Cumar C/rashiid oo Qarammada Midoobay u Gudbiyey Waraaq Burinaysa
Go'aankii Baarlamaanka, Kenyana u ogolaanaysa Badda Soomaaliya ee ay Cabiratay!
- Warbixin, Faallo iyo Tarjumadii SomaliTalk.com | Sept 16, 2009
Website-ka Guddiga Qarammada Midoobay u qaabilsan Xadaynta Badaha ayaa lagu
daabacay warqad ku taariikhaysan August 19, 2009. Warqaddaas waxaa ku cad in ay
ka soo baxday Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha DFKMG, isla markaasna loo saxiixay
(for) Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke. Inkasta oo magaciisa lagu qoray
haddana saxiixa isagu ma leh.
Waa warqad si qeexan u muujinaysa in DFKMG ay si bareer ah u doonayso in ay
dhul-badeedka Soomaaliyeed si toos ah muran u geliso, si markaas loogu
sharciyeeyo Kenya akhbaartii ay u gudbisatey Qarammada Midoobay ee sida aan
gabashada lahayn u cabiratay 116,000km2 oo ah dhul-badeedka Soomaaliyeed.
"Waxaa ah arrin aad looga yaxyaxo, looga xishoodo, isla markaana laga
argagaxo, in qof sheeganaya mas'uul
Soomaaliyeed uu qoro warqad noocan oo kale
ah. Waana arrin aad looga xumaado." Sidaas
waxaa yiri aqoon yahan Soomaaliyeed oo akhriyey warqadda loo saxiixay Cumar C/rashiid..
Inta aynaan u gudbin tarjumaada warqaddaas, waxaan is-dul taagi doonaa
macnaha ay xambaarsan yihiin dhawr qodob/xeer oo lagu xusay warqadda, sida:
Annex I, article 5(a): ee Nidaamka
Guddiga QM waxa uu dhigayaa "Haddii ay
jiraan dhul ama bad lagu muransan yahay,
Guddiga (QM) ma tixgelin doono ama ma ansixin
doono akhbaarta uu soo gudbiyey dal ka
mid ah kuwa uu ka dhexeeyo murankaasi. Laakiin
Guddigu waxa uu tixgelin siinayaa akhbaarta
uu soo gudbiyo dal ama ka badan ee ku
saabsan aagga lagu muransan yahay haddii uu
jiro ogolaansho hore oo ay bixiyeen dhammaan
dalalka uu muranku ka dhexeeyo." Taas
macnaheedu waxaa weeye haddii muran jiro waa
in marka akhbaarta la gudbinayo lala
socodsiiyo QM, haddii dalalkii murankaasi ka
dhexeeye ay isla ogol yihiin muranka markaas
Guddiga Xadaynta Badaha ee QM waxa uu ka
gaari karaa go'aan. Arrintaas ayaa si qeexan
loogu cadaynayaa warqadda hoose ee loo
saxiixay Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya. (Tixraac
halkan).
Annex II, article 9: ee UNCLOS waxa uu dhigayaa: Ficilka Guddiga
(Qarammada Midoobay ee Xadaynta badaha) caqabad kuma noqon karo arrimaha la
xiriira xuduudda u dhaxaysa labada dal ee deriska ka ah xagga badda. (Tixraac
halkan).
Annex II, article 4: ee UNCLOS waxa uu dhigayaa: Dalka xeebta leh oo
doonaya in ay kordhistaan cabirka qalfoofka qaaradda wixii ka durugsan 200 mayl
badeed, waa in ay muddo 10 sano gudahood markii xeerku dhaqan galay, in ay
Guddiga (QM) u gudbistaan akhbaarta la xiriirta xadka baddooda oo ay la socdaa
farsamo cilmiyeed iyo saynis garab siinaya cabbirkaas. Waa in dalka xeerbta leh
ay sheegaan magacyada xubnaha ka tirsan Guddiga (QM) ee dalkaas ka taageeray
xagga farsamada ama siiyey talo.
Sida aad ku arki kartid warqadda ay daabaceen Qarammada Midoobay, waxaa ku
qoran in loo saxiixay Ra'iisul wasaaraha DFKMG, laakiin magaca qofka saxiixay
kuma qorna.
Waxaa aad u cajaa'ib badan in qoraalka warqaddu uu ku soo celcelinayo
HESHIISKII IS-FAHAMKA (MOU) ee dhexmaray Soomaaliya iyo Kenya, laakiin aan hal
meelna lagu xusin in Baarlamaanka DFKMG uu heshiiskaas ka dhigay WAXBA KAMA
JIRAAN.
Waxaa xusid mudan, sida laga helay ilo wargal ah, in xeerkii ay
Baarlamaanku ku diideen heshiiskaas in loo gudbiyey madaxweynaha DFKMG, sidaasna
uu xeerkaasi ku noqonayo qaanuun dawladeed. Waxaa baarlamaanku heshiiskaas
diidey August 1, 2009. Taas oo jirta ayaa waxaa muuqata (maadaama
warqaddani ku taariikhaysan tahay August 19, 2009) in xukuumaddu ay garab
martay Baarlamaanka oo halkii ay gudbin lahayd go'aankii baarlamaanka ay ka
gudbisay qoraal aan la aqoon cidda saxiixday oo aan wax dan ahi ugu jirin
shacabka Soomaaliyeed.
Warqaddaas marka la dhuuxo qaabka ay u qoran tahay iyo sida loo kala
hormarinayo erayada iyo dalalka, iyo sida loogu celcelinayo in uu muran baddeed
ku jiro dhulka
Soomaaliyeed, waxaa laga dheehan karaa in uusan qorin
qof Soomaali ah ama dan u haya dalka iyo dadka uu matalo.
(1) saxiixa lagu yaqaan Cumar C/rashiid.
(2) Saxiixa ku
qoran warqadda August 19, 2009.
Tarjumadii SomaliTalk.com ee warqadda
hoos ka akhri:
Xukuumadda Federaaliga KMG ah ee
Jamhuuriyadda Soomaaliya..
Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha
______________________________
XRW/00506/08/09 August 19, 2009
Mudane Ban Ki Moon
Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay
New York, USA
Mudane,
Ayadoo la tixraacayo xiriirkaagii ku
taariikhaysnaa May 11, 2009 (La socodsiintii
ku astaysnaayd
CLCS.35.2009 LOS ee Qalfoofka Qaaradda)
ee ku saabsanayd akhbaartii ay Kenya u
gudbisay Guddiga Xadaynta Qalfoofka Qaaradda
(ee Qarammada Midoobay QM), iyo ayadoo la
waafaqayo xeerka Lifaaqa ee Annex I,
farqaddiisa 5(a) ee Xeerarka iyo
Qaanuunka Guddiga (QM), waxaa sharaf ii ah,
anigoo ku hadlaya Dawladda Federaalka
Kumeelgaarka ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya,
in aan soo gudbiyo aragtiyadan:
Xadaynta qalfoofka qaaradda ee u dhaxaysa
Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda
Kenya waa mid aan la xallin. Waxay u
muuqataa in Kenya ay sheegatay aag ka
bilaabanaya loolka barta uu xadku kala kulmo
badda, halkii ay ahaan lahayn (in la raaco)
sida uu dhigayo xeerka baddaha adduunka oo
markaas la jeexo xarriiq isku in u jirta
(xadka labadda dal) si loo sameeyo cabbirka
qalfoofka qaaradda ee u dhaxaeeya labadda dal
ee deriska ka ah xagga badda. Soomaaliya
waxay ku salaysay aragtida dambe (in la
jeexo xarriiq isku in u jirta iyo xadka
labadda dal si toosa looga dhaqaaqayo).
Arrintan xadaynta ee aan la xallin
waa in loo tixgeliyo in ay tahay "muran
baddeed" ayadoo laga tilmaan qaadanayo
xeerka Annex I, farqaddiisa 5(a) ee
Xeerka Nidaamka Guddiga (Xadaynta Badaha ee
QM). Kenya iyo Soomaaliya waxay sheegteen
aag (dhul-badeed) is-dul-saaran, aaggaas oo
ujeeddo taas la mid ah ku noqonaya "aagga
lagu muransan yahay." Sidaas daraadeed,
ficil kasta oo ay qaadaan Guddiga (QM),
ayadoo la raacayo UNCLOS, xeerka Annex
II, qodobkiisa Article 9, waa in uusan
caqabad ku ahaan arrimaha la xiriira
xadaynta qalfoofka qaaradda ee u dhaxeeya
Jamhuuriyadda Kenya iyo Jamhuuriyadda
Soomaaliya.
April 7, 2009 ayaa Wasiirka Arrimaha
Dibadda ee Jamhuuriyadda Kenya iyo
Wasiirka Qoshaynta & Xiriirka Caalamiga ah
ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, oo
labadaba ay dawladahoodu u xil saareen,
waxay Nairobi ku saxiixeen "Heshiis
Is-Afgarad (Memorandum of Understanding
MOU) oo dhex maray Jamhuuriyadda
Kenya iyo Dawladda Federaalka
Kumeelgaarka ah ee Jamhuuriyadda
Soomaaliya, is-afgaradkaas oo dal kasta
u ogolaanayey in uusan diidmo ka keeni
karin (NO-OBJECTION) akhbaarta ku
saabsan Qalfoofka Qaaradda in ka durugsan
200 oo mayl badeed ee ay u gudbisanayaan
Guddiga Qarammada Midoobay ee Xadaynta
Qalfoofka Qaaradda". Nuqul ama koobi ka mid
ah Isfahamkaas ay saxiixeen labada Wasiir
waxaa lagu lifaaqay akhbaartii hordhaca
ahayd ee muujinaysa in ka durugsan 200 mayl
badeed oo ah qalfoofka qaaradda oo ay
gudbisay Soomaaliya, ayadoo lagu
salaynayo go'aankii ka soo baxay
Kulankii siddeed-iyo-tobnaad ee dalalka
xubnaha ka ah UNCLOS ee ku qoran
dukumiintiga SPLOS/183.
Heshiiskaas Isfahamka (MOU) ee la xusay
ee dhexmaray Jamhuuriyadda Kenya iyo
Jamhuuriyadda Soomaaliya waxaa ku cad
in waqtigii ku haboon uu dal kasta si
goonidiisa ah uu akhbaarta (cabbirka
baddiisa) ugu gudbisanayo Guddiga (QM), taas
oo ay ku jiri karto aagga lagu muransan
yahay, ayadoo aan wax tixgelin ah la
siinayn xadayn baddeeda labada dal. Sida ku
cad Heshiiska Isfahamka labada dal waxay
hore ogolaansho ugu bixiyeen in Guddiga
(xayanta ee QM) ay go'aan ka gaari karaan
akhbaartaas ay gudbisteen ee aagga lagu
muransan yahay. Waxaa taas dheer in ay
shardi tahay in akhbaartaas loo gudbiyey
Guddiga (QM) iyo kaddib soojeedinta ay
ansixiyaan Guddigu waa in aysan caqabad ku
ahaan halka ay labada dal ka taagan yihiin
marka laga hadlayo muran badeedka u
dhexeeya ayaga, waa in aysan caqabad ku
ahaan xadaynta mustaqbalka ee xuduudaha
baddaha ee aagga lagu muransan yahay,
oo ay ku jiraan xadaynta qalfoofka qaaradda
wixii ka durugsan 200 oo mayl baddeed.
Sida ku cad Heshiiskii Isfahamka (MOU)
xuduudaha badda ee aagga lagu muransan
yahay, oo uu ku jiro qalfoofka qaaradda
in ka durugsan 200 mayl baddeed, waxaa ka
heshiin doona labada dal ee xeebta leh,
ayadoo lagu salaynayo Sharciga Caalamiga ah
kaddib marka Guddiga (QM) ay dhamaystiraan
baaritaankooda ay si kala gooni ah ugu
eegayaan akhbaarta ay gudbiyeen labada dal
ee xeebta leh, isla markaasna Guddiga (QM)
uu
labada dal u soo jeediyo talooyinkiisa ku
aadan sidii ay qaabkii ay (dalalkaasi) u
samayn
lahaayeen xadaynta ku saabsan qalfoofka qaaradda
(badda) wixii
ka durugsan 200 mayl badeed.
Ayadoo fahamsan arrimaha sare ayay
Dawladda Federaalka Kumeelgaarka ah ee
Jamhuuriyadda Soomaaliya waxay marlabaad ku
celinaysaa ogolaanshaheedii in
Guddiga (QM) ay
Kenya u qiimeeyaan (examination) akhbaartii ay u gudbisatay ee la
xiriirta aagga lagu muransan yahay ee u
dhaxaysa labada dal, ayadoo la raacayo
xeerka 5(a) ee Nidaamka Xeerka
Guddiga (QM). Ficilka ay qaataan Guddigu ee
la xiriirta akhbaartii ay gudbisay Kenya waa
in aysan caqabad ku ahaan akhbaarta ay
mustqabalka gudbisanayso Jamhuuriyadda
Soomaaliya, ayadoo la raacayo xeerka
Annex II, qodobkiisa Article 4 ee
UNCLOS, oo khaas ku ah qalfoofka qaaradda
wixii ka durugsan 200 mayl badeed oo ay la
socdaan xog farsamo iyo saynis oo arrintaas
gacan siinaysa, oo uu ku jiri karo aagga
lagu mursan yahay, iyo tixgelinta uu
Guddiga (QM) siin doono mustaqbalka
akhbaartaas ay gudbin doonto Soomaaliya.
Waxaa sharaf ii ah in aan ku
weydiisto in warqaddan loo gudbiyo Guddiga
Xadaynta Qalfoofka Qaaradda, isla markaana
in la daabaco, oo weliba lagu daabaco
website-ka Guddiga (xadaynta badaha ee QM).
Fadlan iga aqbal, mudane, tixgelintii ugu
saraysay.
(for) loo saxiixay
Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke
Ra'iisul Wasaaraha
Soomaalidu waxay ku maah maah daa "Bari Cune Soo bixi doone" Waa
ilaahay mahadii haddii sharixidii iyo bayaamintii Somalitalk, Go'aankii
Baarlamaanka iyo qayladii dhammaan ummada Soomaaliyeed ee ka qayb qaatay
difaacidda badda ay hadda u cadahay indha-sarcaadkii Dowladda FKMG ay shacabka ku majara
habaabinaysay, ayna cadaatay inay doonayso si aan gabasho lahayn in badda
Soomaaliyeed loogu wareejiyo Qarniga 21-aad Dowlada Kenya.
Qoraalkan kore uma baahna sharaxaad badan, waxaanse is dul taagi doonaa dhowr
arrimood oo muhiim ay tahay inay fahmaan ummadda iyo Masuuliyiinta Soomaaliyeed.
1- Marka la eego qaabka hadalku u socdo, sida uu isugu xiranyahay iyo sida uu
Kenya ugu xaglinayo iyo kala hormarinta Magacyada labadda dal, marka si aad ah
loo dhuuxo waxaa ka muuqda inay tahay waraaq Kenya soo qorotay oo loo saxiixay,
sidii Heshiiskii loogu yeeray MOU.
2- Qodobka Muhiimka ah oo Dowlada Shariif iyo Cumar caqabada ku ah waa "aaway
go'aankii Baarlamaanka ay gaareen Agoosto 1, 2009" sida uu
dhigayo Xeerka u qoran Dowlada Kumeel gaarka ah waa in madaxwaynaha loo gudbiyo
go'aanka Baarlamaanka, 14 casho gudahoodna uu kusoo jawaabaa, inuu soo saxiixo
iyo inuu soo diido oo markale dib looga hadlo, labaas ayaa u furan. Sida aan ka
helay xubno ka tirsan DFKMG oo magacooda diiday in la shaaciyo, Madaxwayne Shariif waa
lagaarsiiyey Go'aankii Baarlamaanka. Taas oo jirta, ayaa meeshii Qarammada
Midoobay looga gudbin lahaa go'aankii
Baarlamaanka ayaa waxaa la gudbiyey Agoosto 19,2009 waraaq ka daran
tii Heshiiskii Kenya lala galay Abriil 07,2009. Hadaba su'aashu waxay tahay
maxay ku kala duwan yihiin go'aankii Madaxwayne shariif Baarlamaanku ku doortay
iyo go'aankan uu Baarlamaanku kudiiday Heshiiska Kenya uu lagalay? sidoo
kale maxay ku kala duwan yihiin go'aankii Baarlamaanku Raysul Wasaare Cumar lagu
ogolaaday inuu Wasiirka koowaad noqdo, Dowladiisiina lagu ansixiyey iyo
go'aankan uu kudiiday Heshiiska Kenya uu lagalay? Su'aasha mudan in Baarlamaanku
ka jawaabo waa miyaan la joogin xiligii Madaxwayne Shariif iyo Raysul Wasaare
Cumar xilka laga xayuubin lahaa oo lagu qaadi lahaa waxa afka qalaad lagu
yiraahdo (impeachment).
3- Arrinta sadexaad waa erayada murugada ku ridaya wadaniga Soomaaliyeed ee ay
ku celcelinayso cida qoraalkan gudbisay, fadlan erayadan oo ah nuxurkii warqada
dhuux. "Xadaynta qalfoofka qaaradda ee u dhaxaysa
Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda
Kenya waa mid aan la xallin...."Waxay u
muuqataa in Kenya ay sheegatay aag ka
bilaabanaya loolka barta uu xadku kala kulmo
badda, halkii ay ahaan lahayn (in la raaco)
sida uu dhigayo xeerka baddaha adduunka oo
markaas la jeexo xarriiq isku in u jirta
(xadka labadda dal)......"Arrintan xadaynta ee aan la xallin
waa in loo tixgeliyo in ay tahay "muran
baddeed"..............""Heshiis
Is-Afgarad (Memorandum of Understanding
MOU) oo dhex maray Jamhuuriyadda
Kenya iyo Dawladda Federaalka
Kumeelgaarka ah ee Jamhuuriyadda
Soomaaliya, is-afgaradkaas oo dal kasta
u ogolaanayey in uusan diidmo ka keeni
karin (NO-OBJECTION) akhbaarta ku
saabsan Qalfoofka Qaaradda in ka dururgsan
200 oo mayl badeed ee ay u gudbisanayaan
Guddiga Qarammada Midoobay ee Xadaynta
Qalfoofka Qaaradda". Nuqul ama koobi ka mid
ah Isfahamkaas ay saxiixeen labada Wasiir
waxaa lagu lifaaqay akhbaartii hordhaca
ahayd" (Somalitalk: Waxaan idin
xasuusinaynaa nuqulka heshiiska Kenya lala galay waxaa gudbisay oo xogteeda ku
lifaaqday Soomaaliya, waxaana ku saxiixnaa Cumar C/rashiid, halka Kenya ay
xustay oo Kaliya)............"Heshiiskaas Isfahamka (MOU) ee la xusay
ee dhexmaray Jamhuuriyadda Kenya iyo
Jamhuuriyadda Soomaaliya waxaa ku cad
in waqtigii ku haboon uu dal kasta si
goonidiisa ah uu akhbaarta (cabbirka
baddiisa) ugu gudbisanayo Guddiga (QM), taas
oo ay ku jiri karto aagga lagu muransan
yahay, ayadoo aan wax tixgelin ah la
siinayn xadayn baddeeda labada dal. Sida ku
cad Heshiiska Isfahamka labada dal waxay
hore ogolaansho ugu bixiyeen in Guddiga
(xayanta ee QM) ay go'aan ka gaari karaan
akhbaartaas ay gudbisteen ee aagga lagu
muransan yahay"............ "Sida ku cad Heshiiskii Isfahamka (MOU)
xuduudaha badda ee aagga lagu muransan
yahay, oo uu ku jiro qalfoofka qaaradda
in ka durugsan 200 mayl baddeed, waxaa ka
heshiin doona labada dal ee xeebta leh,
ayadoo lagu salaynayo Sharciga Caalamiga ah
kaddib marka Guddiga (QM) ay dhamaystiraan
baaritaankooda".............."Ayadoo fahamsan arrimaha sare waxay
Dawladda Federaalka Kumeelgaarka ah ee
Jamhuuriyadda Soomaaliya ay marlabaad ku
celinaysaa ogolaanshaheedii in
Guddiga (QM) ay
Kenya u qiimayso (examination) akhbaartii ay u gudbisatay ee la
xiriirta aagga lagu muransan yahay ee u
dhaxaysa labada dal, ..."
Qoraalkan kore waa nuxurkii waraaqdii QM loo gudbiyey oo tarjumaadeeda kor
aad ku soo aragteen, dhammaan meelaha cadaymaha u baahan oo dhan waxaan ku
faahfaahinay qoraaladii hore, fadlan intii aan fursad u helin ama aan xasuusan
iyagoo faah faahsan ka akhri hoos. Hadalkan kore oo dhan wuxuu isugu soo
ururayaa sidan: Kenya ayaa nagu qabsatay, cabiratayna 116,000km2 oo badda
Soomaaliya ka mid ah, Waxay u yeertay Dowlada Fedaraalka Kumeelgaarka ah ee ay
hogaamiyaan, Madaxwayne Sheikh Shariif Sh. Axmed iyo Raysul Wasaare Cumar C/rashiid,
waxay la ka ogolaadeen sheegashadii Kenya waxayna u saxiixeen Heshiis dantiisu
tahay inay labada dal isla ogol yihiin in Xuduuda Baddooda aysan kala
calaamadsanayn, Muran baddeedna u dhexeeyo, Soomaaliya waxay
ogolaatay inaysay wax diidmo ah ka keenayn xogta Kenya QM u gudbisatay oo badda
Soomaaliya ay ka qaadatay ku jirto. Labada dal waxay isla ogol yihiin in QM ku
kala saarto aagga ay isku haystaan oo badda Soomaaliyeed ah iyo in la raacayo xeerka
Baddaha ee Caalamiga ah, Waxay kaloo isla ogol yihiin in QM aysan caqabad ku
noqon Kenya iyo Soomaaliya heshiiskooda maadaama labada dal ay isla fahmeen in
uu jiro dhulbadeed aan kala calaamadsanayn, Muran baddeed iyo wixii ka baxsan
aaga la kor dhindoono ee ah 200 oo mayl baddeed in aag isku mid ah u cabirmi
doono labadda dal. Gabagabada waraaqda ayaa waxaa Guddiga QM Soomaaliya u
sheegtay inay fahamsantahay arimaha badda ay ka hadlayso, isla markaasna ay ku
celinayso ogolaanshaheedii ahaa in Guddiga QM uu qiimayn siiyo Kenya akhbaarii ay
u gudbisatay ee la xiriirtay aagga lagu muran sanyahay ee badda u dhaxaysa
labadda dal.
Aagga lagu muransan yahay waxaa kuu cadaynaya: Warbixintii ay Kenya
gudbisatay waxay si bareer ah ugu muujisay khariidad ay ku cabiranyso
dhul-badeedka Soomaaliya. Halka DFKMG ee Soomaaliya ogolaatay in aysan arrintaas
waxba ka qabin.
Miyaa Lagu Been Abuurtay Ra'iisul Wasaaraha DFKMG Cumar C/rashiid, Mase waxa loo saxiixay ayuusan war u
hayn oo arikin?
Su'aashaas ayaa ku soo dagdagaysa maskaxda qof kasta oo Soomaali ah, waxaa
caqliga iyo garashada fahamka Banii-aadamka kafog in warqad noocaan oo kale ah
uu saxiixo/gudbiyo/ogolaado masuul ku magacaaban jago muhiim ah sida Mudane
Cumar C/rashiid. Hadana dhinaca kale taariikhada marka dib loo celiyo,
waxaad moodaa shalay iyo maanta wax isaga eg, 1967 waxaa Dalka Soomaaliya
Madaxwayne ka ahaa Mudane C/rashiid Cali Sharmaake, waxaa Raysul Wasaare ka ahaa
Mudane Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal (Allah labada ha u naxariisteed), waxay ogolaadeen heshiiskii
Caruusha (MOU)
ee ay ku maqanyihiin lix gobol oo Soomaali ah, halgan dheer oo xorayntooda loogu
jirayna halkaas ayuu ku ragaasay.
2009 Waxaa Dalka Soomaaliya Madaxwayne kumeel gaar ah ka ah
Mudane Sheikh Shariif Sh. Axmed, Waxaa Raysul Wasaare kumeel gaar ah ka ah Cumar
C/rashiid, waxay ogolaadeen heshiiskii Nairobi (MOU) oo lagu qaadanayo 116,000km2
oo badda Soomaaliyeed kamid ah.
-1967 C/rashiid Cali Sharmaake dhigiisa waxaa ahaa Madaxwaynena ka ahaa
Dalka Kenya oo guushaas taariikhiga ah usoo hooyey Mudane Jomo Kenyatta.
-2009
Sheikh Shariif Sheikh Axmed dhigiisa waxaa ah Mudane Mwai Kibaki oo
doonaya guushaas mid ka muhiimsan inay taariikhda u gasho.
Waxaan u daynaynaa inuu ka jawaabo taariikhdan isu eg ee qormaysa mudane
Cumar C/rashiid inuu u bareeray inuu Kenya Badda Soomaaliyeed siiyo iyo in
magaciisa la isticmaalay. Sidoo kale Sheikh Shariif mawuxuu noqon doonaa
Madaxwaynihii ugu horeeyey ee xukunka ku qabsada sumcadda dhinaca diinta oo
dalkiisa iyo dadkiisa dhagra isagoo wadaad ah, mise taarkhiidan madow wax buu ka
badali doonaa intuusan indha sarcaadku dhamaan?.
Warqadda ra'iisul wasaaraha DFKMG 8/19/2009
Sida uu xaqiijiyey B. Lynn Pascoe, oo arrimaha siyaasadda u qaabilsan
Qarammada Midoobay, waxaa xarunta Qarammada Midoobay ee New York imanaya wafti
uu hoggaaminayo Madaxweynaha DFKMG, Sheikh Shariif
Sheikh Axmed, oo uu kaga qayb gelayo kulanka Guud ee
Qarammada Midoobay ee 64aad oo furmay
September 15, 2009.
Dhanka kale, safiirka Soomaalida u fadhiya QM waxaa laga soo xigtey in Sheikh
Shariif inta uu joogo Maraykanka uu booqan doono Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku
dhaqan magaalooyinka Washington DC, Columbus iyo
Minneapolis.
Su'aashu waxay tahay markaas Sheikh Shariif shacabka Soomaaliyeed ma u cadayn
doona sababta ay xukuumaddiisu ugu adkaysanayo heshiiska uu baarlamaanku diidey
ee aan wax dan ahi ugu jirin ummadda Soomaaliyeed.
Faafin: SomaliTalk.com | September 16, 2009
Matthew Russell Lee (www.innercitypress.com)
September 14, 2009: Su'aal ku saabsan heshiiskii is-afgarad ee ay
diideen Baarlamaanka DFKMG ayaa Matthew Russell Lee waxa uu weydiiyey B. Lynn
Pascoe, oo arrimaha siyaasadda u qaabilsan Qarammada Midoobay
(Under-Secretary-General for Political Affairs), si toos ah ugama jawaabin su'aashaas... (halkan
ka daawo)
August 24, 2009: Afhayeen u hadashay xafiiska Xoghayaha Guud ee QM oo
la weydiiyey go'aankii baarlamaanka DFKMG ku diidey isfahamkii Somalia-Kenya
ayaa tiri: "Xaqiiqo ahaan in loo codeeyey oo la diiday dukumiintigaas waa arrin
khusaysa gudaha Soomaaliya, waa arrin Soomaaliyeed, farahana la geli mayno." (Daawo
Halkan )
|