SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BADDA SOOMAALIYEED

Bayaan ay soo saareen Jaaliyadda Soomaaiyeed ee Yurub

Ka: Jaaliyaadka Soomaaliyeed ee ku nool Yurub

Ku:  Hay'adda culimada, Bulshaoweynta Soomaaliyeed, Aqoonyahaniinta, Ururrada Islaamiga ah, Golaha wakiillada DFKMG, Golaha xukuumadda DFKMG, Madaxweynaha DFKM, Dalalka Yurub gar ahaan Norway.

Annagoo ah jaaliyadda Soomaaliyeed ku nool waddamada yurub wada tashi iyo iska xog wareysi ku saabsan marxaladda adag ee dalku marayo kadib, waxaa noo muuqatay in aan soo saarno bayaankan ku wajahan dhammaan qeybaha kala geddisan ee bulshada Soomaaliyeed ee dalka iyo dibadaha ku kala maqan.

Walaalayaal sida aynu wada ogsoon nahay ilaa iyo labaatan sano ku dhowaad waxaa nasiib darro iyo talo xumo teenna ah, ku maqan qarannimadeennii, iyadoo booskeediina ay  galeen walxo aanan badiil ka noqon Karin sida; qabaa’il xintamaya oo galay booski qarannimada & ummadnimada, goboleysi galay booskii dalka, kala daadsanaan gashay booski midnimada & isku duubnida, arrimahaas ayaa waxay soo jiiteen faragalin, isku halleyn & ku tiirsanaan shisheeye aanan dooneyn inay soomaaliyi mar kale cagaheeda isku taagto. Arimahaas & kuwo kale oo is biirsaday, muddo dheerna soo jiitamayay waxay sababeen annagoo ku ceebeysan inaan soo ceshan weynay qaranimadeenni iyo sharafkeenni ummadeed.

Dhibaatooyinkii ugu waaweynaa ee laga dhaxlay intii aynu ku jirnay is dhex yaaca & kala daadsanaanta  waxaa tusaale ahaan laga xusi karaa:-

B) Burbrur baahsan oo ku yimid guud ahaan dalka, gaar ahaan ilihii wax soo saarka dalka iyadoo la baabi’iyay gabi ahaan kaabayaashii dhaqaalaha.

T) Dalkii oo lagu aasay sumo halis ku ah jiritaanka noolaha kuwaas oo isugu jira walxaha kiimikada ah iyo haraadiga hubabka halista ah ee ay sameeyaan dalalka horumaray, kuwaas oo berriga iyo baddaba ay ku aaseen shirkado maafiya ah oo ogolaansho ka helay shakhsiyaad nala wata magaca Soomaali.

J) Waxaa ogolaansho aan sharci aheyn la siiyay sharikaad & maraakiib shisheeye oo ka jillaabta baddeenna, kuwaas oo muddadaas dheer geystay jariifid baahsan oo isugu jirta xayawaan badeed & khayraad kale oo ay daabusheen xisaab la’aan.

X) Waxaa la xaalufiyay geyigii waxaana ka dhashay nabaad guur ku yimid qeyb kamid ah keymihii xooluhu ku dhaqnaan jireen ugaadhuna ku maadan jirtay, iyadoo keymahaas la dhuxuleystay loo dhoofshay dalal shisheeye oo deris iyo kuwo durugsan isugu jira.

KH) Waxaa muddadaas dheer dalka ka socday xasuuq iyo gumaad aad u daran oo ka dhashay dagaalladii ay isaga soo horjeedeen qabqablayaashii ujeeddo la’aanta isu dirirayay, iyadoo dhibka ugu weyna uu had iyo goor ku dhacayay shacabka aan waxba galabsan ee awood ay isku difaacaan & mid ay ku baxsadaan toona aanan heysan.

D) Waxaa laga ganacsaday hilbihii culimada iyadoo waqtiyada qaar ay wax caadi ah noqotay in, in-dheer garadka & dadka ummadda indhaha u ah loo iib geeyo dalal shisheeye oo ay ugu horreeyaan Itoobiya iyo Mareykan.

R) Waxaa iyana dalka la keenay quwado shisheeye oo dalka ka geystay xasuuqii ugu ba’naa abid, iyagoo shacabka u geystay gumaad aad u baahsan oo naf, maal & sharafba leh.

S) Dhibaatooyinkaas aan xusnay oo ka badan wax la tiring karo ayaa waxaa dhowaan ku soo biiray, in DFKMG ah ay dhowaan muran gelisay dhul-badeed ay Soomaaliya leedahay, iyadoo DFKMG ah dalka Kenya u saxiixday heshiis (Memorandum of understanding) la mid ah kii ay 1967kii Kenya ku xalaashatay gobolka NFD, dhul badeed ay baaxaddiisu dhan tahay 116.000km² , iyadoo aysan jirin sabab iyo maslaxad dhow ama dheer oo ku baaqeysa in qeyb ka mid ah dalkii loo saxiixo dal kale, Haddii wax kasoo xasilaanna, waxa kaliya ee kasoo baxaya uu yahay, dhibaato si isku mid ah u saameysa faca maanta nool iyo jiilasha soo socda.

Annagoo ah jaaliyaadka Soomaaliyeed ee dalalka Yurub, waxaan u aragnaa in heshiiskaasi yahay mid arax jabin ku ah danaha ummadda, annagoo u aragna in sheshiiskani markuu ugu yaraado in uu yahay mid aan laga fikirin, loo kitaab dayin, kuna dhacay khibrad la’aan, ka fiirsi la’aan, ula laabasho la’aan hay’adaha leh ka go’aan qaadashada arrintan iyo wax aan la hubsan oo la iska saxiixay, kaasoo haddaanan degdeg looga daba tagin cawaaqib xumo ku keenaya mustaqbalka dhaqan dhaqaale ee dalka iyo dadkaba.

Haddaba annagoo aad uga damqaneyna  kana soo horjeedna guud ahaan dhibaatooyinka tira-beelka ah ee isaga dambeeyay ummadda Soomaaliyeed waxaan ku baaqeynaa:-

Baaq

  1. Inay Soomaali si wadajir ah Rabbi ugu towbad keento, Ilaahayna ka tuugto in uu ka dulqaado musaa’ibtan ku dabada dheeraatay.
  1. Culumaa’uddiinka Soomaaliyeed ee xaruntoodu tahay magaalada Muqdisho waxaan ugu baaqeynaa in ay dadaalkooda labalaabaan kana gilgishaan dhibaatooyinka taagan gaar ahaan bixinta dhulbadeedka Soomaaliyeed iyagoo ku darsanaya howl maalmeedkooda wanaag faris iyo xumo reebis caddeynayana waxa sharciga Alle ka qabo arrintan.
  1. Waxaan ugu baaqeynaa golaha wakiillada (Baarlamaanka) in ay si degdeg ah uga fariistaan bixinta dhul badeedka Soomaaliyeed, iskana fogeeyaan kana soo horjeestaan heshiiskaas lagu hagardaameynayo ummadda soomaaliyeed, haddii kale ay ku talagalaan in aamuskooda uu ka dhigan yahay in ay godobta wax ka wadaagaan.
  1. Annagoo u mahad naqeyna xubnaha baarlamaanka iyo xukuumadda ee mowqifka wanaagsan iska taagay arrintan waxaan sii adkeyneynaa in dadaalkaas lasii wado annagoo ku baaqeyna; in haddii qeyb kamid ah golaha wakiillada ay ka caga jiidaan wax ka qabashada arrintan in ay inta kale mowqif cad oo wadajir ah iska taagaan, iskana bari yeelaan gefkan taariikhiga ah xiriirna kala sameeyaan golaha qaramada midoobay si aanan loo diiwaan gelin sheegashada Kenya ay ku dooneyso qeyb dalkeenna ah.
  1. Waxaan ugu baaqeynaa xukuumadda wasiirkeedu saxiixay heshiiskan in ay ka qaataan mowqif sharafeed mideysan, kaas oo u qalma halista heshiiskan ku yahay mustaqbalka dalka iyo dadka, haddii kale mas’uuliyadda wax bay ku yeelanayaan.
  1. Madaxweynaha u dhaartay ilaalinta & daaficidda masaalixda ummadda waxaan ugu baaqeynaa in uu meel cad iska taago mu’aamaradan lagu milki guurinayo dhaxalka ajyaasha dambe, kana soo saaro go’aan mas’uulnimo oo ummaddu gareysan karto.
  1. Waxaan guud ahaan bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dal iyo dibad ugu baaqeynaa in ay fadhiga iskaga taagaan sidii loo baajin lahaa dhulkaas Soomaaliyeed ee saxiixa qaldan ku baxaya, iyagoo si midnimo leh u abbaaraya hey’adaha & dalalka faraha kula jira arrintan,si aan uga badbaadno in xaqeenna aamusnaan lagu qaadan.
  1. Waxaan si gaar ah aqoonleyda, gaar ahaan culimada, garyaqaannada, mutakhasisiinta aqoonta durugsan u leh cilmiga badaha, siyaasiyiinta iyo madaxdii hore ee dalka soo maamushay ugu baaqeynaa in ay arrintan wax ka qabashadeeda ku bixiyaan dadaal dheeri ah, si loo xiro albaabka damaca shisheeye, si aan dalka jumlo iyo tafaariiq toona loogu qaadan.
  1. Walaalaha ku diriraya magaalada Muqdisho waxaan ugu baaqeynaa in ay khilaafaadkooda dhinac iska dhigaan kuna midoobaan diinta Alle iyo danta ka dhaxeysa, xooggoodana u jiheeyaan sidii ay u dhicin lahaayeen dhulkaas sida xaqdarrada ah la inooga qaadanayo. Waxaan walaalaha is haya xasuusineynaa in daadinta dhiigga muslimku ay xaaraam ku tahay kitaabka Alle iyo sunnada nabiga s.c.w. sidaas aawadeed waxaan ugu nasexeynaynaa inay la yimaadaan Alle ka cabsi iyo isu turitaan si loo badbaadiyo hambada ka hartay dhiigga Soomaaliyeed ee aan daadin dambe u baahneyn.
  1. Waxaan sidoo kale ku baaqeynaa in la joojiyo dilalka qorsheysan ee lagu bartilmaameedsanayo haldoorka ku jira bulshadeenna, arrintaas oo si dadban ugu adeegeysa danaha cadowga Soomaaliyeed, ahna godob sokeeye & musiibo saameynteeda xun leh.
  1. Si xal waara loo gaaro waxaan garabyada isku haya Muqdisho ugu baaqeynaa in is af garan waagooda ay ku maareeyaan wadahadal,  maadaama diinta, dalka, danta iyo taladuba ay ka dhaxeyso, isuna tanaasulaan.
  1. Dalalka EU-da & guud ahaan reer galbeedka gaar ahaan dalka Norway waxaan ugu baaqeynaa in ay ka waantoobaan faragelinta ay ku hayaan Soomaaliya, annagoo Norway ku boorrineyna inaysan xumeyn xiriirka wanaagsan ee ay la leedahay Soomaaliya, xasuusineynana in qeyb muwaadiniinteeda ka mid ah ay kasoo jeedaan Soomaaliya, kuwaas oo ka qeybqaata horumarinta & tayeynta wax soo saarka dalkeeda, aysanna ka mudneyn in ay Norway ugu abaal guddo in ay u dabamarto dalkoodi hooyo iyadoo u gacan gelineysa dal markii horeba inaka heystay dhul aanan wali laga heshiinin.
  1. Waxaan sidoo kale Soomaalida ugu baaqeynaa inay u midoobaan sidii ciidamada shisheeye ee dalka ku sugan looga saari lahaa dalka sida ugu sahlan uguna dhibaato yar, kuwa hor lehna aanan la keenin, maadaama aysan jirin cid ay ku kala dhex jiraan, xagna aysan dalka u iman dan Soomaaliyeed, qeybna ka yihiin mushkiladii jirtay iyo tan haatan taaganba, si ay suuragal u noqoto in Soomaali arrimaheeda xallisato iyada oo aanan loo dhaxeyn.
  1. Waxaan cambaareyneynaa burcad badeedda jidgooyooyinka dhigtay baddeenna ee dhibaatada aan yareyna ku haya socotada badda ku safreysa, kuwaas oo magaca Soomaali meel ka dhac weyn ku sameeyay, isla markaana si dadban dalka ugu casuumay quwado shisheeya oo imaanshahooda ay ka dhalan karto khatar dheeri ka ah intii aan soo sheegnay.

Waxaan Alle weydiisaneynaa in uu naga dulqaado dhibaatada, quluubta ummadda Soomaaliyeed iyo inta muslimiin ahna isu soo dumo.

Bayaankan waxaa lagala soo xiriiri karaa:

Inj. C/Qani Qorane Maxamed
abdiqanim@hotmail.com
Tel: +45-5130-8306/+447908102221

Garaad Ciise Soofe
Duran600@yahoo.com
Tel: +45-52530105

Magacyada saxiixayaasha bayaanka

  1. Dr. Maxamuud C/Raxmaan
  2. Inj. Axmed Jibriil Cabdi
  3. Xasan Xaaji Cilmi
  4. Abdisalaam Yusuf Xassan
  5. Isse Axmed Xuseen
  6. Cali Shire
  7. Cabdillaahi Geedi
  8. Jamaal Yuusuf Nuur
  9. Shariif Siyaad Ciye
  10. Sh. Cabdullaahi Maxamed Maxamuud
  11. Cabdillaahi Coscin
  12. Dr. Cabdillahi Siciid Qeylo
  13. Eng. Maxamuud Saalah
  14. Raage Axmed Maxamuud
  15. Maxamuud C/Raxmaan
  16. Barre Maxamed Fiidow
  17. Gaboobe Cali Hiirad
  18. C/Rashiid Diiriye Cali
  19. Axmed Ismaaciil Maxamed
  20. Garaad Ciise Garaad Soofe Duraan
  21. Daahir Cali Cigaal
  22. Faarax cali Biixi
  23. Liibaan Macallin
  24. Bile Yuusuf Cabdille
  25. Safiya Faarax Aadan
  26. Axmed maxamuud Cali
  27. C/Raxmaan Axmed maxamuud
  28. Sakariye Axmed maxamuud
  29. Suhayb Axmed Maxamuud
  30. C/Laahi Axmed Maxamuud
  31. Farxaan Gaboobe Cali
  32. Maxamed Gaboobe cali
  33. Cali Cabdi Yuusuf
  34. Maxamed Taraale Cali Nuur
  35. Axmed C/raxshiid Diiriye
  36. Yaxye C/Rashiid Diiriye
  37. Ayuub C/Rashiid Diiriye
  38. Maxamed Cali Sigad
  39. Sh. Xasan Barre Diiriye
  40. Bashiir C/Casiis Maxamed
  41. Maxamed C/Razaaq Maxamed
  42. C/Naasir Axmed Khaliif
  43. C/Raxmaan Maxamed Aadan
  44. M. Jaamac Faarax Xirsi
  45. Shirwac C/Laahi Aadan
  46. Siyaad Cabdi Balal
  47. C/Laahi Ciise Oog
  48. C/Razaaq M. C/Raxmaan Sanweyne
  49. Faadumo Maxamed Nuur
  50. Axmed Salaad Balal
  51. Maxamed Yuusuf Ciise
  52. Zakariye C/Laahi Aw-Jaamac
  53. Maxamed Yuusuf Aw-Jaamac
  54. Dr. Cabdi Faarax Cali (Taano)
  55. Inj. C/Fataax Cali Xirsi
  56. Sagal Maxamed faarax
  57. Nasra Maxamed Khaliif
  58. Maxamed xasan Warsame
  59. AVV. Axmed-Haadi Muxumad Axmed
  60. C/Kariim Xirsi Salaad
  61. Cand. Agro. C/laahi M. Xasan
  62. Inj. Maxamed Cali Cibaar
  63. Sh. Maxamed C/laahi C/Nuur (Casoowe)
  64. Imaam Rashiid Cabdi Guraa
  65. Maxamed Sheekh faarax
  66. Faarax Khaliif Xasan
  67. Siraad Xuseen Guuleed
  68. C/Laahi Axmed Jaamac
  69. Mahad C/Laahi Axmed
  70. Cumar Axmed Aadan
  71. Cismaan Xuseen Cali
  72. Cali Cabdi Maxamed
  73. C/Casiis Maxamed warsame
  74. Abuubakar Sheekh Jaliil
  75. Sh. C/Raxaan Axmed Cilmi (Abyad)
  76. C/Raxmaan Xuseen Cige
  77. Maxamuud Cali Ducaale
  78. Abdi Shire Cabdulle
  79. C/Raxmaan Maxamuud Faarax
  80. Ashkir Maxamed Weheliye
  81. C/Raxmaan Aadan Burburshe
  82. Cismaan Xuseen Ismaaciil
  83. Safiyo Muuse  Maxamuud
  84. C/Fataax Barre Maxamed
  85. Maxamed Xaaji Maxamuud
  86. Sacdiyo Cali Xasan
  87. Faadumo Cali M’ed
  88. C/Rashiid Aadan Cumar
  89. C/Qani Barre Maxamed
  90. Sacdiyo Barre Maxamed
  91. C/Raxiim Ibraahim Aw-Salaad
  92. Ibraahim Jaamac Cali
  93. Inj. Cali Jaamac Xuseen
  94. Inj. Mustafa Jaamac
  95. Maxamuud Haybe Xasan
  96. C/Laahi Warsame Xasan
  97. Prof. C/Qaadir Cismaan Faarax
  98. C/Raxmaan Shaafici Khaliif
  99. Sahra Barre Maxamed
  100. Faarax Maxamuud Cabdi
  101. Liibaan Xasan Cali
  102. Asad Xasan
  103. Inj. C/Qani Qorane Maxamed
  104. C/Naciim C/naasir Galadh
  105. Amiir Cadbi Maxamed
  106. Cilmi Cali Abtidoon
  107. Maxamuud Maxamed Siciid
  108. C/Wali Baashi Xasan
  109. Yuusuf Ramiil
  110. Cali Cismaan Ciise
  111. Cimi Cabdi Cilmi
  112. C/Laahi Cilmi Xasan
  113. Cali Daahir Ugaas
  114. C/Rashiid Cali Geesood
  115. C/Laahi Maxamed Cumar
  116. Faysal Maxamed Cali
  117. C/Raxmaan Cali Xasan
  118. Faysal Maxamed Xirsi
  119. Abuubakar Jaamac
  120. Muuse Faarax Jaamac
  121. Axmed-Naasir M. Xasan Xirsi
  122. Dayib cali Aadan
  123. C/Laahi Aadan Ciid
  124. Xuseen Cali Kulmiye
  125. Nuurre Faarax Siidow
  126. Liibaan Maxamed Xaaji

Faafin: SomaliTalk.com | May 13, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: