Home » Qoraallada Halkudhegga "Eenow"

SUDEEFNIMADA SABAB-LA’AAN DHACDEY

Nov 22, 2013
(هُوَ الَّذِي جَعَلَ لَكُمْ الأَرْضَ ذَلُولاً فَامْشُوا فِي مَنَاكِبِهَا وَكُلُوا مِنْ رِزْقِهِ وَإِلَيْهِ النُّشُورُ) Ereyadaas quraanka ah waa aayadda 15-aad ee suuradda Al-Mulki. Waxay yihiin bayaan la-yaab badan oo tilmaamaya in Eebe uusan ugu tala-gelin in qof sabool ah uu ku noolaado dunida.... 
Halkudheg:

HURGUNTA HOGGAANKA HUYUUCSAN

Nov 11, 2013
Mar-kasta oo aadamigu uu il-baxayey, wuxuu nolosha u adeegsanayey qiyaas iyo beeg uu ku qiimeeyo walxaha iyo tamarta uu nolosha u kaashado. Toddoba hal-beeg oo heer cari-edeg leysula oggolaadey ee sal-dhig u ah miisaamada maamulka dhaqdhaqaaqa nolosha aadanaha. Waxay kala yihiinKilo-gram (miisaanka culeyska), Meter (cabbirka dhererka), Candela (awoodda ifka), Second (gooreysada), Ampere (qul-qulka... 
Halkudheg:

FAYIIGSIGA TIMAADDADA | Qore: Dr. Saadiq Enow

Aug 25, 2013
Xilliga ah timaaddada waa wakhti ku soo haya oo socdaalka nolosha uu kugu riixayo. Sida taaganta maanta ah ay u tahay timaaddadii shaley, ayaa timaaddada kugu soo food-leh ay u noqoneysaa taagan aad xilligeeda dhex taagan-tahay. Aragtida gaaban ee aanan si sax ah loola fayiigsan hiraalka timaaddada waa mid bogsiinyaha lagaga baxo. Kuwa aanan aragti u lahayn timaaddada (qof ahaan iyo bulsho ahaan),... 
Halkudheg:

DAREERAHA CAGAARAN

Jan 25, 2013
Qore: Dr. Saadiq Enow In loo dhug lahaado abuurka waa sababta loo nool-yahay oo dad loo-yahay. Waana qodobka ugu hilan culus oo kobcinaya garashada qofka aadamiga ah iyo fahamkiisa ku wajahan nolosha. Qofka aanan dhugtiisa adeegsan, laba midkood ayuu u ban-baxaa. In uu ku shaqeeyo dhug hooseysa oo markaas uu lamid noqdo bahaahimka ka aradan kaska iyo garashada. Ama in uu noqdo mid dhugtiisii lala... 
Halkudheg:

SOOMAALI-WAYN: Dhalashadeedii iyo Dhabar-jabkeedii | Casharkii 28-aad

Dec 4, 2012
Casharkii XXVIII-aad Xoogagga is-baheysiga xuddunta (Axis Powers) waxay horey u diyaariyeen ciidan xooggan oo si toos ah u weerara xuduudda waqooyi ee dalka Giriigga. Waxay isugu jireen Jarmal iyo Bulgarian. Weerarka ay ciidankaasi qaadayeen wuxuu ahaa mid ku lammaanan weerarkii xagga cirka ee Jarmalku ay la beegsadeen magaalo-madaxdii Yugoslavia (Belgrade) iyo dalka Macedonia ee waqooyiga Griig. Ciidanka... 
Halkudheg:

IFKA HAALO

Nov 18, 2012
Waxaanu ku noolnahay adduun ay ceegaagto asraar aanan inoo muuuqan. Uunka ma-muuqatadu wuxuu ku ahaadey xikmad Eebe (kor ahaaye) iyo jarribaad aadamiga laga doonayo in nolosha uu si miyir leh u tallaabsado maankana si hufan u adeegsado. Aanu is-weydiinee, ma la rumeysan karaa in uu jiro nuur inagu hareereysan oo ka baxaya korkayaga, kaas oo leh midabyo lala ashqaraaro, lagana akhristo xaaladaheena... 
Halkudheg:

SOO DI’-IDDA BIRTA

Oct 24, 2012
Muuqaallada uunka ee cajiibka badan waxaa kamid ah bir sidii roobkii inoogu soo de´eysa, taas oo ah raxmad Eebe (kor ahaaye) uu inoogu hagaajinayo dheelli-tirka socodsiinta nolosha dhulka oogadiis. Sanadkii 1963-kii ee qarnigii tegey ayay ahayd markii ugu horeysey oo aadamigu uu xaqiiqsadey in birtu ayan ahayn agab ku sameysmey dhulka gudihiisa, bal ay tahay cunsur ka yimid meel ka baxsan dhulka.... 
Halkudheg:

MAXAMAD ADEEGIHII EEBE ee SUUBANAA (Nabadgalyo iyo naxariis korkiisa ha ahaato)

Sep 29, 2012
(shacni iyo nabadgelyo dushiisa ha ahaato) (( وَمَا مُحَمَّدٌ إِلَّا رَسُولٌ قَدْ خَلَتْ مِنْ قَبْلِهِ الرُّسُلُ )) ” Maxamad, rasuul mooyee wax kale maahan, kaas oo hortiis ay tageen rusul badan (Suuradda Aala-Cimraan. Aayadda 144-aad) Maxamad (shacni iyo nabadgelyo dushiisa ha ahaatee) waa shakhsi kii arkey ay sharaf u tahay oo kii... 
Halkudheg:

ILLEEN SUULKUNA GALLAD BUU AHAA !

Sep 21, 2012
Dhambaalka Eebe (Kor ahaaye) ee Quraanka ah, mar walba wuxuu aadamigu ku guubaabinayaa in uu xiiso u yeesho raad-raaca abuurka ee uusan noqon mid la dhaqan ah bahaahinka. Wuxuu inoo tilmaamayaa inaan qiimeyno mudnaanta aanu ka helney xagga Eebe (kor ahaaye) iyo galladaha qiimiga wayn ee bilaashka leynagu siiyay. Aadamiga aanan caqliga adeegsan oo ay caadifaddu ceynaanka u heyso, mar walba waxay nolosha... 
Halkudheg:

SOOMAALI-WAYN: Dhalashadeedii iyo Dhabar-jabkeedii | Casharkii 27-aad

Sep 11, 2012
Casharkii XXVII-aad Sidii caadada u ahayd ayaa dowladda Jarmalka, iyada oo wax sabab ah ayan jirin waxay dejisey qorshe weerar oo ku wajahan degaanka koonfur-bari ee qaaradda Yurub. Gaar ahaan degaanka buuraha Balkaan iyo dalka Giriigga. Qorshahaas oo magaciisu ahaa Operation Marita ayaa ku tallaabsigiisii wuxuu yeeshey saddex dhacdo oo hor-dhac u noqdey, kuwaas oo dedejiyay fulintiisii. Midda koowaad... 
Halkudheg:

DHEX-ROORAHA FAGAAGGA IYO TIIGSIGA FARRAARE

Aug 20, 2012
Haddii aanu u martinno akhriska aayadda 33-aad ee suuradda Al-Raxmaan, waxaa inoo muuqanaya aqoon baaxad weyn oo aayaddu ay inoo tilmaameyso. Sida u caadada ah aayadaha quraanka, iyaga oo bilowgii la hadlayey bulsho badow ah oo ku dhaqneyd tuulo ku dhex-taal dhul lama-degaan ah, ayaa misana waxaad moodeysaa in ay maanta soo degatey oo ay la hadleyso dadka ugu garashada sareeya kun-sanadeedkan (Millennium-kan)... 
Halkudheg:

SOOMAALI-WAYN: Dhalashadeedii iyo Dhabar-jabkeedii | Casharkii 26-aad

Aug 3, 2012
Casharkii XXVI-aad Haddaanu dib ugu laabanno meertada taariikhda dagaal-weynihii II-aad, waxaa jirtey xilligii ay Jarmalku bilaabayeen mashruucooda dhul-boobka ah, xilligaas ayaa Talyaaniguna ay gashey qiiro middaas lamid ah. Isla-markaas Talyaanigu wuxuu iskula muuqdey in uu yahay dowlad awood leh oo heli karta guulo lamid ah midda uu Jarmalku heley. Meesha u muuqatey waxay markaas ahayd dowladaha... 
Halkudheg:

AQALKII LIITEY | Qore: Dr. Saadiq Enow

Jul 17, 2012
Aqal waa meel uusan nooluhu uga maarmin noloshiisa. Waa meel lagu nasto oo lagu nagaado. Waa lagu hoydaa oo lagu har-galaa. Aadamiga, goor hore ayuu ogaadey baahida uu u qabo in uu helo aqal uu ka helo hoyasho iyo har-gal. Baahidaas hoy-doonka ah, aadamiga waxaa la wadaaga noolaley badan oo xataa aboorku kamid yahay. Laakiin aadamigu wuxuu kaga duwan yahay isaga oo intaas dadaal ugu jira sidii uu... 
Halkudheg:

SOOMAALI-WAYN: Dhalashadeedii iyo Dhabar-jabkeedii | Casharkii 25-aad

Jul 7, 2012
Casharkii XXV-aad Jarmalkii waxaa gacanta u galay waddamadii ku yiil bartamha iyo galbeedka qaaradda Yurub, marka laga reebo dalka Ingiriiska oo isago ah jasiirad ku dhex-taal bad-weynta Atlantikada. Shucuubtii ku dhaqneyd iyo dowladihii u talinayay waddamadaas waa uu ka saad-caleeyey, markaas ayaa madaxdii Jarmalka waxay isu arkeen in ay ku guuleysteen dagaalkii. Hoggaamiyihii Nazi-ga Adolf Hitler... 
Halkudheg:

HAYAANKA RAASHINKA

Jun 25, 2012
Adiga oo jooga Soomaaliya marka aad u fariisatid in aad cuntid raashin qado ah oo adigoo gaajeysan lagu soo hor-dhigo saxankii uu raashinku ku jirey, waad ku raaxeysaneysaa cunista raashinka. Qiyaastii muddo 20 daqiiqo ah ayaa waxaad ku dhameysaneysaa saxan bariis ah, cad hilib ah, xabbad moos ah iyo sallad la socda. Haddii aad hesho gabal ah babaay ama canbe, waxaad ka daba-geyn koob biyo ah. Dabadeed... 
Halkudheg:

SOOMAALI-WAYN: Dhalashadeedii iyo Dhabar-jabkeedii | Casharkii 24-aad

Jun 10, 2012
Casharkii XXIV Markaas uu Talyaanigu soo weerarayo xuduudda Faransa, ciidamada keliya ee dowladda Faransa ay ka hor-geyn kartey weerarkaas waxay ahaayeen ciidankeeda badda. Gaar ahaan cuntubyada fadhigoodu ahaa badda dhexe (Mediterranian). Raxanta saddexaad ee ciidanka badda Faransa ayaa markaas ku sugnaa degmada Toulun ee ku taal xeebta uu Faransiisku ku leeyahay dhanka bari ee badda dhexe. 14/ 6-... 
Halkudheg:

IS-FITAAXA ADDUUNKA

May 31, 2012
Sida la ogsoon yahay caalamka nagu hareereysan wuxuu ka kooban yahay xiddigo (planets) isu raacsan hab-caa’iladeed, cirjiidyo (galaxies) ay ku urusan yihiin milyaaraad qoysas oo xiddigo ah iyo bannaa dhexahooda yaal (inter-galactic & inter planets spaces). Abuuraleydaas na dul-heehaabaya markii leysu-geeyo waxay lee-yihiin muuqaal buufin oo kale ah, kaas oo dhibco yar-yar oo fara-badan (xiddigihii)... 
Halkudheg:

SOOMAALI-WAYN: Dhalashadeedii iyo Dhabar-jabkeedii | Casharkii XXIII-aad

Apr 24, 2012
Laba dagaal oo ka dhacay waqooyi-galbeed ee Faransa waxay soo af-jareen in ciidamadii xulufada looga adkaado degaanka xuduudda u ah Faransa iyo Beljam. Labadaas dagaal oo kamid ah dagaallada lagu xuso taariikhdan ayaa mid wuxuu ka dhacay degmada Arras (21/ 5- 1940) mid kalena wuxuu ka dhacay degmada Cambrai (22/ 5- 1940). Isla-maalintaas ay bishu ahayd 22, waxaa amar la siiyay Jeneraal Heinz Wilhelm... 
Halkudheg:

DAMACII LIITEY – Qore: Dr. Eenow

Apr 9, 2012
Damacu waa tilmaan aad u liita oo qofkii wax isku falaaya uu ka xishoodo. Waa tilmaan la xiriira aragti ku dhisan dugaagnimo, taas oo ka dheer garaadka hagaagsan iyo garashada wanaagsan. Qofku markuu damco in uu wanaagga iyo kheyrka badsado, laguma tilmaamo qof damac-xumi ay qaadey. Bal waxaa la yiraahdaa, waa qof leh han sare oo uu tiigsanayo iyo hiraal qurxoon oo u muuqda. Dhan-kale, damacu waa fal-celis... 
Halkudheg:

SOOMAALI-WAYN: Dhalashadeedii iyo Dhabar-jabkeedii | Casharkii XXII-aad

Mar 27, 2012
Sida aanu soo xusney habeenka uu bilowdey qorshihii weerarkii ku magacawnaa Fall Gelb (10/ 5- 1940-kii), isla-habeenkaas ayaa la doortey ra’iisul-wasaarihii cusbaa ee Ingiriiska Winston Chuechill. Saacado dabadeed wuxuu magacaabay xubnaha dowladdiisii, isaga oo isla-markaas saxiixey, ciidamada cirka ee Ingiriiska, marka ugu horeysa oo ay fursaddu u saamaxdo in ay si buuxda u duqeeyaan magaalo-madaxda... 
Halkudheg:

SOOMAALI-WAYN: Dhalashadeedii iyo Dhabar-jabkeedii | Casharkii XXI-aad

Feb 29, 2012
Markii magaalo madax-dii Poland ay ku dhacday gacanta ciidamadii Jarmalka (27/ 9- 1939-kii), isla-maalintaas ayuu Hitler wuxuu jeneraalladiisii faray in ay dejiyaan qorshihii dagaalka la magac-baxay Fall Gelb. Waa dagaal qorshihiisu ahaa in uu ku qabsado dalka Faransa iyo dowladaha dhulka hooseeya ee leysku yiraahdo Low Land. Markaas wuxuu bilaabay, ciidamadii ka jiray jabhadda bari in uu si tar-tiib... 
Halkudheg:

TIRSIGA DHEELLI-TIRAN EE DAHABIGA AH

Feb 17, 2012
Fal kasta marka lagu dhaqaaqayo wuxuu u baahan yahay jaan-gooyo lagu qotomiyay ee ka yimid maan aanan la hafran. Xikmaddu waxay hagaajisaa mira-dhalka laga filayo natiijada falka lagu dhaqaaqayo. Sidaas darteed beega qorshe-hagaajinta waxaa lagaga bad-baadaa in nolosha aadamigu ay u heehaabto heer howtal-hamag. Eebaha boqorka ah ee aan lala yeelan xukunka iyo saamiga, wuxuu inoo laqiney casharo wanaagsan... 
Halkudheg:

SOOMAALI-WAYN: Dhalashadeedii iyo Dhabar-jabkeed | Casharkii XX-aad

Feb 10, 2012
  Weerarkii uu Jarmalku ku qabsaday Poland wuxuu ku magacaabay Ololihii Sebtember (September Campaign). Waxaa ka qeyb-qaatay ciidan tiradiisu dhan yahay 1,500,000 oo ay weheliyaan 2,750 oo taangi iyo 2,315 oo dayuuradood. Markii uu weerarkaas bilowdey, qiyaastii laba toddobaad kadib (17/ 9- 1939-kii), waxaa dhanka bari ka soo weeraray dalka Poland ciidankii casaa (The Red Army) ee Midowga Soofyeeti,... 
Halkudheg:

WAA-WAREYDA WADNAHA

Feb 3, 2012
  Wadnahu waa xubin hilib ka sameysan (Myogenic Organ) oo aynu ku wadano laabta dhankeeda bidic. Wuxuu kamid yahay xubnaha saldhigga u ah nolosha jirka. Muddo qarniyo badan ah ayuu aadmigu si gaar ah ugu howlanaa kororsiga ogaallada ku hareereysan xubintan. Wixii ka horeeyey qarnigii 20-aad, tallaabooyinka uu aadamigu u qaaday dhanka garashada asraarta wadnaha, waxay ahayd mid kooban. Aqoonta... 
Halkudheg:

SOOMAALI-WAYN: Dhalashadeedii iyo Dhabar-jabkeed | Casharkii XIX-aad

Jan 24, 2012
Weerarkii ka bilowdey geeska Afrika oo Talyaanigu uu ku qaadey Itoobiya, iyo kii ka bilowdey bariga-fog ee Jabaanku uu ku qaadey Shiinaha, jamciyaddii caalamiga ahayd (League of Nations) waa ay ka aamustey. Sababtu waxay ahayd dowladaha hor-boodayay jamciyadda (Ingiriis, Faransiis iyo Mareekan) oo aanan xilligaas qorsheysan in ay ka qeyb-qaataan dagaal dunida ka hura. Ingiriiska iyo Faransiiska waxaa... 
Halkudheg:
Kafaalo
Mashruuca Isku-filnaasho Gaarsiinta Qoysaska Agoonta - Akhri / Ka qayb qaado...