SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIFAACA BADDA SOOMAALIYEED

Xeebaha Dalka Soomaaliya iyo Khiyaamooyinka Dowladaha Shisheeye.

  • Eng. Cabdulqaadir Cumar Yuusuf(Daadurey)
    Somalihungerhivprojectus2004@yahoo.com

Soomaaliya Dagaalladii Sokeeye kaddib waxay noqotay meel loo soo Bililiqo doonto ama lala soo beegsado Kiimikada Warshadaha iyo Qashinka Sunta wata ee Aafeeya noolaha in lagu daadiyo Xeebaha Dalka oo dhan arrintani ayaa sii kordhaysay 19-kii Sanadood ee la soo dhaafay mar walibana weji cusub lagu arkayey oo ka darran kii hore iyadoo Siyaasaddu ay horseedka u ahayd Dhibaatooyinkan oo dhami maadaama Siyaasadu ay qaab xumayd oo laysku diidanaa is mariwaa aad u Xumina uu ka dhexeeye Kooxaha iska soo horjeeday.

Haddaba waxaan shaki ku jirin in Xeebaha Dalka Soomaaliya ay maanta noqdeen Xeebaha ugu dhibaatada badan ee Dunida Caalamka iyadoo weliba ay ka taagan yihiin Xaalado Murugsan oo ay ku la'anaayaan Dad Tahriibayaal ah oo ka cararaya Nabagelyo Xumida ka jirta Dalka Soomaaliya iyagoo naftooda ku biimaynaya Badaha waaweyn Doonyo aad Daciif u ah ,kuwa Burcad Badeed ah oo hortaagan Mucaawinooyinkii la gaarsiin lahaa Dadka Gaajaysan oo Macaluusha la dhimanaya kuna sheeganaya Maraakiibta ay Qafaashaan Malaayiin Dollar oo Madax furasho ah, iyo Dowlado Shisheeye oo doonaya inay gurtaan Kheyraadka Badda.

Waxaa is weydiin mudan Xeebaha Soomaaliya maxaa wacay in ay Dunida u soo tafaxaytaan kaddib markii laga gaaray yoolkii laga rabay oo ahaa in Kiimikada , Sunta Qashinka lagu daadsho iyo lagu soo Xadgudbo Xadaheedii laguna soo durko iyadoo loo adeegsanayo wejiyo kala duwan sida midda uu hadda khilaafku ka taagan yahay ee Heshiiskii labada dhinica ee Soomaaliya iyo Kenya , waxaa kaloo walaacan sii kordhinaysa Burcadeeda Soomaaliyeed ee Xeebaha Dalka Soomaaliya ku gaaf wareegaya ee ka wada Xasilooni darrida waxaa ka dhallan kara in Quwado Shisheeye ay soo buux dhaafiyaan Xeebaha Dalka iyagoo Dano leh.

Shacabka Soomaaliyeed maxaa kala gudboon arrimahani , Culumaa'udiinka ,Waxgaradka,Aqoonyahanada waxaa haboon inay Dadka uga Digaan uguna Caqli Celiyaan Tahriibka ay Naftooda ku Biimeynayaan Badaha iyo inay ka fogaadaan Qashinka iyo Sunta ay Baduhu soo Tufaan si loo Daryeelo Caafimaadka Carruurta Soomaaliyeed oo maalinba maalinta ka dambeysa sii Xumaanaya iyadoo ay Sabab u tahay Kiimikada iyo Sunta Qashinka sidata ee lagu Daadinayo Xeebaha Dalka Soomaaliya ,Carruur badanina ay ku la'deen qaarna ay u il-daran yihiin Xannuunadoodii ay ka qaadeen Dhibaatooyinka Xeebaha Dalka Soomaaliya ka dhashay.

Haddaba, Dowladda Midnimada Qaran ee Dalka Soomaaliya maxaa la gudboon, Dowladdani waxaad moodaa inay tahay Dowladii ugu horeesay ee Soomaali ah ee si Xaq ah ay Shacabka Soomaaliyeed ku soo doortaan muddo 19-Sanadood oo burbur ah kaddib , Waxaase la gudboonayd inaysan wax Heshiis ahi la Saxiixin Dowlaha Deriska iyadoon aysan u soo bandhigin Baarlamaanka DFKMG ahi, Sababtuna ay tahay Heshiiskani wuxuu ah mid Muhiim ah wuxuuna u baahnaa foojignaan aad u weyn ,Dib u Cusboonayn Heshiis way adag tahay in Dowlad Shisheeye oo Dalkeenii Badh haysata in si Sahlan loogu Sixiixo , waxay ku Haboonayd in Baarlamaanka loo gudbiyo Mooshin adagna loo qaado , iyadoo Baaris iyo Turxaabixin leh.

Gabagabadii iyo Faalladan ku Saabsanayd Xeebaha Dalka Soomaaliya iyo Khiyaamooyinka Dowladaha Shisheeye ayaa waxay Faalladani ku soo beegantay iyadoo bisha May 13 ,2009ka laga cabsi qabo inuu dhammaado Heshiis hore loo Saxiisay oo ku Saabsanaa Xuduudaha Badda ee Soomaaliya iyo Kenya haddii aan la Saxiixina ay Kenya yeelan doonto Xeebaha Soomaaliya oo dhan , arrinatni ayaa waxay keentay Walaac aad u weyn laakiin lagama fiirsan Saxiixeeda , waxaa haboonayd in Baarlamaanka Mooshin loogu Gudbiyo Maadaama uu yahay Heshiis Caam ah horena ay Dowladii hore u Saxiixday , Dowladda Soomaliya weli waqti way haysataa waxaanna u furan haddii ay Kenya Diido inay Racfaan ka qaadato waa Muhiim in arrimahan lagala Tashto Sharci Yaqaano Soomaali iyo Aqoonyahanada ku takhasusay arimaha Badaha Caalamka .

Eng. Cabdulqaadir Cumar Yuusuf(Daadurey)
Somalihungerhivprojectus2004@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | April 9, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
IIDHEH
XAYAYSIIS