Baarlamaanka Somaaliya oo baaqashada kal fadhuiga Baarlamaanka ku micneeyay hadal si qaldan loo fasiray
Danan Radio | June 15, 2009
Prof.
Dalxa oo u waramaya Danan Radio dhegeyso ama
soo rogo
Gudoomiyaha
ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Somaaliya Barfasoor
Maxamed Cumar Dalxa oo u waramayay Idaacadda Danan ayaa ka
war bixiyay kulan la filayay in uu manta oo bisha ay ku
began tahay 15 Juun in in ay yeeshaan Xubnaha Baarlamaanka
Somaaliya ay ku yeeshaan Gudaha Magaalada Muqdisho.
Waxa uuna sheegay gudoomiyaha in hadalkaas warbaahinta ay si qaldan u fahan tay waxa uuna sheegay hadalkii Gudoomiyaha Baarlamaanka ee ahaa in 15 Bishaan aynu ku guda jirno ay kulmi doonaan Xildhibaanada ay eheed mid xildhibnadda Baarlamaanka lagu soo uruurinayay dhamaan kuwo dibadda iyo Gudahaba jooga.
Dalxa ayaa sidoo kale sheegay in hadalkaas uu quseeyay oo kaliya xildhibaanadda Baarlamaanka Somaaliya.
Gudoomiya ku xigeenka kowaad ee baarlamaanka Ayaa sheegay in kulamo caadi ah ay lahaayeen Gudoonka Baarlamaanka iyo waliba Gudi hoosyadda Baarlamaanka uu leeyahay shaqadooduna ay eheed mid cadi kaga socota mana jirto ayuu yiri in howlahooda ay yihiin kuwo aan shaqaynay.
Waxa uuna sheegay in kal fadhiga wayn ay yeelan doonaan maalmaha soosocda hadii uu alle idmo.
Mar wax laga waydiiyay in kulanka baarlamaanka uu u baaqday xaalad amaan xumo ayuu ku jawaabay ‘waxa uuna sheegay in Golaha baarlamanka iyo wasiiraddaba iyo Madaxwaynahaba ay ku shaqaynayaan xaalad kasta oo dalka ku jiro
Isha: http://danannews.com/Jun2009/044Jun6.htm
Prof. Dalxa oo aanu ka Wareysaney Sababaha keenay Baaqashada Fadhigii Maanta ee Baarlamaanka.
By Somalimirror | 15 Jun, 2009 4:25 PM
Prof. Maxamed Cumar Dalxa oo Shabakada Somalimirror la xariirtay ayaa dibu dhaca fadhigii Maanta ee Baarlamaanka ku sheegay inaanu aheyn mid rasmi ah oo horey loo shaaciyay fadhigu balse uu yahey mid hor u dhac u ah fadhiyada xiga ee rasmiga ah laguna ogeysiinayay Xubnaha Baarlamaanka inay isu diyaariyaan laguna kala warqaato.
Prof.
Dalxa oo ugu horeyn aanu wax ka weydiinay sababta
keentay baaqashada fadhigii Maaanta dibu dhaco waxa uu
ku jawaabay sidatan:“Horta Marka hore waxaad moodaa
arintaan bari dhaweed markii uu Gudoomiyaha uu
Iclaaminaayey in Shirku uu dhicidoono 15-ka wixii ka
danbeeyo ee laxiriirtay in ay soo galaan Xildhibaanada
badi oo hada Fasax iyo shaqo kumaqan intaba ay ahaayeen
ayaa waxaad moodaa in loo fasirtay 15-ka ayuu Dhacayaa
kulanka in layiri oo kale, balse arintu saasmaaheyne
waxay aheyd in laga bilaabo waxa ka danbeeyo 15-ka
lagabilaabo in uu Caadiyan Baarlamaanka Kalfadhiyadiisii
ay bilaaban Doonaan marka sidaasi aawadeed ayaa loogu
baaqay in ay soo wada galaan dhamaan Xildhibaanada inta
haatan ka maqan Xarunta”.
Ajandaha ugu horeeya ee Baarlamaanka hor yaala xilliga ugu horeeya uu fadhiisanayo mar aanu wax ka weydiinayna waxa uu ku jawaabay:“Shaqooyinka Caadiga ah ee Baarlamaanka uu wada inta badan waxaa Faraha kula jiray Gudiyadoodii, laakin ajandihii Yiilay ee ahaa dhinaca Badda Xageeda oo isna aad iyo aad hadal heyntiisa u badneyd ayaa ajandaha la doonayo marka Xildhibaanada ladajiyo imaanayaa”.
Baaqashada fadhigii Maanta ee Baarlamaanka in looga gol lahaa daboolida ka hadalka heshiiskii is afgarad ee xagga Badda ee dhex marey DKMG ah & Kenya, mar aanu weydiineyna waxa uu ka yidhi:“Baarlamaanka ayey ka timid Mooshinka Xildhibaanaa keenay hadii Baarlamaanka uusan rabin in uu ka Hadlo lama keeneen Mooshin markaa Dadkii hadalka saas u yiri iyaga unbey ku kooban tahay Baarlamaanka isaga oo ka turjumayo Dareenka Shacabka in uu iyaga Qanciyo ayuu Baarlamaanku arintaa u keenay , insha Allah waxa rajeyneynaa dhawaan wax Dalka, Dadka iyo Umada Soomaaliyeed Qancinkaro oo shaki bixi karo in ay ka soo baxaan kulankaasi ugu horeeya ee looga hadli doono arintaasi”.
Aragtida Baarlamaanka ee ku aadan Heshiiska Badda mar sidoo kale aanu wax ka weydiineyna waxa uu ka yidhi:“Hada anagu Baarlamaan manihin Baarlamaanku waa midka hada ay horyaalaan Ajandaha in laga hadlana loo balan sanyahay marka mar hadii Baarlamaanku Diyaar u yahay in uu ka hadlo waxa aan aniga hada si gooni ah aan u sameeyo waxba soo kordhin meyso laakiin Go’aankii Rasmiga ahaa ee Sharciga ahaa oo in lagu dhaqmo kabacdi ay noqon doonto ayaa waxa uu noqon doonaa kan hada loo balan san yahay markaa in aad ka warsugtaan baan Cosan lahaa Shacbigana kaas ayuu noqon doonaa midka ay ku kala baxaan”.
Xilliga xigga ee Baarlamaanku fadhi yeelanayo mar aanu wax ka weydiinay waxa uu sheegay in dib ka soo sheegayaan balse aanu jirin hadda xilli u go’an.
Waxa uu sidoo kale ka Hadley Xaalada Amaan ee fadhiyada Baarlamaanka, wuxuuna sheegay arintaa inay ula siman yihiin shacabka ku dhaqan Magaalada Muqdisho.
Dhanka kale Cismaan Cilmi Boqore oo ah Godoomiye Xigeenka Labaad ee Baarlamaanka oo la Hadley Somalitalk ayaa sheegay in fadhigii Maanta ee Baarlamaanku u baaqdey koronto la’aan.
Isha: http://www.somalimirror.com/2009/06/15
- Isha: Radio Simba: Wixii ka dambeeyay markii weerar hoobiyaal ah lala eegtay xaruntii baarlamaanka uu sida ku meelgaarka u deganaa ee xarunta Gaadiidka Booliska ee degmada Cabdicasiis ayaa waxaa muuqanayay in hakad uu ku yimid qabsoomida kulanka baarlamaanka DKMG ee Soomaaliya. Sh. Aadan Maxamed Nuur 'Sheikh Aaden Madoobe' guddoomiyaha baarlamaanka DKMG oo waraysi siiyay idaacadda Simba ayaa sheegay uu baarlamaanka fariismihiisa ugu horeeyay ka samaysan doono xarunta maamulka Gobolka Banaadir. Waxana uu tilmaamay in dayac tir lagu samayn doono baarlamaankii dawladii hore ay ku shiri jireen. Waxana uu sheegay in kulanka ugu horeeya looga doodi doono heshiiska ay wada gaareen Soomaaliya iyo Kenya ee xagga badda. Hoos ka akhriwarbixin
Baarlamaanka dawladda KMG oo fariisin cusub ka sameystay Xarunta Gobolka Banaadir
Talaado, 16 June 2009 - Simba, Muqdisho
Gudoomiyaha
baarlamaanka dawladda KMG ayaa sheegay in xarunta
baarlamaanka laga soo wareejiyay xaruntii gaadiidka
booliska loona soo wareejiyay xarunta maamulka gobolka
Banaadir, wuxuuna sheegay in dhowaan uu qabsoomi doono
kulanka baarlamaanka.
Isagoo
u waramayay idaacadda Simba, ayaa Sheekh Aadan
Madoobe waxaa uu sheegay in howlo dayactir ah
laga bilaabay xerada gaadiidka booliska
halkaasoo ka dhacay shirkii u dambeeyay ee uu
yeeshay baarlamaanka kaasoo ku dhamaaday jawi
jahwareer ah ka dib markii tiro madaafiic ah
lagu garaacay.
Waxaa jira cabsi iyo walwal fara badan ay dareemayaan dadweynaha ku dhaqan hareeraha xarunta maamulka gobolka Banaadir ee degmada X/weyne taasoo la xiriirta suurta galnimada in weerar lala beegsado fariisinka cusub ee baarlamaanka dawladda KMG.
Sh. Aadan Madoobe ayaa waxaa uu sheegay in kulanka ugu soo horeeyo uu baarlamaanka ka doodi doono heshiiskii dhanka badda ee ay wada galeen dawladda KMG iyo Kenya.
Gudoomiyaha baarlamaanka ayaa ugu baaqay xildhibaanada ka maqan magaalada Muqdisho inay soo xaadiraan si loo helo kooram buuxa oo uu ku furmi karo kulanka baarlamaanka, wuxuuna sheegay inuu dhamaaday waqti loo qabtay xildhibaanada ugu dambeys inay ku soo xaadiraan magaalada Muqdisho.
Isha: http://simbanews.com/_rs-1056_8-9/
Baarlamaanka DFKMG oo ku kala dareeray kulan ay ku yeelan lahaayeen Xarunta Gobolka Banaadir kadib markii tiradii loogu tala galay fadhiga ee kooramka ay soo dhameystirmi waayeen
Sidaas waxaa qoray website ku hadla Afka xukuumadda Federaalka KMG ah, (Wararka Dowladda ee Maanta), June 16, 2009....
Waxaana shabakadaasi ay intaas ku dartay in "Gudoonka Baarlamaanka uu si adag uga carooday dib u dhaca iyo maqnaanshaha xildhibaanada wali ka maqan caasimada," waa sida website-kaasi warka u dhigay'e. Hoos ka akhri warkaas sidii website-ku u qoray..
Sawirka qoraalka ay qortay shabakada ku hadasha afka
xukuumadda FKMG ah.
Talaado June 16, 2009 (Wararka Dowladda ee Maanta) Baarlamaanka tirada badan ee Soomaaliya ayaa ku kala dareeray kulan ay damacsanaayeen inay ku yeeshaan xarunta Gobolka Banaadir,halkaasoo loo asteeyay inuu baarlamaanku si Kmg ah ugu shiro,waxaana baaqashada kulankan ay ka dambeysay kadib markii tiradii loogu tala galay fadhiga uu ku furmi lahaa ee kooramka ay soo dhameystirmi waayeen.
Gudoonka Baarlamaanka ayaa si adag uga carooday dib u dhaca iyo maqnaanshaha xildhibaanada wali ka maqan caasimada, hase yeeshee Gudoonka Baarlamaanka ayaa dalbaday in xildhibaanada maqan ay si deg deg u soo laabtaan.
Xildhibaanada maqan ee ka tirsan Baarlamaanka ayaa ah kuwo inta badan ka cararay dagaalladii dhowaan ka dhacay Caasimadda, waxayna isugu jiraan kuwa kala dhuuntay markii xiisadaha dagaal ka bilowdeen caasimada iyo kuwa aan markii horeba isku soo taxalujin in ay yimaadaan, waxaana baarlamankan barxan ee tiradiisu dhan tahay 550 xildhibaan wali loo la'yahay xarun deeqda oo leysugu keeni karo.
Inkastoo shalay gudoonka Baarlamaanka ku dhawaaqay in dayactir uga socdo Xaruntii Golaha Shacabka, ayaa hadana waxaa yar rajada xildhibaanada ku qabi karaan inay naftooda ku aaminaan Magaalada Muqdisho.
Xildhibaano ka soo jeeda Gobolada Puntland ayaa isaga baxsaday xaaladaha cakiran ee ka aloosan Magaalada Muqdisho iyagoo saldhigtay Galkacyo, sidoo kale xildhibaano kale oo iyana ka soo jeeda Bay iyo Bakool ayaa qaarkood waxay yihiin kuwo ku sugan Magaalooyinka Nairobi iyo Jabuuti.
Baarlamaanka ayaa niyad jab ku dhacay, markii uu arrimo ammaan u qabsoomi waayay kulamadoodii, taasoo ka dambeysay kadib markii Hoobiyeyaal lagu weeraray Xarunta Gaadiidka Booliska oo xarun Kmg u aheyd.
Isha: Website ku hadla Afka DFKMG (Official Website of the Government of Somalia), June 16, 2009
April 10, 2009: Dood dheer oo ay ka qayb qaateen madax ka tirsan DFKMG iyo khubaro oo looga dooday heshiiska Kenya iyo Soomaaliya - Dooda waxaa ka qayb qaatay (C/raxmaan C/shakuur Warsame, C/raxmaan Xaaji Aaden Ibbi, Maxamed Cumar Dalxa iyo Caydiid Ilka-Xanaf, )
- Dhegeyso Dood Dheer ama soo rogo BBC (Dood)
April 2009: Waraysigii Danan ee Suldaan Siciid Cartan
Markii heshiiskii Is-afgarad ee Kenya iyo Soomaaliya
la saiixay (April 2009) ayaa Idaacadda Danan waxay
waraysi la yeelatay Suldaan Siciid Cartan oo markaas ku
sugnaa Hargeysa, Waxa uu sheegay in da'diisu ay tahay
80 jir oo uu ka soo qayb qaatay halgankii
Soomaaliya, waxana uu intaas ku daray intii dawladood oo
soomaray Soomaaliya waxay raadinayeen dhul maqanan ee ma
jirin dawlad tiraahda dhulkan qaata. Waxana uu sheegay
in Dawladda Kumeelgaarka aysan xaq u lahayn in ay xuduud
bixinteeda faraha la galaan... "Xuduudaha maxaa ku
saladay xamar ayaanay wax ka qabane" ayuu yiri. "Markii
aan maqlay waan xanuunsaday" ayuu hadalka ku daray.
Isagoo ka hadlaayey in DFKMG aysan awoodeeda ahayn waxa uu yiri "Maxaa geliyey dal la kala saxiixo iyo xuduudo, arrimahaas horta maxaa keenay awoodooda matahay, maxay ka doon-doonayaan halkaa... Kenya waa doonaysay meeshaas wax badan ayay doonaysay laakiin cid ay kula dhacdo ayay waydey oo wax ka qaadato.."