Hubsiimo hal baa la siistaa: Xeerka cusub ee badda
Soomaaliya
Anoo ka duulaya qoraalkeygii hore ee
cinwaankiisu ahaa "Xaajo nimaan ogeyn indhahuu ka ridaa:
Xeerka cusub ee badda Soomaaliya" ayaan bal isku dayey
inaan wax ka sii ogaado heshiiskaas iyo nuxurkiisa.
qoraalkaas hore oo aan ku bartay aqoonyahanno iyo wax
garad Soomaaliyeedba oo ila soo xiriirey wuxuu ii
iftiimiyey in ay weli ay jiraan dad badan oo Soomaali ah
oo dhibsanaya in la dayaco xuduudaha waddankeenna bad
iyo berriba. Danta aan ka lahaa qoraalkaas waxay ahayd
bal in si hufan arrinkan xasaasiga ah loo darso anoo ka
eegayey in qolada wax saxiixdayna ay khalad geli karaan
iyagoo is leh wax hagaajiya oo aan eed iyo dhaleeceyn
lagula dul dhicin islamarkaasna qoladii heshiiska
dhaliisaneydna uu xaalkoodu iila muuqday kuwo wax
hagaajiya ay ka tahay sida dhallinyarada Somalitalk.com
oo kale iyo qolo kale oo mashruuc siyaasadeed oo ay
dawladda ku dhaliilaan uu u noqday. Waxaa meesha ka
maqnaa oo haddana qoraalkeygani ku saleysan yahay waa in
aynan ka weecan hawsha no hor taal oo ah "war waa lagu
khasbanaa in heshiiska ballaarinta qalfoofka dambe ee
badda ee ka baxsan 200 nmi (Extended Continental Shelf,
ECS) la cusbooneysiiyo inta ka horeysa 13ka My 2009 ee
maxaa noo diyaarsan oo hawsha inteeda dhiman looga tala
galaa".
Waxaan isku dayey inaan xiriir la
sameeyo dad badan oo ajnabi iyo Soomaaliba isugu jira oo
aan is iri aqoon iyo shaki bixin arrinkan ku saabsanba
bey kugu dhaamaan oo aad ka heli kartaa. Waxaan nasiib u
yeeshay inaan in aan xiriir la sameeyo mid ka mid ah
guddiga 21 ka ah ee u xilsaaran xallinta heshiisyada ku
saabsan kordhinta qalfoofka badda (ECS). Waxaan maanta
oo taariikdu aheyd 15 goor barqadii ah aan wacay
xafiiskiisa ka dibna waxaa la ii sheegey inuusan joogin
oo la filayo inuu usbuuca soo socda soo shaqo tago.
Waxaan codsaday in la i siiyo telefoon aan kala xiriiro
balse beddelkeedii waxaan helay e-mailkiisa. Magaca
xubintaas waxaan ugu yeerayaa Hooskii Badda oo aan u soo
gaabinayo HB maadaam aanan ogolaansho ka heysan inaan
magac dhabo oo wixii aan ku wada hadalnay qoraal ahaan
uusan ii idmin inaan faafiyo. Is barid aan is baray ka
dib, waxaan HB weydiiyey laba su’aalood oo si gooni ah
aan u daneynayey jawaabtooda anoo waliba uga afeef
dhitay inuu jawaab toos ah iga siiyo haddii aysan wax u
dhimeyn dhex-dhexaadnimadiisa la xiriirta shaqadiisa.
Labda su’aalood waxey ahaayeen sidan:
- Heshiiskan Keenya iyo Soomaaliya ee ku saabsan
badda ma heshiis sharci ahbaa oo dhaqan gelaya mise
waa is af-garad keliya oo u caadi ah markii heshiis
kordhinta qalfoofka badda la sameynayo.
- Anoo u soo xigtay hesiiskii isla markaasna ugu
daray ningixii (link) dawladda Keenya ee
magaacabayey xubnaha dawladda Norway ee heshiiska ka
qeyb qaatay ayaan weydiiyey HB maqaamka wafdiga
dawladda iyo safaaradda Norway ay heshiiskan ku
laheyd iyo sida uu arko. Runtii sababta aan
su’aashaas u xiiseynayeyna waxey aheyd maqaallo
aqoonyahanno Soomaaliyeed oo carabaabay in Norway ay
heshiis batrool baaris ah oo qarash badan ku kacaya
ay Keenya la gashay sidaas darteedna ay lug ku
leedahay boobka baddeenna.
Waxaan aad ugu farxay inaan jawaab
deg-deg ah oo ka jawaabeysa su’aalaheygii isla markaasna
xambaarsan macluumaad dheeri ah aan ka helay HB.
Jawaabtii su’aasha kowaad waxay
noqotay: "heshiiskaasi wuxuu sheegayaa is faham keliya
oo ah in ay soo gudbiyaan xogta kordhinta qalfoofka
badda iyadoo heshiiskaasina uusan hor dhac ah
khaldan (prejudice) ku noqon karin ka hadalka wixii la
xiriira xadeynta badda labada waddan u dhaxeysa. Waa is
af-garad inta badan dhex mara labada dawladood oo
xaaladan soo wajahdo ayuu HB sii raaciyey jawaabtiisii"
Jawaabtii su’aasheyda labaad waxey
aheyd sidan: Dawladda Norway waxay fidisey iney
gacansiin ka geysto sidii loogu diyaarin lahaa
dukumentigii kordhinta qalfoofka badda (ECS) looguna
gudbin lahaa Qaramada midoobey guddigeeda u xilsaaran
qalfoofka badda (United Nations Commision on the
Continental Shelf) inta aan la gaarin 13ka May, 2009.
Gacan siintaasina waxey ku saleysneyd xeerka qaramada
midoobey ee SPLOS/183 kaasoo xaqiijiniya xaqa ay
Soomaaliya u leedahay in soo gudbiso xog dhammaystiran
oo la xiriirta xadka baddeeda waqti dambe.
Wuxuu kaloo HB ii sheegey sida uu ugu
faraxsan yahay in hordhicii heshiiskaas iyo xogtii loo
gudbiyey qaramada midoobeyba maanta la soo qoray oo aan
ka heli karo halkan:
http://www.un.org/Depts/los/clcs_new/commission_preliminary.htm
Anigoo intaas ku soo koobaya
xiriirkii na dhex maray aniga iyo Hooska Badda (HB) oo
xogtii oo dhan aan ka heli karnno website ka kor ku
xusan ayaan waxaan jeclaan lahaa bal inaan isku daynno
inaan dhinaca quman arrinka ka eegno oo fikirkeenna iyo
taladeenna aan ku xoojinno sidii wixii toosan oo
heshiiskaas is af-garadka ah ku jira aan u sii xoojin
laheyn. Wixii goldoloolo ahna in loo is taago sidii loo
hagaajin lahaa looguna diyaar garoobi lahaa hawsha culus
ee nagu soo food leh. Anoo aaminsan xikmadda ah "kheyr
wax kaama dhimee shar u toog hey" oo dareensan in inta
wax garadka ah ay daneynayaan in laga hor tago bililiqo
baddeenna loo geysto ayeysan ila qumanayn in loo
isticmaalo siyaasad iyo mucaarad dawladeed.
Waxaan rajeynayaa haddii alla idmo in
aan sii joogteeynno feejignaata ilaalinta hantideenna
iyadoo aan isu dayi doono inaan sii raadinno xog iyo
fasiraad dheeraad ah oo la xiriirta qoraalda website ka
sare uu xambaarsan yahay.
Cudurraar: Wixii khald ah oo aad kala
kulantaan qoraalkeyga ama haddii aan si khaldan u
tarjumay wixii aan ku wada xiriirney aniga iyo HB waa
aqoon gaabnideyda iyo ku tala gal la’aan aan raalli
gelin ka bixinayo.
Abukar Y. Warsame
Abukar60@netsacape.net