Home » Archive Bisha April, 2014

Daladda Suxufiyiinta Qorahay Media oo Baaq ka soo saaray Wariyaasha Itoobiya xidhay

Apr 30, 2014
Dawladda Itoobiya ayaa cunaqabateyn ku haysa Saxaafada waxayna si ula kac ah u xidhaa meelaha ay saxaafadu ka dhaq-dhaqaado sida caasimada Itoobiya ee Addis Abab. Dalka intiisa kale way ku yartahay saxaafada xorta ah waxaana meelaha qaar ka dhaq-dhaqaaqa Saxaafada ay ayadu gacanta ku hayso oo waxa ay doonayso Dawladda Itoobiya moyaane aan wax kale qori karin. Guud ahaan Gobalka Ogaadeenya kama jirto... 

Dhismaha Cusub ee Safaaradda Soomaaliya ee dalka Malaysia oo si rasmi ah loo furay.

Apr 28, 2014
Kuala Lumpur, April 27, 2014- Waxaa si rasmi ah xarigga looga jaray dhismaha cusub ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay ku shaqeyn doonto , kaasoo ku yaala Magaalada Kuala Lumpur ee Caasimadda dalka Malaysia dalka, waxaana xafladda lagu furayay dhismaha cusub ka soo qeyb galay qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi . Xafladda oo si heersare ah loo agaasimaya... 

Gollaha Wasiirada oo isku raacay in la furo wadooyinka xiran ee magaalada Muqdisho

Apr 27, 2014
Muqdisho, —Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa galabta isugu yimid kulan aan caadi ahayn, waxaana kulanka shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha ku xigeenka ahna Wasiirka Diinta iyo Awqaafta mudane Ridwaan Maxamed Xirsi. Kulanka ayaa looga hadlay Wadooyinka Xiran, Xariga lagu hayo dadka Soomaaliyeed ee ku sugan Nairobi, iyo Xarigii loo gaystay xalay Qunsulka Soomaaliya... 

Masaajid iyo Xarun waxbarasho laga furay magaalada Västerås, Sweden

Apr 27, 2014
Hordhac Magaalada Västerås waxaa ay saacad u jirtaa caasimada dalka Sweden ee Stockholm. Magaalada oo ay degan yihiin ilaa 150 kun oo qof ayaa ah magaalada shanaad ee ugu weyn sweden. Waa magaalo taariikhi ah, kana mid ah magaalooyinkii ugu horeeyey ee ay dadka ajaaniibtu soo degeen. Ajaaniibtii ugu horeeyey ee magaaladan soo degey ayaa ahaa kuwo u dhashay dalka Talyaaniga iyo Turkiga. Balse laga... 

Xaflad lagu taageerayo Joojinta Qaadka oo lagu qabtay magaalada Leicester, UK

Apr 25, 2014
Kulan aad iyo aad u ballaaran oo si heer sare ah loo soo agaasimay laguna taageerayey joojinta qaadka ayaa maanta  oo Khamiis aheyd 24.04.2014 lagu qabtay magaalada Leicester. Kulnkaas waxaa si wadajir ah usoo wada qaban qaabiyey dhammaan jaaliyadda reer Leicester oo aan kala harin. Waxaa kaloo kulankaas lagu soo casumay halyeeyga aalaaba u ololeeya joojinta qaadka Abuukar cawaale. Ugu horeyn kulankaas... 

Golaha Wasiirada oo ansixiyey guddoomiyaha bangiga dhexe iyo ku-xigeenkiisa, dood dheerna ka yeeshay samaynta maamulada dalka

Apr 25, 2014
Muqdisho, — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cabdiweli sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta shir guddoomiyey kulanka joogtada ah ee golaha wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo looga hadlay ansixinta guddoomiyaha bangiga dhexe iyo ku-xigeenkiisa. Golaha ayaa sidoo kale ka hadlay maamul u samaynta gobolada iyo degmooyinka dalka, iyadoo arrintaasi go’aan... 

Laba warbixin oo aad iyo aad u Muhiim ah oo ka hadlaayo Soomaalida Nairobi ku nool Silica ay ku jiraan

Apr 24, 2014
Waxaan marka hore si xushmad iyo Qadarin leh ugu soo gudbinaya Shacabka Soomaaliyeed meel kaste ha jooggan labo warbixin oo ka hadlaaya dhibka Soomaalida Joogta Nairobi oo kaas oo ah Xadgudub Xaquuqda Aadamiga ee Fadlan Hoos ka aqriso ayadoo English ah: .. Al Jazeera investigation uncovers allegations of beatings and rape in Kenya’s ongoing anti-terrorism operation. .. Ethnic Somalis Under Pressure... 

Dowladda Imaaraadka Carabta oo Deeq u Fidisay Boqolaal Agoon Soomaaliyeed.‏

Apr 24, 2014
Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa oo Taariikhdu tahay 23 Abriil, u qeybisay Boqolaal Caruur Agoon ah, oo da’doodu u dhaxayso 5 ilaa 14 Sano jir, Deeq isugu jirta Raashin iyo Timir.Caruurta Agoonta ah ee la gaarsiiyay deeqdaan ayaa ku xareysan Xarun lagu Magacaabo “Daryeel”, taas oo loogu tala galay in lagu xannaaneeyo Caruurta Agoonta ah iyo Daryeelka Caruurta Darbi jiifka. Xaruntaan waxa... 

Ra’iisul Wasaaraha oo khudbad ka jeediyay gabagabada shirweynaha Amniga Qaranka

Apr 24, 2014
Warsaxaafadeed Muqdisho, April 23, 2014—-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa khudbad dhinacyo badan ka jeediyay gabagabada shirweynaha amniga oo soconayay muddo 4 cisho ah kaasoo lagu casuumay ergooyin matalayay dawlad goboleedyada, maamulada gobolada iyo degmooyinka dalka, aqoonyahano ka yimid dalka dibeddiisa, iyo khubaro dhanka amniga... 

Golaha Wasiiradda oo dood ka yeeshay samaynta maamul goboleedyada

Apr 23, 2014
Muqdisho, – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cabdiweli sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta shir guddoomiyey kulan aan caadi ahayn oo Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ka yeeshay samaynta maamul goboleedyada dalka. Golaha ayaa dood dheer ka yeeshay muhiimadda ay leedahay in si waafaqsan dastuurka iyo shuruucda dalka loo sameeyo maamulada gobolada, gaar... 

Xildhibaankii Labaad ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo Maanta Muqdisho lagu diley

Apr 22, 2014
iyo Mid ka mid ah Shaqaalaha Idaacada Dalsan oo lagu diley Muqdisho … Waxaa Goor Dhow uu Dil uu ka dhacay Degmada Dharkeenleey ee Gobolka Banaadir , waxaana Dilkaas loo geystey Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo lagu Magacaabo Cabdicasiis Isaaq Mursal waxaana la sheegey in dilkaas uu ka dhacay meel ku dhow Guriga Xildhibaanka ee Degmada Dharkeenleey Waxaa Goobta... 

Qarax Goor dhow ka dhacay Muqdisho oo lagu Diley Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya

Apr 21, 2014
Wxaa Goor Dhow uu Qarax uu ka dhacay Degmada Xamar ee Gobolka Banaadir , waxaana Qaraxaas lala beegsdey Gaari uu Watey Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo lagu Magcaabo Isaaq Maxamed Cali (Rino), waxaana la sheegey In Qarax uu ahaa mid lagu soo rakibey Gaariga Xildhibaanka Warka waxaa uu intaa ku daryaa in Qaraxaasi uu ku Geeriyoodey Xildhibaan Isaaq Maxamed Cali (Rino) iyadoo... 

IGAD oo ku Hanjabey in Ciddii hor istaagto Dadaalka uu Wado Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxkamad la soo taagi doono .

Apr 20, 2014
Iyadoo Dhawaan la soo afmeerey safar oo uu ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ku joogay magaalada Kismaayo ayaa arrimaha shirkii dib u heshiisiinta Maamulka Jubooyinka ayaa waxaa arrintaa ka hadlay Ergeyga Urur Goboleedka IGAD u qaabilsan Soomaaliya Maxamed Cabdi Afey. Ergeyga ayaa sheegey in ay diyaar u yihiin dhaqan gelinta heshiiskii Adis Ababa isla markaana ayan u dul qaadanayn in la carqaladeeyo... 

Noolasha wadanka Qatar

Apr 19, 2014
Walaalyaal waad salaamantihiin dhamaantiin. Qoraalkan iyo qoraalo kale oo aan horay uqoray waxaa igu dhaliyey su’aalo badan oo ay isoo weydiyeen walaala Soomaaliyeed oo kunool wadamada galbeed kuwaas oo quud daraynaya warbixin kusaabsan Qatar ee laxariira arimaha qoyska. Sidaad ogtihiin dadkii ubaxsaday wadamada galbeedka waa qax markale oo waxaa kufurantay colaad nooc kale ah oo laxariirta caruurta... 

Dowladda Imaaraadka Carabta oo Qalab ugu Deeqday Ciidamada Ammaanka Soomaaliya

Apr 19, 2014
Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa Qalab fara badan oo kala gedisan manta ugu Deeqday Ciidammada Amaanka Qaranka Soomaliyeed. Deeqdan oo isugu jirata; dareyska Ciidamada iyo Gaadiid ayaa waxa Safiirka Dowladda Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaliyaa uu ku wareejiyay Dowlada Soomaaliya. Safiirka dowlada imaaraatka carabta Ambasador Maxamed Al-Cuthmaan oo ka hadlay xafladdii Guddoonsiinta Deeqda ayaa... 

Nadwado Cilmiyeedii 12aad Ee Ka socotay Boosaaso oo lasoo Gunaanaday iyo  Bayaan Kasoo Baxay:

Apr 19, 2014
Waxaa lagusoo gaba gabeeyay Majidka wayn ee Al Rawda ee Magaalada Bosaso Nadwadii kasocotay oo ahayd Nadwadii 12aad ee lagu qabto Bosaso Halkan ka akhriso Bayaanka ka soo baxay nadwada Mawduuceeduna uu ahaa (أعمال القلوب) , iyadoo intay socotay laga soo jeediyay Duruus aad u qiima badan oo ay ka qayb qaateen Culimo kala duwan. Darsigii ugu danbeeyay ee lagasoo jeediyo Masjidka Al Rawada... 

Xasuustaydii Nabad Sugiddii NSS (1976-1991) – Q.7aad

Apr 18, 2014
10 kii sano ee ugu horaysay Waaxdii Nabad Sugiddii NSS waxay qaadday tallaabooyin ay kula baratantay laamaha asaageed ah ee dunida ka jira , adeegsiga magacyada qarsoon , dhex galidda xundumaha Dawladaha aan cadawga nahay , ayadoo la marayo hanaan fahamkiisu ku adag tahay qofka caadiga ah , waxay laantu dhex istaagtay xafiisyada Itoobiya oo Gumaysata dhulka Soomaaliyeed qayb ka mid ah ayadoo adeegsanaysa... 
Halkudheg:

Muqdisho oo laga soo dejiyey duulimaadkii labaad oo dad Soomaaliyeed oo laga soo raafay Kenya

Apr 18, 2014
Warsaxaafadeed ka soo baxay Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa tibaaxay “Muwaadiniintani oo ku yimid Muqdisho duulimaadkii labaad oo dad Soomaaliyeed looga soo daabulo dalka Kenya”.. Warsaxaafadeedka oo dhan hoos ka akhri… Buri’ Hamza oo ku soo dhoweeyay Muqdisho duulimaadkii labaad muwaadiniin Soomaaliyeed oo laga soo daad gureeyay Nairobi .  Mogadishu, – Wasiiru dowlaha... 

Dallada Awoodsiinta Naafada Soomaaliyeed oo Baaq u Dirtay Milkiilayaasha Dhismaha iyo Injineerada Dhismaha Hindisa”

Apr 17, 2014
WAR-SAXAAFADEEDA Ka dib markaan aragnay dhibaatada aan kala duwan ee heysata dadka Naafada ah ee Soomaaliyeed kuwaas oo aanan ku heysanin Bulshada dhaxdeeda tixgalin buuxda si ay uga mid noqdaan Bulshada aan Naafada aheyn , Markaan aragnay inaan la qaadanin Amarkii Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya 28/03/2013 kaas oo baaq u jeediyay Injineerada Dhisa, Guryaha Wadooyinka, iyo Milkiilayaasha... 

Warsaxaafadeed: Ra’iisul Wasaaraha oo dardaaran u jeediyay ciidamo tababar ku qaadanaya magaalada Kismaayo

Apr 17, 2014
Kismaayo, —Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta ku booqday xero tababar uga soconayay ciidamo ka tirsan maamulka Jubba, waxaana Ra’iisul Wasaaruhu u jeediyay dardaaran. Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa booqashadiisan ku wehliyay xubno ka tirsan golaha Wasiirada iyo golaha Baarlamaanka, Safiiro iyo Saraakiil ka socotay... 

Masaajidka  Dar Alqalam oo kusoo biiray Golaha Imaamyada Waqooyiga Ameerika

Apr 17, 2014
Minnieapolis: Maalinkii Sabtida ahayd April 12, 2014,  xaflad wayn ayaa ka dhacday xafiiska Golaha Imaamyada Waqooyiga Ameerika ee Minneapolis. Xafladaas oo looga gol lahaa masajid cusub oo kusoo biiraya golaha imaamyada. Golaha Iimaamyada ee Waqooyiga Ameerika waxaa la aas aasay bilowgii sanadkii 2001 iyadoo ay hogaaminayaan aas aaskaas culimmada Soomaaliyeed si ay u daboolaan baahida Diimeed iyo... 

Luuqadda Soomaaliga ma mari doontaa wadadii ay ku dhinteen luuqado badan oo ka horeeyay? (Q.1aad) W.Q. Aden Colujoog

Apr 16, 2014
Inta aanan guda gelin cinwaanka qormadan oo ah “Luuqadda Soomaaliga ma mari doontaa wadadii ay ku dhinteen luuqado badan oo ka horeeyay?”, marka hore bal aan dul istaago in aan si kooban wax uga iraahdo waxa ay luuqadi tahay, halka ay luuqadda Soomaaliga kasoo jeedo, kuwa ay yihiin luuqadaha ay isku bahda yihiin, iyo waliba gobolada looga kala hadlo luuqadahaasi. Luuqadi maxay tahay? Luuqad waxaa... 
Halkudheg:

Bannaanbaxyada looga soo horjeedo dhacdada foosha xun ee Kenya kula dhaqantay Qaxootiga Soomaaliyeed ee dalkeeda ku sugan

Apr 16, 2014
Videoga hoose waa Somalida Minnesota iyo siday uga horyimaadeen dhibaatada Kenya ku hayso dadka Soomaaliyeed. Mudaharaadkan murtidiisu waxay ahayd in Kenya fariin loodiro in ku khaldantahay ficilkeeda qaanuuniyan, iyo caqliyan. Sidoo kale mushtamaca Somaliga ee dhiban in aan cod u noqono gaar ahaan, kuwa ku jira Kasarani Camp. Videoga hoose Barnaamij qiiro leh oo Somali Channel kameeyeen dhacdada... 

Warsaxaafadeed: Ra’iisul Wasaare Cabdiweli “Haweenka Jubbooyinka waa inay hormuud u noqdaan dib u heshiisiinta iyo horumarinta”

Apr 16, 2014
Kismaayo, -Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed iyo wafdi uu hogaaminayo oo maalintii saddexaad howlo shaqo u jooga magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbadda Hoose ayaa waxa uu kulamo kala duwan la qaadanayaa qeybaha kala duwan ee bulshada gobolada Jubbooyinka iyo Gedo. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu horeyntii la kulmay odayaasha dhaqanka... 

Xasuustaydii Nabad Sugiddii NSS (1976-1991) – Q.6aad

Apr 15, 2014
27kii Juulaay 1983 dii , galinkii danbe waxaa Jaamacadda Umadda ka socday dood cilmiyeed looga hadlayay Qabyaaladda iyo Qaranka waxaana ka qayb galay Madaxayne Siyaad iyo Wasiirkii Tacliinta Sare Dr C/Qaasim Salaad (2000 – 2004 Madaxwayne KMG ah ) , anigoo akhrisanaya Sheeko (Dhambaalkii naxriista waxaa qoray Yaasiin Jaamac Falax-Falax), waxaa iisoo galay Hooyaday oo daal ka muuqdo qolkii fadhiga... 
Halkudheg:
Kafaalo
Mashruuca Isku-filnaasho Gaarsiinta Qoysaska Agoonta - Akhri / Ka qayb qaado...