SOMALITALK.COM Dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALIA FOR SALE

Somalia for Sale

Soomaaliya waa iib (1)

Wasaarada Maaliyadda

Qore: Axmed sadiiq
Sadiiq120@gmail.com

Waa barnaamij toddobaadle, taxane ah...


  • Qoraaga warbixintan waxa uu muddo sanad ku dhawaad ah ka shaqeenayay xarunta Villa Soomaaliya (Madaxtooyada) ee DFKMG, waana qoraallo xiriir ah.

Hordhac

Asalaamu calaykum waraxmatulahi wabarakaatuhu.

Qoraalkani waxaa uu kamid yahay qaylo dhaan oo aan ku cadeenayo qoraal la magac baxay somaaliya waa iib (Somalia for sale) qaybtan ah Somalia for sale waa qayb kamid ah qoraaladaas laguna faafin doono aaladda internetka.

Majecli in aan badanaa qof aan si khaas ah u falan qeeyo dabcigayguna ma ahan, laakiin marka la fiiriyo xaalada dalka uu marayo iyo anoo mararka qaar is dhaha Wax yaalaha qaar hadaad ka aamustid armaad danbi ka gashaa ummadda Soomaaliyeed. Waxaa socda boob qarameed oo meel walba ah, waxaa waajib ah in la galo dagaal lagu bad baadinayo hantida guurta ah iyo midda maguurtaba ahba.

Muddo ku dhawaad ah sanad ayaan ka shaqeenayay xarunta Villa Soomaaliya (Madaxtooyada), fikradda ama shaqsiga aan sharxayo ama wasaaradda waxaan ka Sheegayaa inta aan ka ogahay ee ku kooban mudada aan sheegay iyo inta aan ka Aruuriyay hamigiisa siyaasadeed iyo qaabka uu u shaqeeyo iyo kaalinta uu ku leeyahay boobka qaranka asagoo ah ku xigeenka R/wasaaraha ahna wasiirka maaliyadda iyo hada oo ay mareyso khilaafka meeshii ugu darnayd iyo saameynta uu ku leeyahay arinkaas anigoo ku Cadeenayo waxa uu sameeyay oo kaliya oo aanan ka sheegayn wax aanan ahayn Xaqiiqo ama aanan jirin.

Iyo waliba Xariirka ka dhaxeeya madaxweynaha soomaaliya sharif sh. Axmed iyo shariif xasan, Waayo waxaa jira in dad badan is weydiinayaan waa nin noocee ah Shariif Xasan kawaran xaaladiisa oo soomaalida oo dhan ay is weydiiyaan ama Mas'uuliyiin ha ahaadaan ama shacab marka waa in bal wax yar aan u iftiimiyaa.

Shariif Xasan iyo xariirka asaga iyo madaxweynaha

Bilawgii is barashadda

Laba qof barashadoodu kuma xirna in ay hal meel ku soo wada koraan ama ay hal deegaan kawada yimaadaan, ee dadku waa is baran karaan waana isku fiicnaan karaan laakiin waa inay leedahay xad xira siiba marka ay joogto qaran iyo maamul.


Waa markii ay iska heleen labada shariif (AFGOOYE)

Intaa kadib waxaa ii suura gashay in aan kor ka barto mudane shariif Xasan, wasiirka maaliyada, kadib na maadaama aan badanaa joogo madaxtooyada waan ar-arki jiray. Wasiirka badanaa ma'uusan lahayn xafiis uu fadhiisto inta uu joogo Muqdisho badanaana waa ay koobnayd inta uu joogo markuu imaadana waxaa uu ku soo dagi jiray booska uu ugu jecelyahay madaxtooyada waa xafiiska madaxweynaha dabaqa ka sareeya oo markii hore loogu tala galay in uu madaxweynaha ku nasto marka uu daalo, ama uu ku qadeenayo meeshaas ayada ah. Waxaa halkaas si toos u daganaa wasiirka maaliyada, waana uu jeclaa badanaa dhanka amaanka iyo dhanka istiraatiijiyada intaba.

Guri weyn oo looga kireeyay aaga uu ku yaala aqalka iyo xafiiska R/wasaaraha ma'uusan u wareegin, mana uu jeclayn xaga amaanka darteed, waa sida asagu aaminsanaa.

Sawirka hoose waa: Xafiiska madaxweynaha calaamada cagaaran iyo xafiiska shariif xasan calaamada gaduudan.


Xafiiska Madaxweyna waa Dabaqa hoose, Xafiiska W/maaliyadda waa qolka ka sareeya.

Falaarta kore waa xafiiska shariif xasan iyo deegaankiisaba, falaarta hoosana waa madaxweynaha xafiiskiisa. Dadanaa wasiirka maaliyada hadii uu wadankaba joogo lagama waayo halkaas hada oo uu ku suganyahay halkaasna waxaa la,oran karaa wasiirka inta dawlada ay u soo guurtay xamar waa markii uu ugu badnaa ee uu joogo xamar taasna waxaa sabab u ah asagoo abuurayo wax badan

Badanaa xildhibaanada waxaa uu ku qaabilaa meesha ka sareysa madaxweynaha xafiiskiisa, waxaana balamaha waxaa lagu oranayaa yaad rabtaa: ma madaxweynaha mise Shariif Xasan, kadib baa lagu siinayaa balantaadda. Bishii lasoo dhaafay ee April waxaa qaabilaad badnaa Shariif Xasan, taasna waxaa lagu micneen karaa ayadoo uu u soo jeedsaday in uu kala tuuro xukuumadaan si uu u soo dhiso mid kale oo uu asaga ka noqdo Guddoomiye Baarlamaan, awoodaas maleeyahay waan arki doonaa waxaana noo fasiri doona maalmaha soo socda ?????

Qaabkee buu u shaqeeyaa wasiirka

Badanaa marka uu imaanayo ama uu baxayo waxaa uu raacaa baabuurta aanan Karin xabada wasiirku waxaa uu 150 kun USD ku iibsaday baabuur aanan Karin xabadda halka ay wasiirada qaar lugeenayaan amaba waxaa uu raacaa gaariga weyn ee cad ee loo yaqaan bebe noociisanu yahay sida sawirka muuqata. Badanaa majiro wasiir ama R/wasaare ku xigeen raaca gaarigaas oo badanaa aan ku sheekeesan jirnay in aan xabadaha Karin.

Wasiirka maaliyada Soomaaliya baddanaa waxba masaxiixo, majecla waraaqaha in loogu qore mudane wasiir maaliyada soomaaliya, waxaa uu ka codsadaa qofka uu siinayo lacagta in uu waraaq aan madax kore lahayn uu ku calaameesto magaciisa waaba hadii laqorayo, tusaale ahaan hadii maanta wasaarada gaashaandhiga ay u baahato lacag dhan 50kun usd ah waxaa si toos u soo raadsanayo lacagtaas wasiirka wasaaradaas kadib waxaa jirta qasnad taala qolka uu jiifto wasiirka, wasiirka doonayo lacagta waxaa uu sii fadhiisanayaa miiska qadada lagu cuna oo ku yaala albaabka qolka jiifka ee calaamada gaduudan ka muuqato (ee sawirkii aan kor ku soo aragnay), kadib wasiirka waxaa la gudoonsiinayaa sidii book hadiyad ah lacagtii, Asagiina jeebka ayuu gashanayaa ayadoo labada wasiirba ay wax kala saxiixan, Arinkaasna qaabkaas xataa dadka suuqyada Muqdisho jooga kuma shaqeestaan ee waxna qorin waxna akhrin, iskaba daa dad maamulaya jamhuuriyada soomaaliya. Cadaymo ayaan u hayaa iyo mar khaatiyo waa hadii la gaaro maalintaas. Waxaa intaas dheer wasaarada maaliyada gabi ahaanba ma shaqeeso, shaqaalaha u diiwaan gashan wasaarada mishaaro maqaataan oo waxaa ay ku noolyihiin dhac-dhac wax layiraahdo macnaheeduna loo yaqaan shaxaad ku nool, ama laaluush IWM.


Sawiro laga soo ururiyey Internetka ee Sh Shariif iyo Shariif Xasan

Safarada wasiirka Maaliyadda

Wasiirka badanaa diyaaradaha rakaabka caadiga ma raaco, waxaa uu dalbadaa Diyaarad khaas ah oo looga soo kireeyaa Nairobi, badanaa wasiirka safarada uu ku Aadayo dibaddaha diyaarada kama raaco qaybta hoose waxaan uu raacaa first Class ama qaybta ugu qaalisan meesha loo yaqaano diyaaradaha. Hoteladda Waligiis kama seexan waxaan ka ahayn five star oo macnaheedu yahay hoteladda ugu qaalisan halka wasiirada iyo xildhibaanada ay mararka qaar ku go'doomaan Nairobi ama meelo kale ayagoo la'a tikit ama ay hoteladda 5ta doolar lagu seexdo Ee Nairobi deyn ahaan ku seexdaan.

Waxaa iigu qiso layaab badnayd wasiiro iyo Xildhibaano baan meel ku arkay markaas baan weydiiyay maxaa meesha lagu Hayaa, waxaa ay ii sheegeen in wasiir Shariif Xasan laga yaabo in uu barito diyaarad u kireesto Xamar oo ay markaas qal qaalsanayaan si ay u sii raacaan si free ah. Xildhibaanadaas ma,aysan fahmin in lacagtoodii la cunsiinayo si khaldan. Hantidaas waxaa leh qaranka soomaaliyeed waxaana gacanta ku haya hal qof oo kaliya Asagaas ayaa saf loogu jiraa ama maalin diyaarad halala raaco ama hotel iga bixi Hala dhaho.

WASIIRKA AMAR CIDNA KAMA QAATO

Bishii March ilaa July 2009 waxaan la soo shaqeeyay guddi loo bixiyay ladagaalanka laaluushka iyo dib u soo hagaajinta ilaha dhaqaalaha dawladda, waxaan dib u habayn ku sameenaynay dekadda Muqdisho iyo airporka. Shantaas bilood noolashayda wax badan baan ku ogaaday aana filayo 20-ka sano ee soo socota iigu filan khibrad, waxaana si toos aan ola shaqeenaynay mas'uuliyinta ugu sareesa dawlada, meeshan hada kuma sheegayo warbixintii aan soo aruurinay waayo taas waxaan ka qornay book aad u weyn gaarayana in kabadan 200 oo page.

Markaas shaqada aan qabanay waxaa kamid ahayd qayb dekadda kamid ah oo canshuuraha qaado oo hoos timaada wasaarada maaliyada, ujeedada gudiga waxay ahayd in bal la yareeyo tuuga nimada baahsan. Waxaa wax lala yaaba ahayd wasiirka war kama hayn shaqada aan hayno waayo dhoor jeer baan isku daynay in aan warbixin siino, waa uu naga cudur daartay, markii uu na maqlayna waa uu na dhibsaday. Kadib maalin maal maha kamid ah ayaa loo baahday lacag dhan 3,000 (3kun) usd ah si loo siiyo shaqaale uu gudiga qoray oo ahaa in ay bal wax ka tiriyaan wax yaalaha dekadda ka degayo si aan u ogaano waxa meesha ka socda.

Sheekadii waxaa ay nala gashay in waraaq chek ah naloogu qoro wasiirka maaliyada waxaana waraaqdaas soo qoray R/wasaaraha soomaaliya mudane cumar c/rashiid sida saxda ah waxa ay ahayd in waraaqdaas jiho kale loo qoro laakiin duruufaha ka jira darteed soomaaliya iyo ayadoo waxii lacag ah uu gacanta ku hayo wasiirka waxaa si toos ah loogu soo qoray wasiirka waraaqdii chek ahayd waxaa soo qaaday nin kamid ahaa ragii gudiga oo aan saaxiib ahayn, kadib wasiirkuu u keenay wasiirkii waraaqdii ama codsigii cheka waa uu fahmay laaakiin warka waxaa uu ku soo koobay lama fulin karo amarkaan waayo lacagtaan shaqaalaha wasaarada maaliyadaba maqaataan. Amarkaa waa fulin waayay. R/wasaaraha ayaan warkii ku celinay waa uu qoslay kadib amar kaluu soo bixiyay markii labaad waraaqdii aniga ayaa la,igu tijaabiyay bal shariifka in aan isla khalweyno sheeko kadib ninkii hore ayaaba iga raja fiicnaa amarkaasna muusan fulin, ma,adaaba wax arkay anigii sheekadii ayaa jaq igu noqotay, rag habeenkii dhafra ayaa dekadda jooga oo layiri yaanan waxba la xadin waardiya ahaada .

Wasiirkuna waxaan hayno waxba kalama socdo go,aan waxaan ku gaaray in aan madaxweynaha u galo. Sidii baan yeelay, qisa dheer kadib markaan oga sheekeeyay baan iri bal lacagtaas hada keen mudane madaxweyne, kadib madaxweynaha oo aad oola dhac sanaa shaqada aan wadnay isla markiiba nin buu u yeeray lacagta asagana dhinac ka haya sidii baan lacagtii ragii shaqeenayay ee ahaa tiriyaasha u gaarsiinay, ilaah baa nafurtay, wasiirku waa wasiir waa qasnaji waa keene soo qal qaaliye IWM.

Wasiirka maaliyada marka layiraahdo wax ku saabsan lacagaha waa shaqsiga kaliya ee maamula waa qasnaji waa keene waa haye waa xisaabiye , waa hadii ay jirto xisaab. Wasaarada waxaa ka maqan dhamaan waxii la,isku aamini lahaa, malahan boono, malahan qasnad aan ka ahayn kuwa yaala meelaha aan soo sheegay, waxaa intaas dheer safarada wasiirka lagulama xisaabtamo, hotelada five starka kasokoow diyaaradaha khaaska ee uu kireesto wax la socda malahan, halka askarta dawladda loo waayay mushahar, hal wasiirna hal safar uu ku qarash gareenayo 100 kun usd in ka badan ????????

Khilaafka hada jira iyo Shariif Xasan

Wasiirka badanaa waxaa uu jecelyahay in uu asaga wax bilaabo kadib - Sanad kabadan oo xamar la fadhiyay ayaa wasiirka oo aan shaqeyn ayaa aad ugu caajisay jagadda uu hayo ee wasiir nimo waxaa uu jecleestay jagadii uu ku bilaabay Siyaasada waa gudoomiye nimadii baarlamaanka, wasiirka iyo sh Aadan Madoobe waa Qaraaabo dhanka hooyada marka laga reebo mida guud waana ninkii uu lasoo tar tamay 2004tii oo sh Aadan madoobe looga guuleestay kadib wasiirkii waa asagii hadana ka cararay baydhabo oo aaday meel uu bal siyaasada kasoo galo.

Waxaa uu aaday waxii loo bixiyay isbaheesigii Asmara meeshii waxaa ka qabsaday Aadan Madoobe. Shariif xasan si uu u noqdo mar labaaad gudoomiyaha Baarlamaanka waxaa uu sameeyay dhoor tilaabo waa marka koowaadee waxaa uu soo dhoob dhoobay heshiiskii ahlu suna wal jamaaca oo uu lahaa bilaw iyo Dhamaadba si uu mar labaad u noqdo gudoomiyaha baarlamaanka xariirna waxaa uu lasoo sameeyay ethopia marka xigtana waxaa uu soo daabulay waxii Xildhibaano ahaa ee jiray dibadda oo intii joogtay Nairobi na diyaarad buu u kireeyay oo uu lalahaa xariir buu taleefan u diray una sheegay in ay soo dal dalaan Xildhibaanadaas qaarkii xamar joogayna waxaa uu u dhiibay warqad ah xilkii Aadan madoobe waa dhamaaday ku qorantahay.

Dhamaan xildhibaanadii hotel ayuu wada dajiyay cuna caba ay ku qorantahay, intaas waxaa uu ku shaqeesanayaa xafiiska madaxweynaha korkiisa oo uu ku bixiyaa lacagaha, ilaa hada waxaa la sheegay oo laga soo wariyay 500 kun USD baa iga baxday in uu yiri oo aan ku jirin hotelada, waxaa kaloo uu sameeyay si uu noqdo g/baarlamaanka in uu madaxweynaha ka dhaadhiciyay markii hore intaas wax aan ahayn kadib waxaa kashifmay qaabkii uu wax u rabay dad badan oo ka mid ah ragii diyaarada lagu keenay baa balantii ka baxay wax yaalo hoose oo lagu sheekeestay baa fashilmay oo ay kamid ahayd in uu asaga noqodo g/baarlamaan, R/wasaarahana laga dhigo Ahlu Suna, wasiirada fikirkoodu yahay "akhwaankana" la tuuro iyo kuwa "wahaabiga" ah, waa sida hadal u soo shaac baxaye. Si walba ha ahaatee waxaa muuqata in uu wasiirku rabo jaga aan ahayn mida uu hada hayo qolooyin kale oo hada jago haysana uu u rabo ayaguna jago ?????

U xil saarnaha boobka hantida Qaran mr. Cali Camaloow

Waxaa layiraahdaa Cali m. camaloow waa nin rug cadaa ah soo ahaan jiray g/bankiga dhexe, sida aan baarintaan yar oo aan sameeyay ku ogaaday camaloow waxaa uu ku taqasusay soo dhicinta lacagaha bankiga aduunyada ay uga taktay dawladii hore ee maxamed siyaas barre. Camaloow waxaa lagu magac caabay waraaq dikreeta ah nambarkeedu yahay JS.LR 214 ;13 DEC2009: tariikdaasna wadata in loo magacaabay soo aruurinta lacagtaas bankiyadda ku jirta intaa kadib camaloow waxaa uu bilaabay shaqadii loo xilsaaray waxaa uu heshiis dawladu la saxiixatay shirkada shulman rogers waxaana nuxurka heshiisku ahaa in dawladda fedaraalka lagu wareejiyo lacagihii ay dawladii hore oga tagtay bankiyada aduunka. Waxaa xusid iyo xasuusin mudan waa dawladii labaad ee dalbata lacagtaas oo waxaa horay u dalbaday lacagtaas cali mahdi maxamed oo markaas ayadana camaloow u xilsaaray sida documiiinti ku cad, dawladii hore waxaa ay haysatay 70 milyan usD oo 20 milyan ka mid ah ku iibsatay diyaarad boeing 720 ah , waxaa sidaas oo kale u boobay cali mahdi asagoo markaas kaa shanayay camaloow sida la sheegay camalow waxaa uu la baxay 10 milyan oo doolar bankiyadda Switzerland ku jiray asagoo xilkiisa ka faa,idaysanaya waxaa wax lala yaaba ah ninkaan waraaqdaas ku magac caabay lama soo marin golo wasiiro iyo baarlamaan, suura gal matahay in waxaas oo lacag nin loo xilsaaro in uu soo saaro ayadoo xukuumadda aan ogayn ama uu baarlamaan ogayn waxaa taas kasii daran shirkadda waxaa ay biil ahaan u qaadanaysaa 50 kun usd bil walba iyo hanti walba oo ay soo wareejisana ay ku qaadanayso 3.5% yaab, waa in baarlamaanka iyo maxkamadda sare qabsadaan waajibkooda oo ay kamid tahay in la baa,biyo magacaabida ninkaas sidii markii horeba loo baabi,yay heshiiskii badda soomaaliya lagu iibsanayay ee uu mas,uulka koowaad ka ahaa Shariif Xasan in kastoo uu ka dhuuntay saxaafada iyo aduun kaba laakiin dadka xogta haya waa ay lasocdeen in uu ka danbeeyay, waa in dadka mas,uulka ka ah arimahaas shaqo laga qabtaa dhan walba ha ahaatee qaranka soomaaliya ma nin iyo laba miyaa loo daba joogaa qof walba oo mas,uul ah ama wax ka qaban kara arinkaas waa in uu kacaa iibsiga safaaradaha iyo iibsiga dhulka iyo lasoo bixidda lacagaha qaran ka tagay hadana uu san qaran lasoo baxay oo ay shaqsi lasoo baxayaan waa in laga hor tagaa waana waajib muqadas ah.

Akhri Qaybta 2aad ee Somalia for sale (soomaaliya waa iib)

Qore: Axmed sadiiq
Sadiiq120@gmail.com

Qoraaga warbixintan waxa uu muddo ku dhawaad ah sanad ka shaqeenayay xarunta Villa Soomaaliya (Madaxtooyada) ee xukuumadda hadda ka jirta Soomaaliya. Qoraagga ujeedadiisu ma aha in qof si khaas ah u falan qeeyo, laakiin marka la fiiriyo xaalada dalka uu marayo iyo asagoo mararka qaar is dhaha Wax yaalaha qaar hadaad ka aamustid armaad danbi ka gashaa ummadda Soomaaliyeed awgeed ayuu u qoray qoraaladan xiriirka ah oo ku saabsan Somalia for sale (soomaaliya waa iib) safaaradaha iyo badda iyo dhulka. Qoraagu waxa uu aaminsan yahay in waxa Soomaaliya ka socda ay yihiin boob qarameed oo meel walba ah, oo ay waajib tahay in la galo dagaal lagu bad-baadinayo hantida guurta ah iyo midda maguurtaba ahba.

Faafin: SomaliTalk.com | May 16, 2010

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: