Kenya oo 2005 la soo Xiriirtay DFKMG ayadoo Doonaysay in ay la bilaabaan
wada hadal ku saabsan sheegasho qayb ka mid ah Badda Soomaaliya.... Taasi
xilligaas uma hirgalin...
"...si "hints" ah (guud-mar) ama wax xoogaa weydiin ah ayaa markii hore
hadalku nagu soo gaaray, kabacdina si rasmi ah." Dr. C/casiis
- "...waxaan aad uga xumaaday marka wasiir ah wasiirka iskaashiga
caalamiga ah (ee Somalia) uu wasiirka arrimaha dibadda (Kenya) wax la
saxiixday, lagana yaabo in aan wasiirka arrimaha dibada (Somalia) hawsha ka
war hayn..." Waxaana khalad ah in dhinaceeda (Soomaaliya) ay ka timaado
warqad diidmo la'aan ah...
SomaliTalk.com oo Waraysi la yeelatay Dr. Cabdicasiis Sheikh Yuusuf oo Ka mid
ahaa Golahii Wasiirada ee Xukuumadii C/Laahi Yuusuf
Tan iyo markii DFKMG
ee Soomaaliya ay heshiiska is-afgaradka ee muranka galinaya badda Soomaaliya ay
la saxiixatay Kenya, 7dii April 2009, waxaa soo baxayey warar sheegaya in Kenya
ay aad isugu dayday in ay heshiis kaas la mid ah la saxiixato Dawladihii
Kumeelgaarka ahaa ee soo maray Soomaaliya muddadii ay ku jirtey burburka.
Waxaana gaar ahaan la sheegaa in Kenya ay isku taxalujisay in ay heshiis kaas la
mid ah la saxiixato Dawladdii FKMG ahayd ee sannadkii 2004 lagu soo dhisay
Nairobi ee uu madaxweynaha ka ahaa C/laahi Yuusuf Axmed. Haddaba,
SomaliTalk.com si ay arrintaas wax uga ogaato waxaan waraysi May 17, 2009
magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka kula yeelanay Dr. C/casiis Sheikh Yuusuf oo ka mid ahaa Golahii Wasiiradda ee lagu soo magacaabay
Nairobi (December 1,
2004). C/casiis waxa uu xukuumaddaas ka ahaa Wasiirkii Caafimaadka ilaa
bishii Febraayo 2007, xilligaas oo sida uu SomaliTalk u sheegay uu jagadaas
iskaga tegey, isagoo sheegay in sababta uu uga tegey TFG ay ahayd khilaaf la
xiriiray joogitaankii ciidamada Itoobiya ay Soomaaliya joogeen. Dr. C/casiis Sheikh Yuusuf
oo si qoto dheer uga hadlay heshiiska is-faham ee dhexmaray Kenya iyo
Soomaaliya ee ku saabsan badda waxa uu sheegay in ay khalad tahay dhinaceeda
(DFKMG) ay ka timaado warqad diidmo la'aan ah. Waxana uu shaaca ka qaaday in
dawladdii Federaalka ee uu wasiirka ka ahaa ay Kenya arrintaas hore ugala
soo xiriirtay.
SomaliTalk marka hore waxay wax ka weydiisay taariikhadiisa oo kooban ee la
xiriirta jagooyinkii uu ka soo qabatay Dawladahii hore ee Soomaaliya, waxana uu
sheegay in uu Soomaaliya ku laabtay sannadkii 1993 ilaa xilligaasna uu wixii ka
dambeeyey uu u soo khidmaynayey Soomaaliya ilaa uu wasiirkii Caafimaadka ka
noqday dawladdii kumeelgaarka ahayd ee lagu soo dhisay Kenya. Waxana uu sheegay
in uu aad uga xunyahay xaaladda ay Soomaaliya ku sugan tahay.
Waraysiga oo dhamaystiran:
Ama waraysiga oo kooban ka akhri: SomaliTalk: Mudane, sida aad la socotid, waxaa jira heshiis is-afgarad oo
Nairobi ku dhex maray DFKMG iyo Kenya, heshiiskaas oo dhigaya in labada dal ay
DIIDMO LA'AAN Qarammada Midoobay u gudbisan karaan akhbaarta la xiriirta
cabbirka badda, sidee u aragtaa arrintaas? Dr. C/casiis:
Marka koowaad arrintaas waxaan u arkaa in ay khalad tahay in Dawladda
Soomaaliya dhinaceeda ay ka timaado "NO OBJECTION LETTER", ha ahaatee
waxaan hubaa in aanu jirin dawlad ayadu haysata sharciyad in ay maanta
hawshaas ku dhex gasho, marka Alxamadu lillahi fili maayo waxweyn in ay
tahay, dhicitaan-kiise arrintaasi ay dhacday Khalad bay ahayd.
"(2005) waxay dawladdaasi (Kenya) isku dayday in ay wada
hadal furaan ku saabsan ama sheegasho ku saabsan qayb ka mid ah
Soomaaliya oo ah xagga badda, markaa iyada si "hints" ah
(guud-mar) ama wax xoogaa weydiin ah ayaa markii hore hadalku
nagu soo gaaray, kabacdina si rasmi ah." Dr. C/casiis Sh. Yuusuf
|
SomaliTalk: Ma jirtaa in Kenya ay heshiis noocaas ah usoo bandhigtay
xukuumaddii ay wasiirka ka ahayd, haddii ay jirtona faahfaahin managa siin
kartaa sidii ay idiin soo qaabileen iyo wixii aad ugu jawaabteen? Dr. C/casiis:
Waxaad ogsoon tahay in Kenya muddo dheer ay dawladdii aan ka tirsanaa
shirkii lagu samaynayey aan u joognay laga bilaabo 2002 ilaa 2004
halkaas ayaan joognay, taas macnaheedu waxaa weeye in aan dawladda muddo
dheer marti u ahayn, waxaa kale oo jira dawladihii qaybta weyn ka qaatay
in dawladdaas la sameeyo oo IGAD la oran jiray ayaguna halkaas ayey
joogeen, markaa waxay ahayd dawlad aan xushmad isku lahayn dabcan marka
aan sidaa hadalka u dhigo. Waxaa jirtey 2005 markii wasiirka Arrimaha
dibadda weli uu ka ahaa ninka hadda madaxweyne ku xegeenka ah, Kalonzo
Musyoka ayaa la yiraahdaa, wasiir ku xigeena waxaa ka ahaa haatan
wasiirka arrimaha dibadda, Moses Wetangula ayaa la yiraahdaa, wasiir ku
xigeen ayuu ahaa. Markaa iyada ah waxay dawladdaasi isku dayday in ay
wada hadal furaan ku saabsan ama sheegasho ku saabsan qayb ka mid ah
Soomaaliya oo ah xagga badda, markaa iyada si "hints" ah (guud-mar) ayey
markii hore ama wax xoogaa weydiin ah ayaa hadalku nagu soo gaaray,
kabacdina si rasmi ah. Waxaa dawladii jirtay markaa ay u sheegtay in
aanay ahayn hawshiisi mid ku quman in markaan haatan ah Kenya soo hadal
qaado ayadoo Soomaaliya ay ka jirto fowdo aad u weyn iyo wax aan macquul
ahayn, aanaana danaynayn, maxaa yeelay markaan hataan 'border dispute'
ma dhici kadho in Afrikaanka dhexdiisa ay ka dillaacdo oo waxay
keenaysaa dhib weyn oo sababa dagaal iyo wixii la mid ah, sidaa
daraadeed ayey ku laabteen oo arrintii halkaa uga baxeen. Waxaanse
ognahay in ay "proclaim' sameeyeen ama sheegasho oo sheegashadaas u
gudbiyeen United Nation-ka qaybta qaabilsan badaha, saas ayaan
ogsoonahay. SomaliTalk: Heshiiska (Kenya) ay doonayeen in ay
Dawladda Federaalka la saxiixdaan wax nuqul ah ma idinka siiyeen?
Dr.
C/casiis:
Ayagu aad uma tifaftirin maxaa yeelay waan lala bilaabin, markii lala
bilaabo ayey tifaftirayaan, lalama bilaabin, laakiin dabcan Wasaaraddii
Arrimaha dibadda oo waqtigaa jirtay waa ay hayasataa Documentation. SomaliTalk: Madaxweynahii hore ee DFKMG, C/laahi Yuusuf, muxuu ka yiri
arrintaas ay Kenya soo bandhigtay dawladdii uu markaa madaxweynaha ka ahaa?
Dr. C/casiis:
Waxaa laga yaabaa xaqiiqadii madaxweynaha in ayay u babacnayn maxaa
yeelay waxaa jirey gole wasiiro, Golaha wasiiradana sida annaga
sharcigeena ku dhigan "power-ka' golaha wasiirada ayaa leh fulinta,
ra'iisul wasaaruhu golaha wasiirada waxa uu ka yahay shakhsi ah
guddoomiye, hal cod ah ayuuna ku leeyahay, laakiin awoodda fulintu
dhammaanteed waxaa iska leh golaha wasiirada, arrintaasina waa mid soo
geleysa awooda fulinta, dabcan madaxweynuhu la tashi waa leeyahay iyo
madaxtooyadu, doorweyna waa ay ciyaaraan, laakiin hawsha waxay ku
qummanayd golaha wasiirada jawaabtooduna sidaas ayey ahayd. SomaliTalk:
Marka ma qaab wasiiro ahaan ayey idiin qaabileen oo ma shir ayey idi
qaateen, mise qoraal ayey idiinku soo direen (heshiiska ay Kenya
doonaysay in loo saxiixo)? Dr. C/casiis:
Sidaan kuu sheegay markii hore qaab "hints" ayay ahayd, markii dambena
si rasmi ah ayey u yimaadeen, hase ahaatee markiiba waa laabteen oo
fadhi ma uusan dhicin arrintaa laga wada hadlay.
Dr. C/casiis Sheikh Yuusuf, Wasiirkii hore ee Caafimaadka ee DFKMG SomaliTalk:
Adiga marka, waraysigan aad bixinaysid oo hadda aad siinaysid
SomaliTalk, ma loo qaadan karaa in aad hadda mucaarad ku tahay
dawladdaan cusub ee Shariifku madaxweynaha ka yahay? Dr. C/casiis:
Ilama ahan in loo qaadan karo maxaa yeelay anigu mucaarad kuma ahi
dawladdan, bilcagsi aad ayaan u taageersanahay, waxaana aad iyo aad u
jir nacayaa kuwa ka soo horjeeda oo doonaya in ay burburiyaan, maxaa
yeelay waxaan ogahay waxaasi insan dano Soomaaliyeed ahayn, waxaanse
arrintaa u qeexayaa waxa aniga iiga aadan shakhsiyan muwaadin Soomaali
ah ayaan ahay iyo wax jira oo dukumiinti ah oo markaa credential-keedii
(cadaymaheeda rasmiga ah) ay yaalaan, ayaan u qeexayaa aniga, laakiin
dawladda anigu kamana soo horjeedo waana jeclahay in ay cagaheeda ku
isku taagto oo muddada yar oo ay haysato oo laba sano iyo wax la mid ah
in ay dalka dhammaantiis ku soo celiso "law iyo order' (Sharci iyo kala
dambayn) waa jeclahay.
"...u malayn maayo in ay Kenya u hirgeleyso... Soomaalidu
ma ay ogola waddankooda in bilaash lagu qaato ..."
|
SomaliTalk: Adigoo adeegsanaya khibradaada, maxaad u
malaynaysaa in xal u noqonaayo si Kenya arrinta ay hadda raadinayso (ee
la xiriirta dhul-badeedka Soomaaliyeed) aysan ugu hir gelin? Dr.
C/casiis: Anugu u malayn maayo in ay Kenya u hirgeleyso maxaa yeelay
sharciyan marka la eego horta waxakan la isla saxiixay waa warqad
is-faham ah "memorandum of understanding", waxayse Kenya ka saacidaysaa
maadaama meesha ay ka yaalaan laba goor sheegasho ah in warqatanu ku
saa'ido oo la yiraahdo waatan warqaddii ahayd waxba kama qabo, waxba
kama qabo yey noqon'e waa is-afgaranay waxa la iska afgartayna waa
arrintii ayada ahayd, ayadoo laga yaabo in warqadda waxyaabo farabadan
oo kale ku xusnaayeen, laakiin hadana dispute-ku (muranku) waa ku xusan
yahay warqadda, markaa wax ay ka faa'iidaysan kadho Kenya waa ay tahay,
FILISE AAN MAAYO in ay u ahaanayso oo dhawr waxyaalood ayaa meesha ku
jira, mid waxaa weeye sharciyadda dawladda hadda jirta waa dawlad ku
meelgaar ah, dawlad sharci ah waatahay hadana waa dawlad ku meelgaar ah,
legitimacy ma gaari karto ilaa heerkaas ah oo ay xuduud iyo 'border
dispute' ay ku xalliso. Tan kaleetona waxay tahay Soomaalidu ma ay ogola
waddankooda in bilaash lagu qaato iyo wax la mid ah, markaan haatan ahna
anagu waxaanu leenahay Territory (dhul) caalamka laga ogyahay oo aan
cidna ku soo xad gudbi karin. SomaliTalk: Ma jirtaa wax talo ah
oo aad u jeedinaysid Dawladda Federaalka ee hadda jirta (oo arrintaan ku
saabsan)? C/casiis:
Waxaan usoo jeedinayaa in aad iyo aad dawladdu uga fiirsato waxaas iyo
wixii la mid ah, oo aanay ku degdeginin hawlaha noocaas ah, waxaan aad
uga xumaaday marka wasiir ah wasiirka iskaashiga caalamiga ah uu
wasiirka arrimaha dibadda wax la saxiixday, lagana yaabo in aan wasiirka
arrimaha dibada oo kale hawshaa ka war hayn, waxa uu la saxiixanayona in
ay ku jirto xusitaan 'border dispute', markaa in ay aad iyo aad uga
digtoonaadaan islamarkaana wada shaqayn yeeshaan iyaga laftigoodu, waxaa
ka muuqata dawladdu wada shaqayn in aanay lahayn, wax alla iyo wixii
wasiir hore ahaa oo wasaaradda arrimaha dibadda ahaa ama baarlamaanka
ayay joogaan ama waddanka ayey joogaan, marka wada shaqayntu waa
liidataa, wada shaqayntuna in ay wax macna leh noqoto, islamarkaana laga
fiirsado waxyaalaha ku saabsan arrimaha cayn kaas ah, ayaan aad iyo aad
ugu soo jeedinayaa dawladda.
Safka gadaal taagan, ka bilow midig, kan labaad waa Dr. C/casiis Sh.
Yusuf
Wasiiradii DFKMG, Dec 1, 2004 Warasiga oo intaa ka dheeraa oo Dr. C/casiis
uu kula hadlayo Soomaalida:
Faafin: SomaliTalk.com | May 17, 2009 |