SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - ALWAQAAR


Email: alwaqaar@hotmail.com
Sh. Axmed Cabdi Samad wuxuu ka mid yahay Culimada Soomaaliyeed ee lagu bartay toosinta iyo jihaynta wanaagsan ee ummada Soomaaliyeed markasta u soogudbiyo. Waxaa intaa u dheer inuu ka midyahay Culimada fara ku tiriska ah ee ummadda Soomaaliyeed qalinka kula hadla.


Baddeena la boobayo sidee u badbaadsannaa?

Sh. Axmed C/samad 
alwaqaar@hotmail.com
 

Siday u daciiftay, ka dibna u burburtay dawladdii dhexee Soomaaliya, waxaa dalkeena iyo dadkeenaba ku socday burbur iyo baaba’ dhinacyo badan leh, oo isugu jira kuwa dadka u wada muuqda iyo kuwo cid yari ogaan karto, oo ilaa balaayadu ku habsato aysan dadweynuhu ogaan Karin, waxaana maalin walba soo if baxaya tiirar hor leh oo hoos ka bololay, oo soo dhicis u diyaar ah ama soo dhiciddooda lagu warhelay. Tiirarka waaweyn ee baryahaan innagoo aan ka warhayn inagu soo dumay waxaa ka mid ah minguurinta biyaha Soomaaliyeed, oo waliba la doonayo in lagu bannaysto saxiix Soomaaliyeed.

Waxaa cad inay Kenya samaysatay khariidad cusub oo ay soo dhexgalisay qaar ka mid ah biyaha Soomaaliyeed, isla markaana ay doonayso in loogu ansixiyo shirka xadaynta badaha ee dhawaan la qaban doono. Waxaa kaloo muuqda inay muddaba isku dayaysay sidii ay ugu heli lahayd arrintaas oggolaansho Soomaaliyeed oo laga ma maarmaan u ah in Q.M u ansixiso biyahaas.

Waxaa kaloo soo baxay heshiis dhexmaray DFKMG iyo dawaladda Kenya oo ku saabsan xadaynta biyaha labada dal u dhexeeya. Heshiiskaan iima cadda ilaa hadda waxa dhabta ah ee lagu kala saxiixday, waxaana jira shaki iyo cabsi weyn oo laga qabo in DFKMG-ku u saxiixday Kenya dhul badeedka Soomaaliyeed ee ay horay u calaamadaysatay. Waxaa kaloo shakigaas sii kordhinaya DFKMG oo caddaysay inay heshiis saxiixday, isla markaana caddayn weyday waxa dhabta ah ee ay la saxiixatay Kenya. Waxaa iyana si is daba joog ah uga soo yeeraya aqoonyahanada iyo masuuliyiinta Soomaaliyeed meel kastoo ay joogaanba qaylodhaan iyo digniino adag oo arrintaas ku saabsan. Haddaba sidee ayaynu uga hortagi karnaa dhul-boobka qaanuunaysan ee ay waddo Kenya, dalal kalena ku xigi karaan?.

Afkaar guud:

Inta aynaan ka hadlin tillaabooyinka ina ku habboon inaynu qaadno, waxaan soo qaadaynaa dhawr arrimood oo muhiim ah:

1. Arrintaani waxay u muuqataa arrin muddo laga soo shaqeynayey, oo soo gaartay marxaladihii ugu dambeeyay, shakina kuma jiro inay Kenya ka go’antahay inay biyeheena qeyb ka xayndaabato, hadda ha loo saxiixo ama yaan wali loo saxiixine. Dhinaca kale waxaa dhici karta in wax ka qabadka arrintaani noqdo qaylo warmo kama tunmaan; sidaa darteed waxay u baahan tahay in si deg deg ah, oo aan kala har lahayn loogu istaago wax ka qabadkeeda.

2. Wixii horay u dhacay dhece, cataw iyo caraatan-na waxba ina tari maayo, ee aynu calaalka iska dayno oo camal ku dhaqaaqno, illeyn caano daatay dabadoodaa la qabtaaye. Muhimmaduna waa inaan dhulkeena la inooka qaadan saxiixeena, ee ma aha in arrinta loo isticmaalo dicaayad siyaasadeed iyo kaar iska gubis.

3. Waxaa hubaal ah in dawladda FKMG-ku kala kulmayso dawlado iyo hay’ado kala duwan cadaadisyo badan oo ay uga danaysanayaan, waxaase jira waxyaabo in lagaa xoogo ay ka wacan tahay inaad adigu oggolaatid. Tusaale ahaan Soomaaliya hadda ma difaaci karto baddeeda, berrigeeda iyo hawadeeda midna. Haddii la yiraahdo kolley ma difaaci karnee maxaan ugu diidaynaa, qolo kasta ma difaacan kartaane noo saxiixa ayay oran.

Haddaba in qeyb ka mid ah dalkaas aynaan difaaci Karin dawlad kale xoog ku degto ama uga shaqaysato, sida reer galbeedkuba yeeleen ayaa ka roon inaynu ikhyaarkeena ugu saxiixno; maxaa yeelay wixii lagaa xoogo markaad xoogaysatid baad soo ceshataa, laakiin wax aad saxiixday kama dabatagi kartid, oo adigaa u sharciyeeyay cid kale.

4. Dawladdii laga itaal roonaado way dhacdaa casrigaan in barya-xoogle wax looga qaato, mase dhacdo in dhulka ama qeyb ka mid ah na mulkisii la dhoho, ee waxaa heshiisyo lagu la galaa inay saldhigyo millatari siiyaan ama ay u oggolaadaan inay shidaal ama macdan ka baartaan, laakiin heshiiska lagu qoro iskaashi millatari iyo heshiis ganacsi oo ka dibna qeyb laga siiyo waxa laga soo saaro dalkooda. Waxaa kaloo xusid mudan in aysan dawladaha dunida maanta ugu itaalka rooni dalalka daciifkaa dhulka kala wareegin, Kenya oo kale iska daaye!.

5. Haddii ay dhacdo in Kenya loo ansixiyo dhul badeedkaan Soomaaliyeed, waxay noqonaysaa albaab furmay oo aan ninna mar dambe xiri Karin, xukuumaddii timaadaana ay qeybo hor leh sii bixiso. Tan kale haddii Kenya 38,000 KM2 loo saxiixo sow Itoobiya 380,000 KM2 xaq u yeelan mayso?, dawladihii ka sii weynaase maxay heli doonaan?. Dhinac kale haddii albaabkaan la furo ma suuroobi doonto in cid kale wax loo diido; maxaa yeelay jawaabtu waa sow idinkii qolo heblaba siiyay?.

6. Waxaa laga yaabaa in dadka qaarkood isku qanciyaan DFKMG-ku xaq uma leh inay dhul Soomaaliyeed cid kale u saxiixdo. Waa run inaysan xaq u lahayn sharci ahaan bixinta dhulkaan, waxaase dadkaas ka maqan in aysan meesha sharci iyo caddalad midna ka jirin ee saxiixaaga quruumaha kale looga sheemayo dhulkii adiga lagaa boobay. Taa waxaa tusaale u ah in xuduudka aynu maanta ku dacwiyayno aan innaga la inoo xarriiqin ee ay kala xarriiqdeen Ingiriis iyo Talyaani.

Waxaa kaloo mudan in dib loo milicsado in gumaystayaashii Yurub dhulkeena ku bannaysteen saxiixa odayaal xoolo-dhaqato ah, DFKMG-kuna kama hoosayso kuwaas. Tan kale waxa socda waa gardarro garab og, mana habboona inaynu nimankii awal dhulkeena Kenya siiyay ka sugno maanta inay baaqiga inoo ka difaacaan. Haddii ay sugnaato in madaxdeennii la soo taagan tahay inay dhul ku tabarrucdana xaalku waaba “ruqo ninkii lahaa dabada kaga taagan yahay ma kacdo”.

7. Waxaa kaloo soo qaadis mudan inaysan maamulada S/land iyo P/land ka aamusin arrintaan khatarta istiraatiijiga ah ku keenaysa bulshaweynta Soomaaliyeed, iyagoo ku andacoonaya nama khusayso; maxaa yeelay dhul badeedka hadda laga hadlayo maamul ahaan uma hoosyimaado DFKMG-ka, ee waxa ay wax ku saxiixaysaa waa magacaa guud ee la huwiyay. Haddaba waa inay ku talogalaan hadday tan maanta ah ka aamusaan inay berrina Berbera iyo Boosaaso dawlado kale u saxiixi doonto.

8. Waxaan filaynaa in aan golayaasha DFKMG-ku iskood u danaynayn bixinta dhulka Soomaaliyeed ee uu jiro cadaadis dibadeed oo xukuumadda iyo madaxweynaha oo qur ah la soo gudboonaaday. Hadday arrintu sidaas tahayna waxaa jira habab xukuumaduhu uga hortagaan cadaadisyada uga yimaada dibadda, waxaana ka mid ah kacdoonka shacbiga, diidmada baarlamaanka, diidmada maxkamadda sare ama tan dastuuriga ah iwm. Haddaba waa inay dawladdu si buuxda dadkeeda uga la qeybgashaa xallinta mushkiladdaan ee aysan difaacin doonista shisheeye ama aysan maro huwin, xagalo geelna wax gunti la galiyo ka weyn, war jiraana cakaaruu imaan.

9. Waxaa kaloo xusuusin mudan in aadanuhu qaldamo, Ilaahayna wuxuu u furay albaabka towbada; si ciddii qaldantaa Rabbigeed ugu soo noqoto, wixii ay bi’isayna u saxdo. Haddaba madaxweynaha iyo xukuumadda waxaa looga baahan yahay inaysan wax ina ka xumayn, hadday xumaadeena in ay saxaan, ee aysan isku mashquulin is difaac ama qiil u raadin waxay qaldeen.

10. Waxaa habboon inaynu si gaar ah u tilmaano inay ayaandarro tahay in minguurinta dhulka Soomaaliyeed lagu soo beego dawlad ay hoggaaminayaan Madaxweyne Sh. Shariif iyo R/wasaare Cumar C/rashiid oo ka soo jeeda qoysas diimeed iyo halgamayaal, isla markaana loo filayay inay kala matalayeen islaamiyiinta iyo wadaniyiinta Soomaaliyeed. Iyaga oo waliba bulshada Soomaaliyeed ka sugaysay inay saxaan wixii ay qaldeen kuwii ka horreeyay iyo inaysan ku tillaabsan wax qabqablayaashii ka xishoodeen ama isu quuri waayeen.

Waxaa ayaandarro kale ah in loo xilsaaro saxiixaas ceebeed nin ka mid ah raggii islaamiyiinta ugu jiray DFKMG-ka, waxaana arrintaas loo fahmi karaa inay tahay ihaano iyo sumcad xumo lagu suntayo dadka diinta, iyo wadaninimada ku abtirsada oo dhan.

11. Qaanuunku ma ilaaliyo kuwa dhoohan, mana aqbalo ma aqoon, ma ogayn iyo u malayn mayn, ee kaliya waxaan tasarrufkoodu wax ka soo qaad lahayn dhasha iyo kuwa dhiman!. Haddaba waxaa ina la gudboon inaynu siyaasad ahaan iyo qaanuun ahaanba uga hortagno in dhulkeena la qaato iyo inaynu burino haddii heshiis la saxiixay.

Sidee baddeena u badbaadsanaa ama u soo ceshannaa?

Hawl kasta ama arrin walba waxay leedahay aqoon-gaarrayaal looga dambeeyo oo aqoon iyo khibradba u leh. Qaddiyadda hadda taagana waxaa jira dad farsamo ahaan u fara-dhuuban, waxaanse muujinaynaa tilmaamo guud oo arrinta wax looga qaban karo:

1. Ma haysano dawlad xoog leh, oo awood siyaasadeed ama mid millatari wax ku meel marsan karta, mana jiraan dawlado laga haybaysanayo oo ina garabtaagan, mana yara cadaadiska iyo caalcaalinta ku imaan karta DFKMG, umana sahlana inay kaligeed is hortaagto cadaadiskaas; sidaa darteed waa in Soomaaliweyn 100% u kacdo badbaadinta badda Soomaaliyeed.

2. In culimadu soo saarto fatwo ay ku caddaynayso xukunka shareecada ee bixinta dhulka muslimiinta.

3. In ay aqoon-gaarayaasha Soomaaliyeed ee cilmiga baduhu u caddeeyaan bulshada Soomaaliyeed xadka badda ee inoo dhexeeya innaga iyo Kenya, iyo habka loo cabbirayo, isla markaana ay sameeyaan guddi arrintaa kala shaqeeya cid kastoo ay khusayso.

4. In ay soo saaraan maamulada kalee dalka ka jira mowqif rasmi ah oo ay uga soo horjeedaan boobka badaha Soomaaliyeed.

5. In ay salaadiinta iyo oday dhaqameedyada Soomaaliyeed meel ay joogaanba ka hadlaan arrintaan, ayna si buuxda uga horyimaadaan balalaysiga badaha Soomaaliyeed. Waxaa kaloo muhiim ah inay kiciyaan bulshada oo ay mudaaharaadyo shacbi ah horkacaan.

6. In ururada islaamiga, kuwa muqaawamada, kuwa siyaasiga iyo ururada bulshadu mawaaqif cadcad ka soo saaraan qaadashada ama hunguriyaynta dhulkeena.

7. In madaxdii hore ee dawladihii Soomaaliyeed iyo halgamayaashii xorriyadda wixii ka nooli caddeeyaan mawaaqiftooda ku aaddan dhacdadaan.

8. In aqoonyahanka Soomaaliyeed si joogto ah ugu wacyigaliyaan dadweynaha qaddiyaddaan, ayna kala hadlaan qalabka warbaahinta.

9. In wariyeyaasha, qoraaga iyo abwaanadu qaadaan olole ballaaran oo arrintaan lagu falanqaynayo; si dhabta bulshadu u wada ogaato, una wada dareento khatarta ku soo fool leh.

10. In jaaliyadaha Soomaaliyeed ee dibaduhu sameeyaan mudaaharaadyo waaweyn oo ay kaga soo horjeedaan damaca Kenya ku doonayso badaha Soomaaliya.

11. In qoraallo arrintaan ku saabsan si toos ah loogu gudbiyo Q.M, Midowga Yurub, Maryakanka, Carabta, Afrika, Ururka islaamka iwm, loona qabto siyaasiyiin iyo qareeno arrinta kaga hadla maxaafisha dawliga ah. Waxaa kaloo muhiim ah in la kiciyo cid kastoo arrintaan ka gaysan karta hadal ama hoo.

12. In qareeno Soomaaliyeed dacwo geeyaan maxkamadda sare ee Soomaaliyeed; si ay u eegto heshiiska lala galay Kenya, ayna u buriso hadduu noqdo mid ina ku xadgudbaya.

13. In markii kacdoonkaas la sameeyo uu deg deg u fariisto baarlamaanku oo uu soo saaro qaraar uu ku diidayo heshiiskii ay saxiixday DFKMG-ku.

14. Waxaa iyana muhiim ah in dowladda Kenya la gaarsiiyo mowqifka rasmiga ah ee bulshada Soomaaliyeed, isla markaana la siiyo digniin kama dambays ah.

15. Magac iyo masiibaba maalin bay baxaan, raq walbana waa ku raggeeda, meel walbana yaa joogay bay leedahay. Haddaba jiilka Soomaaliyeed ee maanta nool xil weyn baa saran, gaar ahaan dadka masuuliyadda u haya bulshada ama indhaha u ah xag aqooneed iyo xag waaya-aragnimo. Nin walbana taariikhdu way qori doontaa mawqifkiisa, aakhirana warbaa jira ee dhankay ka baxdaa waa bakayle qaleen.

16. Haddii ay caddaato inay DFKMG-ku u goysay Kenya qeyb ka mid ah biyaha Soomaaliyeed, oo markii la tusaaleeyay khatarta heshiiskaasna ay ka dabatagi waydo ama ay difaacdo waxay noqon kartaa gunaanadkii dawladda; maxaa yeelay dadku waxay doonayeen dowlad nafci u soo kordhisa ee ninna uma baahna dowlad ku qancisa in la gumaysto ama dalkeeda ku tabarrucda.

17. Gabagabadii qormadaani waxay u socotaa in khatar ina ku soo fool leh laga hortago, hadday dhab ahaan ina ku dhacday la buriyo. Haddii aysan labadaas midna jirina waa baraarujin iyo khayr wax kuma yeelee shar u tooghay. Waxaa kaloo mudan in laga digo in kacdoonka bulshadu arrintaan ka samaysay lagu marinhabaabiyo arrimo kaloo aan loo socon ee indha carra kaga shub ah. In aan dhib loo gaysan diinta, dalka iyo dadka ayaana ka muhiimsan waxqabadka hadduuba dhab yahay.

Sh. Axmed C/samad 
alwaqaar@hotmail.com
 

Faafin: SomaliTalk.com | April 11, 2009

Kala sooca Soomalida iyo isu soo celinteeda. Akhri:  Q-1aad

 Maqaal kale oo xiise leh:   Maxaa la Gudboon Muqaawamada?

Muqdisho Shalay iyo Maanta: Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad | 4aad | 5aad

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS