Is Badalkii DFKM ahi ma waxa uu noqday Iibsiga Badda Soomaaliya?
Cabdiqani Makhtal Maxamed
cmakhtal@yahoo.com
0025290637448
Laascaanood Sool
Soomaaliya waxa ay ku taalaa Geeska Afrikadda bari sidoo kalena
eegaya Baddweynta Hindiya iyo waliba Badda Cas, waana wadanka ugu Badda
iyo Xeebta weyn Afrika waxaa lagu qiyaasaa 3333km ,Badda Soomaliya waxaa
ku duugan oo hoosteeda ku jira Macdan kala duwan walibana kala qaalisan
waxaana ka mid ah Shidaal, Kaluumo qaybihiisa kala duwan I.W.M mana
jirto cid wali ka faa’iidaysata.
Dawlad la’aanta Soomaaliya awgeed ayaa wadamadda dariska laha iyo waliba
kuwa shisheeye ee horumaray ay damceen in ay Siyaabo kala duwan u
hantiyaan amase uga faa’iidaystaan Badda baaxadaas leh ee cidladda ah
dadkii lahaana ay iyagu isku jeedaan.
Kenya waxa ay ka mid tahay wadamadda xaddka badda iyo dhulkaba la leh
Soomaaliya iyada oo ka faa’iidaysana dawlad la’aanta iyo waliba
xasilooni daradda Soomaaliya ka jirta awgeed ayaa waxa ay biliqo iyo
waliba sheegasho aan geedkaas gaadhsiinayn kula dhaqaaqday badda
Soomaaliya.
Q.M ayaa ku wargalisay in wadankasta oo leh Badd uu soo cabiro uuna soo
gudbiyo ugu danbayn 13.May.2009 hadii kalena ay qaadan doontaan Badda
wadankaas Haayad hoostagta Q.M, ayna ka kiran doonto Wadano kale ,lagana
wareejinayo wadankii horay u sheegan jiray
Xukuumadda wadanka Kenya oo ka faa’iidaysanaysa mudadaas la qabtay iyo
waliba xasilooni daradda dalkeena cidna aan iskaga tirinayn in ay ka
celiso badda Soomaaliya maadaama aysan jirin Dawladd Soomaaliyeed oo ay
madaxdeedu wadaniyiin yihiin , ayaa waxa ay cabirtay dhul badeed
Soomaaliyeed oo baaxadiisu dhan tahay 38,000km ah oo saddex xagal ah,
Kenya waxa ay iska indho tirtay xadkii badeedkii ay la wadaagtay
Soomaaliya lana hirgaliyey 1924-kii, sidoo kalena waxa ayba Xadkeenan
dhexda ka marisay Jasiiradda ugu wey Lama-Shaaqa, kuna began Magaladda
Kismaayo sida ku cad warbixinta Somalitalk
Cabirkan Kenya gudbisay waxa uu marag u yahay qoraal sanadkii tagay lagu
qoray Daily Nation-ka Kenya laguna tarjumay Somalitalk, waxana wariyihii
diyaariyey ku sheegay in Soomaaliya loo kala qaybinayo labo gobal laguna
kala darayo Kenya iyo Itoobiya, Donald Kipkorir oo ahaa qoraha
Maqaalkaas ayaa sheegay in Itoobiya ay qaadato waxa ka sareeya Loolka 4
Degree halka Kenyna waxa ka soo hooseeya, hadaba miyaan Kenya wadadaas
aysan hadeer hayn iyada oo ka soo bilawday dhanka Badda?.
waxaa la sugayey in Dawladda ku meel gaadhi ah ay keeni doonto is badal
Nabadeed, Siyaasadeed iyo waliba Wadaniyeed balse riyadaasi waxa ay
noqotay Lamood noqonse weydey, mar hadii Dhalinyaradii iyo Shiikhyadii
la lahaa waa fursadii nabad wadan balse ay u dhaqaaqeen Iibsiga Badda
Soomaaliya
Dawladda ku meel gaadhka ahi waxa ay si indho la’aan ah ugu dhacday
qorshe ay Kenya ku taamaysay mudo, waxna iminka Kenya u hirgashay in ay
hanato qayb ka mid ah Badeena taas oo ay Fududaysay aqoon la’aanta iyo
waliba xilkas daradda Madaxdda hugaamisa DKM ah
Dawladda ku Meel gaadhi ahi ma jirto awood ay ku gali karto heshiis
xuduudeed, sida uu qeexayo Axdiga u degsan, Awoodeeduna waxa ay tahay in
ay ka shaqayso Nabadgalyadd, Dib u heshiisiinta iyo in ay dalka
gaadhsiiyo sidii ay uga qabsoomi lahaayeen Doorashooyin xor ah balse
awood uma laha in ay fara galiso wax qaranimadda Soomaaliya kala
dhantaalaya balse Aqoondaradda iyo iska indho tirka ay Mas’uuliyiinta
DKM ah ku hayaan Dastuurka u yaala dalka ayaa sababaya in ay ku
dhaqaaqaan wax walba oo ay ka helayaan Samdareerooyin aan anfa badan u
lahayb .
Dawladda ayaa waxa ay ahayd in ay ka faa’iidaysato qodobka 79aad iyada
oo ka baxaysa Heshiiskaa maadaama ay Soomaaliya ka jiran arimo
bini’aadamku uusan hadeer waxba ka qaban Karin, Raysulwasaaraha DKM ah
oo taageeraya heshiiskan ayaa sheegay in labadda wadankaba ( Kenya iyo
Soomaaliya) ay Q.M midoobay u gudbinayaan cabirka Baddahooda iyo waliba
macluubaadka ku jira balse waxaa xusid mudan maxaa u diyaarsan
xukuumadda Omar Cabdirashiid, hadeerse ma u tafa xaydan kartaa in ay ka
macluumaadka laga rabay ka gaadhsiiso ? Jawaabtu waa May! Waayo waxa ay
u baahantahay hawshan Aqoonyahano heer sarre ah, tixraac taariikhdii iyo
waliba heshiisyadii hore ee Badeena, waxa kale oo ay u baahan tahay
hawshani dhaqaale lagu fududeeyo DKM ahina warkeeda waan la soconaa
talaabadda kaliya ee u furinaya waa in ay ka baxdo heshiiskaa.ayna ka
faa’iidaysato qodobka 79aad si ay adhax-jab ugu noqoto Cadawgeena, wixii
kale oo ay uga gudubtaa waa Ceeb!
Bulsho weynta Soomaaliyeed gudo iyo dibaddba waxa looga baahan
yahay,talaabadan guracan ee ay ku kaceen madaxdda DKM ahi in looga
jawaabo si waafaqsan wadanimo iyo geesimo
1 waa in Jaaliyadaha Dibadu ay sameeyaan Banaanbaxyo waa weyn oo ay uga
soo horjeedaan heshiis beeneedkan dhex maray DKM ah iyo wadanka Kenya
kaas oo Kenya ku qaadanayso qayb ka mid ah Badeena, sidoo kalna u
gudbiyaan dalalka reer galbeedka, Q.M iyo cidkasta oo arinkan wax ka
qaban karta in uu heshiiskaasi ahaa mid aan waxba ka jirin, DKM ahina
aysan Awood u lahayn
2 Aqoonyahanadda, Warbaahinta iyo waliba dadweynaha guduhu waa in ay
taageeradii kala noqdaan DKM ah hadii aysan si deg deg ah uga bixin
heshiis beeneedkan ay Kenya ugu ogalaatay in ay ku qaadato Badeena sidoo
kalena waa in ay Mas’uuliyiintu garawsanaan khiyaamadda qaran ee ay ku
kaceen, waa ina in mar danbe aysan ku celin waxaanu ogalaanay in labadda
wadanba ay Q.M u gudbiyaan Xuduud badeedka ay sheeganayaa waayo lama
hayo lama helayo warbixin lid ku ah tan Kenya oo la barbar dhigo
Cabdiqani Makhtal Maxamed
cmakhtal@yahoo.com
0025290637448
Laascaanood Sool
Wadado Maantaad
jaanis haystaane sidii Dagaal Oogihii oo kale ha noqonina