MAALINTII MURUGADA EE BADAHA SOOMAALIYEED
Qore: Marine Engineer Abdi Jama Aw-Aden
Tacsi
Waxaan uga tacsineynayaa shacabka S/liyeed guud ahaan
ayaandarrooyinka taxanaha ah ee muddooyinkaan dambe dul
habsaday oo ay ugu dambeysay tan ku saabsan xadeynta
badaha S/liyeed ee ay Dawlad Qoleedka S/liyeed wax ka
abuurtay. Waxaan si gaara ugu tacsineynayaa Bahdii Badda
S/liyeed oo in badani naftooda u hurtay u adeegga badaha
S/liyeed, waliba kaadirkii bad aqoonka ahaa oo aan hubo
inay aad uga murugeysan yihiin jahliga lagu maamulay
badahay garashada u lahaayeen.
Qeexid Fudud
Sida aan ka maqallay ergaygii aan la mahadin ee lagu
sheegay wasiirka ee wax ka saxiixay heshiiska madow ee
lala galay keenya, in uu saxiixay isla-oggolaan
(memo.). Hase yeeshee ma sheegin waxa la isla
oggolaaday nuxurkooda. Waxay aheyd in memo/gu leeyahay
lifaaq. Waxay markaas u fasirmaysaa inay dawladda Kenya
iyo cidaha caawiyaa ay soo dhammeystireen qoraalkii lagu
ballamay in dal walba u gudbiyo Hey’adda Soohdimaha ee
dalalka adduunka ee loo qabtay 13ka bisha Mey, 2009ka.
Halka dhanka S/liyeed aan waxba ka diyaarsaneyn.
Waxaa cad in dhanka S/liyeed uu oggaaladay qorshe
habeysan oo Keenya u adeegaya, kana daboolan indhaha
Soomaalida.
Saldhigga cabbirka soohdin badeedka, waxaa ka mid ah
in diillin gudban laga xarriiqo meesha ugu hooseysa
xeebta la rabo in la qeexo xadka baddeeda. Ka dib lagu
qotomiyo diillin, tan hore la sameyneysa xagal 90 darajo
ah, markaasna dhererka diillintii qotontay laga mala
awaalo xadkii la rabay. Tan hadda la filaayo in dunida
laga hirgashana waa 350 mayl badeed. Labada dal ee
Keenya iyo S/liya waxay leeyihiin xeeb isku taxan oo ku
dhereran badweynta Hindiga. Wuxuu qofkii ku safra
xeebtaas ama khariiddadda si wacan u dhuuxaa arkayaa in
baxaaliga labada dal xeebahoodu kala duwan yahay. Tan
Keenya ayaa dhulka sii gashan.
Waxay tahay, marka la hadoodilaayo qorshaha xadeynta
labada soohdimood, in diillimaha gudban ay noqdaan
barbarro (parallel). Haddaysan noqon dhinacroor, waxaa
hubaal ah inay kuwa qotomaa oo cabbirkii la rabay lagu
beegayo ay isgoyn doonaan. Waxaa dhici karta in
diillinta qotonta ee Keenya ay soo abbaarayso dhanka
soohdinta badda S/liyeed. Sidaasna ay labadii qotontay
isku jaraan gudaha xad-badeedka S/liyeed, halkaasna lagu
waayo hanti qaran. Arrintu sidaas waa ka sii adkaaneysaa
oo qoraallo sharciyeeyadu waxay guud ahaan leeyihiin
murugsanaan aqoon gaar ahi ka adeegi karto.
Waxay aheyd, in si khilaaf looga durko labada dal ee
wadaaga xeebtu ay mid walba soo naqshadeyso hindisaheeda
xadeynta badda, ka dibna ay is barbar dhigaan
naqshadahooda, islana oggolaadaan arrintoo la turxaan
bixiyey. Taas baana la oran karaa memo. la wada
saxiixay.
Waxaan filayaa in ardayga ka gudbay dugsi hoose,
garan karo xiriirka ka dhexeyn kara diillimaha gudban
iyo kuwa qotoma, waa maade waa tan xulka dawladda isku
sheegtay midnimo qaran ay ku rambastay.
Ma Dawlad Qarameedbaa (Nation State), mise waa Dawlad
Qoleed (Clan State)?
Waxaa Dawlad Qarameed lagu qeexaa inay tahay tan
u adeegta danta guud ee qaran. Xubnaha ka adeegaya
dawladdaasna waxay noqonayaan kuwo lagu soo dhisay
qaranyahannimo la hubiyey. Tan Dawlad Qoleedku waxay
noqoneysaa mid u kale adeegta qolooyinka isu muujiyey
dawladnimo. Xubnaha loo xulaana waxay noqonayaan kuwo
tolnimo lagu soo doortay. Haddaba waxaad mooddaa in
shacabka S/liyeed sharciyey wasiir toleed la rooraya
wadaan iyo dhure uu ceelka dawladnimo tolkiis kaga
waraabiyo……bal waxaan isbadnay eega!
Xusuusin
Kaadirkii badda S/liyeed ee in badan ka sarreeyay
dhigankiisa Keenya, wuxuu sii kala lahaa takhasusyo.
Dhanka aqoonta hindiseynta badda (ocean graphic
knowledge) oo ah kan muranku ka joogo rag baa noo
lahaa.
Anigase qoray qoraalkaan kooban waxaa la ii tababaray
farsamada qalabka maraakiibta, waxaana uga diiwaan
gashaana Wasaaraddii Gadiidka Badda Chief Engineer.
Haddaba wadeyadii iiga xeel dheeraa dhanka laga hadlayo
fadlan ha i saxaan. Kuwii takhasuska ku lahaa xeerarka
badahuna ha guntadaan sidii hawtalhamagga loo hagi
lahaa, falaadkoodana loo burin lahaa……….tan suubbanna
eebbe ha na waafajiyo.
Cabdi Jaamac Aw-Aden
abdiaden1957@yahoo.com