SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - HOLLAND

Dawladda Soomaaliya oo Hishiis la Gashay Shirkadda DAMEN oo ku Taala Wadanka Netherlands.

  • Prof: IBBI iyo la taliyahiisa Dr: Xuseen ayaa waxay booqdeen Xarunta Shirkadda oo ku Taala Magaalada Roterdam Netherland iyaga oo kala hadlay sidii ay Shirkadda DAMEN ay ugu sameyn lahayd dawladda Soomaalida Maraakiibta Dagaalka iyo doomaha dheereeya si wax uga qabato Buracd Badeedka Soomaalida.

Dhawaan ayaa waxaa ka dhacay Magaalada Roterdam ee Dalka Netherland Kulan dhex maray xubno ka socday Dawladda Soomaalida iyo Shirkadda DAMEN oo ah Shirkad Sameysa Maraakiibta Dagaalka iyo doomaha Dheereeya.

Ra'isul Wasaare ku xigeen ahna wasiirka Kaluumeysiga iyo khayraadka badda ee Dawladda Soomaaliya Prof: C/raxmaan xaaji Adan IBBI iyo la taliyahiisa Dr: Xuseen Cali Axmed ayaa dhawaan Booqasho ay ku soo gaareen Dalka Netherlanda waxaa ay booqdeen Xarunta Shirkadda oo ku Taala Magaalada Roterdam iyaga oo kala hadlay sidii ay Shirkadda DAMEN ay ugu sameyn lahayd dawladda Soomaalida Maraakiibta Dagaalka iyo doomaha dheereeya si wax uga qabato Buracd Badeedka Soomaalida.

Prof:IBBI ayaa Sheegay in Shirkadda DAMEN oo horey Dawladii hore ee Soomaaliya uga Caawin jirtay Qalabeyntii Dakadihii Soomaaliya Xiligii ay Jirtay Dawladii Maxamed Siyaad Barre ay Haatan ogolaatay in ay ka taageerto Xiligan Dawladda Soomaalida in ay u sameyso Maraakiibta lagula Dagaalamo Burcad Badeeda iyadoo Dhaqaalaha lagu bixinaya Sameynta maraakiibtana ay bixin doonto Midiwga Yurub oo dhawaan ogolaaday in ay bixiyaan Qarashaad ay ku taageerayaan Dawladda Midnimada qaran ee Soomaaliya si ay wax uga qabato Arimaha Burcad Badeeda Soomaalida.

Intii ay ku sugnaayeen wafdiga Dawladda Soomaaliya Xaruunta Shirkadda DAMEN ayaa waxaa lagu soo wareejiyay oo la tusay Dhamaan Qayabaha ay ka koobantahay Shirkada iyadoo Halkaasna Loo suray Calankii Soomaaliya.

Shirkadda DAMEN ayaa Horey waxaa ay u sameysay Maraakiib Dagaal oo lagaga Hortagay Burcad badeed Xilli ka soo Shaac baxday Bariga Qaaradda Asiya iyagoo khibradna u leh sameynta Maraakiibta dagaalka iyo doomaha dheereeya ee burcad badeeda lagala hortago oo ay ku jirto kaalinya 1aad ee dunida waxaana lagu raja qabaa in hadii arintan ay hirgasho in ay wax ka qaban doonaan burcad badeeda Soomaalida.

Dhawaan ayaa waxaa dawladda soomaalida ay ku tala jirtaa in ay magacaawdo Madaxa ilaalinta xeebaha Soomaalida iyo in ay iskugu yeerto Ciidankii Soomaalida ee ilaalada Xeebaha oo aan hawl galin mudo ku dhaw 20 sano iyadoo arintaasna la war galiyay Madaxdii Ka socotay Midwga Yurub oo ay Qaabileen Dawladda Soomaalida.


Prof Ibbi iyo M. Deeq

Maxamed Abuukar Sh/Xassan(M.Deeq)
E-mail: deeq1982@hotmail.com
GSM:0031643642191
Leeuwarden.Fresland.Netherlands.

Faafin: SomaliTalk.com | May 17, 2009

BAARID | SEARCH


IdirisSh. Maxamed Idiris oo Baaq Xabbad Joojin ah u diray Kooxaha ku dagaalamaya Soomaaliya
Sheekh Maxamed Idiris oo ka mid ah culumada waaweyn ee Soomaalida ayaa baaq xabad joojin ah u jeediyey kooxaha ku dagaalamaya Soomaaliya isagoo ku sugan magaalada Cape Town oo uu u joogo howlo dacwo, dhagayso baaqa Sheekha oo uu su'aalo weeydiinayo saxafi Maxamed Muuse Nuur (Deeq Darajo) oo ah gudoomiyaha saxafiyiinta Soomaaliyeed ee Koonfurta Afrika (SOJASA). Baaqa Sh. Max'd Idris: Dhegeyso halkan ama soo rogo

UNShirka Jaraa'id ee Xoghaynta Guddiga Xadaynta Badaha - oo Sheegay Hadallo Daaha ka Rogay Arrimo ay Madaxda DFKMG ku dadaalayeen in aan shacabku ogaan:  & UN iyo Norway Lugta ay ku leeyihiin Gudbinta Akhbaarta Sharciga Badda Soomaaliya oo su'aalo ka taagan yihiin iyo cidda ka faa'iidaysa..... Akhri..


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: