Xildhibaan Caasho Axmed Cabdale oo ka mida xildhibaadan Soomaaliya oo si
wayn uga soo hor jeensatay heshiiska dowlada Soomaaliya la gaartay Kenya
Caasho Axmed Cabdala ayaa sheegtay inay aad nasiib daro u tahay in dowlada cusub
ee dhowaan dhidibada loo soo taagay ay duba ka soo ifbaxdo heshiisyo horle oo
aan hore loogu aqoon Xukuumada Somaliya gaar ahaan Xukuumadii ka horeysey ee uu
Madaxwaynaha ka ahaa C/laahi Yuusuf Axmed ,Xildhibaanad Caasha Axmed Cabdala
ayaa si aad uga uga soo horjeesatay heshiiskii dhinaca soohtinta ahaa ee ay kala
saxiixdeen dowladaha Soomaaliya iyo Kenya waxaana ay tilmaantay mid aan sharci
ahayn.
Xidhibaan caasho Axmed Cabdle oo ka tirsan siyaasiyyiinta somaliyeed isla
markaasina Waxbadan u dooda danaha dalka somalya ayaa sheegtay inaan loo
dulqaadanayn wixii aan dan u ahyn dalka iyo dadka somaliyeed ee Masuliyada u
hayaan Xildhibaanada ayaa heshiiskaas ku tilmaantay khiyaano qaran oo ay gashay
dowlada midnimada qaran ee uu hogaamiyo Shiikh Shariif Shiikh Axmed, waxayna
carabka ku adkeysay in baarlamaanku diidi doono marka la horkeeno taasina uu ku
fashilmi doono Shiikh shariif oo isagu haatan aad Moodo inuu ka boodsanyahay
Datuuriga Baarlamanku ay wax ku go,aamiyaan.
"Heshiiska waa khiyaano qaran oo ay sameysay dowladda KMG, waayo waxaan fileynay
in xilligan dib loo soo celiyo dhulkii Soomaaliya ka maqnaa, waana wax aanan
qaadan doonin in dhul ka mid ah Soomaaliya dad kale loo xalaaleeyo" ayey tiri
xildhibaanada Caasha Axmed Cabdala.
Hadalka ka soo baxay xildhibaanadan ayaa ah Mid taako wayn ku noqonaya Dowlada
Fedealka ah gaar ahaan hintisaha sida wayn loo hadal hayo ee la sheegay inuu
madaxwayne Shiikh Shariif heshiis buuxa kula galay Dowlada dalka kenya taasin
caasho oo keliya ma diidana ee waxaa ka soo horjeeda inta baan Baarlamanka
somaliya oo guud ahaantood u arka mid aan ku qotomin sharciyada u degan dalka
somaliya.
Maxamed Axmed Ciise
Somalitalka.com
geedi7@hotmail.com
Tarjumadii: SomaliTalk.com | April 9, 2009 |