SOMALITALK.COM Dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALIA FOR SALE

Somalia for Sale

Soomaaliya waa iib (7)

XORNIMADII DHICISOWDAY 1960

Qore: Axmed sadiiq
Sadiiq120@gmail.com

Waa barnaamij toddobaadle, taxane ah...



Hordhac

Sidaan lasocono waxaa lagu jiraa sanad guuradii kontonaad ee kasoo wareegtay waqtigay xoriyadda qaateen labo gobol oo kamid ah shantii qaybood ee Soomaaliya loo kala jaray markii gumaysigu yimid. Su'aashu waxay tahay laga soo bilaabo 1960 kii bartamihiisii ilaa laga soo gaaro 2010 bartamahiisa midnimadii ma nusqaantay?, xornimadiise ma dhameystirantay? gobolo u sharaxan inay midnimadaas isa sii raaciyaan majiraan? federaalku ma yahay hordhaca dawlado yar yar? Haddii laqabto dibu heshiisiinta madaxweynayaasha Soomaaliya meeqa madaxweyne oo Soomaali ah ayaa  kasoo qayb gali karta? midnimada Soomaaliya suura gal matahay? xariirka puntland iyo federaalka maxaa kala haysta, iyo wax yaalo kale ayaan ooga hadli doonaa qoraalkaan soo socda:

Somalia

Taariikhda kooban ee Soomaaliya (Brief History of Somalia)

Soomaaliya waa dawlad Afrikaan ah, Muslim ah, Carabna ah, ama la carbeeyey, waxay ku taal bariga Afrika ,waxay xuduud badeed la leedahay Yemen, waxay xuduud dhuleed la leedahay Kenya, Ethoipia iyo Djabuti.

Sanadkii 1884 ayuu gumeysigii ugu horeeyay yimid Soomaaliya dhankeeda waqooyi, waa gumeystihii reer galbeedka ee Ingiriiska, halka dhanka koonfureedna Talyaanigu qabsday 1889-kii, haddana ingiriskii ayaa dib dhul balaarsi ugu qabsaday dhulkii talyaanigu haystay 1941, kadibna talyaanigii ayaa dib loogu celiyay 1950kii, intaa kadib bartamihii 1960 Soomaaliya waxay qaadatay xornimo iyo midnimo aan dhameystirnayn laguna tilmaami karo dhicis.

 Waxaana xoriyadaas helay laba gobol oo kaliya, shucuubtii kale ee Soomaalida ahayd waa la boobay oo dawlada kalaa loogu kala daray oo lasiiyay dhulkii iyo dadkiiba, Soomaaliya ururadii jiray ayay kamid noqotay, isla 1960 waxay ku biirtay Qaramada midooway, Ururka Midawga Afrikana waxay ku biirtay 1963, Jaamacada carabtana 1973.

Astaanta Soomaaliya

Soomaaliya waxay leedahay calan midabkiisu yahay buluug oo ay dhexda kaga taal xiddig shan gees leh, laguna aqoonsaday 50 kii sano ee lasoo dhaafay, sidoo kale heesta qaranku waa "Soomaaliyeey toosa", tiinbaraha jamhuuriyaduna waa laba shabeel oo calanka labada gees kahaya kuna taagan warmo.

Madaxweynayaal: Aadan Cabdullah Cusmaan (1 Jul 1960 - 10 Jun 1967). Cabdirashiid Cali Sharmaarke (10 Jun 1967 - 15 Oct 1969). Maxamad Siyaad Barre (21 Oct 1969 - 27 Jan 1991)
ali mahdiqasimSomali President Abdullahi Yusuf AhmedShirkii Jabuuti: Cali Mahdi Maxamad (29 Jan 1991 - "3 Jan 1997"). Shirkii Carta, Jabuuti: DKMG: Cabdiqassim Salaad Xassan (27 Aug 2000 - Aug 2003). Shirkii Nairobi, Kenya: DFKMG: cabdullaahi Yuusuf Axmed (10 Oct 2004 - Dec 29, 2008). Shirkii Jabuuti, DFKMG: Shariif Sheikh Axmed (30 Jan 2009 - Hadda)

Nusqaamintii dhulka .

Soomaaliya waxaa la qorsheeyey in laka tuuro ama lakala qaybiyo, waa lagu hardamayay Soomaaliya. waayo waxaa loo arkay meel istaraatiiji ah, Ingiriiskii wuxuu somaali galbeed ku wareejiyay si tartiib tartiib ah xabashidii heshiis ay galeen darti ayaga iyo Ethopia 1948 ilaa laga soo dhameystiro heshiiskaas 1954, dhulkaas maalintaasuu ku daayay, intaa waxaa dheer Ethopia intaas dhulka badan ayay sii rabtaa, sida ku cad warqaddii Minilik u diray reer Yurub, waxuuna waraaqdaas ku sheegtay Soomaalida dhulkeeda oo dhan inuu asagu xukumo,waraaqdaas ayadoo dhameestiran ka fiiri buugga uu qoray Dr.. Saadiq Eenoow ee layiraahdo Dagaalkii Ogaadeeniya .

CIRCULAR LETTER* sent by Emperor Menelek to the Heads of European States in 1891: Warqaddii Mililik u diray reer Yurub 10th April, 1891
"waayadii hore soohdinta Itoobiya badda ayay ku sinnayd, hase ahaatee kolkii ay weydey awood ku filan oo ay wax isaga caabbido, xoogagga kiristaanka ahina ay wax kaalmo ah taaran waayeen ayay soohdimahayagii badda gaarsiisnaan jirey waxay u gacan-galeen quwado muslin ah"
Menelek II: April 10, 1891... Akhri...

Wasiirkii u qaabilsanaa Ingiriiska mustacmaraadka war uu bixiyay markii ay soo if baxday inay midoobayaan Soomaalida waqooyi iyo Koonfureed ayuu yiri: kama soo horjeedno inay is raacaan labadaan gobol laakiin maniyaysnin mana dhiiri galinayno in Djabuuti la midowdo Soomaaliya, waxaa sidaas lagu sheegay buugga uu qoray Cabdi Yuusuf, laguna magacaabo International conflict in Somalia (oo carabi kusoo baxay), Mareykan wuxuu arkayay in Soomaalida oo dhan lagu wareejiyo Ethoipia oo waxaa uu lahaa dadkaan waa dad faqri ah oo aan u diyaarsanayn xornimo marka danahooda waxaa ay ku jirtaa in lagu daro Ethoipia, hadalkana waxaa uu ku aadanaa 1960 kii, Faransiiska wuu iska cadaa hadalkooda oo lamaba maqashiin karin Soomaali ayaa midoobeysa, hadalkii caanka noqday ee Le gιnιral de Gaull (diigool) ee ahaa xeebta Soomaliya oo kawaday Jabuuti waa qayb aan ka go'in faransiiska.

Speaking at a reception In his honour (In Djibouti), on August 26th 1966, General de Gaulle said: The destiny of a country is not decided by a show of placards. . . . The French Somali Coast chose its constitution as French territory in 1958.
Source: Africa Research, Ltd - 1966
.
Charles de Gaulle waxa uu ahaa madaxweynihii Faransiiska intii u dhaxaysay 8 January 1959 – 28 April 1969

Sidaan la socono dhulkii Soomaaliya intii xornimada qaadatay maanta waxay ka fikarayaan in ay dawlado gaar ah kala noqodaan, sida waqooyiga Soomaaliya oo cadeystay inay go'een, waxaa xusid mudan in dawlado Afrikaan ah kala goyntoodii bilaabatay sida Suudaan ka muuqata, ifafaalahaasna Soomaaliya aad ayuu uga muuqdaa sida gobolada isku diyaarinaya inay goostaan, intaas waxay muujinaysaa in laga yaabo inuu meesha ka dhaco furiin siyaasadeed, ama Soomaaliya oo Tusbax go'ay laga dhigo.

BUUFISKA MADAXWEYNE NIMO.

Soomaaliya dhibaatooyinka kajira waxaa ka mid ah ayadoo uu dadkii ku dhacay buufis madaxweyne nimo, awel haddii laga fakari jiray sida laysugu keeni karo hogaamiye-kooxeedyada hadda waxaa xal u baahan sidii madaxweyne yaasha la isku waafajin lahaa, haddaan tusaale idin siiyo inta qof ee hadda Soomaaliya Mudane Madaxweyne la yiraahdo waa ilaa 8 qof oo tilmaamahaan kala wata:


Madaxweynayaal (inta sawiradooda la faafiyey)

  1. Shariif Shiikh Axmed Madaxweynaha Soomaaliya (TFG).
  2. C/nuur Darmaan Madaxweynaha Soomaaliya(muqdishaa la,igu doortuu ku doodaa iyo waliba taageero badan in uu leeyahayna waa sheegayaa)
  3. Baar Cali Xade Madaxweynaha Soomaaliya(gabar sheegatay madaxweyne in ay tahay haysatana taageerada dadka jilicsan)
  4. C/raxmaan Sh. Maxamed Maxamuud (Faroole) Madaxweynaha Puntland.
  5. Daahir Riyaale Kaahin Madaxweynaha Somaliland.
  6. Axmed Maxamed Caalin Madaxweynaha Galmudug.
  7. Maxamed Macallin Aadan (Tiiceey) Madaxweynaha Ximan iyo Xeeb.
  8. Col. Jibriil Cali Salaad madaxweynaha Maakhir state

Madaxweynayaalkaas inta badan magac mooyee meel ay maamulaan ama xafiis malaha, maamulada qaarkood waxay ka bilowdaan magaalo dhexdeed waxayna ku dhamaadaan magaalo dhexdeed, kuwa shaqeeyana xariirkoodu aad ayuu u xunyahay. Waxaan goob-jooge ka ahaa heshiis lagu kala tagay oo ay gali lahaayeen Puntland iyo dawlada dhexe TFG, waxaan aad ula yaabay xushmad xumada meeshaas taallay, labada mas'uul waxay isku qaabilayeen sidii laba wiil oo makhaayad kawada shaqeeya, hadallada ay is dhaafsanayeena uma qalmin magaca iyo jagada ay ku magacawnaayeen, intaa kadib madaxweynayaashu markay isa salaamayeen midkoodna kan kale madaxweyne ama Mudane ma lahayn, xiriir xumadaas waxay ku sii tusaysaa ilaa hada qof maamulka Puntland kasocda oo mas'uul ka ah Xamar ma tagin sida Somaliland ba aysan Xamar u tagin, marka waxba uma dhaxeeyaan labadaas maamul dhanka xariirka, maloo kasayaa mise waa caadi aniga waxaan is leeyahay kalsooni ayaan jirin.

SHAXDA CUSUB EE GUMEYSIGA.

Waxaa jirtay heshiisyo uu gumeesiga waa hore lagalay shucuubtii Soomaalida ahayd ee ahaa in la mideeyo shucuubtaas oo xoriyadooda marka loo soo celinayo aanan lakala qaybin, reer galbeedkii waa ka baxeen oo waa tii dhulkii qaarna  lasiiyay Ethoipia qaarka Kenya qaarna layiri adiga kaligaa baa dawlad ah, ujeedadu maaha qoraalkaan inaan oga hadlayo wixii waagaas dhacay, ee waxa soo socda oo aad mooddid inay kuwaas ka daranyihiin, oo ay markaan reer galbeedku fulinayaan ayagoon wadan magaca Gumaysi, sidoo kale waxaa goobjooge ka ah Soomaali ayagu fulinaya shaxda ayagoo aan dareensanayn, waxaana atoore (actor) ka ah shaxdaan dawladaha dariska Soomaaliya la ah, shaxdu waa shan waji (five faces):

Koow: deegaamayn loo sameenayo shucuubta degan Ethiopia, sida qoomiyaadka oromada, ayagoo lagu soo daad gureynayo meelaha xasiloon sida Puntland iyo Somaliland. Sanadkii dhammaaday ayaan booqasho ku tagay labadaas gobol, xaafadaha qaar waxaa loogu magac daray magaalooyin Ethoipia ku yaal, rag wax garad ah waxay ii sheegeen in magaalooyinka waaweyn iyo tuulooyinka qaar shaqaalaha hoose ay yihiin dad kayimid Ethoipia. Su'aasha ah Malaga yaabaa in dadkaan dagaal la'aan ay la wareegaan magaalooyinkan baan weydiiyay?. jawaabtu waxay ahayd guryaha ayay ba naga furaan oo waaba la daganyihiin, beeraha waa ay falaan, baabuurtana waa dhaqaan, intaa waxaa dheer oo ugu Qatar badan waa lala xididay oo gabdho "qurxan" ayaa ka yimaada Ethoipia. Nin Datoor (DR.) ah oo gobolladaas jooga ayaan weydiiyay tira koob Malaga hayaa dadkaan soo buuxiyay goboladaan? inta uu dhoola cadeeyay buu yiri ayagaa tira koob nagu sameeya, laakiin anaga kumaanan samayn, waayo guryihii bay nala daganyihiin, jiiro walba waa nooga soo baxaan, waxaan kaloo lasii yaabay meelaha qaar lacagba kuma shaqeeyaan oo waxaa lasiiyaa cunto kaliya.

Ma maqashay israa'iil carabta waxaa ay kula xaajootaa nabad dhul ka badalo, hada waa cunto dhul ku badalo, arinkaas waa arin dawlado waa weyn kasoo fikireen ee maaha dad qaxooti caadi ah, oo soo qaxay waana wajiga ugu dhibka badan, waxaa dheer intaa  wax canshuur ah lagama qaado, hadii la dhihi lahaa waan u baahanay oo lacag baa naga soo gasha, tira koob cad lagama hayo dadkaasi Malaga yaabaa 20 sano kadib in luqada rasmiga ee goboladaas ay noqoto Xabashi waa macquul, xog ay naga aruuriyaan ma'ahane cidna iskuma mashquuliso inay xogtooda hesho dadkaas.


Itoobiya oo Safaarad ka furatay Garoowe (May 29, 2010)

Labaad: dhiiri galin goosasho, qorshahan waxaa uu tilmaamayaa in dawalad goboleedyada la dhiiri galiyo siiba in hadii laga maarmi waayo xaafadaha qaar madaxweyne doortaan, dhib malahan hadii la gaarsiiyo 52 dawladood, sida baarlamankaba 550 loo gaarsiiyay, xataa waxaa kaloo jirta in dawladahaan yar yar in hadii loo baahdo laga furan karo qunsuliyado, sida tan hada la baahiyay ee laga furay Garoowe iyo tii ka horeeysay ee ahayd Hargeysa, waxaa intaas dheer safaaradaha reer yurub ee dawladaha dariska ah fadhiya waa inay booqdaan meelaha maamulka ku dhawaaqa si ay dhiirri galin ugu noqoto, sida booqashadii safiirka ingiriiska uu ku tagay Hargaysa, iyo tii safiira reer yurub ah iyo siyaasiyiin JUN 2010 ku tageen garoowe, waxaas oo dhan waa dhiiri galinta qorshaha,hadii aad xaafad madaxweyne ka noqoto mustaqbalka Soomaaliya reer galbeedka dhib kuma hayso in wafdi laguu soo diro lagaalana hadlo hormarka xaafaddaas, taas kama wado gobolada xasilooni iyo nidaam yaysan helin ee macnuhu waxaa weeye adiga ha fulin qorshe aadan waxba ka'ogayn.

Mustaqbalka waxaa laga fikiri doonaa sidii dib u heshiisiin loogu samayn lahaa madaxweynayaasha Soomaaliya, aqoonyahan cilmi- baare ka ah  Xarunta Al-ahram ee istaraatiijiyada ayaan waxaan ka maqlay Soomaaliya hoos halaga soo dhiso, oo dawlado yar yar kadib hala heshiisiiyo ayagoo madaxweyne wada ah, fikradaan waxaa looga doodaa maraakizta cilmi baarista aduunka, Su,aashu waxaa weeye taas ma dhici doontaa, waa macquul, hadaan ilaahay rag u soo saarin ka hortaga.

Sedexaad: qorshahaan waa mid ku salaysan duulaanka maskaxda ,oo macnihiisu yahay in adoo isku qaba in aad tahay xor lagaa xukumo meelo kale sida adoo lagaala taliyo arimaha ku saabsan safaradaada, amnigaaga, cidda aad la coloobaysid iyo ciddaad la heshiinaysid, iyo in lagula kootoroolo maamulka, ilaa aad gaarto safar hadii aad rabtid inaad marka hore wacdid safaaradaha fadhiya Nairobi si bal aad ugu sheegtid in aad baxi kartid.

Nin aqoonyahan ah ayaa wuxuu ii sheegay in qunsulka fadhiya gobol kamid ah gobolada aan soo sheegay uu ka carooday qoraalo ku soo baxay wargays kadib uu codsaday in la joojiyo, wuxuu ku cileeyay in dad kale ka faa'idaysanayaan oo colaad lagu kicinayo, maxaa meeshaas kaaga baxay. nin mas'uul sare ka ah gobolada aan soo xusay baa waxaa lagu yiri nin yahoow maxaad qunsuliyadaan ooga baahantihiin?, waxaa uu ku jawaabay qolo hebel ba waa u joogaan. oo uu ka wado nin kaloo madaxweyne ka ah gobol kale ,hogaamiyaasha Soomaalida waxaa iskaga dhexyaacay laba qodob oo kala ah in aad noqotid nin xor u ah siyaasadiisa oo aan noqon (Subordination) gacanyare ama iska daba socde oo aad dhaqaale u noqotid lahayste iyo inaad xor u noqotid taladaada iyo afkaartaada adoo Siyaasi ah, siyaasi oo Soomaali ah xaggee ku xiranyahay is weydii?. Jawaabtu qolo uun ayuu gacan yare u yahay, taas ilaa laga gudbo oo siyaasiga uu sameeyo maxaa Soomaaliya dan ugu jirtaa ee uusan samayn maxaa dawlad hebel ugu jiro waa jug jug meeshaada jog. 

Afaraad: wuxuu ku saabsanyahay dhulka, macnaheedu waa in Soomaaliya si guud la hoos geeyo dawladaha dariska aan nahay, sida koofurta oo dhan in lahoos geeyo Kenya loona sameeyo wax layiraahdo dawlad goboleedyo, waxaa daliil u ah in Kenya oo aan waligeed arimaha Soomaaliya qaab military u faragashan ay maanta ciidamo somaaliyeed ku qarash gareenayso kuna taba barayso gudaha Kenya, ciidankaasna ma hoos imaanayo dawladda Soomaaliya sida la cadeeyay mana aha ciidan qarsoon, inta aan waday baaritaanka ayaa waxaan arkay nin looyar ah una dhashay kenyaati oo maqaal ka qoray somaliya qaybsigeeda waxuuna ugu magac daray. Why Kenya and Ethiopia ought to annex and divide Somalia,ninka maqaalkaas qoray waxaa la dhahaa DONALD KIPKORIR,dailynation ayay ku soo baxday octoobar 30 2008,qoraalka waxaa macnihiisu yahay maxay kenya iyo Ethoipia fiirsanayaan may kala qayb sadaan Soomaaliya ,runtii ninkaan nin iska hadaaqay maaha waa nin aqoonyahan ah kuna dhaw dawlada laga yaabee in fikradaan uu maqlay ayadoo lagu sheekeesanayo,waayo raga waxa qora iskama qoraan waxaa ay dareemaan wax jira qoraalka inta ka akriso ee uu ninkaas qoray 2008. Why Kenya and Ethiopia ought to annex and divide Somalia.

Shanaad: waa qorshe ciidan ah, sida ayadoo Soomaaliya lagu qaado shuruuc cusub oo caalami ah sida ayadoo la dhaho labaatan (20) sano wax bay qabsan waayeen, marka aduunka waxaa ka saran waajib qodob hebel oo ah in calanka dib loogu celiyo xornimo gaarsiin dadban(wisaaya), UN-kana lagu wareejiyo ilaa muda dhan labaatan (20) sano oo kale, nin ku taqasusay qaanuunka caalamiga (International Law) ayaa igu yiri waxaa laga yaabaa Soomaaliya 20 sano haday xiranto in qawaaniin lagasoo saaro lagula wareegayo dhulkeeda si dadban, laga yaabee akhristoow in aad tiraahdid hada oo lamarayo 2010 qarnigii 21aad see wadan loola wareegi karaa? soo majiro qaanuun ilaaliya dawladaha awooda aan lahayn?waxaa laguugu jawaabayaa aduunka oo lawada fiirsano ayaa wadan lagu soo duulay kadibna madaxweynahoodii la dal dalay, (qoorta xarig loo suray kadib lugaha loo bixiyay oo ay kala go'een madaxii iyo jirka intiisii kale), shidaalkiina la boobay shacabkiisiina la gaajeysiiyay, see ku dhacday is weydii qawaaniinta caalamiga ah intii dagsatay ayay ilaalisaa, waana lajiifiyaana banana.

Gaba gabo: waxaan ku soo gunaanadayaa Soomaaliya waxay u baahantahay gobanimadoon iyo inay ka xorowdo dhan walba sida dhinaca dhaqanka, maamulka iyo siyaasadda, dhaqaalaha iyo nolosha, in laga gudbyo reer hebel iyo urur hebel loona gudbo Soomaali iyo Soomaaliya Allaha u naxariisto abwaan C/laahi Suldaan Timacadde waa kii yiri mar ay xaaladdu sidaan oo kale u qallafsanayd dadkuna waxaan macna lahayn isku haysteen:

  • Dadkaan la hadlayaa baan lahayn dux iyo iimaane
  • Bal inay dalfoof tahay caqliga dooni laga saaray
  • Waxii horey u soo daashaday degashanaysaaye
  • Doc haday u wada jeedsatoo dhowrto danaheeda
  • Ooy duul walaala ah tahoo duunka kaheshiiso
  • Dadka kama yaraateene ways dabar jaraysaaye
  • ………………………………………………
  • dugsi maleh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane 

Somalia for saleAKHRI qaybta 8aad 

Qore: Axmed sadiiq
Sadiiq120@gmail.com

Qoraaga warbixintan waxa uu muddo ku dhawaad ah sanad ka shaqeenayay xarunta Villa Soomaaliya (Madaxtooyada) ee xukuumadda hadda ka jirta Soomaaliya. Qoraagga ujeedadiisu ma aha in qof si khaas ah u falan qeeyo, laakiin marka la fiiriyo xaalada dalka uu marayo iyo asagoo mararka qaar is dhaha Wax yaalaha qaar hadaad ka aamustid armaad danbi ka gashaa ummadda Soomaaliyeed awgeed ayuu u qoray qoraaladan xiriirka ah oo ku saabsan Somalia for sale (Soomaaliya waa iib) safaaradaha iyo badda iyo dhulka. Qoraagu waxa uu aaminsan yahay in waxa Soomaaliya ka socda ay yihiin boob qarameed oo meel walba ah, oo ay waajib tahay in la galo dagaal lagu bad-baadinayo hantida guurta ah iyo midda maguurtaba ahba.

Xigasho:

Faafin: SomaliTalk.com | July 1, 2010

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: