Qarammada Midoobey oo Shaaca ka Qaaday in Heshiiskii Is-Afgarad ee Badda
(Somalia & Kenya) uu yahay Waxba kama Jiraan
Waa guul u soo hoyatey Shacabka Soomaaliyeed oo ka dhiidhiyey isku daygii in
dhulkooda lala wareego... Waa difaacii badda oo guul laga gaaray...
- SomaliTalk.com | March 13, 2010 | Updated: March 14, 2010
Qoraal kooban oo March 12, 2010 lagu faafiyey shabakadda rasmiga ah ee
Qarammada Midoobey (UN) ayaa shaaca ka qaaday in Heshiiskii Is-fahamka (MOU) ee
dhex maray DFKMG iyo Kenya "in Baarlamaanka Federaalka kumeelgaarka ay
diideen is-afgaradkaas, sidaas daraadeedna waa in loo tixgeliyo mid aan lagu
hawl geli karin ama la cuskan karin". Qormada kooban ee UN-ka ayaa u
qornayd sidan:
- (‡) The MOU has been rejected by the Parliament of the Transitional
Federal Government Somalia, and is to be hence treated as non-actionable.
Halkaas sadar macne weyn ayuu ugu fadhiyaa guud ahaan shacabka Soomaaliyeed,
maadaama heshiiskii is-fahmka ee DFKMG iyo Kenya uu noqonayo laga bilaabo hadda
mid aan lagu hawl geli karin oo ah WAXBA KAMA JIRAAN oo loo tixgelinayo mid aan
la cuskan karin (is to be hence treated as non-actionable)*.
Sidee ku suurtagashay in UN aqbasho go'aankii Baarlamaanka Soomaaliya?
Jawaabta su'aashaas waxaa laga fahmi karaa qomadan hoose:
Heshiiska loogu magac daray is-fahamka (memorandum of understanding ama MOU)
waxa uu magaalada Nairobi ku dhexmaray Dawladda Federaalka kumeelgaarka (DFKMG)
iyo Kenya. Dhanka Soomaaliya waxaa u saxiixay C/raxmaan C/shakuur
Warsame, wasiirka xiriirka caalamiga ah), waxaana heshiiskaas la
saxiixay April 7, 2009. Maalin kaddib April 8, 2009 ayaa ra'iisul Wasaaraha
DFKMG waxa uu Qoraal u qoray Ban-ki Moon, qoraalkaas oo ku
saabsanaa xogta badda oo ay DFKMG u gudbisanaysay UN-ka, waxaa xogtaas qayb ka
ahaa heshiiska Is-faham (MOU). April 14, 2009 ayaa website-ka UN-ta lagu
daabacay qoraalkii Cumar C/rashiid iyo heshiiskii is-fahamka - Waxaa dhinac
socdey Kenya oo xogteeda u gudbisay UN-ka iyadoo cuskanayay Heshiiskaas
is-fahamka.
Heshiiskaas markii hore lama soo marsiin golaha baarlamaanka. Qaar Golaha
wasiirada ka mid ahna waxay sheegeen in aysan ka war hayn. Waxaa soo baxday in
Kenya ay muddo dheer ku taamaysay in ay heshiis noocaas ah la gasho xukuumadihii
KMG ahaa ee soo maray Soomaaliya wixii ka dambeeyey burburkii 1991. Waxaa xitaa
jira warar sheegaya in Kenya ay wada hadal arrintaas ku saabsan la gashay
Qabqalayaashii dagaalka ee ku sugnaan jirey Kismaayo 1990-naadkii.
Shacabka Soomaaliyeed waxay si xoog leh uga hor yimaadeen qorshahii
xukuumadda Federaalka KMG ay heshiiska kula gashay Kenya, maadaama Is-fahamkaas
ay Soomaalidu ku waayi lahayd dhul badeed aad u baaxad weyn.
Sidoo kale, waxaa qorshihii xukuumadda si weyn uga soo horjeestey
Baarlamaanka DFKMG. August 1, 2009 ayaa kulan ay isugu yimaadeen xildhibaanada
Baarlamaanku waxay si aqlabiyad ah ku diideen heshiiskaas is-faham. 334
xildhibaan ayaa cod xoog leh ku sheegay in heshiiskaasi yahay Waxba kama
jiraan (NULL & VOID).
Is-fahamkaas in uu dhaqan galo waxaa aad ugu ololeeyey Ra'iisul Wasaare
kuxigeenka DFKMG, Cabdiraxmaan Aaden Ibraahim (Prof. Ibbi).
Markii baarlamaanku diidey heshiiska ayaa Prof. Ibbi oo si bareer ah u
taageeraya Is-fahamkaas waxa uu August 19, 2009 waraaq u qoray
Qarammada Midoobey. Warqaddaas oo uu ku qoray magaca Cumar C/rashiid, laakiin uu
isagu (Prof. Ibbi) saxiixay. (Cumar Cabdirashiid waxa uu ka mid ahaa
saraakiishii markii ugu horeysey aadka u difaacay heshiiska MOU ee duudsiin
lahaa shacabka Soomaaliyeed dhul badeed aad u baaxad weyn.)
Waxa kale oo heshiiskan Is-faham garab weyn u ahaa Madaxweynaha DFKMG,
Sheikh Shariif Sheikh Axmed. Sababtoo ah baarlamaanku markii ay
diideen heshiiskaas Is-faham ayaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Sheikh Aaden
Maxamed Nuur (Aaden Madoobe) waxaa cadaadis ku saaray xildhibaano si
go'aankaas uu ugudbiyo Sheikh Shariif si uu u saxiixo muddo labaatan iyo kow
(21) maalmood gudahood ah, kaddibna lagu soo saaro faafinta rasmiga ah ee
xukuumadda isla markaasna nuqul loo gudbiyo UN-ta (ee ma ahayn sidaan hore u
daabacnay in uu durbadiiba gudbey Aaden Madoobe).
Sheikh Shariif xeerkii kuma soo celin Baarlamaanka muddadii loogu talo galay
ee uu dhigayo Dastuurka FKMG - ilaa hadda ma jirto wax muujinaya in uu saxiixay
xeerkii diidmadii baarlamaanka ee Is-fahamka. Sheikh Shariif si arrintaas aan
loogula xisaabtamin waxa uu ku dadaaley in xukuumaddiisu aysan yeelay
Garyaqaanka Guud ee Dawladda (Attorney General) - (cidna uma magacowna
xafiiskaas, waana xafiiskaas halka loo gudbiyo go'aanka Barlamanka kaddib marka
Madaxweynuhu saxiixo, kuna soo saara faafinta rasmiga ah ee Dowladda).
Cumar C/rashiid waxa uu u muuqday in uu ka xumaaday in magaciisa la adeegsado
isagoo aan lagala tashan oo markaas safar ugu maqnaa gobollo kamid ah dalka, in
UN-ta loo diro waraaq la sheegay in uu isagu qoray. Laakiin ficil rasmi ah kama
uusan qaadan muddo bil iyo bar ah. Taasi waxay is bedeshay 10-kii October 2009
markaas oo uu qoray qoraal uu ku taageerayo go'aankii Baarlamaanku ku diidey
Heshiiska Is-fahamka. Waxana uu qoraalkaas u dhiibey xubno ka tirsan
xafiiskiisa, laakiin waxaa muddo kaddib caddaatay in xafiisku uusan warqaddii u
gudbin UN-ka.
Taasi markii ay u caddaatay, Cumar C/rashiid waxa uu warqaddaas si toos ah
ugu dhiibey Wasiirka Arrimaha Dibadda DFKMG, Cali Axmed Jaamac Jangali
si u ugu sii gudbiyo Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay Ban-ki Moon.
Xaqiiqo ahaan looma hubo in warqaddaasi gaartey Ban-ki Moon. Laakiin waxaa si
rasmi ah loo hubaa in xubno ka tirsan baarlamaanku markii ay arkeen in
xukuumaddu aysan jawaab u soo celin, waxay si toos ah qoraal ay saxiixeen koox
xildhibaanno ah ugu direen Xoghayaha Guud ee UN-ka Ban-Ki Moon iyo Xoghaynta
Guddiga Xadaynta Badaha Adduunka, Hariharan Pakshi Rajan. Xubnahaasi
waxay si qeexan u qoreen in Heshiiska Is-faham uu diidey Baarlamaanka Federaalka
kumeelgaarka, sidaas daraadeedna aan la cuskan karin.
Waxaa hadda cad in Qarammada Midoobey garwaaqsatay in aan arrintaas la af
xiri karin. Sidaas daraadeedna ay qoraal kooban ku caddeeyeen nuxurka
heshiiskaasi "in Baarlamaanka Federaalka kumeelgaarka ay diideen
is-afgaradkaas, sidaas daraadeedna waa in loo tixgeliyo mid aan lagu hawl geli
karin ama la cuskan karin". Sidaas ayaa Qarammada Midoobey waxay ku
taageertay go'aankii baarlamaanka DFKMG ay heshiiskaas Is-faham kaga dhigeen
WAXBA KAMA JIRAAN (NULL & VOID).
Sidaas waxaa ku fashilmay qorshihii uu salka ku hayey heshiiska loogu magac
daray Is-afgaradka ee duudsiin lahaa shacabka Soomaaliyeed.
SomaliTalk.com waxay u mahad celinayaan dhammaan intii ka qayb qaadatay
difaaca dhulka Soomaaliyeed. Waxa kale oo mahad ballaaran mudan xubnaha
baarlamaanka ee sida geesinimada leh u digaacay dhulka Soomaaliyeed.
Maxaa hadda la gudboon Baarlamaanka DFKMG:
Baarlamaanka DFKMG guusha hordhaceedii waagaareen. Tallaabada xigta oo
muhiimka waa in ay Madaxweynaha DFKMG ka dalbadaan in uu xeerkii diidmada
Is-fahamka ee ay u gudbiyeen in uu saxiixo, oo markaas lagu soo saaro FAAFINTA
RASMIGA EE XUKUUMADDA si uu noqdo xeer dhaqan galay oo u deggan Soomaalida. Waa
muhiim arrintaasi. Waana in baarlamaanku ku adkaysto in lagu soo saaro Faafinta
rasmiga ah diidmadoodii Is-fahamka. Qarammada Midoobey ayaa aqbalsan in
baarlamaanku diidey, kumana soo bixin faafinta rasmiga ah waa dulduleel u baahan
in la daboolo.
Fadlan aragtidaada si aad toos ugu qortid
GUJI HALKAN (Dhanka hoose ee bogga soo baxa ku qor ra'yigaaga).
- * Qeexid: Kelmedda actionable waa kelmed loo adeegsado
xagga qaanuunka oo aad u xoog weyn. Tusaale ahaan Qaamuuska
Oxford Dictionary waxa uu "actionable" ku macneeyey: "Law
giving sufficient reason to take legal action". Sidaas daraadeed,
marka la yiraahdo non-actionable waxay si qayaxan u muujinaysaa in
aan arrinta laga hadlayo loo cuskan karin sharci ahaan. Sidaas daraadeed
marka UN-ti tiri MOU waxaa loo tixgelinayaa non-actionable,
macnaheedu waa in Qarammada Midoobay ay si cad u qeexday in uu Heshiiskii
Is-fahamka ee Somalia/Kenya noqonayo VOID ama waxba kama jiraan aan la
cuskan karin sharci ahaan, loona tixgelinayo mid aan lagu hawl geli karin
qaanuun ahaan.

Faafin: SomaliTalk.com | March 13, 2010
Mahad celin gaar ah:
Bahda SomaliTalk waxay mahad ballaaran u jeedinayaan akhristayaasha faraha
badan ee durbadiiba nala soo xiriiray. Qaar kamid ah jawaabihii Akhristayaasha
Ka Akhri Halkan.
|