Khilaaf ku saabsan Badda Soomaaliya oo soo Kala Dhexgalay
Madaxweynaha DFKMG Sheikh Shariif iyo Ra’iisul wasaarahiisa
- Axmed Walad Cabdalla oo Booqday Hargeysa iyo Garoowe
- Mudaharaad ka dhacay Hargeysa oo dad ku dhinteen
- Dr. Faroole oo fariin adag u dhiibtey Axmed Walad
Cabdalla (Puntland waxay kalsoonida kala laabanaysaa DFKMG
haddii aan…..)
Warar laga helayo ilo wargal ah ayaa tibaaxay in khilaaf soo kala
dhexgalay madaxda ugu saraysa xukuumadda DFKMG, gaar ahaan
madaxweynaha DFKMG Sheikh Shariif Sheikh Axmed iyo ra’iisul
wasaaraha Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke.
Si rasmi ah looma shaacin waxa uu khilaafkaasi ku salaysan yahay.
Laakiin warar laga helayo ilo wargal ah, oo weydiistey inaan la
magcaabin, ayaa tibaaxay in khilaafka xubnaha sare ee xukuumadda
FKMG uu salka ku hayo Badda Soomaaliya. gaar ahaan meesha laga
samaynayo xarun lagala dagaalamo burcad badeeda.
Arrintan ayaa sii xoogaysay kaddib markii ay heshiis ku saabsan
xarun loo samaynayo la dagaalanka burcad badeedka ay galeen wafti uu
hoggaaminayey Sheikh Shariif , heshiiskaas oo DFKMG ay la gashay
jabuuti, ayadoo uu jiray heshiis kaas la mid ah oo ay hore u wada
saxiixdeen Cumar C/rashiid iyo madaxweynaha DGPL C/raxmaan Maxamed
Faroole.
Qodob ka mid ah heshiiskii DGPL iyo ra’iisul wasaaraha DFKMG ay
saxiixdeen Augsut 23, 2009 waxa uu dhigayaa sidan:
“Waxay labada dhinac ku heshiiyeen maadaama ay burcad badeeda faro
ba’an ku hayaan Puntland in gobalada Puntland laga dhiso xarun weyn
oo ciidamada bada, loona dhameystiro agabka iyo qalabka, ayadoo
beesha Caalamka lagala kaashanayo.” (EEG
HALKAN – Heshiiskii Garoowe).
DGPL iyo DFKMG oo heshiis saxiixanaya
August 23, 2009
Wafti uu hoggaaminayay madaxweynaha DFKMG oo toddobaadkan tegey
Jabuuti ayaa (September 10, 2009) waxay heshiis ku
saabsan in xarunta la dagaalanka burcad badeedka laga dhigo Jabuuti
la galeen dalka Jabuuti. Heshiiskaas waxaa xukuumadda FKMG u
saxiixay ra’iisul wasaare xigeenka ahna wasiirka Kalluumaysiga Prof.
Cabdiraxmaan Xaaji Aadan (Ibbi). (EEG
HALKAN – Heshiiskii Jabuuti).
Jabuuti iyo DFKMG oo heshiis galay Sept 10, 2009
Prof. Ibbi oo Jimcadii (Sept 11, 2009) laga waraystay arrimo la
xiriira heshiiska uu saxiixay waxa uu yiri “Shirkani horta ma ahayn
shir lagu sii talo galay, waa shir ka dhex dhashay imaanshaha
madaxweyne Sheikh Shariif Xafiduhu-Laah, markii uu yimidna waxay
abuurtay in labada Madaxweyne ka wada hadlaan Center-kan (Xaruntan)
lagu tababarayo ka hortagga burcad badeeda in laga sameeyo magaalada
Jabuuti, sagaal dal ayaana saxiixay, annaga ayaana ugu horaynay.” (Halkan
ka dhegeyso).
Halkaas waxaa ka cad in ay jiraan laba sheshiis oo isku arrin ku
saabsan (meesha laga hirgelinayo xarunta la dagaalanka burcad
badeeda) oo ay kala galaan laba wafti oo ay kala hoggaaminayaan
labada xubnood ee ugu sareeya xukuumada kumeel-gaarka ah.
Arrimaha la xiriira badda Soomaaliya waxaa muran ka taagnaa
badanaa intii ay jirtey xukuumadda uu hoggaamiyo Sheikh Shariif.
Sababtoo durbadiiba markii la dhaariyey xukuumada ayadoo aan waqti
badani ka soo wareegin ayay Kenya la gashay heshiis ku saabsan
xuduud badeedka Soomaaliya iyo Kenya oo la saxiixay April 7, 2009.
Heshiiskaas oo muran weyn ka dhex dhaliyey xukuumadda iyo
baarlamaanka FKMG, ugu dambayntiina ay baarlamaanku heshiiskaas ka
dhigeen “Waxba kama Jiraan.”
Taas oo jirta ayaa madaxweynaha DFKMG waxaa laga soo xigtey in uu
yiri “arrintaasi Baarlamaanku si
khaldan ayey u fahmeen,” sida uu SomaliTalk u sheegay
Wasiirka Tiknaloojiyada iyo Cilmi Baarista Dowlada Soomaaliya
Xildhibaan Maxamed Cali Xagaa oo aan wareysi gaaban kula yeelanay
Hoteel Kempinski ee caasimada dalka Jabuuti, September 11, 2009-ka,
isagoo ka mid ahaa waftiga madaxweynaha DFKMG. Hadalkaas oo aad uga
caraysiiyey xildhibaano ka tirsan baarlamaanaka.
Heshiiskaas oo baarlamaanku waxba kama jiraanka ka dhigay waxaa
Qarammada Midoobay u gudbiyey ra’iisul wasaaraha DFKMG, asagoo ku
lifaaqay warqad uu ku saxiixan yahay magaciisu. Ma jiro war rasmi ah
laga hayo xafiiska ra’iisul wasaaraha oo lagaga hadlayo go’aankii
baarlamaanku ka qaatay heshiiskii isfahamka.
Laga soo bilaabo sannadkii 2000 oo la soo dhisay Xukuumadii KMG
ahayd waxaa xukuumad kasta oo soo martay Soomaaliya ay la kulmaysay
khilaaf soo dhexgalayey madaxdeeda ugu saraysa, sida: Khilaafkii
madaxweynahii xukuumaddii lagu soo dhisay Carta, C/qaasim Salaad
Xasan iyo ra’iisul wasaare Cali Khaliif Galayr oo sababay in Galaydh
ay baarlamaanku xilkii ka qaadeen isagoo dalka bannaanka kaga maqan.
Khilaafkii madaxweynahii xukuumaddii lagu soo dhisay Mpagathi,
Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo ra’iisul wasaare Cali Maxamed Geeddi oo
sababay in Geeddi uu xilka iskaga tago. Khilaafkii ra’iisul
wasaarihii bedeley Geeddi, Nuur Xasan Xusuun (Nuur Cadde) iyo
madaxweyne C/laahi Yuusuf oo sababtay in Yuusuf xilka iskaga dego.
Wafti uu hoggaaminayo madaxweynaha DFKMG Sheikh Shariif ayaa la
filayaa bishan September 2009 in ay tagaan New York oo ay kaga qayb
galaan kulanka Guud ee
64aad ee
Golaha Qarammada Midoobay. Sida laga soo xigtey safiirka Soomaalida
u fadhiga UN-ta waxaa la filayaa waftiga Sheikh Shariif in ay tagaan
Washington DC, Columbus iyo Minneapolis. Lama oga in waftigaasi ay
jaaliyadaha Soomaaliyeed ee deggan Maraykanka ay si xaqiiqo ah uga
warbixin doonaan arrimaha la xiriira badda Soomaaliya iyo heshiiska
is afgarad ee Soomaaliya iyo Kenya ee baylahda ka dhigaya dhul
badeed baaxad weyn oo ah badda Soomaaliya.
Madaxda DFKMG waxay si cad uga warwareegayaan in ay wajahaan oo
jawaab sugan ka bixiyaan sababta rasmiga ah ee ay u difaacayaan
heshiis aan wax dan ahi ugu jirin shacabka Soomaaliyeed.
Axmed Walad Cabdalla oo Booqasho ku tegey Puntland iyo
Faroole oo farriin adag u dhiibay Walad Cabdalla
Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay u
qaabilsan Soomaaliya, Axmed Walad Cabdalla, ayaa Sabtidii (Sept 12,
2009) waxa uu booqasho gaaban ku tegey magaalada Garoowe, halkaas oo
uu kula kulmay madaxweynaha DGPL, C/raxmaan Maxamed Faroole. Waxayna
halkaas ku qabteen shir jaraa’id oo wada jir ah.
Shirkaas jaraa’id madaxweynaha DGPL waxa uu ku cadeeyey in
Puntland ay tahay qayb ka mid ah DFKMG. Sida ay werisay Idaacada
Codka Maraykanaka “Madaxweyne Faroole ayaa tilmaamay in Puntland ay
ka mid tahay DFKMG ee somalia isaga oo xaqiijiyay inaanay ahayn
dawlad madaxbanaan ee ay tahay Dawlad goboleed, waxaana uu xusay
shirkii ay magaalada Gaalkacayo kula yeesheen wafdigii Ra’iisal
Wasaaraha DFKMG ee Soomaliya Cumar Cabdirashiid, Faroole ayaa
sheegay in ay shirkaasi ku xalliyeen mad madow badan oo ku kala dhex
jiray xidhiidhka Dawladda Federalka ah iyo Maamulka Puntland.”
Dhegayso (MP3) .
VOA waxa uu intaas raaciyey “Ergayga Gaarka ee Xogahaya Qaramada
Midoobay u qaabilsan Somalia Axmedou Walad Cabdalla ayaa soo
dhaweeyay hadalka Madaxweyne Faroole isaga oo tilmaamay in
xaqiijinta ay Puntland xaqiijisay in ay ka mid tahay maamulka DFKMG
ee Somalia uu horseed u yahay in la dhiiri galiyo isku duubnida loo
baahanyahay in lagaga gudbo dhibaatada dagaallada Somalia
ragaadiyay.”
Waxaa jira warar laga helayo ilo wargal ah oo tibaaxay in
madaxweynaha DGPL uu fariin adag u dhiibey Walad Cabdalla.
Fariintaas oo ku saabsan: “Haddii aan DFKMG ka laaban heshiiskii
(Sept 10, 2009) ay la gashay Jabuuti ee ku saabsanaa xarunta burcad
badeeda, in markaas ay Puntland kalsoonida kala laabanayso dawladda
uu madaxda ka yahay Sheikh Shariif.” Waxaa warku intaas ku daray in
Walad Cabdalla yiri waxaan fariintaas gaarsiinayaa Sheikh Shariif ee
iga warsug.
Sida ku qoraalkii hordhaca ahaa ee ka koobnaa 15-ka bog ee ku
lifaaqnaa heshiiska isfahamka badda ee DFKMG ay u gudbisay Qarammada
Midoobay April 14, 2009, Axmed Walad Cabdalla waxa uu ku lug lahaa
diyaarinta dukumiintigaas ay Soomaaliya u gudbisay UN-ta ee ku
saabsan xadaynta qalfoofka qaaradda ama dhulka badda hore u sii
gashan.
Axmed Walad Cabdalla oo Booqday Hargeysa
Ergayga xoghaya guud ee QM Walad Cabdalla ayaa Khamiistii (Sept
10, 2009) waxa uu booqday magaalada Hargeysa halkaas oo uu kula
kulmay madaxweynaha Somaliland Daahir Riyaale Kaahin.
Sida laga soo xigtey warsaxaafadeed ka soo baxay madaxtooyaha
Somaliland waxay Daahir Riyaale iyo Walad Cabdalla ka wada hadleen
xoojinta xiriirka iyo wada shaqaynta labada dhinac.
Dhankiisa Axmed Walad Cabdalla waxaa laga soo xigtey in uu yiri
Somaliland waxaan ka taageeneynaa dhanka horumarinta iyo la
dagaalanka Burcad Badeedda.
Hargeysa oo rabshado ka dhacay ay ku dhinteen 3 qof
Mudaharaad ka dhacay magaalada hargeysa ayaa waxaa sabtidii (Sept
12, 2009) waxaa ku dhintay 3 qof, dhawr kalena waa ku dhaawacmaan.
Waxaa wararku tibaaxeen in dadja mudaharaadayey ay iska hor
yimaadeen ciidamada ammaanaka, halkaas oo dadka mudaharaadayey
tuurayeen dhagxaan iyagoo daqiiqyada ku gubey taayiro. Ciidamada
ayaa furay rasaas.
Dadka mudaharaadayey waxa kale oo ay gubeen gawaarida Booliska.
Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Somaliland , Abdulahi Osmail Ali , waxa
uu weriyaal u sheegay in dadka mudaharaadayey ay adeegsadeen hub iyo
bombaanooyin, waxayna dhaawaceen afar boolis ah ayuu yiri.
Sida ay werisay AFP waxaa boolisku xireen saddex weriyey oo ka
warbixinayey mudaharaadka, kuwaas oo kala ah Abdiqani Husein iyo
Abdifatah iyo Abdiqani Abdulahi.
Talaadadii (Sept 8,2009) ayey ahayd markii ay boolisku xoog ku
galeen xarunta baarlamaanka Hargeysa kaddib markii ay dagaalameen
xildhibaanadu, ayey qortay AFP.
Waxaa wararku tibaaxeen in arrintu ay cakirantey kaddib markii
dib loo dhigay doorashadii la qaban lahaa September 27. Daahir
Riyaale waxa uu madaxweyne ka noqday Somaliland bishii May 2002.
Waxana uu u taaganyahay sharaxaad cusub.
Mudaharaadka
Hargeysa Ka daawo VIDEO-ga Halkan….
- Isha Sawirada iyo qaar ka mid ah akhbaarta: AFP, Radio
Hormuud, VOA, BBC, horseed, AP, Google video, Youtube,
somaliland, Google news..