w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK: DIFAACA BADDA SOOMAALIYEED

  • Barnaamijkii ay BBC Somali ka diyaarisay Heshiiska Xuduudaha Badda ee dhexmaray Kenya yo Somaliya Dhegeyso ama soo rogo

Dawladda Soomaaliya oo saxiixdey heshiis Kenya muddo raadineysey

Wednesday, April 8th, 2009 at 12:04 am
Hussein Farah
Horseed Media
Source: KBC

Waxaa caawa (April 7, 2009) ka dhacay Caasimadda dalka Kenya ee Nairobi heshiis lagu magacaabey is fahan dhanka xuduudaha badda Soomaaliya iyo Kenya ah.

Heshiiskan ayaa waxaa saxiixay Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Cabdishakuur & wasiirka Arimaha Dibadda ee Kenya Moses Wetang’ula.

Heshiiskan ayaa ka dhacay Xarunta Wasaardda Arimaha Dibadda ee Kenya, waxaa goobjoog  ahaa heshiiskan:

Amb. Longve Hans Wilhelm, la taliyaha khaaska ah  ee Wasaarada Arrimaha Dibada ee Norway, iyo weliba Ms.Rina Kristmoen  oo ka socotey Safaaradda  Norway ee  Nairobi.

Heshiiskan waxa uu muhimad gaar ah u lee yahay dalka Kenya, sababta oo ah waxaa ku cad in Badda Soomaaliya iyo Kenya aysanba xadeysneyn, sidaas darteedna ay tahay goob muran ku jiro, taas oo Kenya u sahleysa in ay hesho Ceelka ay saliida ka sahansatey dhulbadeedka ku aadan Xeebta Jubada Hoose ee Soomaaliya.

Ma jirin cid khuburo sharciga badaha ah oo Soomaaliya ka socotey oo madasha ku sugneyd, Meesha heshiiskan muhiimka ah ka dhacayna  waa xarunta Wasaaradii arrimaha dibadda ee Kenya!

Wasiirka Qorsheyntu Cabdiraxmaan Cabdishakuur, waxa uu sheegay in Madaxweyne Shiikh Shariif & Raysalwasaare Sharmarke ay la og yihiin heshiiskan.


Xogtaa ay Somalitalk.Com ka soo saartey ka hor heshiiska

Websiteka Somalitalk.Com ayaa asbuucan horaantyiisi soo bandhigay xog rasmi ah oo la doonayo in Badda Soomaaliya la qaybsado, arintan ayey qaylodhaan xoogleh ka soosaareen.

Qaramada Midoobay ayaa u qabatay illaa iyo 13ka bisha soo socota ee May 2009 in wadamada caalamka ay kusoo gudbiyaan xaduudahooda bada, ayadoo wadan walba uu si gaar ah ugu gudbinayo hay’ ada qaabilsan arrimahan.

Waxaa hubaal ah heshiiskan lagu saxiixay caawa magaalada Nairobi in shaki weyn ku jiro isla markaana uu dalka Soomaaliya ku dhumin karo dhul badeed baaxadleh iyo waliba waxa ku hoos jira oo hada Dowlada Kenya u heshay qiil ay ku sheegato.

Halkan ka dhegayso Waraysiga Wasiirka & Khuburo ka hadlaaya arintan :

Dhegeyso ama soo rogo
Hadal Cajiib ah!

Shakiga ugu weyn ee heshiiskan iyo cabsida dadka khubarada ah ayaa rumowday kadib markii uu Wasiirka Soomaaliyeed ee heshiiskan saxiixay Cabdiraxmaan Cabdishakuur uu caawa BBC-da u sheegay in Bada u dhaxeysa Somaliya iyo Kenya aysan ahayn mid xadeysan oo horey loo cabiray.

Warkaasi Wasiirka ayaa ah mid aan wax ka jirin, maadaama Bada Soomaaliya iyo xadkeeda uu horey u sharciyeysnaa isla markaana u cabirnaa, arrintan ayaa muujineysa wel welka iyo mucjisada ah aqoon yarida Wasiirka ee dhinaca xuduudaha.

Wasiirku ayaa asagu ku adkeystay in Xadka Soomaaliya uusan waxna iska bedali doonin, balse labada dal ku heshiiyeen in ay sidaa wax ugu gudbistaan xuduudahooda Qaramada Midoobay kahor 13ka bisha May.

Hadaba sidee Wasiirka ku ogaaday in Xaduudaha Bada aysan isbedali doonin haduuba sheegay in Xadka Soomaaliya ee Bada uusan ahayn mid cabiran???

Illeen haduu sheegay in xadka bada uusan cabirneyn micnaheedu waa shaki baa ku jira oo mustaqbalka waa uu is bedali karaa. Waana qodobkan midka ugu muhiimsan oo ay Kenya ka heshay saxiixan, waa hadii sheekadu u dhacday sida uu Wasiirka u hadlay si lamid ah.

Wasiirka ayaa sheegay in khubaro Somali iyo Ajaanib ah ay dowlada kala taliyeen arrintan, asagoo sheegay in khubaradaasi ay sadex maalmood joogeen magaalada Muqdisho, walow uusan magacaabin khubaradaasi la taliyey Dowlada Soomaaliya.

Hadalka ah Xaduudaha bada ee Somaliya iyo Kenya ma qeexna ama lama xakameyn ayaa ah hadal horey uga soo yeeray dowlada Kenya oo hada u malabsaneysa qeybo kamid ah Bada koonfureed ee Soomaaliya halkaasi oo ku beegan magaalada Kismaayo, kana mid ah meelaha lagu sheego inuu ku jiro batrool iyo Gaas.

Waxaana la yaab noqotay in Wasiir Soomaaliyeed uu ku hadlo hadalkii Kenya isla markaana shaki geliyo xuduudaha Soomaaliya oo horey loo cabiray heshiisyadii hore ee caalamiga ahaa illaa xiliyadii ay wadanka maamulayeen Gumeystayaashii Talyaaniga iyo Ingiriiska.

Xuduuda bada Soomaaliya ayaa ah mid calaamadeedu raaceyso halka uu ku egyahay xadka Soomaaliya, balse Kenya ayaa ayadu horey ugu gudbisay Qaramada Midoobay in xadkeedu uu dhexmaro qaar kamid ah Shanta Jasiiradood ee koonfurta Soomaaliya kuna beegan magaalada Kismaayo. Cabirkaasi oo ah mid ay Kenya sameysay kadib burburkii Soomaaliya.

Wasiirka Soomaaliya Cabdiraxmaan Cabdishakuur masoo hadal qaadin Cabirka Khaldan ee Kenya sameysay una gudbisay Qaramada Midoobay, saxiixa uu maanta saxiixayna waxay tusaale u noqon kartaa in Dowlada Soomaaliya aysan waxna ka qabin qorshaha Kenya ay u gudbisay Qaramada Midoobay, taasi oo loo adeegsan karo Dowlada Soomaaliya hadii ay murran mustaqbalka ka keento cabirka ay Kenya gudbineyso.

Qorshaha Kenya ayaa ah mid ay kula wareegayso hadii ay u hirgasho dhul cabirkiisu yahay 38,000km2 oo dhul badeed ah.

Wasiirka Soomaaliyeed ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur ma soo hadal qaadin qorshaha Kenya ay horey ugu gudbisay, oo ah mid horey loo shaaciyey isla markaana ku jira dhamaan shabkadaha xogta ee Qaramada Midoobay.

Arrintan waa mid u baahan in dowlada Soomaaliya ay dib isugu noqoto, ayna si fiican uga baaraan degto waxa ay saxiixeen, isla markaana soo bandhigaan Qoraalka rasmiga ah ee heshiiska Kenya lala saxiixdeen, taasina waxaa kasii muhiimsan sidii Wasiirada aan cilmiga u lahayn taariikhda xaduudaha Soomaaliya iyo shuruucda caalamiga ah aan lagu siideyn go’ aanada noocaan  oo kale ah.

Isha/Xigasho: Horseed Media


Source: Horseedmedia | Google images

som::DFKMG oo Kenya u saxiixday Heshiis ku saabsan Xadaynta Badda
::Kenya and Somalia sign Maritime boundary agreement

- Nairobi, April 7


Faafin: SomaliTalk.com | April 7, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: webmaster@somalitalk.com

 
 

Copyright © SomaliTalk.com | 1999 - 2009