Maxmuud
Nuur Wardheere
Milwaukee, WI
mnwardere@yahoo.com
The treaty ama heshiiska badaha ee Soomaaliya iyo Kenya
Sida iska cad dawladda cardunka ah ee aan weli qaan gaarin ee
Soomaliyeed qalad cad ayay gashay. Dawladda Kenya iyo UN ayaa qaladkaas
geliyay. Laakiin in qaladkaas loogu marmarsiiyoodo duminteeda waa qalad
kale ama qalad qalad ku sax. waxaa haboon in la saxo ee ma haboona in la
dumiyo. Heshiiskan ma dhaqan geli karo ilaa baarlamaanka Soomaaliya
ansixiyo. Baarlamaankana hadda wax uu geli karo maahan hawshaan oo waa
ay ka weyn tahay. Heshiiyadan oo kale shacabka Soomaaliyeeed waxaa uu
jecel yahay in waa danbe lala sugo oo aan hadda laguba mashquulin
Dawladda cusub ee aan weli dhamaystirmin waxaa ay kala garan weysay
hawlaha murugsan ee u yaal sida ay u kala muhiimsan yihiin (priorities).
Heshiisyada badaha iyo xuduudaha ma ahan wax maanta looga fadhiyay xataa
ayadoo aanan weli la dhamaystirin xubnaheedii haykalka dawladnimo dib u
heshiisiin iskaba iyo daryeele.
Dhaqanka caalamiga dawladaha heshiiskan oo kale waa inuu jiraa
1) Xafiis kala taliyo heshiiyada caalamiga (treaties) dawladda kana
shaqeeya hirgelintiisa.
2) Heshiisyadan oo kale waxaa ay dhaqan geli karaan oo keiya marka
senate-ka ama baarlamaanka dalkaas ogolaado.
3) Madaxweynaha iyo Raiisal wsaaraha iyo wiiradiisa waa ay la gorgortami
karaan ama kala hadli karaan dawlado kale treaties laakiin awood uma leh
keligood ogolaansha.
Waxaan ku talinayaa in weli waqti la siiyo dawladda cusub maadaama
madaxweynaha iyo raiisal wasaaraha shaqsiyadooda aad loogu kalsoon yahay
iyo prime misterka oo yiri ma ogoli in aan taako dhulka Soomaaliya
bixiyo. Muhimadda waa in dadkeena tabaalaysan ee 20 ku jiray rafaadka
iyo holokoosta hanbadooda aan badbaadinaa. Waa in aan tanaasul la
nimaadnaa. waa in aan mdi midi ku taag ka gudubnaa. waa in aan u naxnaa
kuweena tabarta daran. waa in aan ogaanaa in dawladnimo sharaf noogu
jirto. markaas ayaan diidi karnaa amarka Kenya iyo UN ee badaha.
Canbaarayn Kenyaiyo UN
Dawladda Kenya ma ahayn in ay maanta ku qasabto dawladda yar ee
Soomaaliya in ay saxiixdo heshiis aanay tabarteeda ahayn. waa ka
faaiideysi in deris liita la yiraahdo waan ku taageerayaa ee heshiiskan
ee saxiix. UN sidoo kale waa ka faaiiideysi in dawlad yar oo taageero
iyo aqoonsi kaa doonaysaa lagu qasbo in ay saxiixdo wax aanay awoodeeda
lahayn ama aanan waqtigeedii la gaarin. Sorry, not this time!
Haddii aan qayaano jirin maxaa hadda keenay heshiiska badda ee
Soomaaliya? Maxaa loo sugi waayay ilaa dawladdu ka qaan gaarto?
Madaxweyne Shariif iyo Prime minster Cumar waxaa haboon in ay kordhiyaan
dadka la taliya sidii ay baarlamaanka u kordhiyeen. qaladkan heshiiska
badda waa fursad fiican oo aad dadka Soomaaliyeed ku raaligelin kartaan
haddii aad dadka u soo bandhigtaan dadka idinla taliya ama waxa ay Kenya
iyo UN idiin sheegeen taasoo xilligan idinku qasabtay in aan saxiixdaan
heshiis idinka weyn. Waxaa soo kordhaya tuhunka dadka madaxweynaha la
taliya. La taliyeyaal fiican waa kuwa madaxweynaha inuu guulsto sabab u
noqon kara.
Shacabka Soomaaliyeed waxaa haboon in aan dib loogu laaban xilligii wax
duminta ee aan u gudubnaa xilligii wax dhiska. Shacabkeena dhibta
haysata awgeed waa in aan dawladdan u taageernaa anagoo saxayn wixii
qalad ah ee aan ku aragno.
Allow nabad iyo dawlad fiican sii Soomaaliya.
Maxmuud Nuur Wardheere
Milwaukee, WI
mnwardere@yahoo.com