SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BADDA SOOMAALIYA

Norway oo Sheegtay in DFKMG ka caawin doonto samaynta Khariidadda 200-mile oo ah Aagga Ganacsiga Badda, ayadoo la iska indhatirayo Xeer Soomaalida u qornaa 38-sano...

DFKMG oo laga doonayey difaaca qaranka ayaa ku doodeysa in badda Soomaaliyeed aysan lahayn khariidad cabbiran, taas oo lagu tilmaami karo "Shirqool Qaran.."

  • Tarjumadii iyo Faalladii SomaliTalk.com | June 11, 2010

Waxaa muhiim ah in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay si xeel dheer u dhuuxaan warkan: Norway waxay sheegtay in ay DFKMG ka caawinayso khariidad u samaynta 200-mayl badeed, waxaa muhiim ah in lagu baraarug sanaado in badda Soomaaliya ay hore noogu cabbirnayd baaxaddaas la xusay ee 200nmi. Waxaa meesha ku jira waa in loo ololaynayo in la sheciyeeyo in Soomaaliya aysan hore u lahayn bad cabiran, sidaas daraadeedna loo hor istaago xuquuqda ay Soomaalidu u leedahay in ay ka faa'iidaysan cabbirka cusub ee ah 350-mayl-badeed (648 km).....

Dawladda Federaalka Kumeelgaarka ayaa Norway waydiisatey in ay ka caawiso sidii dalka gaajadu aafaysay ee ku yaal Geeska Afrika ay Norway ugu samayso cabbirka 200 mayl badeed oo ah aagga gaarka ah ee ganacsiga (Exclusive Economic Zone EEZ) oo u dhiganta (380 kilometers) oo ah badda Soomaaliya, waxaa sidaas warka ku bilowday jariidadda Aftenposten ee ka soo baxda Norway, caddadkeedii June 11, 2010, ayada oo soo xiganaysay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Norway. (Ufiirso halkaas: lagama hadlin 350-mayl-badeed (648 km) ee waxaa laga hadlay 200-mayl-badeed).

Hawshaas khariidad cusub u samaynta badda Soomaaliya oo dhowaan bilaabanaysa, waxaa iska kaashanaya Wasaaradda Arrimaha Dibadda Norway iyo Qaybta Norway u qaabisan samayta Khariidadaha. Kharashka ku baxayana waxaa bixinaysa dawladda Norway, ayey qortay Jariidaddu.

Kulankii Khamiistii (June 10, 2010) ay kooxda xiriirka (Contact Group) ku yeesheen Xarunta Qarammada Midoobey (QM) ee New York ee looga hadlay arrimaha burcad badeeda xeebaha Soomaaliya, ayaa Norway waxay ku soo bandhigtay isku daygeeda, taas oo lagu ammaanay, ayey tiri jariidadda reer Norway oo warka ka soo tebinaysay QM.

Kulankaas Khamiistii looga hadlay arrimaha burcad badeeda Soomaaliya waxaa ka soo qayb galay 40 dal iyo ururo badeed. Waxaana warbixintu farta ku fiiqday in burcaddu ay dhaawac gaarsiiyeen hab socodka maraakiibta caalamiga ah.

Carl Peter Salicath oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Norway, isla markaasna hoggaaminayey waftiga Norway uga qayb galay shirka ayaa jariidadda Aftenposten waxa uu u sheegay in hawsha (u samaynta aagga ganacsiga ee Soomaaliya) aysan qaadan doonin waqti dheer. Waxaana jariidaddu intaas ku dartay "Soomaaliya malahan aagga Ganacsi badeed, taas oo keentay in la arkay in halkaasi ay hoy u noqotay dalalka hororka ah ee ka yimid Yurub iyo meelo kale. Taas oo keentay in kalluumaysatadii Soomaaliyeed oo dhibaatadu soo gaartey ay afduubaan doonyaha shisheeye ee kalluumaysanaya.

Aan hadalkaas ku celino: Jariidaddu waxay qortay oo ku qoran AF-NORWEGIAN  (Somalia har ikke hatt en økonomisk sone og dermed har farvannet vært sett på som et fristed for alle rovfiskenasjoner, fra Europa og andre steder) oo marka ENGLISH lagu tarjumo noqonaysa (Somalia has not had an economic zone waters and therefore have been seen as a haven for all predatory nations from Europe and elsewhere). Hadalkaas qaybtiisa ah in badda Soomaaliya aysan cabbirnayn waxa uu la mid yahay Khudbadii uu Shirkii Istanbul 22 May 2010 ka jeediyey Wasiirka Xannaanada Xoolaha dhirta iyo daaqa ee DFKMG Abuukar Cabdi Cusmaan oo uu yiri “Aagga Ganacsiga EEZ (ee badda Soomaaliya) looma cabirin si rasmi ah oo waafaqsan xeerka badaha Adduunka ee QM,” Isagoo si toos ah isaga indha tiray xeerka Xeerka 37aad oo ka soo baxay Mogadishu, 10kii September 1972. Hadalkaas wasiirka Xanaanadu jeediyey waxa uu u muuqdey ujeedadii lagala hayaa shirkii Istanbul si Xukuumadda Soomaalidu ay afkeeda uga tiraahdo "baddayadu cidna uma casbbirna", halkii ay ka difaaci lahayd.


Video Halkan ka Daawo

Arrinta la xiriirta Aagga Ganacsiga ee Badda Soomaaliya (EEZ) in muran la geliyey waxaa kuu cadaynaya Jawaabta Madaxweynaha DFKMG, Sheikh Shariif uu dhawaan siiyey Sarkaalka hoggaamiya hawlgalka ciidamada Atalanta (EUNAVFOR), Rear Admiral Peter Hudson.

Mr. Hudson oo 14 May 2010 isagoo shir jaraa'id ku qabaaney Xarunta QM la weydiiyey "waa maxay waxa iska bedelay xagga sharciga ah ee aagga EEZ ee Soomaaliya ee 200 mayl badeed", taas oo loo raaciyey su'aal ku saabsan maraakiibta ka kalluumaysta badda Soomaaliya iyo cidda hubisa laysanka ay ku kalluumaystaan, waxana uu ku jawaabay "Waxaa jira fikrado kala duwan oo ku saabsan xaaladda aagga ganacsiga EEZ ee badda Soomaaliya, waxaan taas ka ogaaday wada hadalkii anigu aan la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya oo lix ama  toddoba maalmood ka hor, taas oo ah arrin ay Dawladdiisu doonayso in ay cadayso si loo xaqiijiyo in uu jiro is faham." (Video).. Hadalkaas waxaa xigey in 22 May 2010 ay DFKMG shirka Istanbul ka cadaysay mowqifkeeda ayadoo sheegtay in badda Soomaaliya "aysan cabbir lahayd". Waana arrinta hadda keentay in Norway ay tiraahdo waxaan idiin samaynaynaa khariidad cusub ee Badda.

Jariidadda Norway oo soo xiganaysay Salicath oo kasocda Wasaaradda Arrimaha Dibadda Norway waxa ay qortay: Mashruucani (u samaynta aagga ganacsiga badda Soomaaliya) waxa uu mustqabalka ka dhigayaa Soomaaliya inay ayagu maamulaan baddooda, oo aaggaas muhiimka ah ay ka abuuraan dhaqaale. Arrintaas oo maamullada Soomaaliyeed ay uga furmayso fursado ay ku iibiyaan bixinta shatiyada xuquuqda kalluumaysiga. Ayagaana maamulaya khayraadkooda. Ayaga ayey u taal sidii ay u maamuli lahaayeen baddooda." Markale halkaas jariidaddu kuma xusin in Soomaaliya ay markii horeba xaq u lahayd baddeeda.

Waxaa muhiim ah in Norway iyo DFKMG ee Shariif Axmed la xasuusiyo in Dawladdii Soomaaliyeed si ay xaqiijiso ilaalinta xadka baddeeda ay soo saartay Sharci Lambarkiisu ahaa Xeerka 37aad oo ka soo baxay Mogadishu, 10kii September 1972: Sharcigaas oo loo yaqaan Xeerka Badaha iyo Dekedaha Soomaalida, sharcigaas oo ay u gudbisey Qarammada Midoobay. Qodobka 1aad ee xeerkaas waxa uu dhigayaa: Badda dhulka Soomaalida (Somali Territorial Sea) waxaa soo hoos gelaya qayb badda ah oo gaareysa 200 nautical miles oo ka mid ah xeebta Qalfoofka Qaaradda. Badda dhulka Soomaalida waxay hoos imanaysaa Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaliya ee xorta ah. Sidaas daraadeed burburkii ka hor, aagga ganaacsiga (EEZ) ee badda Soomaaliyeed waxa uu ahaa 200 mayl badeed... (EEG HALKAN) - waa marka aan la isla gaarin kordhintii UN u ogolaatay in aagga EEZ ay kordhistaan dalalka leh xeebaha oo ka dhigtaan 350nmi.

Xeerka badda iyo dekedaha Soomaaliya ee la qory 38 sano ka hor, waxaa nuqul kamid ah uu weli ku jiraa websiteka Qarammada Midoobey qaybtiisa SHARCIYADA CAALAMIGA AH (LEGISLATION AND TREATIES), linkigan: http://www.un.org/Depts/los/LEGISLATIONANDTREATIES/PDFFILES/SOM_1972_Law.pdf

  • FG: Qodobka koowaad ee xeerkaas waxa uu dhigayaa: The Somali territorial sea includes the portion of the sea to the extent of 200 nautical miles within the continental and insular coasts, delimited according to the provisions of articles 2 and 3 of this Law. Waxaa halkaas ku cad in 1972 ay Soomaaliya ay lahayd dhul-badeed cabbiran oo gaarayey 200-mayl badeed.


(Law No. 37 on the Territorial Sea and Ports, of 10 September 1972)

Xeerka Badaha Soomaaliya waxaa dheer (oo jariidaddu aysan xusin) in Soomaaliya ay leedahay xeer Kalluumaysiga oo lambarkiisu yahay Law N° 23 ee 30 November 1985: (Somali Fishery Law N° 23 of 30 November 1985) xeerkaas oo si qayaxan u qeexaya arrimaha la xiriira kalluumaysiga dhul badeedka Soomaaliyeed, sida shatiga, qaabka loo kalluumaysanayo oo nooca kalluunka ee la daban karo, waxyaabaha mamnuuca ah iyo ciqaabata la xiriira haddii la jebiyo xeerkaas.

Gabagabadii Jariidadda Norway waxay xustay in aagga ganacsiga ee 200-mayl badeed uu dalalka xeebaha leh xuquuq u siinayo lahaanshada khayraadka ku jira aaggaas (EEZ). Khaayraadkaas oo isugu jira badda iyo waxa ku jira ubucda badda hoosteeda, sida batroolka iyo gaaska. Laakiin waxaysan jariidadu xusin in aaggaas la kordhiyey oo laga dhigay 350 mayl badeed, taas oo ay tahay midda laga doonayey xukuumadda Soomaaliyeed in ay xaqiijiso oo difaacdo, ma ahayn in ay dib uga laabato oo baab'iso xeerkii Soomaalida u qornaa 38-sano ee la qoray 10kii September 1972, kaas oo qeexayey in Soomaalidu leedahay khariidad iyo cabbir caddaynayay 200-maly badeed. Haddana ay Soomaalidu doonayso in ay la jaanqaado xeerka cusub ee QM ee u ogolaanaya in cabbirkaas laga dhigo 350 maly badeed  oo u dhigma (648 km). Lama oga sababta arrintaas ka hortaagan DFKMG. Halkaas weeye meesha muwaadin Soomaaliyeed oo arrimahan la socdey uu ka yiri "Waxa Soomaaliya ka socda ee ay waddo DFKMG waa Shirqool Qaran, cidda ay doonto ha u kaashatee."


Dhul-badeedka Soomaaliyeed Wuu Leeyahay Soohdin Cabbiran
| Bashiir Shiikh Maxamed

DFKMG waxay ku fashilantay in ay Kenya u hirgeliso heshiis baylah iyo shaki gelinayey badda Soomaaliya. Heshiiskaas oo ay ka gilgisheen Shacabka Soomaaliya iyo Baarlamaanka DFKMG, ilaa markii dambe baarlamaanku u codeeyey in heshiiskaasi ahaa waxba kama jiraan, markii dambena UN ay aqbashay go'aanka baarlamaanka. Hadda DFKMG waxay u muuqataa in ay doonayso in ay soo laba kaclayso oo qorshe kale oo dadban ku baylahiso Dhul-badeedka Soomaaliyeed. Jawaabta laga bixinayo waa mid sugeysa shacabka Soomaaliyeed oo feejigan.

Si aad wax uga ogaatid markii ugu horeysey ee Norway tagtay badda Soomaaliya, akhri Halkan...

  • QM oo June 10, 2010 sharaxaad ka bixinaysa EEZ ee loo samaynayo Soomaaliya ka dhegeyso halkan (Video) sidoo kale QM oo looga dooday Burcadda ka daawo Halkan (Video).

"Are we not good enough?" (Somali Diaspora Questions UN's Move, from Twin Cities to West Bank)

Weli Ma Quusannin Waraabayaashii Baddu !! (Eng. Cibaar)

Dhul-badeedka Soomaaliyeed Wuu Leeyahay Soohdin Cabbiran

DFKMG oo Shirka Istanbul ka sheegtay in Badda Soomaaliya aysan hore u cabbirnayn

DFKMG iyo Norway haloo sheego "Somalia has well known economic zone waters".

Waakan xeerka Badda Soomaaliya ku bilaabayana sida hoos ku qoran:
http://www.un.org/Depts/los/LEGISLATIONANDTREATIES/PDFFILES/SOM_1972_Law.pdf

Article 1
The territorial sea

1. The Somali territorial sea includes the portion of the sea to the extent of 200 nautical miles within the continental and insular coasts, delimited according to the provisions of articles 2 and 3 of this Law.

2. The Somali Territorial Sea is under the sovereignty of the Somali Democratic Republic. Offences committed within the limits of the territorial sea on board a vessel relating to penal health and public security shall be governed by Somali law.
READ MORE

Faafin: SomaliTalk.com | June 11, 2010

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: