Home » Archive Bisha January, 2012

Xarakada Shabaab oo Hayadda ICRC ka Mamnuucdey in ay ka Shaqeeyaan Deegaanada ay ka Taliyaan

Jan 31, 2012
War ka soo baxay Xarakada Shabaab ayaa lagu Mamnuucay in Hay’adda laankheyrta Cas ee ICRC ka shaqayn karin Degaanada ay maamulaan Xarakada Shabaab.,Warkaan ayaa lagu sheegey in Hay’addu Khiyaaneysey Dadka oo ay siisay raashiin waqtigiisii dhamaaday isla markaana xiligan aan la isticmaali karin,Warkaan ka soo baxay Xafiiska la socodka Hay’adaha samafalka ee Xarakada Shabaab ayaa lagu sheegey in... 
Halkudheg:

Ra’iisul Wasaaraha DFKMG Soomaaliya oo la kulmay Wasiirka Difaaca Talyaaniga

Jan 31, 2012
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Abdiweli Mohamed Ali iyo wafdi uu hoggaaminayo oo beryahan booqasho rasmi ah ku jooga dalka Talyaaniga ka dib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga ayaa waxuu kulan dheer la qaatay Wasiirka Difaaca Talyaaniga H.E. Gianpaolo Di Paola oo ay ka wada hadleen arrimo fara badan oo ay ka mid yihiin arrimaha amniga, xaaladda dalka Soomaaliya... 
Halkudheg:

Mawliid Axmed Iley (Isbaandhays) oo loo doortay Gudoomiyaha Ururka Ardeyda Soomalida ee Dalka Malaysia.

Jan 31, 2012
Doorasho si heer sare ah loo soo agaasimaya ayaa ka dhacday Magaaladda Kuala Lumpur ee Dalka Malaysia gaar ahaan Hoolka jaamacadda UIA da. Doorashadan oo ay soo qaban qaabiyeen Guddiga doorashadda ee Ururka Ardeyda Soomaaliyeed ee wax ka barata Dalka Malaysia ayaa waxaa lagu dooranayey Gudoomiye cusub oo uu yeesho uruku, waxaana ku tartamayey musharixiin dhan 4 arday oo kala ah: Mawliid Axmed Ileey,... 
Halkudheg:

Go’aanada Shirka London oo la sii Ogaaday

Jan 30, 2012
Waxaa in mudda ah la hadal hayay shir ka dhici doona magaalada London oo looga hadli doono arrimaha soomaaliya, sida la ogyahay marna dowlada ingriisku ma muu jin siyaasad ka hor imaaneeysa midnimadda soomaalida lamana safan mid ka mid ah dhinacyada soomaalida ee iska soo horjeeday. Hadaba waxaa isweeydiin leh shirkaa maxaa ka soo bixi doona? Yaa ka ah danleey? Waa maxaay caqabadaha suuragalka ah?... 
Halkudheg:

Weligeyn Ma Sibraar Baynu Ahaaneynaa !!Barbar Dhac 21Sanno iyo 21 Sanno

Jan 30, 2012
26-kii bishii Janaayo 1991-dii waxaa waqti habeennimo ah madaxtoonyada Villa Somalia isaga cararay hogaamiyihii Milatariga ee Soomaaliya Max’ed Siyaad Barre kadib markii Jabhado isbiirsaday oo ay hogaamineyso Jabhaddii USC kacdoon hubeysan ay kaga tuureen xukunkii jiray 21-ka, waxayna dadka intooda badan niyadda geliyeen in uu isbedel dhici doono, xiligaa waxaan ku sugnaa degmada Huriwaa, waxay indhaheygu... 
Halkudheg:

Maxamed Farmaajo “Waxaan ku Baaqayaa in Wadahadal lala galo Xarakadda AlShabaab si bal Xal Loo gaaro”

Jan 30, 2012
Raiisul Wasaarihii Hore ee Dowladda Federaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa waraysi siiyey qaar ka mid ah Warbaahinta Muqdisho ka hadlay arrimaha Soomaaliya,Farmaajo ayaa ku baaqay in wada hadal lala galo Xarakada Shabaab bal si loo gaaro Xalka Soomaaliya isagoo dhinaca kalena sheegey in Dagaalku uusan Xal noqoneyn. Raiisul Wasaarihii Hore Maxamed farmaajo ayaa soo qaaday... 
Halkudheg:

Shariif Xuseen Roobow “Haddii aan nahay Xisbiga Hiil Qaran waxaan ka Xunahay in dadka Soomaaliyeed Xiligaan la iskugu diro Qabiil,Goboleysi iyo Diin.

Jan 30, 2012
Shariif Xuseen Roobow oo ah Masuulka Xisbiga Hiil Qaran ee Magaaladda Muqdisho ayaa maanta Shir Jaraaid ku qabtey Xarunta Xisbiga Hiil Qaran ee Magaalada Muqdisho wuxuuma Shirkiisa Jaraaid uga Hadley laba arimood oo ah Dilkii loo geystey Wariye Xasan Ciismaan Fantaastik oo ahaa Agaasimihii Idaacadda Shabeele oo 28 dii bishaan lagu dley Magaalada Muqdiho iyo Qayla dhaan ku aadan Iska horimaayada ka... 
Halkudheg:

Alshabaab intii la is watey maxaa wax loogu sheegi waayey?. Qeybta 1aad

Jan 30, 2012
          Qoraalkaan waxaa laga diray xarunta maamulka Jamaacada Ictisaam ee magaalada Muqdisho habeen sabti ah oo saacaddu ahayd 10:30 PM, taariikhduna ahayd 04 March 2006, taariikhdaas oo ahayd 13 beri ka dib markuu qarxay dagaalkii Muqdisho ee maxkamadaha iyo isbahaysiga, qoraalkuna wuxuu xambaarsanyahay warbixin iyo soo jeedin ku socota maamulada jamaacada ee dalka iyo dibadaba.  FG:... 
Halkudheg:

Shariif Xasan Shiikh Aadan oo Qorsheynaya in Dowladda Itoobiya ka Dhaadhiciyo in loo qabto Gobolada Bay iyo Bakool

Jan 29, 2012
Xubno siyaasiyiin ah oo ka soo jeeda Gobolada Bay iyo Bakool ayaa noo sheegey in Shariif Xasan Shiikh Aadan haddii uu ka tanaasulo Xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka ee laga qaaday in ay u qorsheysan tahay in Dowladda Itoobiya uu ka codsado in Ciidamadeeda ay ku gacan siiyaan Sidii Xarakadda Al Shabaab looga Saari lahaa Gobolada Bay iyo Bakool. Qorshaha uu wato Shariif Xasan Shiikh Aadan ayey Siyaasiyiintaas... 
Halkudheg:

Radio/TV Dircector Killed in Mogadishu

Jan 29, 2012
Somali Exiled Journalists Association (SEJASS) is dismayed to learn that two unknown gunmen killed one of the prominent Somali Journalists in Mogadishu tonight. Hassan Osman Abdi known as “Fantastic” was the Senior director of Shabelle Radio and was shot dead by two men with pistols when he was coming to his home in Nasteh village at Wadajir district in the capital. He was rushed to the Madina... 
Halkudheg:

Dhaqanka Islaamka: Qoraalkan waa khulaasadii dowro ka hadlaysa dhaqanka islaamka oo Jaamacadda Bariga Afrika

Jan 28, 2012
Qoraalkan waa khulaasadii dowro ka hadlaysa dhaqanka islaamka oo Jaamacadda Bariga Afrika ay xagaagii 2010 lagu siiyey macallimiinta dugsiyada sare ee magaalooyinka Gaalkacyo, Garoowe, Qardho iyo Boosaaso, waxayna ila noqotay in dad badan ka faa’iidaysan karaan. Waa kan mulakhaskii dowradu: Thaqaafada Islaamka (Islamic Culture) Ahmiyadda iyo fadliga cilmiga – Ilaahay wuxuu ku amray nabiga صلى... 
Halkudheg:

Waraysi: Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo sheegay in 5 kamid ah Madaxda Sare ee DFKMG ay saxiixeen Badda Soomaaliya…

Jan 28, 2012
Roadmap-ka waxaa Nairobi ku soo qoray Xafiiska UNPOS, kumana imaan rabitaanka ummadda Soomaaliyeed. Xubno katirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliyeed ayaa sheegay in shan (5) ka mid ah oo madaxda Dawladda Kumeel gaarka ee Soomaaliya ay saxiixeen badda Soomaaliyeed, oo ay hayaan magacyadooda, waqtiga ku haboona la faafin doono. Sii Akhri  Read More →
Halkudheg:

Maxaa ka jira in Midowga Afrika uu Doonayo in Meesha uu ka Saaro Shariif Xasan iyo Madoobe Nuunow oo mar kale la qabto ..

Jan 27, 2012
Iyadoo weli uu taagan yahay Khilaafka u dhaxeeya Baarlamaanka Dowladda Federaalka ka dib markii 12-kii bishii Desember Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ay ka qaadeen Xilkii Shariif Xasan ayaa waxaa socda Dadaalo la doonayo in lagu Xaliyo Khilaafka Baarlamaanka waxaana wada Ergeyga Midowga Afrika ee Soomaaliya Jerry Rowling ka dib markii uu dhawaan kulama la yeeshey Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo... 

Ha u nixin! waxey noo sheegeen inay agtooda ku soo dhacday lug ka go’an anqowga hoostiisa oo ka soo duushay goobtii qaruxu ka dhacay!

Jan 27, 2012
Dadka muslimiinta ah wuxuu ilaahay ku tilmaamay inay yihiin dad isu diir naxa oo isu dabacsan, isuna naxariista, gaaladana ku ad-adag  ( محمد رسول الله والذين معه أشداء على الكفار رحماء بينهم)  Dhaqan ahaanna muslimiinta waxaa lagu yaqaannay inay isu damqadaan haddii qayb iyaga ka mid ah dhibaato soo gaadho, ama cadow ka taag-rooni dulmiyo ama duruufo... 
Halkudheg:

TACSI:MACALIN DAAHIR AWEYS ALLA HA U NAXARIISTO

Jan 26, 2012
Sh. Maxamed Idris Axmad: Naf walbaa geeri waa dhadhamineysaa, Ilaahay xaggiisa ayaana loo wada noqonoyaa. Innaa Lilaah wa inna Ileyhi Raajicuun..Macalin Daahir Aweys Ilaahay naxariistii Janno ha geeyo, daraja sarena Allaha siiyo, Eheladiisii iyo Qaraabadiina samir iyo iimaan Allaha ka siiyo. macalin Daahir wuxuu ahaa nin Ilaahay cimrigiisa barakeeyey, qoys wanaagsan ayuu Ilaahay asaas uga dhigay, durriyad... 
Halkudheg:

Waxgaradka Soomaaliyeed oo aad uga Xumaadey Warkii ka soo yeerey Boqortooyada Sacuudiga ee ay ku taageertey Howlgalka Ciidamada Kenya

Jan 26, 2012
Shacabka Soomaaliyeed ayaa ka Amakaak iyo layaab u noqotey war ka soo yeerey Dowladda Sucuudiga oo ah in Boqortooyada Sacuudiga ay taageersan tahay Howlgalka Ciidamada Kenya ka wadooaan Soomaaliya islamarkaan ay si aad u soo dhaweyneyso Qaar ka mid ah Waxgaradka Soomaaliyeed ayaa sheegey in aad uga Xumaadeen Hadalka Dowladda Sacuudiga ku taageerey Howlgalka Ciidamada Kenya ka wadaan Koonfurta Soomaaliya... 
Halkudheg:

Ma Maqashey, Ma Taqaan, Mise Waa Moog tahay

Jan 26, 2012
Xaaladda Soomaaliya oo oo marba marka ka dambeysa ay Cirka isku shareereyso ayaa waxaa doorbidey in aanan ka Aamusin sidaa darteed Soomaalida waxay tiraahdaa haddii Rag Coloobo oo Ciifo Dhexmarto , hadba sidaan ku Ciil Bixi karo waa kuu Cawo Adduun , waxaan doonayaa in aan Xaaladda Soomaaliya ka hadlo laga soo bilaabo Sannadkii 1992 Xiligaas waxaa Qaramada Midoobey uu Go’aamiyey in Soomaaliya Ciidamo... 
Halkudheg:

Xukuumadda Kiinya Boqol Maalmood ka dib Howgalkeedii Soomaaliya Maxaa u Qabsoomey

Jan 26, 2012
Cismaan Fiidow Cali “Howgalka Guuleystay ee Kenya Sheegtey ma Duqeynta Caruurta iyo Xoolaha” Afhayeenka Xukuumadda Kiinya u qaabilsan Hawl Galka Soomaaliya ayaa maanta u waramay Jariidada The Stander oo ka soo baxda Dalka Kiiny afhayeenka ayaa ugu horeyntiiba Hadalkiisa ku sheegey in Ciidamada Keenya in ay galaan Soomaaliya in ay u sabab ahayd Xarakada Shabaab oo uu sheegey in dalka Kiinya... 
Halkudheg:

DFKMG oo Taageertay Hawlgalkii Maraykanku ka fuliyey Soomaaliya

Jan 26, 2012
iyo  Ra’iisul Wasaaraha DFKMG oo booqday  qeybihii gubtay ee suuqa Xamarweyne ee magaalada Muqdisho… Press Release Our Ref 16/PR/CO/12 Warsaxafadeed (Muqdisho 26 Jan 2012) Dowladda Soomaliy waxay taagersan tahay Howlgalkii Ciidmada Gaarka ah ee Maraykanku ku badbaadiyeen Nolosha Lahaystayaasha Hay’adda Denmark ee Miino barista. Wasiirka Warfaafinta, Boostada & Isgaarsiinta Mudane C/qaadir... 
Halkudheg:

Culimada oo loo qaybiyo rabaaniyiin iyo culuma’usuu waa kalimad xaq ah oo loola jeedo baadil.

Jan 26, 2012
Waayadan danbe waxaan maqalaa erayo ay kamid yihiin culumaa rabaaniyiin iyo culama’usuu (culimo rabigeed u hogaansan iyo culimo xun) oo loola jeedo in culumada iyo cilmigoodaba lagu dhaawaco, waxaan halkan ku soo ban dhigi doonaa inshaa allah qaar ka mid ah tilmaamaha culumada rabaaniyiinta ah iyo tilmaamaha culumaa’ usuu, kadibna waxaan is waydiin doonnaa yaa culuma’usuu ah? maxaase lagu kala... 
Halkudheg:

Bile Xuseen “Weerarka labada qof Maraykanku ku soo furtay waxa lagu qaaday Af-Duubayaashii oo hurda kaddib markii ay ruugeen Qaad”

Jan 25, 2012
Afduubayaashii labada qof laga soo furtay waxaa la weeraray ayagoo hurda kaddib markii ay cuneen Jaad, sidaas waxaa yiri Bile Xuseen oo sheegay in uu la hadlay burcad badeed ku sugan goobta weearku kadhacay oo u dhow magaalada Cadaado. Waxaa la diley sagaal, saddex kalena waa la dhaawacay…. Ciidaka Maraykanka ee loo yaqaan Navy SEALs ayaa habeenimadii Talaadada (Jan 24, 2012) ayagoo adeegsaanaay... 
Halkudheg: ,

Dowladda KMG ah oo go’aan kasoo saartay dadka sida sharci darada ah ku heysta Hantida Qaranka

Jan 25, 2012
(Mogadishu 25th Jan 2012) . Kulan ka dhacay xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya uuna shir gudoominayay Madaxweynaha Dowladda KMG Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa diirada lagu saaray dadka sida sharci daradda ah ku heysta hantida Qaranka Soomaaliya. Kulankaan ayaa daba socday kulan hore oo la xiriiray isla arintaan, kaas oo madaxdi kasoo qeyb gashay looga fadhiyay in ay soo jeediyeen talooyin wax... 
Halkudheg:

Modoobe Nuunow oo shir Gudoomiyey Kulankii Baarlamaanka isla markaana Xukuumada Gaaz u qabtey Muddo Saddex maalmood in ay Baarlamaanka ku Horkeento Road Map-ka

Jan 24, 2012
Waxaa maanta Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho damcey in ay ku kulmaan Xildhibaanadda Taagersan Shariif Xasan Shiikh Aadan hase yeeshe markii ay Warbaahinta ka maqleen ayaa Xildhibaanadda Taageersanaa Madoobe Nuuow ,markiiba ay is waceen waxaa Qola waliba ay dooneysey in aan looga hormarin Xarunta waxaa dhacay in Xildhiaano ka tirsan labada dhinaca ay Xaley ku Hoyeen Xarunta. Xildhibaanadii... 

Wararkii ug Dambeeyey Qarax Nafhurnimo ah maanta ka dhacay Magaaladda Beled Weynoo Khasaarana ka soo gaartey Ciidamo Itoobiyaan ah.

Jan 24, 2012
Wararka naga soo gaaraya Magaaladda Beled weyne ee Gobolka Hiiraan waxay sheegayaan in Saakey aroortii hore Xarunta Gobolka uu ka dhacay Qarax naftii hurnimo ka dib markii Gaari walxaha Qarxa laga soo buuxiyey uu galey Xarunta Gobola Hiiraan Xiligaas oo ay ku sugnaayeen Ciidamo Itoobiyaan oo dhawaan soo galey Magaalada Beled weyne Qaraxaan oo si weyne looga maqley Magaalada Beled weyne ayaa wararkii... 

SOOMAALI-WAYN: Dhalashadeedii iyo Dhabar-jabkeed | Casharkii XIX-aad

Jan 24, 2012
Weerarkii ka bilowdey geeska Afrika oo Talyaanigu uu ku qaadey Itoobiya, iyo kii ka bilowdey bariga-fog ee Jabaanku uu ku qaadey Shiinaha, jamciyaddii caalamiga ahayd (League of Nations) waa ay ka aamustey. Sababtu waxay ahayd dowladaha hor-boodayay jamciyadda (Ingiriis, Faransiis iyo Mareekan) oo aanan xilligaas qorsheysan in ay ka qeyb-qaataan dagaal dunida ka hura. Ingiriiska iyo Faransiiska waxaa... 
Halkudheg:
Kafaalo
Mashruuca Isku-filnaasho Gaarsiinta Qoysaska Agoonta - Akhri / Ka qayb qaado...