Home » Archive Bisha January, 2016

Soomaaliya iyo Ingiriiska oo kala saxiixday Heshiis dhanka Ammaanka ah.

Jan 31, 2016
January 31, 2016….Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini iyo Danjiraha Boqortooyada Ingiriiska u fadhida Soomaaliya Amb Harriet Mathews, ayaa maanta xarunta safaaradda Ingiriiska ee magaalada Muqdisho ku kala saxiixday heshiis wax wada qabsi oo dhanka Amniga ku saabsan. Saxiixa Heshiiska ka dib, Wasiirka Gaashaandhigga ayaa sheegay in heshiiskani uu wax badan u tarayo... 

Golaha Wasiirada oo Ansixiyey Hanaanka doorasho ee sannadka 2016

Jan 29, 2016
Muqdisho, 28 January 2016…..Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa Golaha Wasiirada oo Ansixiyey Hanaanka doorasho ee sannadka 2016 Muqdisho, 28 January 2016…..Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid kulankoodii joogtada ahaa, waxaana kulankan shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid, iyada... 

Xasuustaydii Nabad Sugiddii Soomaaliya (N.S.S 1976 – 1991)

Jan 28, 2016
Quraacdii ayaan waxaa isku aragnay Ergaygii Liibiya waxaan xoogaa isla xamanay Falastiiniyiinta iyo sida ay dawladaha carbeed uga dahsoon yihiin xubnaha u adeega Moosaad ( Laanta Sirdoonta Yuhuudda ) isla markaana looga shaqaalaysiiyay xafiisyada muhiim ka ah , Liibiyaanku wuxuu iila sheekaysanayaa ma oga inaan Soomaali ahay waxaan wali huwanahay Jinsiyad Dal kale , sheekadu waxay noogu baxday si fiican... 
Halkudheg:

Xasuustaydii Nabad Sugiddii Soomaaliya (N.S.S 1976 – 1991)

Jan 27, 2016
Waxaan ka dhoofay Xamar Diseember horaanteedii 1977 dii waxaan u dhoofay Abidjan, Saaxil Al-Caaj , anigoo sii maraya Nayjeeriya oo ku diga roganayo, ujeedka socodkayga ma ahayn inaan ka qayb galo dabaaldagga maalinta Qaranka ee dalkaas ee wuxuu taliyaha laanta nabad suggidda oo shaki wayn ka qabay hufnaanta qaar danjirayaasha Soomaaliyeed ee dalalka qaar noo fadhiyay ayuu ii xil saaray inaan si hoose... 
Halkudheg:

Wasirka Howlaha Guud iyo Dib u dhiska oo Warbixin ka Dhageystey Maamulka iyo Dadweynaha Degmadda Afgooye mar uu halkaa tagey.

Jan 27, 2016
Wasiirka Howlaha Guuud iyo Dib u dhiska ee Dowladda Federaalka Eng Saalax Shiikh Cismaan iyo Wafdi Balaaran oo uu Hogaaminayey ayaa Kormeer Howleed ku Tagey Degmadda Afgooye ee Gobolka Shabeelada Hoose, Waxaa Safarka Wasiirka ku Wehliyey Xildhibaano ka tirsan Dowladda Federaalka iyo Sarakiisha Qaybaha Ciidamada Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib u dhiska oo ah Wasiirka ka soo jeeda Deegaanka Afgooye... 

Soomaaliya oo xiriirka u jartay iiraan

Jan 9, 2016
Golaha Wasiirada oo go’aamiyay in xiriirka Diplomaasiyadeed loo jaro dowladda Iiraan Muqdisho, January 7, 2016——-Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid kulankoodii joogtada ahaa, waxaana kulankan shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Xukuumada Mudane Maxamed Cumar Carteh, iyada oo looga hadlay qodobo kala duwan kuwaasoo ay ka mid aheyd Xiriirka... 

Jaamacadda Horn of Africa (Geeska Afrika ) oo Munaasabad Qalin jabin ah u qabatey ardey Gaareysa 120 ardey

Jan 2, 2016
Waxaa Hotelka City Palaca ee Magaalada Muqdisho lagu qabtey Munaasbad Qalin jabin ardey oo dhameysatey Waxbarasho Heer Jaamacadeed kuwaa oo ka baxay Jaamacadda Horn of Africa , waxaana Munaasabadaas Qalin jabinta ah ka qayb galey Xildhibaano, Wasiiro, Maamulka Gobolka Banaadir , Waalidiin iyo Ardeyda Wax ka barata Jaamacadaas . Ugu horeyn waxaa Munaasbadaas ka Hadley Maxamed Cismaan Abba Shiikh oo... 

Wasaaradda maaliyadda ayaa soo bandhigtay Hindisaha Daah Furnaanta Dowladda oo ay shacabka kula wadagayso xogta dowladda

Jan 2, 2016
Muqdisho, 02, Jan, 2016….Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xassan Sheikh Maxamuud ayaa bilaabay abuuritaanka nidaamka Dowlada ee Daah Furnaanta, taas oo dowladu ku doonayso in shacabka lala wadaago xogta dowladda. Madaxweynaha ayaa sheegay in daah furnaanta iyo ilsa xisaabtanku ay asaas u yihiin miraha dimuqraadiyada, dowlad wanaaga iyo hormarinta dhaqaalaha. Nidaamka daah furnaantu... 

Luuqadda Casriga Ah ee Dhalinta

Jan 2, 2016
Qore: Cabdiraxman Maxammed (Xiddig) Email: Xiddig@gmail.com “Wait, wait Snapchat video aan ka qaadee”, ayuu yiri Salmaan. “Gaarigan naga horeeya parking-ka ayuu la rafaadsanyahay wallaahi. It is really funny how this guy is parking,” ayuuna sii raacshey inta qosley. Salmaan waxa uu ka duubey Video toban ilbiriqsi ah darawal gaarigii gelin la’ booskii loogu talagaley, ka dibna waxa uu galiyey... 
Halkudheg:

Guddoomiyaha Baarlamaanka Iyo Ra’isulwasaaraha Oo Kormeeray Kulan Howleed Ku Saabsan Dhameystirka Dib U Eegista Dastuurka

Jan 1, 2016
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” oo uu wehliyo ku xigeenkiisa Koobaad iyo Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa maanta kormeeray kulan howleed magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya uga soconaya guddiga dib u eegista Dastuurka ee Baarlamaanka iyo guddiga... 

Danjire Daahir Geele oo la kulmey wasiirka beeraha ee dalka Sacuudiga

Jan 1, 2016
Shir ay isugu yimaadeen Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Sacuudiga Mudane Daahir Maxamud Geele iyo Wasiirka Beeraha ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabia, ayaa lagu qabtey xarunta wasaarada beeraha ee Sacuudiga. Shirka waxaa ka soo qeyb galey saraakiil labada dhinac ka kala socdey oo ka mid ahaayeen Mudane Salim Macow Xaaji oo ah Lataliyaha koowaad iyo ku xigeenka safiirka, iyo Mudane Abdullahi... 
Kafaalo
Mashruuca Isku-filnaasho Gaarsiinta Qoysaska Agoonta - Akhri / Ka qayb qaado...