Heshiis khaldan, erraybixin gurracag iyo mid qeexan oo lagu
bililiqeysanaayo xudduud baddeedka Somalia dhinaca Kenya amaba
shaki lagu galinaayo sharci ahaanta lahaansha gabal kamid
ah badda Somalia.
Anagoo ah dhalinyaro Soomaliyeed oo ku nool qaarada Australia.
Waxaanu sibuuxda uga soo horjeednaa gabi,ahaanba heshiiskii ku
sheegi lagu saxiixay Kenya(
7/4/2009)
oo Dawlada kumeelgaarka ah ee Somalia uu usaxiixay Cabdiraxmaan
Cabdishakuur Warsame Wasiirka Qorshaynta Qaranka (inkastoo
saxiixisu melkadhac ba,an kuyahay lahaansha badda qaranka
Somalia).
Waxyaabaha aan ku qaadacney heshiiskaas waxaa kamid ah in
saxiixaasi uu dhawac ba,an ugesankaro lahaansha dhulbadeedka
qaranka Somalia. Heshiiskaasi wuxuu sibuuxda udhinacmaray
qawaaniinta badda ee hadda caalamku kudhaqmo taasi oo ah in
heshiiskaas ay kucadahay dhulbadeed Somalia uga diwaangashan
Qaramada midoobay uu kadhigaayo dhul lagu muransanyahay amaba
Qaramada midoobay aysan cidna udiiwaangalin. Errayda sidda
qeexan ee iska cad qofkasta oo English waxka yaqaan ufahmi karo
ee qoraalka lagu heshiiyay kujira waxaa kamid ah(area
underdispute coastline,between Somali & Kenya, Unsolved dispute,
Maritime dispute, area under dispute) iyo kuwo kale oo badan oo
lamid ah. Sida kucad heshiiska wuxuu shaki ugaliyay lahaansha
qeyb kamid ah badda Somalia oo kutilmaamay meel lagu
murransanyhay oo aan 2 dawladood toona laheyn Sub-xanaallaah,
waa layaab taasi waxay lamidtahay Cadceeda oo subaxjoogta qof
yarri waxaan saaraya Calacasha. Run ahaantii waa layaab waxa
madaxda dowlada ku xambaaray saxiixa heshiis kushegan dhawacaya
badda Somalia inkastoo Qofka haddi meeli ucaddahay meeli kamadow
maah maah Soamlia.
Xuduuda badda eeSomali/Kenya udhaxeysa waa xuduud adduunka
kadiiwaan gashan oo xilligi gumeysigii Italia/Britain ay
sibuuxda oo iskacad gabi, ahaanba xuduuda badda,iyo xadka labada
dal udhigeen mudadii udhaxeysay 1924---1933 . sidaad ogtihiina
wuxuu sibuuxda uga dhanqangalay qaramada middoobay. Waxaana lagu
soo dhaqamayey in kabadda 80 sano. Qoraaladii qexayay xuduudihii
ay dhigeen Italia/Britain waxaa laga daalacan karaa website,ka
Somalitalk.com oo soo urruuriyay dhamaanba xogtii looga baahnaa
badda Indian ocean Bahda somalitalk oo ay kujiraan aqoonyahanno
oo weliba la tashadeen aqoonyahanno kale xeel dheer
xeerarka ,shuruucda baddaha aduunka aad bay ugu mahadsanyihiin
sidda wanaagsan ee ay usoo uruuriyeey xogta badda Somalia oo aad
hadda kadaawan karto website,ka somalitalk.com
Aqoontii anqoonyahanka DKM kujiray lamood noqonseweydey
waraysigii ra,iisulwasara Somali BBC,8 april hadalkiisii waxaa
kamidd ahaa.Waa jirtaa anaga iyo Kenya inaan isku hayno Xuduudka
en biyaha hoose ee aanu en gudi usaari doono hadii illaahay
yiraahdo laguna kala bixi doono maxkamaddaha aduunka....Maadaama
xuduudaheeenu isa soogaaraana aanu u sheegno aduunku in waxa
naga dhaxeeya anaga an ku kala baxno si sharci ah. Su aashu
waxaytahay, goormuu muran xaga badda ah noo dhaxeeyey? goormay
jirtay inaan xuduudaha badda isku hayney? Su,alshaan ah muranka
badda inuu horey ujirey iyo inkale waxaan waydiiyay dad aad
ufarabadan oo Somali ah oo ay kujiraan dad aqoon dheer uleh
sharciga iyo cabbirka baddaha xiligii dawladdii kacaankana
joogay. Jawaabtii waxay kusoo uruurtay in aysan horey ujirin
murun xagga badda ah ee Somali/Kenya udhexeeya lana helikaro
booktii badda ee Somali iyo waliba wadamada kulaala Indian
ocean,ka. Waxayna kutilmaameen arin aan laga fiirsan dadka
saxiixayna aysan kahaysan xog kufillan daahana karogasa muran
baddeed aan horey ujirin,khatarna ku ah qeyb kamid ah
dhulbadeedka Somali.
Run ahaantii madaxda saxiiday ama
kadanbeysay saxiixa qoraalkan lagu qirray murran baddeed
udhexeeyay Somali/Kenya oo aan horey loo arkin loona maqlin kana
hor imaanaya shaciga qoran dhaxal galka ah ee badda somali.waxay
umuuqdaan dad aan ayagu iska warhaynin waxa ay saxiixayaana an
kahaysan xog ku filan, dad kudeg degay wax aysan sibuuxda
ufahansaneyn ama ogaal qasdi ah usameeyay haddii sikale loo
dhigo arintaan khatarta galisan badda Somali.waxaa xusid muddan
in dad mas uuliyad somaliyeey sheeganaya ay sabab unoqdeen in
badda Somali lagushubo harraaga suntan nucler. Tanse waa dhaxal
wareejin, sameyn map cusub waa halis horleh, iyo farsmo cusub.
Dawlada kumeelgaarka ee Somali adduunka kama haysato aqoonsi
kufilan kamana taliso hal Gobal oo qura oo dalka Somali kamid ah
hadda waxay isku dayeysaa in ay xukunkeeda wadda gaarsiiso
Gobalka Banaadir.Dhinaca amaanka DKMG aadbay uga liidataa oo
ciidamada AMISOM baa Mogadishu kajooga wax sugid amaan loo
dirsan karo la,isku haleynkaro inkastoo African,ku uu ku caan
baxay wax isdabamarin iyo falalguracan. Kenyana 18,sano ee tagey
Madaxda Dawladihii kumeelgaarka ahaa iyo qabqablayaalkii Somali
ee dalka hakaas dhigey Hotelada Kenya waxay ahaayeen meesh
kaliya ee ay gabaadka kadhigtaan (Beerta nabada iyo nasiinada) u
aheyd. kii waxsoo qariba ama hoobiye kaduldhoco, ama soo
dhawacma mesha kali ee ay kutashan karaan in ay kahelayaan HURDO
CAAFIMAAD. Marka malagayaabaa in DKM usameysay heshiiskaas arimo
laxiriira saxiibtino shaksiyaal DKM kujira iyo si ay ukasbato
tageero dhinacyobadan oo wakhtigaan DKM ay ubahantahay.
Ugu danbantii waxaanu umada somaliyeey ugu baaqanaa meelkasta
oo ay joogaanba in ay kahortagaan af iyo addinba kuna booriyaan
DKMG ah in ay kanoqoto heshiiskaas wax udhimaya xornimada Badda
Somali kana dhigaya meel lagu murran sanyahay oo cidna aan loo
aqoonsaneyn Kenyana ujeexaya wadda horleh sheegasha babba
Somali. waa layaab iyo waxlagu qoslo heshiiska idhola,aanta ah
dawlada Somalia lagashay Kenya. Ninbaa waxaa laga sheegam
maaniga waalan mise cirkasare ba laga heesayaa? War DKMG ee 4,ta
billod ee kaliya jirta bililiqo iyo minguurinta badda somali
uxoogbadanaa.
waxaa diyaariyay qoraalka
Adam C/salam
adamjirac@hotmail.com