Warqaddii Cali Mahdi Ku Ogolaaday in Sunta Halista ah Lagu Duugo Soomaaliya..

- "Qiimaha Qofka Bini'aadamka ah waxa uu la mid yahay eber, waxa keliya ee ay
qiimeeyaan waa lacag iyo weliba lacag siyaado ah, ma jiro wax ay kala jecel yihiin"
Sidaas waxaa yiri nin lagu magaacaabo Giampiero Sebri oo ahaa kuwii Sunta
Halista ah
keeni-jirey Soomaaliya... Waxana uu intaas ku daray "Halkaas uma tegin in aan
jokolaato iyo nacnac u qaybiyo carruurta, waxaan halkaas u tagey in aan
geeyo Haraadiga Sunta halista ah iyo Sunta nooca loo yaqaan Radioactive...."
QAYBTA 1aad:
Tarjumadii: SomaliTalk.com | Janaayo 2009 | Qaybta:
1aad | 2aad |
3aad | 4aad |
5aad
- Hordhac: Cali Mahdi Maxamed oo ka mid ahaa madaxweynayaashii soo
maray magaalada Muqdisho kaddib burburkii Soomaaliya ee 1991, ayaa
warbaahinta iyo shacabka Soomaaliyeed waxa uu u diidey in uu wax uga sheego
waxa uu ka ogyahay sunta lagu duugey Soomaaliya xilligii uu madaxweynaha ka
ahaa Muqdisho. Haddaba waxaa hadda soo shaac baxay qoraal rasmi ah (WAREEGTO
/ digreeto)
uu Cali Mahdi ku saxiixan yahay, taas oo uu ku ogolaaday in Haraadiga Sunta
Halista ah lagu aaso Soomaaliya... Sida la ogyahayna Sunta lagu duugey
Soomaaliya intii u dhaxaaysay 1992 ilaa 1998 waxay sababtay dhibaatooyin
caafimaad darro oo soo wajahay mujtamaca Soomaaliyeed iyo xoolahoodaba....
Haddaba warqadda uu sida muuqata ugu saxiixan yahay Cali Mahdi Maxamed waxaa
soo bandhigay barnaamij laga soo daayey Telefishanka Aljazeera oo loogu
magac daray "Runta Sumaysan". Barnaamijkaas oo ay SomaliTalk.com soo
dhegeysatay tarjumadiisii waatan:
- FG: Warbixintu waxay marka hore si qoto dheer uga hadlaysaa Laba
Weriye oo Talyaani ah oo lagu diley Soomaaliya, iyaga oo daba joogey arrimaha
Sunta Lagu Duugey Soomaaliya...
Ilaria Alpi oo ahayd weriye u dhalatay dalka Talyaaniga iyo sawir-qaadaheedii
Miran Hrovatin ayaa ka soo degey magaalada Boosaaso
ee Gobolka Bari bishii Maarso 1994. Waxayna uga sii gudbeen Muqdisho halkaas oo
labadoodiiba lagu diley (Maarso 20, 1994). Alpi oo
32-jir ahayd, si wanaagsanna u taqaaney luqadda Carabiga, waxay u shaqayneysey
Telefishanka RAI ee dawladda Talyaaniga. Markii la dilay waxaa la sheegay in ay
daba joogtey sidii ay wax uga ogaan lahayd arrimo la xiriirta Haraadiga Sunta Halista ah
ee sida Sharci darrada ah loogu duugo Soomaaliya iyo sida Soomaaliya loo soo
geliyo hubka sharci darrada ah.

Gaarigii lagu diley Weriyaasha, Muqdisho 1994
Haddaba, Janaayo 17, 2009 ayaa Telefishanka Aljazeera, Qaybtiisa Afka Ingriiska,
waxa uu baahiyey barnaamij qoto dheer oo uu kaga warbixinayey dilkii weriyaashaas
oo daba joogey, baaritaanna ku samaaynayey mashruuca gargaarka Talyaaniga oo loo
adeegsanayey soo gelinta hubka sharci darrada ah iyo Sunta halista ah oo lagu
duugo Soomaaliya. Waxana TV-gu tilmaamay in ay jireen dad doonayey in aan
warbixintaas la ogaan, waana
la diley labadii weriye.

Alpi oo joogta Soomaaliya oo ku hagoogan Garba-saar...
Maxkamad ku taal dalka Talyaaniga ayaa nin Soomaali ah waxay ku xukuntay dilkii
labadaas weriye, laakiin taasi kuma dhammaan sheekadii, sababtoo ah dhowaan ayaa
Qareen Guud waxa uu xeeriyey in dacwaddaasi ay ahaato mid baaritaankeedu sii socdo, ilaa inta gacanta lagu soo dhigayo dadkii ka dambeeyey bixinta amarka
lagu diley weriyaasha (sida aad hoos ku arki doontid faahfaahinta Qareenka Guud).
Sawirka hoose (dhexda) waa Xaashi Cumar Xasan oo ah 38-jir Soomaaliyeed oo
Maxkamad Talyaani ah ay ku ridey xukun xarig ah oo la xiriira dilkii weriyahii
Talyaaniga ahayd iyo sawir-qaadaheedii lagu diley Muqdisho Soomaaliya sannadkii
1994. Waana qofka keliya oo ilaa hadda lagu ridey xukunka dembigaas iyadoo ay
jirtey in gaariga sidey dadka dilka geystey ay saarnaayeen dhawr rag ah. Xaashi
waxa uu hadda ku jiraa xabsi Talyaani ah si u dhamaysto 26 sano oo xabsi ah.
Waxayna Aljazeera sheegtay in ay isku dayday in waraysi ay la yeeshaan Xaashi,
laakiin waxaa arrintaas u diidey saraakiisha xabsiga Talyaaniga, iyadoo la sheegay in uu yahay maxbuus si aad ah loo ilaaliyo. (Eeg
warqaddii Xabsiga ee loo diray Aljazeera).

Xaashi Cumar Xasan (dhexda) oo la fadhiya qareenkiisa (bidix)
Qareenka Xaashi Cumar Xasan oo la waraystay ayaa
sheegay "Fikirka in la dilo labada weriye waxaa asalkeedu ka yimid Talyaaniga
ee kama iman Soomaaliya. Soomaaliya waxa keliya oo ay fuliyeen arrinta."

Warqaddii Qareenka diidey in la xiro kiiska dacwadda dilka weriyaasha.
Maarso 1994 Soomaaliya waxay ku dhexjirtey dagaal ahli ah. Xukunkii
Siyaad Barre waa dhacay. Laba jabhadood oo hubaysan ayaa u kala talinayey
Muqdisho. Waxaana magaalada u kala qaybsanayd laba qaybood oo uu kala qaybinayey
waxa loogu
yeeri-jirey "Khadkii Cagaarnaa" oo ay ilaalin jireen ciidamo Qaramada Midoobey
ah. Weriyaha Telefishanka dawladda Talyaaniga Ilaria Alpi iyo sawir-qaadaheedii Miran Hrovatin
waxay ku dhex jireen safarkoodii Soomaaliya.
Alpi hooyadeed waxay sheegtay "in asal ahaantii (Alpi iyo Miran) ay
Soomaaliya u tageen in ay war ka soo qoraan
ka bixitaanka ciidamada Talyaaniga, waxaana jira sida aan ka ogaadey qoraalkeedii
in sidoo kale ay doonayeen in ay dhamaystiraan baaritaan socdey" ayey tiri
mar uu TV-ga Aljazeera waraysi la yeeshay labada waalid ee weriyaha
la diley (Alpi), iyaga oo sheegay ilaa hadda in aysan garanayn sababtii loo diley
gabadhoodii.

Maleysiyo Soomaaliyeed oo hubaysan oo dhex maraya dariiqyada
Muqdisho... 1994

Taaladii Seyid Maxamed Cabdulle Xasan ee Muqdisho oo TV-gu muujiyey
Sida aan kor kusoo xusnay, Qareer Guud ee loo xilsaaray baaritaanka iyo dacwadda
weriyaasha la diley ayaa bishii July (2008) waxa uu diidey in uu xiro
dacwadda dilkii labada weriye, isagoo sheegay in kiiskaasi sii furnaan doono, isagoo
arrintaas sabab uga dhigay in dadkii bixiyey amarka dilka aan weli gacanta lagu
soo dhigin.
Waxana qormadii Qareenka Guud ka mid ahaa: "Arrintani (sidii dilku u dhacay) marka
dib loo raaco waxa ugu macquulsan ee ka soo baxaya waa in uu ahaa Dil-Qorshaysan oo ahaa khaarijin si looga hor tago akhbaarta ay soo ururiyeen
weriyaashu oo la xiriirta hubka iyo Qashinka Sunta Halista ah ee loo kala qaadayo inta
u dhaxaysa Talyaaniga iyo Soomaaliya, arrintaas oo ay weriyaashu doonayeen in ay usoo bandhigaan
indhaha bulshada." - Intii aysan soo bandhigin (warbixintii ay daba joogeen) ayaana la diley si loo
aamusiyo.

Warqadda qareenku ku diidey in la xiro dacwadda dilkii
weriyaasha oo uu akhrinayo qareenka qoyska Alpi.
Telefishanku waxa uu muujiyey sawiro Hotel Saxafi ee Muqdisho iyo xaafado ku
yaal magaalada. Kaddib waxa uu muujiyey buug ay ku
qoran yihiin magacyada labada weriye - Tirada ama Lambarka buugga ay kaga qoran yihiin waa 202 iyo
203, sida ka muuqata sawirka hoose, waxaana buugga ku qoran in ay halkaas
magacooda ku qoreen 12/3/1994.

Diiwaanka ay ku qoran yihiin weriyaasha la diley.. 202 Ilaria Alpi iyo 203
Miran Hrovatin
"Waxaan xasuustaa in markii saacaddu ahayd 12:30 xilliga Talyaaniga, in ay isoo
wacday (Alpi) oo ii sheegtay in ay gaartey Muqdisho. Markaas waxaan dareemay
nafis/naruuro waayo waxay ugu yaraan la joogtaa weriyaal kale. Umana aysan muuqan mid
walwalsan.," ayey tiri Alpi hooyadeed. Laba saacadood kaddib ayaa telefoonkii
markale soo dhacay. "Markay ahayd 2:30 xilliga Talyaaniga ayaan telefoon waxaan
ka helay Telefishan oo ii sheegay inay dhimatay (gabadhaydii)," ayey tiri hooyadeed.

Alpi hooyadeed iyo aabaheed oo jooga Talyaaniga oo Aljazeera
waraysaneyso 2009
Markii ay waalidkeed wacday waxay Alpi iyo sawir-qaadaheedii ay ka tageen Hotel
Saxafi iyagoo la socdey waardiyahoodii Maxamed Nuur Aden iyo Dareewalkoodii
Cali
Maxamed Cabdi, waxayna ka gudbeen Khadkii Cagaarnaa iyagoo a gudbey dhanka Waqooyi ee
Magaalada Muqdisho ilaa ay gaareen Amaana Hotel.
Markii ay ka soo laabteen oo soo dhaqaaqeen waxaa soo daba galay gaari ah nooca Pick-up oo ay
saaran yihiin 7 rag ah. Maxamed Nuur Aden (Waardiyaha) oo xilligaas (markii
dilku dhacay kaddib)
warbaahinta la hadlayey ayaa yiri: "Qorigii ayaa iga istaagey (ama xabbad
ku mergadey), fursaddaas xabbadu iga
istaagtey ayey ka faa'iidaysteen, qorigu markii xabbadu isku xirtay ayey
iyagu markaas xabbado bilaabeen, baabuur dhicid ayeyna u socdeen, dareewalka
ayey rabeen in ay dilaan, markaas ayey dileen gaalada," ayuu yiri.

Dareewalkii (midig) iyo waardiyihii (sawirka dhow) oo dhiig wajiga kaga yaal..
Waxaa siyaabo kala duwan loo sheegay sababta ay Alpi u aadey Waqooyiga
Magaalada Muqdisho. Qareenka Qayska Alpi oo magaciisu yahay Domenico
D'amati ayaa rumaysan in dabin loo dhigay oo si xeeladaysan loogu yeeray in ay
tagto (Woqooyiga Magaalada).
Isagoo arrintaas ka hadlayey D'amati waxa uu yiri: "Waxaan ognahay in
Booliska Soomaaliya ay sameeyeen baaritaan oo ay ku
muujiyeen in Ilaria Alpi telefoon loo soo diray si dabin ahaana loogu yeeray oo
markaas la diley."
Telefishanku waxa uu sheegay arrinta sida xaqiiqada ah loo hubo waa in wax yar
kaddib markii Ilaria Alpi iyo Miran Hrovatin (ay tageen Waqooyiga Muqdisho) labada la diley,
waxaana mid
kasta hal xabbad lagaga dhuftay dhanka dambe ee madaxa (jeegada), islamarkaasna
waardiyahii iyo dareewalkiina waxaa looga tegey nolol.
Qareenka qoyska Alpi waxa uu yiri "Waxaa la sheegay in kuwii dilka geystey
ay weerarka soo qaadeen
kaddib markii waardiyihii Alpi uu xabbad ku ridey, laakiin waxaa dhacday in kuwa
weerarka soo qaaday aysan wax xabbad ah ku ridin waardiyaha taas oo ah arrin la
fili karey in ay xabadeeyaan (qofkii xabbada kusoo riday), laakiin waxay xabbada ka rideen gudaha gaariga iyagoo dilay Alpi iyo
sawir-qaadaha."
Waxa kale oo TV-gu sheegay in saacadihii ku xigey dhimashadii Alpi iyo sawir-qaadaha in meel ay ka bexeen la waayey qaar kamid ah buugaagtii ay wax ku
qoran jirtey Alpi. Waxa kale oo la waayey sawiradii meydadka iyo filimo qaar
kamid ah kuwii ay duubeen intii ay Soomaaliya joogeen.
Dhawr qof oo xiriir lalahaa kiiska ayaa ku
dhintan siyaabo aan la aqoon. Hal qof oo joob jooge ahaa, oo fure u ahaa kiiska,
waa la diley.
Dareewalkii Alpi oo magaciisu yahay Cali Maxamed Cabdi, oo ku markhaanti furay Xaashi
Cumar Xasan markii la soo taagey maxkamadda Talyaaniga, waxaa (dareewalkii) la diley dhawr
maalmood kaddib markii uu ka
soo laabtay Talyaaniga oo ku soo noqday Soomaaliya.

Bidix: Cali Maxamed Cabdi, dareewalkii oo la taagan waardiyihii
Dhimashadii labada weriye kaddib, waxaa la helay xog iyo akhbaar muujineysa in ay
weriyaashu ku guda jireen baaritaanno.
"1400
billion liire: Xaggee ku dambeysey Lacagtan Xad Dhaafka ah" ayaa ka mid
ahaa qoraal ku qornaa buug ay wadatey Alpi, buugaas oo ka badbaadey qoraaladii
la waayey kaddib markii la diley weriyaasha - (eeg sawirka hoose oo ah qoraalkii Alpi oo ku qoran
Talyaani).
"1400 miliardi di lire: dove è finita questa impressionante mole di denaro?"
"1400 billion liire: Xaggee ku dambeysey Lacagtan Xad Dhaafka ah"

Qormadii Alpi oo muujibeysa in ay daba joogtey meesha martay lacag dhan 1400
Billion oo liire.
Qoraalkaasi waxa uu muujinayaa in weriyuhu ay daba joogtey sida khaldan oo loo
adeegsadey mashruuca deeqda Talyaaniga ee horumarinta Soomaaliya, ayuu yiri TV-ga.
Waraysigii ugu dambeeyey ee Alpi ay qaado waxa uu ahaa waraysi ay Boosaaso kula
yeelatay Muuse Boqor (King Kong). Waraysigaas oo
ku saabsanaa Afduub ay Burcad Badeed Soomaaliyeed u geysteen Markab Kalluumaysi
oo ay ku deeqday dawladda Talyaanigu.

Alpi oo waraysaneysay Muusa Boqor.. Boosaaso, 1994
Alpi waxay Muusa Boqor weydiisey su'aal la xiriirta maraakiibtii Qaranka oo uu
qaatay ninka lagu magacaabo Muunye, iyadoo tiri "Waxaa jira hadallo ku
saabsan fadeexad, oo ku saabsan mulkiile Soomaali ah oo haysta Baasaboor
Talyaani ah, oo lagu magacaabo Munye, kaas oo qaatay maraakiib uu lahaa qaranku,
waxana uu maraakiibtaas u adeegsadey si gaar ah sidii in uu isagu leeyahay."
Muuse Boqor isagoo qoslaaya waxa uu ku jawaabey "Isaga, isaga oo keliya".
Waxay
markaas Alpi weydiisey, haddaba "hadda xaggee jiraan markabkaasi, ma la arki karaa?"
Waxana uu ugu jawaabey "Maxaad ula jeedaa ma la arki karaa?, sababtee ayaad u
dooneysaa in aad aragtid?" Waxana uu intaas Mussa Boqor raaciyey "Ma waxaad
tahay 'SISDE'? (oo ah xarfo loo soo gaabiyo Sirdoonka Talyaaniga). Waxana
uuna uu intaas raaciye "Sababtee ayaad u dooneysaa in aad u
aragtid (maraakiibta). Qaado akhbaarta intaasna ku joog." Waxay markaas Alpi tiri "Haddii
aanan arkin ma rumaysan karo." Waxa uu markaas Muusa Boqor yiri "Haddii aadan
arkin ma rumaysan kartid miyaa?" isagoo qoslaya, waxana uu intaas raaciyey "Haddaba
adeegso dayax-gacmeed (satellite)".

(Dhexda) Muusa Boqor oo uu waraysi ka qaadayo weriye Maurizio
Torrealta (bidix)...
Maurizio Torrealta oo ah weriye Talyaani ah, oo la shaqayn jirey Alpi, oo faallo ka bixinayey waraysigii
ay Alpi la yeelatay Muusa Boqor ayaa yiri: "Waa in waraysigaas markasta
la tuso ardayda dhiganeysa maadooyinka saxaafadda, waayo waa wixii ugu dambeeyey
oo laga hayo hawshii ay wadey Alpi, wax kasta waxay isugu soo biyo shubanayaan
waraysigaas."
Maurizio Torrealta oo sii ambaqaadayey hawshii ay wadey Alpi ayaa waraysi la yeeshay Muusa Boqor.
Weriyahaas ayaa yiri "Waxaan waraysi la yeesha qofkii ay waraysiga
la yeelatay Alpi, magaciisu waa Muusa Boqor, waxana uu xaqiijiyey in
Maraakiibtaas lagu aqoon jirey in ay si qarsoodi ah u soo qaadaan hub.
Maraakiibtaas waxaa Soomaalida ugu deeqay Talyaaniga, mashruuca horumarinta."
Weriyahaasi waxa uu dabagal ku sameeyey maraakiibta shirkadda lagu magacaabo
SHIFCO, markaaiibtaas
oo ah kuwii Talyaanigu ugu deeqay Soomaaliya, waxaana maraakiibtaas loo
adeegsadey qaadista hub sharci darro ah sida ay muujiyeen qoraallo iyo saxiixyo
ay soo bandhigeen baaritaankii Qaraamada Midoobey ee
Maarso 25,
2003. Warbixintu waxay sheegtay in Janaayo 1992 in Maraakiibta SHIFCO loo
adeegsadey qaadista hub sharci darro ah (oo la geeyey Soomaaliya iyo meelo kale).
Waxaana warbixintu muujisay hub laga soo iibiyey
dalka Poland iyadoo loo muujiyey in hubka loo wadey Latvia, kaddibna loo
leexiyey Yemen, ugu dambayntiina la geeyey Soomaaliya.
  
Waraaqihii ay soo bandhigtay Qaramada Midoobey
2003 in Soomaaliya hub la geeyo
Maraakiibtaasi inay hub qaadi jirtey waxaa sii xaqiijiyey nin Soomaali ah oo
waraysi lala yeeshay kana mid ahaa shaqaalihii markabka "21-ka Octobar" (ee
SHIFCO), ninkaas oo magaciisa la yiraahdo Maxamed Samatar oo lagu naanayso "FORCHETTO",
waxana uu yiri: "Waxaan u malaynayaa in aan wadney hub, sababtoo ah konteeranka
waxaa ku qornaa in uu halis yahay oo wax qarxa yahay oo aan la taaban karin."
(Markabka "21 Octobar" waxa uu July 2007 kusoo caariyey xeebta Garacad, sida aad
ku arki doontid
waraysiga ku Lifaaqan dhanka hoose).

Maxamed Samatar "Forchetto" oo shaqaale ka ahaa
markabka "21 October"
Franco Oliva oo ah lataliye xagga dhaqaalaha ayaa dawladda Talyaanigu
waxay u dirtay Muqdisho kaddib markii dagaalka ahligu ka qarxay Soomaaliya si uu
korka uga ilaaliyo qaabka ay ku baxaan mucaawinada ay dawladda Talyaanigu siiso
Soomaaliya. Ninkaasi markii uu Soomaaliya tegey waxa uu diyaariyey warbixin uu
ku dalbanayo in la joojiyo Mucaawinada ay Dawladda Talyaanigu siiso Soomaaliya, (sida
khaldan oo loo adeegsadey awgeed) iyo isagoo shaki weyn ka muujiyey qaabka ay u hawl galaan
mashaariicdaasi oo uu uga shakiyey in ay Qashinka Sunta Halista ah ku duugaan
Soomaaliya.
Arrintaasi uu ka hadlay Oliva waxay ka xanaajisay dad (aan doonayn in laga hadlo
sida xaaladdu ahayd), waxayna dhaxalsiisay in xabbad laga
qabadsiiyo lugta midig. Markaas ayuu naftiisa isagoo la cararaya waxa uu ku
laabtay Talyaaniga. Arrintaasi waxay dhacday shan (5) bilood ka hor dilkii Alpi
iyo Miran.
Franco Oliva oo waraysi siiyey TV-ga Aljazeera ayaa yiri "Sanadihii 1980-naadkii
waxaa cajaa'ib ahayd in ay aad u fududay in ganacsade Talyaani ah uu Goobo ka
furto Soomaaliya, gaar ahaan aagga Koonfur kaga aaddan Muqdisho. Xitaa xilligaas in badan oo
Soomaali ah waxay sheegi jireen in goobahaas lagu aaso Qashinka iyo Haraadiga Sunta
Halista
ah ee ka imaneysey Talyaaniga."

Franco Oliva, oo ahaa lataliye Talyaanigu usoo diray
Soomaaliya...
Warbixinta Telefishanku waxay sheegtay in Mashaariicda Horumarinta ee ay
maalgeliso Dawladda Talyaanigu in lagu eedeeyey in lagu hoos qarinayey sidii
fuustooyin ay ku jiran Sunta Halista ah loogu aasi lahaa Xeebta iyo berriga/dhulka Soomaaliya.
Waxaa warbixintu tibaaxday in habka Sunta Halista ah loogu duugo Soomaaliya ay ka mid ahayd
in dhulka hoostiisa la geliyo marka la qodayo ceelasha, dhismayaasha wadooyinka
iyo goobaha beeraha. (Taas oo macneheedu yahay in: Meeshii ceelasha biyaha laga
qodi lahaa in lagu duugo Sun Halis ah. Halkii waddo laga dhisi lahaa in lagu
aaso Haraadiga Sunta. Meeshii beeraha lagu beeri lahaa khudaar in ciidda
hoosteeda la geliyo Qashinta Sunta Haraadiga ah).
Franco Oliva waxa uu sheegay in ay jireen mashaariic shaki ku jiro, "gaar ahaan
mashaariicda beeraha, kuwaas oo ciidda dhulka laga qodayo ay aad u badnayd
marka loo barbardhigo ujeedada mashruuca." Waxana uu muujiyey in la qoday godad
lagu aasay sunta halista ah ee lasoo daabulay.
Hadalka Franco Oliva waxaa sii xaqiijiyey Baaritaan uu Sameeyey Baarlamaanka
Dalka Talyaaniga, baaritaankaas oo la xiriiray Haraadiga Sunta Halista ah oo sida sharci darrada
ah loogu duugo Dhulka
Soomaalida.
Waxana uu Telefishanku muujiyey sawirro laga soo qaaday haamo sun ah oo yaalla
ama laga soo sawiray xeebaha dalka Soomaaliya, iyo dad Soomaaliyeed oo ku
lugaynaya dhul qurux badan oo aysan aqoon waxa lagu hoos duugey.

Soomaaliya: Soomaali ku dul soconeysa dhul aysan ogeyn waxa
lagu duugey...

Sawiro muujinaya haamo sun ah oo yaalla dhulka Soomaalida
Qaybta labaad ee warbixinta waxaan ku eegeynaa sida
muuqata ee Sunta Halista ah loogu duugey Soomaaliya iyo Nin ka mid ah dadka
Sunta keeni jirey Soomaaliya si bareer ah u sharxaya sida ay sunt au soo gelin
jireen dhulka Soomaalida. AKHRI HALKAN....
- FG: Qaybta u dambaysa qormadan waxaad ku arki doontaa Lifaaq ku
saabsan Markabkii "21 Octobar" oo ku Caariyey Xeebta Garacad.
AKHRI: QAYBTA XIGTA (2aad)
Qaybaha kale ee Qormadan: 1aad |
2aad | 3aad | 4aad
| 5aad
Faafin: SomaliTalk.com | Jan 21, 2009
|