SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIFAACA BADDA SOOMAALIYEED

Dowladda Sheekh Shariif oo uu waagu ku baryey markii la helay in Kenya ay Qaramada Midoobey u gudbisay qoraal ku aadan inta ay Badda Soomaliya ka goosatay.

Dowladda Federaalka Soomaaliyeed oo waayadanba dhibsaneysay in lagu soo qaado heshiiskii badda ee dhex maray iyada iyo Dowladda Kenya ayaa haatan qaar ka mid ah mas'uuliyiinta dowladda uu waagu ku baryey markii ay maqleen ama ay soo gaartay in dowladda Kenya 6-dii bishan ay u gudbisay Qaramada Midoobey inta ay badda Soomaaliya ka goostay oo gaareysa 116,000 Km2 , waxayna mas'uuliyiintaasi qaarkood oo aanu la kullanay in ay sheegeen in Dowladdu ay maalmahan ka meermeereysay in ay faahfaahin dheeraad ah ka bixiso heshiiskii badda ee dhex maray Kenya iyo Soomaaliya, sidoo kale waxay sheegeen in la hor istaagay mowshin la doonayey in looga hortago arrintaasi oo lagu waday in la horkeeno Baarlamaanka, iyagoo sheegay in la baajiyey kulamo looga hadli lahaa arrinta ku aadan heshiiska badda ee Dowladdu la gashay dalka Kenya.

Mas'uuliyiinta dowladda qaarkood oo diiday magacooda ayaa waxa ay sheegeen in dowladda Sheekh Shariif ay mas'uul ka noqon doonto arrimaha ay ku dhaqaaqday dowladda Kenya oo ah in baddii Soomaaliya qayb ka mid ah la wareegtay sidoo kale waxay sheegeen in la baajiyey banaanbaxyo ay shacabku ka dhigi lahaayeen Magaalada Muqdisho oo looga soo horjeedo heshiiskaasi.

Cali Guuleed oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed ayaa waxa uu sheegay in dowladda uu hogaamiyo Sheekh Shariif ay noqon doonto dowlad taariikh mahadho ah reebi doonta oo ku saabsan Badda Soomaaliya, isagoo sheegay in Kenya weligeed aysan soo hunguriyeen wax ku saabsan Badda Soomaaliya, waxa uuna talo ku soo jeediyey in si deg deg ah arrintaasi looga hortago inta aanla gaarin 13-ka bishan oo Qaramada Midoobey ka fariisan doonto arrintaasi.

Kenya oo Qarammada Midoobay u Gudbisatay Xogta Rasmiga ah ee Baddeeda: Badda Soomaaliyana ka Goosatay 116,000sq.km.. Akhri.. May 7

Dowladda Sheekh Shariif oo waayadan ay soo gaarayeen baaqyo xambaarsan dhaleeceyn aad u ba'an ayaa dadka qaarkii waxay ku tilmaameen in ay tahay dowlad ay u badan yihiin dalaaliin oo aysan ku jirin damiir islaamnimo iyo mid wadaninimo, sidoo kale wararka naga soo gaaraya dalka Kenya waxay sheegayaan in dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi ay aad uga careysan yihiin heshiiska dhex maray Dowladda Kenya iyo Dowladda Soomaliya, iyagoo uga digay Dowladda Kenya in aysan ku degdegin la wareegida qaybo ka mid ah Badda Soomaaliya, iyagoo sheegay in ay ka dhalan doonto cawaaqibmo, waayo ayay yiraahdeen, "Dhul Soomaaliyeed ayaa weli gacanta Kenya ku jira, midkaas ayaana dooneynay in gacanteena dib loogu soo celiyo, mana dooneyno in qayb ka mid ah Badda Soomaaliya loogu daro Kenya dhulkii ay horey nooga haysatay". Sidoo kale waxay u soo jeediyeen Wadamada Islaamka, kuwa Carabta iyo Qaramada Midoobey in ay arrintaasi si deg deg ah looga hortago, waxaana si gaar ah looga codsaday dowladaha Carbeed in ay garab istaagaan hamiga Dowladda Kenya ee Badda Soomaaliya.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 7, 2009

BAARID | SEARCH


shariifSheikh Shariif oo Noqday Madaxwaynihii ugu horeeyay Taariikhda Soomaalida oo Khilaaf Galiyay Badda Soomaaliyeed...
"....baddana waxaa waaye KHILAAF ayaa ka jira" - waraysi cod ah oo laga duubay... Akhri..
 

Xildhibaan Maxamuud Axmed Tarsan iyo Afhayeenka Ahlu suna wal jameeca ee Yurub oo difaacay Badda Soomaaliya
Dawladii C/laahi Yusuf waa diidey in ay saxiixdo
 

craxamnWasiirkii Heshiiska u Saxiixay Kenya oo Qiray in "Dawladda Kenya Kusoo Xad Gudubtay Qayb Kamida Badda Soomaaliyeed"...
C/raxmaan C/shakuur waxa uu intaas ku daray in heshiiska la horgayndoono Baarlamaanka Akhri

Warbixin: - Heshiiska Badda: - Yuu Dan u yahay?! Khatarta ka imaan karta, & Sidee looga Hortagi karaa?!!!

shariiffarooleAragtida Shariifka iyo Faroole ee Heshiiska is Afgarad ee Kenya Lala Galay
Sh. Shariif: kuwa ka soo horjeeda heshiiskan haba yaraatee ma aysan akhrin ----- Dr. Faroole:  Cidna xaq uma leh in qayb kamida dalka Soomaaliyeed cid kale heshiis lagula geli karo... Akhri..

Axmed Walad Cabdalla oo la weydiiyey waxa uu ka ogyahay heshiiska Is-afgarad ee badda ee Somalia iyo Kenya
iyo Kenya oo Markale ka hadashay Heshiiska is-Afgarad ee ay la gashay DFKMG.. Akhri...

"Burcadda Qalinka: Norway, UN, iyo Kenya oo Qorshaha Xuquuqda Shidaal Qodista ka wada Xeebta Soomaaliya"
"Qarammada Midoobay waxay ka qayb qaadanaysaa Norway iyo Kenya gacan ku dhigidooda xuquuqda shidaal qodista ee badda Soomaaliya" InnerCityPress..


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: