Haloow Baarlamaan - W/D: Cabdiqani Makhtal
Mudane Gudoomiye, Gudoomiye ku xigeenayaal, mudanayaalsha baarlamaanka iyo
Marti sharafta kaleba Asalaama Calaykum W.W
Bacda salaan Mudaneyaal iyo Marwooyin waxaad la socotaan in xukuumadda wadanka
Kenya ay doonayso in ay hantido qayb ka mid ah Badeena iyada oo Madaxweynaha iyo
Xukuumadda Soomaaliya gabaadka dhiganaysa, waxaad la socotaan in Nairobi lagu
gaadhay Heshiish in Badeena muran la galiyo taas oo macnaheedu yahay in ay Kenya
inagu qabsato ka dibna si sahal ah loogu xukumo amase qayb la siiyo.
Mudaneyaal iyo Marwooyin waxaa jirta in 13 May 2009 oo ah maalinka ay Q.M u
qabatay in dalkasta oo dunidda saran oo hel Badda uu soo gudbiyo Macluumaadka
badiisa, hadii Kenaya ay gudbiso in heshiiskii Nairobi ee uu saxeexay
Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ay noqon doonto Badeenu mid lagu muran san
yahay waxa kale oo ay furaysa wado ah in Soomaaliya oo dhan la jarjaro. Hadii
aydaan sida ugu dhakhsiyaha badana war cad uga soo saarina dambigaas qaybaad
yeelan doontaas kala dhantaalka Soomaaliyeedna idinka ayaa Mas’uuliyeeda qaadaya
Waxad la socotaan in Xukuumaddu ay ka meermeerayso in ay idin hortimaado si
cadna loo baahiyo nuxurka iyo Ujeedda heshiiska ka kor 13 May 2009 , waayo
xoogaaga sandareerooyinka ah ee ay siisteen Badeena ayaa aysan helayn hadii aad
Eedaan, mana ahan in aynu taako ka mid ah Badeena amase Dhulkeena aynu Siisano
Bilyamaad lacag ah
sharciga dalkeena u degsan waxa uu dhigayaa in heshiiskan oo kale marka hore
Baarlamaanka la soo bariyo ka dibna isdaas ay Xukuumadu ku saxeexdo hase-yeeshee
taasi ma dhici waana sababta la garan la yahay ee ay uga leexdeen !
Shacabka Soomaaliyeed waxa ay ka war sugayaan waa idinka, waxaana idin hortaan
mudadan ka hor oo ay hadeer ka hadhsan tahay wax ka yar 10 maalmood in aad war
cad ka soo saartaan in Qaranimadda Soomaaliyeed lama taabtaan yahay, isla
markaana Is Afgarad uusan waxba ka jirin.hadii aydaan sidas yeelina Badeena
waxaad u hibeyseen Kenya,
Ujeedda is Afgarad waxa weeye in Badeena ay muran ku jirto waayo taariikhda lagu
mahayo xili aynu badeenu muran gashay amase ay Kenya talaabadan oo kale ku
dhaqaaqday,Labo qafi hadii ay wax ku murmaan amase ay isku qabsadaan waa in xal
la gaadhaana waxaana macquul noqonaysan in wixii la isku qabsaday loo kala
qaybiyo waa marka ay ugu yartahay e, waxaana ay Soomaalidu tirhaada ku qabso ku
qadi maysid e nuxurka is Afgaradna waa sidaas
Nin la sugayo adna yaad sugin ayey Soomaalidu tiraahdaa, runtii waxa ay Umaddu
sugaysaa waa talabaadi aad qaadi la haydeen waayo waxaad wakiilo ka tihii
shacabka Soomaaliyeed waadna ka awood badan tihiin Xukuumadda jirta, Mudanayaal
waxaa in aad talaabo Geesinomo leh ku diidaan isla markaasna ina waxba kama
jiraan aad ku tilmaataan Is Afgarad.
Shir Gudoonka Baarlamaanka Soomaaaliyeed waxaa kula talin lahaa hadii aysan
waxba ka cuni sandareerooyinkii ay qaateen Xukuumadu in ay soo abaabulaan shir
looga hadlayo arinka aysana cagta saarin Mooshinka ka dhan ah Is Afgarad balse
hadii ay dhici weydo waa in sida ugu dhakhsiyaha badan Xildhibaanadda
wadaniyiinta ahi ay arinkan war cad ka soo saaraan
Cabdiqani Makhtal
Cmakhtal@yahoo.com
Laascaanood Sool
00252241059130025290637448
Faafin: SomaliTalk.com | May 6, 2009 |