BAD IIBIN & BURCAD SAXIIX JECEL
- WQ: CAANAGEEL | Email: caanageel@hotmail.co.uk
Qormadan qalin qaran ku difaaca ah, halqabsi uga dhigi maayo
hal abuurkii YamYam ee ahaa "halgankiyo midnimadiyo raggii calanka soo
mudey aan baroorane maye" waayo 20kii sano ee u danbaysay sinjiga
Somaalidu qayladhaan buu ku jirey, dhihina maayo hal abuurkii Qaasim ee
ahaa "isma doorin gaalkaan diriyo daarta kii galaye" waayo go'aanka 13
May markuu soo baxay ayaa hadalkani dhihid leeyahay waxaanse murtida
xaalada ku habooni tahay meeshii abwaanka reer Jabuuti Ibraahim Garle ka
yiri "sedka adiga kuu yaal sun miyaa la mariyaa". Haba tag-yaraatee
xukuumad Somaaliyeed waxaa laga rejeynaayey inay dib u soo nooleyso
qadiyaddii xoreynta Somaali Galbeed & NFD balse waxaa ayaandarro weyn ah
maanta in lagu muransan yahay jiritaanka jamhuuriyadda Somaaliya (bad &
birriba). Kooxda Shariifeyn heshiiska ay badda ugu hibeysay Kenya ma
qiyaano qaran baa? mise waa xilkas-darro cuskan faro dufan leh baa wax
duuga?
Tuhunka hareeyey heshiiska lala galay Kenya waxaa ugu culus iyadoo aan
si cad loo qeexin calaamadinta qalfoofka & kala sareynta badda u
dhaxaysa Kenya iyo Soomaaliya. Erayga (Continental shelves) oo ah af
qalaad loo adeegsado badaha ayaa heshiis dhagareedka hadoodilan loo
beddelay "Labada dal ee xeebta leh". Arrinta calaamadintaas xadka badda
ee aan la xallin ee u dhaxeeya labada dal ee xeebta leh waxaa loo
tixgalinayaa "MURAN BADEED" sida heshiiska lagu xusay.
Sheegashada labada dal ee Xeebta leh Kenya & Somaaliya waxay muujinaysaa
aag is dulsaaran, yacni isku meel ayaa u cabbiran labada dal oo ah
qalfoofka qaaradda taas oo ah "Aagga lagu muransan yahay."
Tan kowaad ma jirto meel ay heshiis ku saabsan badaha ay ku kala
saxiixdeen Kenya iyo Somaaliya 49kii sano ee aan xorta ahayn, taas
beddelkeeda Somaaliya waxay meel marisay sharciga badaha ee loo yaqaan (United
Nations Convention on the Law of the Sea, UNCLOS) 24 Agoosto 1989
kali ah oo ay iyadu iskeed u gudbisay iyadoo wax heshiis ah lala gelin
Kenya ama dal kale ee xuduud badeed la leh Somaaliya. Heshiiskaas markii
labada dal ay u gudbiyeen QM midkoona dood ama muran kama keenin
go'aanka UNCLOS.
Haddii labada dal muran dhinaca xuduuda badaha ahi dhexmaro waxaa kala
xadeeya soohdinta badda ee labada dal aqoonyahanno ku xeeldheer xeerarka
badaha oo labada dal u dhashay. Haddii ay ku heshiin waayaan, waxaa lagu
kala baxaa Maxkamadaha caalamka hortooda. Tusaala ahaan (a)Tunisia iyo
Libya mar ay isku qabteen soohdin badeed, waxaa kala saaray Maxmadda loo
yaqaan (International Court of Justice "ICJ" Judgement of 24
February 1982). (b) Libya iyo Malta waxaa kala saaray isla (ICJ
Judgement of 3 June 1985) iyadoo halbeegga wax lagu cabbirayo yahay
soohdinta labada dal.
Bal aan dhan kale ka eegno arrinta heshiiska Nairobi, ilaa hadda ma
jirto meel Soomaaliya ay uga tanaasushay dhulka NFD, haddase
isafgaradkaani (Memorandum of Understanding) waxuu muran galinaya
ama 13 May kadib u xalaalayna Kenya dhul badeed Somaaliyeed, iyadoo
dowladii xuduuda badda qaadata ayaa tan dhulkana ku darsan. Shirqoolka
qiyaano qaran ee badda lagu iibiyey waxaa kashifay, madashii saxiixa
heshiiska dhanka Kenya wafdi ballaaran oo ka kooban (wasiiro &
aqoonyahanno) balse dhanka Somaaliya waxaa metelayey wasiirka C/raxmaan
C/shukuur Warsame qorsheynta iyo shandadiisa tiiyoo Faarax Macalin
gudoomiye ku xigeenka baarlamanka Kenya wareysi uu siiyey VOA uu ku yiri
munaasabadda saxiixu maalinta ay dhacaysay ka hor todobaad ayaa
heshiiska la saxiixay.
22/10/1962 Ingiriisku wuxuu u xilsaaray guddi xal ka soo gaara
mushkiladda gobolka NFD. Shacabka ku nool NFD waxaa laga qaaday afti,
waxayna cod aqlabiyad ah 80% ku doorteen inay la midoobaan Jamhuriyadda
Somaaliya. Somaalida oo rejo yar ka qabtay Ingiriisku inuu mar uun ka
soo dabco dhagarta Somaalida, ayaa 08/03/1963 Mr. Ducan Sandys
Xoghayihii Isticmaarka wuxuu si rasmi ah ugu dhawaaqay NFD inay ka mid
tahay Keenya, halkaasna waxaa loogu ood-jiiday rejadii laga qabay
midaynta Somaaliweyn. Somaaliya oo ka carootay gaboodfalka iyo qiyaamada
Ingiriiska, 18/03/1963 waxay xiriirka u jartay Ingiriiska.
28/10/1967kii Ra'iisul Wasaare M.I. Cigaal ayaa Caruusha
(Tanzania)* ku saxiixay
heshiis is afgarad ah oo dalalka Kenya iyo Itoobiya kaasoo qorayey in la
joojiyo hubaynt jabhada u diriraya xornimada NFD iyo Somaali galbeed
isafgarakaasi waxuu kaloo dhigayey inaan wax dacaayad ah idaacahada laga
sii deyn waxaan taariikhdan u xusay in is afgaradka xukuumadan Shariifku
saxiixday uu si dadban ugu ansixiyey dhulkii NFD Kenya.
Maadama dal waliba iskiis u gudubsan karay heshiiska arrinta la
iswaydiinaya waxay tahay danta Kenya ka leedahay heshiiskan iyo tan
xukuumada Shariif ka leedahay. Aniga waxay ila tahay ka sokow war
suuqeedka oranaya Kenya inay rabto inay shidaal ka qodo badda maanta loo
hibeeyey, waxaana war suuqeedkaas xoojinaya joogintaanka ay madasha
saxiixa joogeen ergo ka socotay dalka Norway.
Dhan ka kale in ay jirto
shirqool fog oo dhulkii jamhuuriyada Somaaliya lagu qaybsanayo oo ay
Kenya qayb ka tahay waxaa kashifay Mr Donald Kipkorir oo ah aqoonyahan
reer Kenya ayaa 03/10/2008 wargayska Daily Nation ku qoray (Somaaliya ha
lagu kala daro Kenya iyo Itoobiya) Kooxda Shariif iyagu dano dhaqaale oo
ay ugu horreyso canshuur baa naloo aruurinta ay yiraahdeen baa
ujeedkoodu yahay.
Dhinaca sharciga 13 May haddii taako ka mid ah badda Soomaaliya loo
xukmiyo Kenya xukuumada shariif waa dhacaysaa waxayna ku sifoobi qiyaano
qaran. Maahmaah Somaaliyeed baa ahayd meeshi walaalka ratigu ugu
dheelliyo adna waa kaaga dheellin, taasoo macnaheedu yahay xukuumadda Sheekh
Shariif waxa uu raacaysaa wadadii Cali Mahdi. Sida ku qoran wargeyska
(The Horn of Africa Bulletin Volume 4 no 5 soona baxay Sept-October
1992) heshiis lagu qeexay suntan Nukliyeerka iyo haraadiga wasakhda
warshadaha in lagu aaso geyiga Somaaliya bad & birriba ayaa Cali Mahdi
la saxiixday shirkadda (Archer & Partners) oo ay leeyihiin Maafiyo Swiss
& Talyaani ah, goobtii saxiixa waxaa Cali Mahdi la siiyey $3 million.
Markale heshiiska tixraaciisu yahay Jx/xm/4-189 ee soo baxay 19/08/1996
oo Cali Mahdi saxiixay heshiis badda Somaaliya u fasaxaya in sunta
warshadaha lagu shubo kaasoo uu u saxiixay qandaraasle Talyaani ah oo la
yiraa Professor Ezio Scaglione in uu Hirgeliyo Mashruucan inkastoo Cali
Mahdi heshiiskan beeniyey haddana suntii badda lagu shubay dhulgariirkii
badda ee Sunaami baa marqaati furay oo suntii bannaanka ayeey u soo
baxday waxaase sun ka daran qeyb baddii ka mid ah in loo hibeeyo Kenya.
Sheekh Kashka oo ka hadlayey heshiiskii Anwar Asadat la saxiixday Isreal
17/9/1978kii (Camp Devid agreement) waxuu yiri "Masar oo 7kun oo sano
xadarad ah leh oo ka soo jeeda Faraaciintii inay Yahuud oo fitnadooda
Alle noo sheegay heshiis la saxiixato waxay muujinaysa Anwar inuu ka
liito xitaa Siyaad Barre oo madaxweyne u ah shacab aan xadaarad lahayn
oo diiday inuu Yahuud heshiis la saxiixdo, maanta sow ma dhihi karno
heshiiskan dhul badeed dhan 38,000 km2 lagu siinayo waxuu ka shiddo badan
yahay maalintii 12/06/2006 ee Baarlamaan ku sheeggu saxiixay in
ciidammda Itoobiya Somaaliya soo galaan.
Badda qaybtan warkeedu cadaan doono 13 May ka sakoow intii kale waxay
gacan ugu jirtaa shisheeye u horkacayo Mareykanku oo ugu duur xulay inay
la dagaalayan burcad badeed balse runtu tahay inay iyagu qabsadeen eeg
warbixinta NewsWeek qortay ee ay soo xigatay laanta afka Soomaaliga ee
BBC maalintii isniinta waxay ku jira saddex qodob oo halis tan hore in
aduun dhan saddex boqol oo milyan oo dollar sanad kasta kaluumaysatada
ajnabigu ay ka qaatan Soomaliya badeeda , tan labaad oo ah in 1996 koox
baarayaal qaramada midoobay ihi ay golaha amaanka u gudbiyeen in la soo
saaro sharci ka hortagaya sida sharci daradda ee badda Soomaliya looga
kaluumaysanayo balse taas ay diideen wadamo ka tirsan golaha amaanka iyo
tan saddexaad oo ah hadii sharci daro ku kaluumaysigu sii socdo in
sanadka 2050 badda Soomaliya oo dhan laga waayi doono wax qayraad ah.
WQ: CAANAGEEL
caanageel@hotmail.co.uk
*
Xilligii heshiiskii Caruusha Soomaaliya waxaa madaxweyne ka ahaa
Cabdirashid Cali Sharmaarke oo madaxweyne ahaa June 10, 1967 – October
15, 1969.