SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Guddoomiyaha Baarlamaanka DFKMG oo Qiray in Heshiiskii Dhexmaray Soomaaliya iyo Kenya uu Ku Saabsan yahay Xadaynta Badda...

iyo in Isniinta June 15, 2009 uu Baarlamaanku ka doodi doono heshiiskaas......

  • Muddo dheer ayaa DFKMG ka warwareegaysay in ay sida uu yahay heshiiskaas u qeexdo kuna tilmaanta sida ay Kenyaatiga la saxiixday ay u tilmaameen oo ah heshiis ku saabsan xuduudda badda Soomaaliya iyo Kenya.... hadda guddoomiyaha baarlamaanka DFKMG ayaa qiray arrintaas....

Guddoomiyaha Baarlamaanka DFKMG, Sheikh Aaden Maxamed Nuur "Aaden Madoobe" ayaa markii ugu horaysay si qeexan u sheegay in heshiiskii dhexmaray Dawladda Federaalka iyo Kenya in uu ahaa "heshiis xadaynta badda."

Sheikh Aaden Madoobe waxa uu hadalkaas shaaca ka qaaday Talaadadii June 9, 2009 oo uu waraysi siiyay idaacadda HornAfrik. Isagoo ka hadlayey in kalfadhigii baarlamaanku qabsoomi doono, islamarkaasna uu baarlamaanka horyaal mooshin ku saabsan "Heshiiska Xadaynta Badda" ee dhex maray xukuumadaha Soomaaliya iyo Kenya waxa uu yiri:

aadan madoobe"Baarlamaanku hay'ad dagaal ma aha, waa hay'ad nabadeed, waa hay'ad u qaabilsan shuruucda dejintooda iyo dabagalka xukuumadda, waa hay'ad sharciyeed ee ma aha hay'ad hubaysan oo dagaalamaysa. Marka aammaan ahaan shirku hadda waa qabsoomi karaa, meesha baarlamaanka loo diyaariyay waa meel lagu shiri karo, marka taas looma kala maqna, xildhibaanadii maqnaana waa soo noqdeen, fasaxiina waa noo dhamaaday, marka insha Allah khamiista (June 11, 2009) waxaa la iclaamin doonaa maalinta shirka ugu horeeya la qaban doono, maadaama mooshin uu u yaalo baarlamaanka, oo ku saabsan arimahii HESHIISKII XADAYNTA BADDA ee Soomaaliya iyo Kenya xukuumadahooda saxiixii ay soo kala qaateen oo ay ku soo heshiiyeen, heshiiskaasna waxa uu hor yaalaa Baarlamaanka, marka sidaas daraadeed baarlamaanka fasax kuma jiro shirka waa qabsoomi doonaa maalmaha soo socda, haddii Allah idmo."

Guddoomiyuhu waxa uu xildhibaanada ku wargeliyay in ay soo xaadiraan shirka baarlamaanka oo furmi doona Isniinta June 15, 2009, isagoo arrintaas ka hadlayayna waxa uu yiri "Xildhibaan kasta waxaa laga rabaa in uu soo xaadiro shirka la iclaamin doono Khamiista in ay dhammaantood soo xaadiraan 15-ka bishaan (June 2009), xildhibaanada waxaa haddeer loogu baaqay oo lagu wargeliyay dhammaantood in ay yimaadaan."

Waxa kale oo Sh. Aaden Madoobe uu yiri "Xildhibaanada hadda jooga waa saddex boqol oo wax yar dhiman, kooramkii baarlamaanka waa buuxaa oo dhibaato kama taagna, insha Allah khamiistana waa iclaamin doonaa in shirkii muddo dhow loo qabto fadhigii baarlamaanka qabsoomidiisa."

Sidoo kale Axadii June 7, 2009 TV-ga Universal oo weydiisay su'aal ku aadanayd in xubno ka tirsan baarlamaanku eedaymo ay u jeediyeen iyagoo ku eedeeyay in guddoonka baarlamaanku uu ka meermeerayo mooshin horyaala baarlamaanka oo ku saabsan heshiis dhinaca badaha oo ay wada saxiixdeen Kenya iyo Soomaaliya ayaa waxa uu Sh. Aaden Madoobe kaga jawaabay: "Ma u malaynayo xildhibaanada taas in hadalkaas ay qabaan, waayo waxay ogyihiin markii mooshinka la keenay sida degdega ahaa oo baarlamaanka looga hor akhriyay. Mooshin marka la keeno guddoomiyaha waxa uu awood u leeyahay ama ku xigeenadiisa marka ay iyaga xilka hayaan xeer hoosaadka baarlamaanku wuxuu siinayaa shan (5) maalmood in uu haysan karo. Shantii maalmood aniga ma sugin ee maalintii la keenay hal maalin kaddib baarlamaanka ayaan horgeeyay waana la akhriyay waana la soo badiyay, weliba markaas xukuumada in ay faahfaahin arrintaas maadaama la soo badinaayay oo la rabay wax yaabaha jira iyo macluumaad ay noo keento, ra'iisul wasaaraha ayaa waxa uu ii soo qoray warqad iyo heshiiskii la saxiixay oo is wata ayagiina waa la soo badiyay waakan agtayda yaal oo ku jira baakadaha xafiiska dhexdiisa yaalo, marka fadhigii baarlamaanka ayaan weli qabsoomin, ajandaha koowaad oo hadda na hor yaalanaa isaga ayuu noqonayaa waana laga doodi doonaa insha Allahu maalmaha soo socda (Dhegeyso ama soo rogo).

Mar haddii guddoomiyaha baarlamaanka DFKMG uu si qayaxan u qiray in heshiiska DFKMG la saxiixatay Kenya uu ku saabsan yahay xadaynta badda Soomaaliyeed, isla markaasna ay Kenya u gudbisay Qarammada Midoobay akhbaar si cad u muujinaysa in ay cabiratay qayb baaxad weyn oo ka mid ah dhul-badeedka Soomaaleed, waxaa markaas la gudboon baarlamaanka inay heshiiskaas ka dhigaan WAXBA KAMA JIRAAN. Go'aankoodana si toos ah u gaarsiiyaan xafiiska Qarammada Midoobay ee qaabisan Sharciga Badaha inta ka horaysa August 10, 2009.

Prof. Dalxa oo Sheegay in Arrinta Badda uu Baarlamaanku ka soo saari doono Go'aan Shacabku ku Qanci karaan...

prof DalxaGuddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka DFKMG Maxamed Cumar Dalxa oo Arbacadii June 10, 2009 ay waraysi la yeelatay Idaacadda Codka Maraykanka (VOA) ayaa ayiday hadalkii guddoomiyaha baarlamaanka ee ahaa in kulanka ugu horeeya ee baarlamaanka DFKMG (oo la qaban doono Isniinta June 15, 2009) in looga hadli doono arrimaha la xiriira xuduudaha badda ee Kenya iyo Soomaaliya.

Xuseen Barre Aaden oo ka tirsan VOA oo waydiiyey waxa looga wada hadli doono fadhiga ugu horeeya ee Baarlamaanka ayaa guddoomiye ku xigeenku waxa uu ku jawaabay:

"Ajande ayaa yiil Xuseenow markii u horeysay baarlamaanka kaas oo ahaa arrimihii ku saabsanaa badda xaggeeda oo in badan ay aaraa kala duwan dadku ka yiraahdeen qaabkii xuduuda Soomaaliya iyo Kenya oo dhinaca badda xaggeeda waxyaabo farabadan oo tuhun ay ka muujiyeen shacbiga, baarlamaankana kaddib ay xildhibaano mooshin keeneen, arrintaasi si looga gaaro go'aan isla markaasna wax ay ku qanci karaan shacbiga Soomaaliyeed uu baarlamaanku uga soo saaro halkaasi, ajanda markaasi kaas ayaa la doonaa in looga hadlo."

Prof. Dalxa waxa uu sheegay in kooramkii uu ku qabsoomi lahaa baarlamaanku uu dhan yahay oo ay Muqdisho joogaan in ka badan 300 oo xildhibaan, sidaa daraadeedna uu baarlamaanku sharci ahaan hawshiisa gudan karo. Kulankuna ka dhici doono Muqdisho.

Mar la waydiiyay in muddadii baarlamaanku uu kala maqnaa in ay jireen arrimo badan oo soo cusboonaaday sida dagaalada soo cusuboonaaday iyo shirkii Brussels, arrimahaasi ma lagu soo qaadi doonaa baarlamaanka, waxa uu prof. Dalxa ku jawaabay "Maya,  baarlamaanka ajandayaasha la iskuma dul furo, hadda midka hor yaala waa midka aan kuu sheegay, kaas oo aan dhammaan nidaam ahaan iyo sharci ahaan in mid kale la sii guda galo noqon mayso. Laakiin in haddee general (guud ahaan) wixii dawladda ama dhinaca xukuumadda kaga yimaada ee dan u ah shacbiga Soomaaliyeed baarlamaanku waxa uu diyaar u yahay in uu kala shaqeeyo xukuumadda."

Waraysigii Prof. Dalxa Ka Dhegeyso Halkan ama soo rogo (VOA)

Dhanka kale Prof. Dalxa oo ka hadlay go'aankii ay Talaadadii June 9, 2009 qaateen qaar ka mid ah suxufiyiinta ka hawl gala Muqdisho oo ay shaqadii iskaga tageen ayuu ku tilmaamay in ay ku degdegeen, waxana uu yiri: "Go'aankaasi waa ku degdegeen, waxaana ka fiicnaan lahayd in ay ku dhabar adaygaan, wax ka badan ayaa dadka dalka jooga maalin kasta ku dhacaya, nin iska jooga gurigiisii ayaa madfac loogu gaynayaa, masaakiin aan waxba galabsan ayaa maalin walba loo geystaa barakicin iyo rafaad iyo mushkilad, noloshoodii ay markii horeba ku shaqaynayeen inay iyagana la qaybsadaan waxay ahayd mid iyaga ku talagalkoodii, laakiin hadda waxaad moodaa jabhadaha iyo waxyaabaha faraha badan markaan aniga analysis iyo ku sameeyo iyaga naftarkooda waxaad moodaa dad hal dhinac keliya ka xoogsan jirey oo ayaga target-koodu uu ahaa oo keliya in ay siyaada ay ka shaqeeyaan."

Dhanka kale Prof. Cabdi ismaaciil Samatar ayaa sheegay in ay tahay in weriyaasha la taageero, waxana uu yiri "Shaqo naf huris ma noqon karto. Haddii shaqadii la isku dilayo ama dadkii iyagu hub ma sitaan oo qoryo masitaan oo ma dagaalamayaane qalinka iyo carrab bay wax ku qorayaan, haddii markaa dawladii meeshii majirto oo ammaan sugi karta, mucaarad ka soo hor jeeda oo ammaan sugi karaa ma jiro, markaa waa khasab dadkaasi naftooda intay ilaaliyaan intayna shaqadooda ka welwelin. " Dhanka kale Prof. Samatar waxa uu shirkii looga hadlay arrimaha Soomaaliya uu ee Kooxda Caalamiga ah ee lagu qabtay Roma June 9-10, 2009 uu ku tilmaamay wax aan natiijo lahayn.

Dhegeyso Prof Dalxa iyo Prof Samatar ama soo rogo (Danan)

May 27, 2009: Dowlada KumeelGaarka ah oo Markale Heshiiskii Nairobi Difaacday, Qirtayna in Kenya Badda Soomaaliya Kusoo Xadgudubtay
- "Waa run (Kenya) badda Soomaaliya khalad bay ka gelayaan oo waa soo gelayaan." - "Waa RUN iyada hadda xarriijinta ay samaysay ee hadda map-yada addunyada la soo geliyey kii (Kenya) wuu ka soo durkoo toos ayuu u socdaa,"
- "heshiiska aan galay waxa uu leeyahay qolana qolada kale kuma xad gudbi karto inta laga soo ansixinaayo khariidooyinka. Khariidada la ansixinayo marka ma aha xarriijinta badda geleysa iyo midda aan badda geleyn, waxa la ansixinayaa waa 200 nautical mayl wixii ka shisheeya oo 150 ah, sideedaba waxaan shacbiga in aan u sheego "It's nothing to do with any demarcation delimitation" - Af-Soomaali markaan ku sheego waxaa weeye: wax haba yaraatee ay xarriijin oo xuduudeed oo labadayada Kenya iyo Soomaaliya oo bad ah oo lagaba hadli karo oo arrinta khusayso maba lahaba, Prof. Ibbi Akhri/Daawo...

June 8, 2009 ayay ahayd markii bayaan ay soo saareen culimada Puntland ay ku sheegeen "Heshiiska badda ee dhexmaray dowladda Kenya & DFKMG wuxuu abuuray jahawareer, shaki iyo kalsooni darro, iyadoo dad bandanna ay tibaaxayaan heshiiskaasi uu yahay mid  khatar ku ah shacabka Soomaaliyeed; waxaan ku baaqeynaa in heshiiskaas loo soo bandhigo culimaa’uddiinka iyo qaanuunyahanno, kadibna baarlamaanka DFKMG, haddii laga maarmi waayana la soo hordhigo shacbiga Soomaaliyeed si go’aan mideysan oo calool fiyoobi iyo hufnaan leh looga qaato. Waxaanan ku baaqeynaa in xilligan uu dalku ku jiro xaaladaha aan caadiga aheyn ee aysan dowladdu laheyn awood fulineed in DFKMG ay ka baaqsato inay gasho heshiis saameyn ku yeelanaya masiirka dadka iyo dalka Soomaaliyeed." Akhri..

Faafin: SomaliTalk.com | June 10, 2009

BAARID | SEARCH


kenyaWasiirka Arrimaha Dibadda Kenya: Arrimaha Soomaaliya Gacanta kama Laaban doono
".... mana daawan doono danahayaga istaatiijiyadeed oo wiiqmaya sharci darrada ka jirta Soomaaliya awgeed...."
Akhris/Video...

waladWalad Cabdalla oo sheegay in uusan ka war hayn Akhbaarta ku Saabsan Qalfoofka Qaaradda Badda ee Soomaaliya u Gudbisay Qarammada Midoobay... waa akhbaartii hore loo sheegay in uu isagu bilowgeeda lahaa...
 Video/Akhris


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

 


Dhul-Badeedka Soomaaliya


Axmad Walad Cabdalla oo Muujiyay in uusan ka war hayn Akhbaarta ku Saabsan Qalfoofka Qaaradda Badda ee Soomaaliya u Gudbisay Qarammada Midoobay ee uu isagu Diyaariyay....



Faarax Qare: Calaamada Kenya iyo Soomaaliya waa Xariijin kala cad.. iyo Kenya & Soomaaliya oo Raadinaya Xallinta Muran Dhuleedka...
Akhri/Daawo


prof ibbi
Dowlada KumeelGaarka ah oo Markale Heshiiskii Nairobi Difaacday, Qirtayna in Kenya Badda Soomaaliya Kusoo Xadgudubtay Akhri/Daawo...


wasiir
Kenya oo 2005 la soo Xiriirtay DFKMG ayadoo Doonaysay in ay wada hadal furaan ama sheegasho ku saabsan qayb ka mid ah Badda Soomaaliya.


UN
Shirka Jaraa'id ee Xoghaynta Guddiga Xadaynta Badaha - oo Sheegay Hadallo Daaha ka Rogay Arrimo ay Madaxda DFKMG ku dadaalayeen in aan shacabku ogaan:


caruusha
Isbarbar dhig Heshiisyadii Caruusha iyo Nairobi... Akhri..



Bayaan ay soo saareen Jaaliyadda Soomaaiyeed -Yurub



DHAXALWAREEG ( Gabay Cusub) - Eng. Cibaar



"...haddii aad tagtid Archive-ka ama Libreeriga Congress-ka Maraykanka waad heleysaa EXACTLY BEARING-ka (jihada xadku u socdo) oo ilaa inta uu qalin gaaro ku tusaysa, waa wax record-kii meesha jiro (Diiwaan). Akhri..



Barnaamij ay ka qayb qaateen  Prof. Cabdi I.Samatar  iyo Eng. Maxamed Cali  oo ku saabsan dhul-badeedka Somalia
Dhagayso ama
Soo rog



Xasan Dhooye oo faahfaahiyay Heshiiskii Kenya & Soomaaliya
Q.1aad: Dhagayso ama soo rogo
Q.2aad: Dhagayso ama
soo rogo



Barnaamij ku saabsan xuduudaha badaha ee Radio Codka Beesha



ka hor daabacaadii cilmi-baarista


HESHIISKII IS AFGARAD

Heshiiskii Is Afgarad ee Kenya iyo Soomaaliya: Af-Soomaali
| English Version



Waxaan ku baaqeynaa in Heshiiska badda ee dhexmaray dowladda Kenya & DFKMG loo soo bandhigo culimaa’uddiinka iyo qaanuunyahanno, kadibna baarlamaanka DFKMG.. Akhri