SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIFAACA BADDA SOOMAALIYA

Mahad oo dhan Ilaah baa leh Nabad iyo Naxariisina Nebigeenna Korkiisa ha ahaato.

GOORMEYNU IS GARANEYNAA?

  • W/Q. Muxamad Idris Axmad

Labadii ilaa 3dii Asbuuc ee ugu dambaysey waxaan la soconey arrimihii ku saabsanaa Badda Soomaaliya, iyo hadaladii ay ka geysteen dad kala duwan ama ha ahaadeen qolada DKMG ama Barlamaanka ama Aqoon yahanno iyo Siyaasiyiin iyo wax garad Soomaaliyeed. Hase ahaatee Hawshu Baddu weli ma biya dhicin, wexeyna u egtahay inaaney biya dhici Karin, inta Qadiyadda Dawladnimadii Soomaaliyeed maqantahay oo la baadi goobayo. Waxaan jeclahay inaan xoogaa yar oo faalla ah ku darsado, falanqayntii dheceysey ayaamahan lasoo dhaafay:

1) Marka koowaad waxaan dhegeystey hadalla kala duwan oo ka soo yeeray Wasiirka 1aad ee DKMG Prof. Abdiweli Ali Gaas. Wexeyna igu noqotay hadaladiisu filan waa!! Xagga Mustawaha Masuulku ku hadlay, ama xagga Luqada uu adeegsadey. Mar Su’aal la weydiiyey TV ga Somali Channel arrintii MoU (Isfahamkii Kenya Lala Saxiixday ee la buriyey) wuxuu ku jawaabey: (MoU ga yaa kala saxiixday?) Wuxuu ku daray: (Waxba kama ogi ee dadkii arrinkaa ku jirey hala weydiiyo)!! Hadduusan dhab ahaan Wasiirka Koowaad ogayn arrinkaa, isla mar ahaan taana uu ka hadlayo inuu difaacayo Badda Soomaaliya sida uu sheegay, waa Musiiba weyn!! Hadduu ogyahay oo inkirayna waa Masiiba ka daran!!

Sheikh Maxamed Idris2) Mar kale Wasiirka Koowaad Prof. Cabdi weli Waraysigii (Somali Channel TV) wuxuu ku sheegay wararka lagu qoray (Somalitalk) ee Badda ku saabsan iney tahay (Tabloid News)..Waa cibaaraduu adeegsadey, (Tabloid News) sida la wada ogyahay waxaa loo yaqaan: (Joornaalada ka warama fanaaniinta iyo dadka caanka ah fadeexooyinkooda iyo wararkooda khaaska ah ama dhammaan sheekooyinka fadeexooyinka iyo uskaga ah). Waa wax aad looga xumaado Profasoorku inuu cilmi baaris, qadiyad Ummad khuseysa ka hadalkeeda, oo loogu naseexeeyey, ama xogteeda inta loo bisleeyey lala qabtay, inuu USKAG ku tilmaamo, taasina waa mid isaga wax yeeshay, ee Somalitalk iyo qorayaasheeda midna wax ma yeelin, waxaa ku wanaagsanaan lahayd inuu arrinkaa cudur daar ka bixiyo, kana faaiidaysto cilmi barista, iyo warbixinada aqoonta iyo xirfadda ku dhisan, oo aan rumaysnahay, wasaaradiisu mid la mid ah, inaaney marna qorin, haddii ujeedadu tahay in la difaaco Xornimada Soomaaliya iyo Qaran nimadeeda.

3) Waxaa aad u mahadsan Xubnaha Barlamaanka ee ansixiyey Go’aanadii 8dii October (2011) ee ay ku diideen dhammaan arrimaha lagu fara gelinayo Badda Soomaaliya, Waxaana loo baahan yahay iney daba socdaan, waayo Go’aankoodii hore ee ay ku diideen (MoU) wixii lagu tilmaamay (Is afgarad) waxaa lagaarey 1dii Aug, 2009. Xukuumaddu wexey UN ka gaarsiisey 2dii March 2010. Wexey qaadatay 7 bilood. Midda Kalena waxaa muuqata Xukuumadda KMG inaaney marna u doodihayn sida dadka Soomaaliyeed ka rabaan, sababtu wax kastaba ha noqoto, sidaa darted barlamaanka iyo Shacabka oo Iskaashanayaa waa iney dalkooda ilaashadaan.

4) Wexey marar badan ku cel celiyeen Masuuliinta DKMG inaaney taako dhul Soomaaliyeed ah ka tanaasulihayn. Waa arrin fiican. Laakiin wax Ummadda qancin kara waa iney la socdaan. Haddii Ficilada iyo afku is khilaafaan, wax baa qaldan. Haddii hadalkaasu dhab ka yahay, Xukuumadda oo ay ugu horreeyaan Madaxweynaha iyo Raisulwasaaraha, waa iney muujiyaan, talaabooyin ficil ah oo ummaddu ku qanci karto. Sida: Iney Golayaasha laysugu imanayo ka caddeeyaan in Badda Soomaaliyeed xadaysantahay, xuduudeheedana aan laga hadli Karin, iney wararka lagu qorayo waraaqaha ay maalin walba saxiixayaan, ama shirarkeeda ka qayb gelayaan ee lagu walaaqayo, ama laysugu hoos gelinayo, EEZ, 12nm, Is afgarad,heshiisyada lala galay kuwa badda ku xadgudbaya ama qaranimada ummadda wax yeelaya, waxaas iyo wixii la mid ah iney mawqif cad oo qoraal ah, iska taagaan. HAL MAR – intey jiraan iney la yimaadaan, wax Umaddu ugu mahadiso ama ku amaanto. Ninkii wanaag sameeyaa ma qarsoomo, lamana dabooli karo.

5) Ilaa iyo hadda DKMG, tii Nuur cadde ama mida hadda joogta, masoo bandhigin, dood cad oo lagu qanci karo, oo muujineysa, iney ka gar baxaan, caddaymaha iyo saxiixyada yaal ee lagu haysto, oo aan ka ahayn, Badda Soomaaliya cidi ma gadan, taako cidna uma ogolin, UN amarkeedi ayaanu fulineyney, iwm oo hadal afka ah. Meesha laysku hayana, waxa weeye, saxiixyadan haddaad leedihiin oo aydaan inkirayn, inaad saxiixdaan xaq ma u leedihiin? Waraaqaha loogu ogolaaday EU maraakiibteeda dagaal, waxaa ku qoran, iney sidey doonaan, berriga iyo Badda Soomaaliya u mari karaan, inaan la baari Karin, fiise la weydiin Karin, cidddeey keensadaan waxba laga weydiin Karin, wexey wataan la eegi Karin, arrimahaasoo dhami miyaaney qaranimada Soomaaliya iyo hantideeda iyo Xorriyadeeda meel ka dhac weyn ku ahayn? Maraakiib raacda gargaarka WFP ee Mombasa ka imaanaya, miyaa u baahan, in loo banneeyo Soomaaliya oo dhan bad iyo berry wexey doonaan iyo sidey doonaan iney ka yeelaan?

6) Waxaan filayaa arrimahaan in laysaga daba imaan doono goor iney noqotaba. Fallaarina gil gilasho kaagama baxdo. Miyaa la Ilaawey Ummadda Soomaaliyeed haddaaney manta lahayn DAWLAD dalkooda iyo danohooda u dooda iney ILAAHAY leeyihiin, oo Rabbi Subxaanahu watacaalaa Ummaddan Muslimkaa ee Masaakiintaa Ilaalinayo. Ha ogaado Qof kasta oo Baylihiyey, ama Masuuliyad intuu qaaday aan sideedi uga soo bixin, ama fududaystay Danaha iyo Qaranimada Ummadda Soomaaliyeed, in Maalin uun laga daba tegi doono ilaahay idankii. Ummadda Soomaaliyeed iyo Qof kasta oo aqoon iyo garasho u leh waxa dhacaya, yaanu fududaysan waxa uu Ummaddiisa iyo Dalkiisa u qaban karo. Ilaahay ayaa garab siinaya inta Xaqqa garab istaagta. Qofkii wax khiyaamana Ilaahay ayaa garabkiisa ka baxa.

Waxaan kula talin lahaa mar kale DKMG Masuuleenteeda ugu Sarreeya: Inaaney fududaysan Cabashada Ummadda Soomaaliyeed. Inaaney yaraysan Garashada dadka Maqlaya oo daawanaya, waxa ay sheegeeyaan. Ummad Badan oo Soomaaliyeed ayaa idiin jeedda, Inaaney ku soo qamaamin, shirarka IGAD iyo ETHIOPIA abaabushana maaha macneheedu, inaaney aqoon lahayn, ama waaya aragnimo ku filan lahayn, ama waraaqaha aqoonsiga iyo kuwa wax barashada ugu sareeya lahayn, laakiin wexey dareemayaan Culayska ay leedahay Masuuliyadda Umadda loo qabtaa, waxaa dhegaha iyo wadnaha kaga dhacay warkii suubanaha oo ahaa: Qofkii Raadsada Madaxtinimada garabkiisaa Ilaahay ka baxaa, qofkii lala soo doontada Ilaahay waa ugu kaalmeeyaa.. Wexey kaloo dareemayaan, Masuuliyad aan Soomaaliyi kuu dhiiban, ee dad kale oo shisheeye ahi kuu dhiibteen, inaaney SOOMAALINIMO XOR AH U ADEEGI KARIN.. Waana arrinta 20 sano socota ee laga quustay iney xal keento ama Ummad meel gaarsiiso. Soomaaliyey danahaaga shisheeye kuu qaban maayo… ee Goormaad is garan doontaa!!

W/Q. Muxamad Idris Axmad
hayaan@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | October 17, 2011

 

 


Qoraalladii Wareeggii hore ee Difaaca Badda Soomaaliya

BAARID | SEARCH


 Un Report Somalia

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: