Heshiiskii Is-afgarad ee Caruusha (Oct 28, 1967) Tanaasulkii ay dowladda
Soomaalidu samaysay waxna kagama eeyan beddelan dowladdii Keenya.
Dr.
Saadiq Enow
enow2@hotmail.com
Heshiiskii Caruusha (Tansaaniya) ay ku gaareen ra'iisul-wasaaraha
Soomaaliyeed Maxamad I. Cigaal iyo madaxweynihii Keenya Jomo Kenyatta Qodobkiisa
koowaad oo ah midka ugu hilan cuslaa ayaa lagu qeexay in labada dowladood ay
is-dhaafsadaan xushmad mid walba loogu aqoonsanayo urusanaanta dhulkeeda iyo
is-heysashada gobolladeeda. Tanaasulka ay dowladda Soomaalidu samaysay waxna
kagama eeyan beddelan dowladdii Keenya....
....heshiiskii Caruusha wuxuu ahaa mid aanan soo dhoweyn
ka helin dad-weynihii Soomaaliyeed. Waxaase jirtay in heshiiska laga
ansixiyay barlamaanka 22/ 11- 1967-kii.
Ilays NewsPaper Cadadkii 23aad (Apr 19, 2009)
Khariidadda Soomaaliya |
...Sidaas baa dowladdii Soomaaliyeed ay
ku weyday qadiyaddoodii....
Dhegeyso: Muhimadda uu leeyahay dhulka dalka Soomaaliya oo Dr.Saadiq Eenow
ka jeediyey Nadwo Cilmiyeed la qabtay April 2009.
Dhegeyso Halkan
ama Halkan
- FG: Qoraalkani waxa uu qayb ka yahay maqaal kusoo baxa Wargayska
Ilays Newspaper.
Cabdirashiid Cali Sharmaarke (Madaxweyne 10 Jun 1967 - 15 Oct 1969)
Maxamad Xaji Ibrahim Cigaal (Ra'iisulwasaare 15 Jul 1967 - 1 Nov 1969)
Bishii maarso 1967-kii, madaxweynihii cusbaa Dr. Cabdirashiid Cali
Sharmaarke wuxuu Maxamad Ibraahim Cigaal u doortay raŽiisul-wasaare
hoggaamiya dowladda cusub. Inkasta oo Cigaal loo arkay hoggaamiye geesi ah oo ka
danbeeyay midnimadii labada gobol ee Soomaaliyeed, misana masuuliyaddii uu
qabtay waxay noqotay mid ay Soomaalidu dood badan geliyaan. Waayo waxay hoos u
dhigtay rajadii loogu halgamayay qadiyaddii dhulalka Soomaalida ka maqan.
RaŽiisul wasaaraha cusubi wuxuu isku deyay in uu debciyo xiriirka sii xoogoobaya
oo Soomaalidu ay la yeeysheen USSR, halkiisana ay galaan dowladaha reer
galbeedka, gaar ahaan Mareekanka. Wuxuu qaaday tallaabooyin uu ku qaboojinayo
kuleylkii dhex-yiil Soomaaliya iyo dowladaha deriska ah (Keenya iyo Itoobiya).
Waxaa la xiray xeradii tababarka ka socday ee Garoowe. Wasaaraddii Danaha
Soomaaliyeed waxaa lagu magacaabay nin la yiraahdo Maxamad Shiikh Yuusuf
oo ku magac dheer (Derbi), kaas oo ahaa siyaasi lagu yaqaan mowqif aanan is
rog-rog lahayn inflexibility. RaŽiisul wasaaruhu isaga oo hoggaaminaya wafdi
Soomaaliyeed ayuu fadhi OAU-du ku lahayd magaalada Kambala (Ugaandha) uu kaga
khudbeeyay in dowladdiisu ay xushmeynayso xuduudda Keenya, isla markaasna ay
ilaalinayso isu-socodka lagaga tallaabsanayo xadka. (National and Class
Conflict in the Horn of Africa, Jhon Markakis, 1987, p. 181 & 185).
Arintaasi waxay ku dhamaatay heshiiskii degmada Caruusha (Tansaaniya)
ay ku gaareen raŽiisul-wasaaraha Soomaaliyeed Maxamad I. Cigaal iyo
madaxweynihii Keenya Jomo Kenyatta. Qodobka koowaad oo ah midka ugu hilan
cuslaa ayaa lagu qeexay in labada dowladood ay is-dhaafsadaan xushmad mid walba
loogu aqoonsanayo urusanaanta dhulkeeda iyo is-heysashada gobolladeeda.
Tanaasulka ay dowladda Soomaalidu samaysay waxna kagama eeyan beddelan dowladdii
Keenya.
RaŽiisul-wasaare Maxamad I. Cigaal, isaga oo arintan ka waramayay ayuu wuxuu
ka sheekeeyay waxa ku khasbay goŽaanka uu qaatay. Wuxuu ka waramay mar uu niman
madax ah oo u dhashay dalka Ingiriiska uu weydiiyay sababta ay NFD ugu dareen
gobollada Keenya. Waxay ugu jawaabeen sidan :
" Soomaaliya waxay ku tagtay in ay gowrac u noqoto danaha dowladaha waaweyn
". (Daahir Maxamuud Geelle, risaalad uu ku diyaariyay shahaado majisteer,
Qaahira, 1995-kii, s. 67).
Raggaa Ingiriiska ah waxay sheegeen in boqorkii Itoobiya uu ku calaacalay
dowladda Mareekanka isaga oo ka baqaya haddii NFD ay Soomaaliya raacdo, in
Ogaadeenya iyo Jabuutina ay raacayaan. Dabadeed Madaxweynihii Mareekanka J.
F. Kennedy ayaa Ingiriiska ka codsaday in NFD aanan Soomaaliya la raacin.
Si kastaba ha ahaatee, heshiiskii Caruusha wuxuu ahaa mid aanan soo dhoweyn
ka helin dad-weynihii Soomaaliyeed. Waxaase jirtay in heshiiska laga
ansixiyay barlamaanka 22/ 11- 1967-kii.
Waxaa kale oo xilligaas jiray shiddo dowladda Soomaaliyeed ka haysatay gudaha
oo ahaa dagaallo sokeeye oo ay beelaha reer miyiga ahi isku baabiŽinayeen. Kaas
oo ku baahay dhulkii ay ka talinaysay jamhuuriyadda madaxa bannaan. Waxaa
tusaale loo soo qaadan karaa colaad 40 jirsatay oo ka dhex aloosnayd beelaha
Abgaal iyo Murursade, taas oo baaluq noqotay xilligii dowladdii Cigaal. Waxaa
xoog ku qaboojiyay ciidamada la wareegeen talada dalka. Dagaallada xilligaas
socday ee ku faafay inta badan gobollada Soomaaliya, ayay ahaayeen kuwuu ka
gabyay Cabdullaahi Suldaan (Timacadde) markii uu lahaa :
Tixraaca: Buugga cinwaankiisu yahay Arms for the Horn: U.S.
security policy in Ethiopia and Somalia, 1953-1991 oo uu qoray
Jeffrey Alan Lefebvre, ayna daabacday madbacadda Jaamacadda Univercity
of Pittsburgh Press, 1991 ..
EEG HALKAN
Heshiiskii Caruusha: October 28. 1967, Soomaaliya iyo Kenya waxay
Caruusha, Tanzania, ku kala saxiixdeen heshiis
is-afgarad 'Memorandum of Understanding',
kaas oo ku saabsanaa dhulka Soomaaliyeed ee NFD. |
Ubadkiinii waad daadiseen waadna dubateene
Dubaaxdiisi waad wada cunteen duhur dharaareede
Dariiq toosan Soomaaliyay waa lagaa dedaye
Darajada Ilaahay ninkii doonayaa helaŽe
Nin ka duday dastoorkiyo waxyiga diinta ka carowye
Dugsi maleh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane
Tallaabadii uu qaaday raŽiisul-wasaare Cigaal, ee ahaa aqoonsiga xudduudaha,
waxay rajo weyn ku abuurtay dowladdii Mareekanka. Waxay arintaasi kaga jawaabtay
in ay Soomaaliya u soo dirto madaxweyne ku xigeenkoodii Hubert Humphrey,
kaas oo Xamar yimid bishii janaweri 1968-kii. Qiimeyntii masuulka martida ah
siiyay tallaabooyinkii ay dowladda Soomaaliyeed qaaday ayaa dhalisay in
raŽiisul-wasaarihii Soomaaliya uu bishii maarso ee sanadkaas u kicitimo
magaalada Washington. M. I. Cigaal, socdaalkiisii kama uusan soo helin kaalmadii
dhaqaale oo uu rajeynayay. Sababtuna waxay ahayd, dowladdii madaxweyne Lyndon
B. Jhonson oo ku mashquulsanayd howlaha samafalka ah welfarism oo dalka
gudihiisa laga hirgelinayay iyo qorshayaasha dagaalka warfarism ee Fiyetnaam.
Soomaaliyana xilligaas maahayn degaan kamid ah meelaha istraateejiga ah oo
Mareekanka uu ahmiyadda siinaysay. Waxaa taas wehelisa caadifadda u janjeerta
Itoobiya ayaa dowladda weyn waxay u diidaysay in ay Soomaaliya u fidiso kaalmo
ay ku caga-dhigato.
Sidaas baa dowladdii Soomaaliyeed ay ku weyday qadiyaddoodii iyada oo uu soo
food saaray xilli uu dhaqaalihii hoos u dhacay, khilaafkii qabiilkuna uu cirka
isku shareeray. Odey Soomaaliyeed oo ka quustay hanaankii ay siyaasiyiintu wax
ku wadeen ayaa doorashadii ugu danbeysay tix afar beyt ah ka tiriyay. Odeygaas
oo magaciisa la yiraahdo Cali Aadan Ciye ayaa diiday in uu dhameystiro
gabeygaas. Wuxuuse ballan qaaday in haddiiba uu gaaro doorashada danbe, uu
markaas dhameystirayo gabeyga. Dhowr bilood dabadeed waxaa dhacay afgembigii ay
ciidanku talada kula wareegeen. Tixdii Cali Aadan waxay ahayd sidan :
Haddaan woodka woodkiisa kale weyda lagu raagin
Nin wanaagsanaan jiray hadduu midab waraaboobin
Ninkii wiil ahaan jiray hadduu waabta ka adeegin
Meeshiyo wareegsane haddaan Galowgu wiireynin
Dr. Saadiq Enow
enow2@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | April 26, 2009 |