SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIFAACA BADDA SOOMAALIYEED

Ku-takrifalka dhul-badeedka iyo Berriga Soomaliya waa xaaran 

Dr Maxamud M  Culusow
mohamuduluso@gmail.com


Shacabka Soomaliya oo la tabaaleysan dhibaatooyinkii dagaalkii dib xoreynta dalka oo Ciidammada Ethiopia, lagu jebiyay, wuxuu aad uga xumaaday warka ah in Dowladda KMG saxiixday qoraal wadada u xaaraya in dhul-badeed gaaraya 38,000 km² loo xukumo Dowladda Kenya. Ku-takrifalka dhul-badeedka iyo berriga Soomaliya waa xaaran. Dowlad Soomaliyeed oo la safan Ciidammada Ethiopia iyo Ku-takrifalka dhul-badeedka Soomaliya waxay calaamad u yihiin dhimashada dareenkii wadaninnimo, gobannimo iyo karaamo (dignity), laguna beddelay dhaqan gunnimo, dabadhilifnimo, musuqmaasuq iyo afminsharnimo.

DOOD BADDA SOOMAALIYA
Dood Dheer (Doodii Jimcadii Aprl 11, 09 ee BBC Af-Soomaaliga) Dhegeyso ama soo rogo

Dood Gaaban Dhagayso ama Soo rogo (BBC, April 10, 2009)

:::Aragtida Kenya ee "Heshiis Xuduudda Badda" ee ay la Gashay "Jamhuuriyadda Soomaaliya"

Dooddii Jimcaha ee Idaacadda BBC qabatay 10ka Abriile 2009 kuna saabsaneyd qoraalka Is-Af-Garashada (Memorandum of Understanding) dhexmaray Dowladaha Soomaliya iyo Kenya 7dii Abriile 2009 waxay daboolka ka qaaday ku-takrifalka dhul-badeedka Soomaliya.

Hordhac ahaan, waxaan soo bandhigaya arrimaha soo socda:

  • Qaranka Soomaliyeed waa Qaran dhamman burburay (collapsed State). Sida ku cad Axdiga KMG, awoodda iyo shaqada Dowladda KMG (Transitional Government) waa mid ku kooban dhib u heshiisinta iyo hirgelinta howlo saldhig u noqonaya yagleelidda Dowlad rasmi ah oo haysata kalsoonida Shacbiga si ay u hesho aqoonsi caalami ah. Sidaa darted, Dowladda KMG ma laha awood (lacked legitimacy and capacity) ay ku saxiixdo heshiis noocasi ah. Saxiixa heshiiska kor ku xusan waa ku xadgudubka Axdiga KMG iyo mas’uuliyad xumo loo bareeray.
  • Dowladda Federaalka cusub waxay u muuqata dowlad kooxed fowdo ah, kana maqan tahay hogaamin hufan. Wasiirka Arrimaha Dibedda waxaa laga soo weriyay inuusan waxba kala socon qoraalka is-af-garashada dhexmaray Soomaliya iyo Kenya.
  • Qoraalka is-af-garashada (Memorandum of Understanding) waa nooc heshiis loo isticmaalo arrimaha xasaasiga ah oo laga qarinayo shacabka, lala garab marayo Barlamaanka, la rabo in deg deg loo meelmariyo. Qoraalka is-af-garashada waxba kama duwana heshiis caalami ah (International treaty) haddii dhinaca dantu ugu jirto ka diiwan geliyo Qarammada Midoobay.
  • Goobta saxiixa Qoraalka waxaa dowladda Kenya goob joog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibedda, Xoghayaha Joogtada, Agaasimaha W. Siyaasadda iyo Madaxa W. Sharciga, halka dhinaca Soomaliya goob joog ka ahaa Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah Keli ah. Waxaa kaloo goob joog ahaa Amb Long Hans Wilhelm oo La Taliye Gaar ka ah Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Norway iyo Ms. Rina Kristmoen oo qaabilsan Soomaliya. Waxaa la sheegay in Norway la gashay dowladda Kenya heshiis la xiriira dhul-badeedka muranka la geliyay, lacagtiisu tahay $ 250 milyan.
  • Sida ku cad Sharciga 37 ee 1972, Soomaliya waxay sharciyeysatay dhul-badeed gaaraya 200 nautical miles ama 370.4 Km. Fidinta wareeggaa dhul-badeedka dalalka xeebaha (coastal countries) waxaa la gaarsiiyay ilaa 350 nautical miles u dhiganta 648.20 Km ah (continental and outer continental shelf) hoos loogu durkayo lakabyada Moolka Badweynta si kheyraadka ku jira loo manaafacaadsado.
  • Dowladda KMG waxay dhegaha ka fureysatay talooyin aqoonyahanno Soomaliyeed ka bixiyeen arrinta ku saabsan muddada 13 Maajo 2009 ka hor saxiixa heshiiska. War laga siiday VOA wuxuu sheegaya in heshiiska dhul-badeedka la saxiixay Bishii Maarso 2009, hase yeeshe aan la sheegin cidda saxiixday. Arrintaas waxay u baahan dabagal iyo xaqiijin.

Dhibaatooyinka ka dhashay Qoraalka Is-Af-Garashada waxaa ka mid ah:

  1. Qoraalku wuxuu buriyay heshiisyadii xuduud-badeedka Soomaliya iyo Kenya dhacay 15kii Luulyo 1924, 17 Desember 1927 iyo 24 Nofember 1933 kuwaaso ahaa heshiisyo caalami ah.
  2. Qoraalku wuxuu jebiyay sharciyada Lambarkoodu kala yahay 37/1972 iyo 23/85.
  3. Qoraalku wuxuu aqoonsaday jiritaanka muran la xiriira xuduud-badeedka Soomaliya-Kenya (maritime dispute).
  4. Qoraalka wuxuu ku khasbay Dowladda Federaalka KMG oo aan waxba kala socon arrimaha laga hadlayo inay Xoghayaha Qarammada Midoobay u gudbiso macluumaad aysan hayn si muranka xuduud-badeedka dhexyaal Soomaliya iyo Kenya dhaqso loo dhammeeyo.
  5. Qoraalku wuxuu tilmaamaya in Soomaliya ka codsaneyso guddiga xadeynta Badaha ee QM inuu talo ka soo jeediyo muranka xuduud-badeedka labada dal, taaso guul u ah Kenya.

Arrimaha dooda Jimcaha ee BBC ifisay waxaa ka mid ah:

  1. Ku Xigeenka Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Kallumeysiga wuxuu qirtay in khadkii tooska ahaa ee xadka kuna aadana kan dhulka kor loo qaloociyay. Qaloocaas dartiis, dhul-badeedka Dowladda Kenya u wareegaya waa 38,000 km².
  2. Wasiirrada Dowladda waxay weerareen xubnaha ka tirsan Barlamaanka oo tilmaamay dhalliilaha Qoraalka Is-Af-garashada, waxaana loo sheegay inay taageraan mowqifka Dowladda cusub oo khasbaysa dhaqanka qarsoodiga, Madax adeeca (personal loyalty) iyo kooxnimada.
  3. Dowladda Kenya waxay 10kii Maarso 2009 iyo ka horba u gudbisatay Guddiga Xadeynta Badda ee Qarammada Midoobay macluumaadkeedii ayadoo aan Soomaliya la gelin heshiis. Markaa kaddib waxay Dowladda Federaalka KMG ka dalbatay saxiixa qoraal ay soo diyaarsatay 7da Abriile 2009.
  4. Wasiirrada Dowladdu waxay sheegeen in Dowladda gudbisay qoraal aan la maqal meel looga hadlay iyo nuxurkiisa taaso abuureysa welwel hor leh. Dowladdu KMG waxay u eg tahay inaysan mas’’uul u aheyn Shacabka iyo Barlamaanka, welina ma cadda habkeeda go’aan gaaridda.
  5. Hoos waxaa ka muuqda labo khariido oo muujinaya dhul-badeedka Soomaliya.        

Waxaa waajib ah in dhammaan wax garadka Soomaliyeed dadaal u galaan ka noqoshada ku-takrifalka dhul-badeedka Soomaliya si deg deg. Barlamaanka KMG waxaa laga sugaya inuu buriyo heshiiskaas. Waxaa muhiim ah in Shacabka Soomaliyeed ogaado kaalina Dowladda Norway kaga jirto arrintaas.  

Dr Maxamud M  Culusow
mohamuduluso@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | April 15, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: