
Senior Advisor to the Prime Minister of Somalia
& Spokesperson of the Government
Tel: +252615479911 or +252699998854
E-mail: ayarisow@opm.gov.so
E-mail: engabdirahman@gmail.com


Garad Salad Hersi
Communication Director, office of the PM
Mobile: +252-615536608
+252-6-2536608
Mogadishu, Somalia

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

12 Jawaabood " DFKMG oo Arrimaha Badda sida EEZ ka Saartay Qorshaha Roadmap-ka "

  1. suaal says:

    cali ameerica waxa uu yiri kenya xaqbay u leedahay in ay is difaac do
    war adiga yaa meesha ku geeyey meesha yaase u fadhisaa ma kenya mise soomaaliya?
    malaga yaabaa in uu sida uu badeena u gatey in uu rabo hadana u gato dhulkeena?

  2. cabdiqani says:

    asalaama caleykum dhamaantiin walaalayaal su aalo aan qabaa bal hadii aa jawaab u heysaan waxaan hu baa badinkiin in aan isku mowqifnahay kaasoo ah wadan keena
    maxaa xiligaan kenya soo galiyey wadan keena?
    maxay baarlamaanka u ga hadli la yihiin muxuuse wasiirku sheegu u beeneeyey in kenya soomaalia soo gashey ?
    malagayaabaa in ay rabaan in ay xalaaleestaan wadan keena inta ay soo galeen?
    kaydilayaan waa soomaali kan ay u qoflayaan waa soomaali calooshiis u shaqrrste ah ma ila qabtaan?

  3. waddaniyad says:

    ASC

    Waxaan jecelahay inaan weydiiyo, maxay barlamaanku ka qabanayaan Kenyadan badda Soomaaliya ka baarayso shidaalka???

  4. Wadani says:

    Waa howl aad iyo aad u culus howsha aad wadaan, laakin waxaan soo jeedin lahaa dadkii ka dabeyey in Badda Somaliya xadkeeda muranka geliyey in maxkamada la soo taago , waa tuugo dhacaya Dhulka somaliyeed, Tuugna waa in la soo qabtaa,

  5. faanoole fari kama qodna.. Waxaa aamin sanahay in dabagal lagu sabeeyo.. Dadka ka danbeeya hoowsha ..oo ka hariwaayay iibinta badda.

  6. waad ku mahadsan tihiin hawshaa aad isdaba raaciseen waxaanse idinka codsanaynaa FADLAN yaan waraaqaha aad SAXIIXASAAN wax la idin hoos galin ilayn meel walba SOMALITALK ma joogtoo idin sixi mayseee
    Rabiyaw dadka u danbi dhaaf xaqana tus

  7. walalayal wan gadanaha fadhiga halakaco qofwalba o somaliya xil aya saran uku dufacayo bada biriga hawa war istaga nin wal waxa uku dufacikaro hakudu faco bada biriga hawa intaba

  8. farxan says:

    waxaan iskaleh mahad ilaahii na abuuray intaas kadib waxaan usheegayaa kuwa is leh soomaali damiir leh aduunka kuma harin ee bada iyo dhulka soomaaliya qaybsada inta damiirka xun ee aad marba wasiir ka dhiganaysaan oo aad rabataan inaad xooga lacag ah aad siisaan si ay idinku saxiixaan wax soomaali oo dhan kadhexeeya ogaada soomaali rabta aduunka inay wax la qaybsadaan inay jiraan sida somalitalk waad mahadsan tihiin 100 %200 oo jeer

  9. Liban Takar says:

    Ilaahay baa marka arrinta mahadeeda iska leh, intaas kadibna waxaa sidoo kale mahad iyo sharafba arrintaan ku leh shabakadda SomaliTalk. Ilaahow SomaliTalk noo daa.

  10. Hussein says:

    Waxaan mahad aan la soo koobi karin halkaan uga jeedinayaa Somalitalk.com oo xilgooni ah iska saartay badbaadinta badda Soomaaliya, waxaan kaloo u mahadcelinayaa wasiirka oo ugu dambayn u hogaansamay cadaadiska uga imaanayaa warbaahinta iyo shacabka Soomaaliyeed.
    Waxaan kaloo ka doonaynaa hadday u run tahay in dawladu soo daabacdo RoodMapka cusub ee laga saaray arrimihii ku saabsanaa xadaynta badda Soomaaliya.

  11. Waan ku hanwaynaa waana filiyey in Golaha wazaaradaha oo uu hormuud u yahay Ra’iisul wasaaraha Mr. Gaas ay qaadanayaan go’aankaas.
    Waa go’aan dhaxal gal ah oo ummadda Soomaalieed oo dhan si wayn usoo dhawaynayso ayna filaysay.

    Guul Soomaaliya.