Somaalida Caqliga Dhuuban
"Caano Qubtay Dabadoodaa la qabtaa, ee waxaa Haboon in 13-ka May ka hor
laga hor tago arrintaasi". Dhawaan ayay ahayd markii Dowladda cusub ee
uu madaxda ka yahay Sheekh Shariif Sheekh Axmed ay heshiis (is-afgarad) dhanka
badda ah la saxiixatay Dowladda Kenya, heshiiskaas oo dhigayay in qayb ka mid ah
badda Soomaaliya Dolwadda Kenya muran galisay, ayaa waxa uu dhaliyey qaylo dhaan
ka kala imaanayay qaybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed gudaha iyo
dibaddaba, waxayna ku tilmaameen in heshiiskaasi uu yahay mid lagu boobayo badda
iyo berriga Soomaaliya. Haddaba dadka muhiimka ah ee waxka yiri arrintaasi waxaa
ka mid ah Abwaan Maxamuud Warsame Faarax (Bad-Maceeye) oo ka mid ahaa
Xildhibaanadii Dowladdii uu C/qaasim Salaad Madaxweynaha ka ahaa.
"Arrintani mid loo dul qaadan karo ma ahan, sababtoo ah haddaan nahay ummadda
Soomaaliyeed waxayna ku waayi karnaa Dhul ka mid ah dhulka Jamhuuriyadda
Soomaaliyeed iyo waliba badda iyo khayraad fara badan oo ku jira dhulkaasi oo
manaafacaad badan ugu fadhiya Soomaaliya, Dowladduna ma ahan mid haatan saxiixi
karta ama sharciyad u haysata in ay heshiisyada noocaas ah gasho, waayo Dowladdu
ma ahan mid shacabku ay soo doorteen balse waa mid loogu talagalay in ay dalka u
diyaariso qabashada doorashooyin xor ah, arrinta noocaas ah ee Dowladdu ku
talaabsatayna waxaa sababi kartaa in la galo dambi khayaano Qaran" ayuu yiri
Abwaan bad-maceeye oo intaa ku daray "caano qubtay dabadoodaa la qabtaa, ee
waxaa haboon in 13-ka May ka hor laga hor tago arrintaasi".
Abwaanka ayaa tix gaaban oo gabay ah ku cabiray ra'yigiisa iyo sida ay maanta
wax ula muuqdaan, waxa uuna yiri:
- Taariikhda dhigan ee dhigneyd dhaxalka ay reebtay.
- Dhoosaalligii falani waa dhabar wareemaaye.
- Hashayada dhaqaaq-joogasadaay dhalanka loo uumay.
- Dhukaaniyo haddaan cudur ku dhicin Kudiyo Geel dhaame.
- Dhisaneey dhadhaabiyo ka adag dhagax dixeedkiiye.
- Dhaqdhaq dhooba ceeliyo hadday dhanaq biyood weydo.
- Hawd abaartu dhaaciratay bay dhacarataa Goode.
- Dhimbilaha xagaagiyo hanfiga dhacaya jiilaalka.
- Dameeraho dhashii diiday bay godolka dhiiqdaaye.
- Mageydada dhawaan curatayoo farowgu dheeg saaray.
- Dhengediyo ushuu uga turaa kureyga dheelmaaye.
- Markii dhacanta laga soo rogoo Dhebi la haaneedo.
- Dhakal buuxiyaay caanihii laga dhamaa dheefe.
- Markuu dhool gu' da'o bay haddana dhogor samaataaye.
- Dhudhun caws bixiyo dhira caleen ubax dhalaal weyn leh.
- Dhabta ciida hooyiyo hurdada dhereg macaankeeda.
- Dhadhabkiyo hawaawiga markaan qarow ku dheeraaney.
- Dhulkayagi la boobiyo dadkii cadowga loo dhiibay.
- Kuwii kala dhanbalay baa haddeer dhuraya beentiiye.
- Somaalida caqliga dhuuban iyo dhimirka naafoobay.
- Sidii loogu dheygagay markay jabisey dhiilkeeda.
- Dhakafaariyaay uunku waa dhabana haystaaye.
- Dabadhilifka hiinraagayoo dhagar walaahoobay.
- Dhafar adag haddii lagu xirxiro ama la dhaad-gooyo.
- Dhutinmaayo oo orodka waa dhababeceeyaaye.
- IBBI wuxu dhimiyo wuxu dhunshiyo wuxu ku dheeldheelay.
- Sidii looga dhaadhicin lahaa Shacabka dhiileysan.
- Cabiriyo dhudhumin bay rabtaa dhamacda hoos taale.
- Bahdii dhagarta loo daadayayeey Dhebi hanaankeeda.
- Markaad keli u dhaaransateen dhigay warkiiniiyie.
- Badda dheemantii iyo Batrool wixii dhex ceegaagey.
- Kuwii dhiibayoow dalan dhiciyo gurasha dhaameelka.
- Markuu dhayla-dubadkii gacmaha idin dhamaajeeyey.
- Haddaad dhowr malyuun kala xaddeen dhimira gaabnooyin.
- Taariikhda dhigan ee dhigneyd dhaxalka ay reebtay.
- Idinkoon dhadhamin iga wallay dib u dhanaanaane.
- Hashiyoo sidkeedii dhanyahay dhaysna kiciweyday.
- Sidii dhuugga goortaad jaqdeen carunka dhiigeeda.
- Intad dhabaqdanteen sida tukaha dhacaya guudkeeda.
- Dhuunyeeriskii baad hilbaha wada dhaguugteene.
- Dhuunyeeriskii baad hilbaha wada dhaguugteen.
Abwaan Maxamuud Warsame Faarax (Bad-Maceeye)
____________________________
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | May 6, 2009 |