Gabay:
NFD ninkii boolyadee, burada loo siiyey
Maxamud Axmed Cabdalle (Shiine)
Email: abdalle9@hotmail.com
04/19/2009
Dhulkaygii ninkii boobayee, baasha lagu sooray
NFD ninkii boolyadee, burada loo siiyey
Maantana Baddaydii miyaa, doqon u beec geeyey?
Ma wasiir barkuma taalabaa, boodhka ugu duugay?
Sidii uu Buluush yahay miyaa, buunka lagu hoystay?
Beesado miyaa loo qubuu, baabbacada hoorshay?
Boorsada Shariifkii miyaa, boqol kun loo raacshey?
Baraay Ministarkii sow hadhgalay, uma bushaaraynin?
Bacaraara weyntii miyaa, wada balwaynaysay?
Bawdadu nimay qaawantaa, laga biraystaaye
Kol haddaan bah Soomaaliya, iyo bederradii joogin
Ciilow ba'eey sow ma geyo, bagada sow maaha?
Maxamud Axmed Cabdalle (shiine)
mabdalle@gmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | April 20, 2009
Kenya
iyo Uganda oo ku Muransan Jasiirad Ka Tirsan Harada Victoria
Uganda waxay Kenya ka difaacanaysaa 240 mitir oo
Jasiirad ah, halka DFKMG ay muran galisay
dhul-badeedkeedii
Akhri