Sh. C/Qaadir Nuur Faarax: Baarlamaanka Waxaa la gudboon in uu Go'aan kii
hore ka duwan ka qaato arrinta ku saabsan heshiiska badda.. Waraysi...
Diin ahaan meel ay ummad Muslim ah leedahay in laga tanaasulo TAAKO ha
ahaatee ma bannaana...
"Ragga dagaalka iskala soo horjeeda ee xabadaha ridaya dhammaan waxaan
leeyahay nasteexo ahaan: Walaalayaalow xabbadda joojiya, walaalayaalow
Ilaahay ka baqa, walaalayaalow ummaada u naxa, walaalayaalow diinta iyo
ubadka iyo dumarka iyo dhulka ha gubina, walaalayaalow yaan waddankeenu
faraha ka bixin, walaalayaalow yaan cadow inaka faa'iidaysan, walaalayaalow
yaan shisheeye inaku farxin, walaalayaalow dacwadaynu soo wadnay soddonka
sano yeysan meesha ka bixin oo loo arag in aan nahay niman wax bi'iyay, oo
la inaga aammin bixin, walaalayaalow isu tanaasula...." Sh. C/qaadir Nuur
Faarax, June 13, 2009 Waraysi:
Halkan ka Dhagayso ama
soo rogo (mp3)
- Waraysiga waxaa qaaday Xasan Dhooye
SomaliTalk waxaa maanta (June 13, 2009) u suurtagashay in aan khadka
teelfoonka ku waraysano Sh. Cabdulqaadir Nuur Faarax oo ka mid ah
culimada loogu qadarinta badan yahay Soomaaliya isagoo ku sugan magaalada
Garoowe. Waxaan wax ka weydiinay baaqii
ay dhowaanta soo saareen ee ku saabsanaa dagaaladii ugu
dambeeyay ee Muqdisho iyo heshiiskii xadaynta badda ee dhexmaray Kenya iyo
Soomaaliya. Sh. C/qaadir waxa uu dagaaladaas ku tilmaamay dagaal "fidno" ah
oo u dhaxeeya dad ka wada tirsanaa saxwada islaamka, waxana uu ka digay waxa
ka dhalan kara dagaaladaas. Sh. C/qaadir waxa uu si xeel dheer uga hadlay
in dagaallada ugu dambeeyey ee Soomaaliya ay ka dhalan karto in dalku uu
faraha ka baxo oo cadaw kusoo laabto.
Sheikh
C/qaadir Nuur Faarax oo ka jawaabayey su'aal la xiriirta in baaqii ay soo
saareen ay kaga hadleen heshiiska dhex maray Kenya iyo Soomaaliya ee ku
saabsanaa badda iyo in Isniinta (June 15) uu baarlamaanku ka shirayo
arrintaas, waxa uu ku jawaabay: "Arrintaasi aad iyo aad ayey noo daqantay,
waxaa laga yaabaa faahfaahintiisa in aan annaga idinku nooga xog ogaalsan
tihiin, laakiin markii aan arrinta maqallay iyo dhibaatada ummadda
Soomaaliyeed saamaysay iyo dareenka ay abuurtay iyo waxa laga hadlaayaa in
uu yahay bad aad u weyn oo Soomaalidu ay leedahay oo sida sheekadu nagu soo
gaartay aan aad ula yaabanahay oo xadku soo gaarayo meel ku toosan xagga
badda Merka iyo aaggaas ku aaddan. Run ahaana mar haddii saas arrintu tahay
sumcadda Dawladda Federaalka ah iyo kalsoonida meel weyn ayay kaga
dhacaysaa. Runtii been sheegimaayo oo haddeer marka aad i weydiisay beerka
ayaa i xanuunaya arrintaas dhibkaas. Diin ahaana meel ay ummad Muslim ah
leedahay in laga tanaasulo TAAKO ha ahaatee ma bannaana.... Sidoo kale kuma
bannaana dhaqanka iyo wadanimadana.... arrintaas sidaas ayaan u aragnaa...
faahfaahinteeda hoose anigu runtii haddee soo dhaweynteeda iyo in arrintaas
laga doodo oo la geeyo meelaha looga hadlo arrimahaas oo kale adigoo weliba
doodaada si fiican u ta'kiidey (adkeeyey). Arrintaasu waa arrin ummadda
Soomaaliyeed aad u dhibtay. Waxaana weeye weliba haddaa waxyaalo haddaan ku
iraahdo xoggaa sumcadda Federaalka haddii arrintaasi ay saas u socoto
dhibaato u keeni kartoo intii la doono weeye. Haddii haatan barlamaanku uu
fadhiyo oo arrintaasu aad iyo aad ayey farac u leedahay, oo barlamaanka ay
la gudboon tahay in uu arrintaas go'aan ka qaato kii hore ka duwan .
Arrintaas dareenkeeda waxaan la wadaagnaa ummadda Soomaaliyeed meel ay
joogto.
Su'aal ahayd: Maadaama aad ka mid tahay culimada waaweyn ee Soomaaliya,
maxaad ummadda u soo jeedin lahayd waxa uu kaga jawaabay:
"Ummadda waxaan u soo jeedinayaa ugu dambayntii nasteexo, ragga dagaalka
iskala soo horjeeda ee xabadaha ridaya dhammaan waxaan leeyahay nasteexo
ahaan: Walaalayaalow xabbadda joojiya, walaalayaalow Ilaahay ka baqa,
walaalayaalow ummaada u naxa, walaalayaalow diinta iyo ubadka iyo dumarka
iyo dhulka ha gubina, walaalayaalow yaan waddankeenu faraha ka bixin,
walaalayaalow yaan cadow inaka faa'iidaysan, walaalayaalow yaan shisheeye
inaku farxin, walaalayaalow dacwadaynu soo wadnay soddonka sano yeysan
meesha ka bixin oo loo arag in aan nahay niman wax bi'iyay, oo la inaga
aammin bixin, walaalayaalow isu tanaasula, oo annagu wax idinkama rabno....,
walaalayaalow wax allaale iyo wixii idinka dhexeeya wada hadal ku dhamaysta,
anigu sidaas ayaan u soo jeedinayaa. Soomaaliwayna waxaan leeyahay in ay ka
hadlaan sida culimadu u hadlayso, dadka iclaamka ka shaqeeya iyo
aqoonyahankii aaway, odayaal aaway, aaway soomaalidii, in ay mowqifkooda ka
qaataan oo arrimahaas ka hadlaan, oo dood ka soo jeediyaan oo xal raadiyaan,
sidaas ayaan ku baaqayaa oo nasteexo kusoo jeedinayaa." Waraysiga:
Halkan ka Dhagayso ama
soo rogo
(mp3) Faafin: SomaliTalk.com | June 13, 2009
Guddoomiyaha
Baarlamaanka DFKMG oo Qiray in Heshiiskii Dhexmaray Soomaaliya iyo Kenya uu
Ku Saabsan yahay Xadaynta Badda...
iyo in Isniinta June 15, 2009 uu Baarlamaanku ka doodi doono
heshiiskaas..
Akhris/Dhegeysi
Prof. Dalxa oo Sheegay in Arrinta Badda uu Baarlamaanku ka soo saari doono
Go'aan Shacabku ku Qanci karaan...
Dhegeyso/Akhri
|