SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIFAACA BADDA SOOMAALIYEED

Xildhibaan Xildhibaan Tarsan iyo Afhayeenka Ahlu suna wal jameeca ee Yurub oo difaacay Badda Soomaaliya

Xildhibaan Maxamuud Axmed Nuur Tarsan  ayaa ku eedeeyay DF in ay iska indha tireyso la tashi ay kala sameyso dadka aqoonta buuxda u leh arrimaha Badaha heshiiskii ay la gashay dowladda Kenya iyo Yurub Maxamed Xuseen Owliyo ayaa ugu baaqay baarlamanka Soomaliya iney waddaniyad muujiyaan marka ay ka doodayaan mooshin ku saabsan heshiiska xuduud badeedka ah ee dowladaha Soomaliya iyo Kenya

Xildhibaan ka tirsaan baarlamanka Soomaliya ayaa ku eedeeyay DF in ay iska indha tireyso la tashi ay kala sameyso dadka aqoonta buuxda u leh arrimaha Badaha heshiiskii ay la gashay dowladda Kenya

  • Isha: Radio Danan | Muqdisho | April 29, 2009

Iyadoo la filayo in dhawaan baarlamanka Soomaliya uu ka doodo heshiiskii xuduudaha ee dhex maray dowladaha Soomaliya iyo Kenya ayaa waxaa muuqanaya kala qeybsanaan baarlamanka dhexdiisa ah.

Xildhibaan Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo ah mudane ka tirsan baarlamanka Soomaalida kana mid ah xildhibaanadii u arka heshiiskii ay wadaageen dowladaha Soomalia iyo Kenya mid luminaayo dhul Soomaliyeed, ayaa u sheegay Radio DANAN ineey dowladda Soomaliya ka meer meereyso iney arrinta heshiiskan kala tashato dadka aqoonta u leh arrimaha badaha iyo heshiisyada caalamiga ah.

Wuxuuna sidoo kale sheegay in heshiiskani uusan aheyn sida ay DF u sheegeyso oo ah mid is afgarad ah, balse heshiiskaasi uu dhabtii yahay mid u daneynaayo dowladda Kenya oo qura.

Xildhibaan Tarsan ayaa sidoo kale ka dhawaajiyay in arrintani ay horay u diidday dowladdii madaxweyne C/laahi Yuusuf, Kenya ay wax badan raadineysay arrintaan, balse ugu dambeyntii ay fursad u heshay in la siiyo wixii ay raadineysay waqti dheer.

Baarlamanka Soomaliya ayaa dhawaan la filayaa inuu ka doodo arrintii heshiiska xuduudaha lamana oga waxa ka soo bixi doona kal fadhigaas lagu madlaan yahay, waxaase dadka wax odorosa ay qiyaasayaan inaan baarlamaanka Soomaliya laga fileyn inuu u doodo qaabkii u u doodi jiray oo aheyd iney lakala saftaan hogaamiye yaashooda sar sare, maadaama ay arintani tahay mid ka dhexeysa in ka badan 8-milyan oo qof.

Isha warka:  DANAN RADIO

Afhayeenka Ahlu suna wal jameeca ee Yurub Maxamed Xuseen Owliyo oo ugu baaqay baarlamanka Soomaliya iney waddaniyad muujiyaan marka ay ka doodayaan mooshin ku saabsan heshiiska xuduud badeedka ah ee dowladaha Soomaliya iyo Kenya

  • Isha warka: Danan Radio | Muqdisho | April 29, 2009


Ka hor inta uusan baarlamanka Soomaliya ka doodin arrinta heshiiska xuduudaha Soomaliya iyo Kenya ayaa waxaa baarlamanka Soomaaliya loo soo jeedinayaa aragtiyo kala duwan.

Afahyeenka Ahlu Suna wal Jameeca ee Yurub Maxamed Xuseen Owliyo oo hada ku sugan waddanka Britain oo xalay la hadlayay Radio DANAN ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in baarlamanka Soomaliya ay la gudboodn tahay iney ka hor imaadaan arrintan, wuxuuna Maxamed Xuseen Owliyo ka codsaday baarlamanka Soomaliya iney muujiyaan waddaniyad oo ay cod aqlabiyad leh ku diidaan arrinta heshiiskan, oo sida uu sheegay luminaya dhul Soomaliyeed.

Mr. Owliyo ayaa sidoo kale sheegay in baarlamanka Soomaaliya looga baahan yahay iney u midoobaan, arrinta heshiiskan sidii ay kal hore ugu midoobeen ansixinta ku dhaqanka Shareecada Islaamka.

Siyaasiyiinta Soomaalida ayaa horay u sheegay in hadii la ansixiyo heshiiskani ay Kenya yeelan doonto ku dhawaad 38.000KM, oo laba jibaaran, oo dhulka Soomaliya ah, kaa soo ku eg jasiiradaha Lamashaaqa ee dhulka Soomaliya.

Kenya iyo Soomaliya oo ah laba dal oo daris ah ayna gumeysteen waddamada Britain iyo Italy, ayaa leh xuduud muuqata oo ay sameeyeen gumeyste yaashasi sanadii 1924-tii.

Aqoon yahanada Soomalida ayaa heshiiskani ugu magac daray dantii Kenya iyo doqonimadii Soomaliya.

Ka Dhagayso Halkan ama soo rogo (Radio Danan)

isha: DANAN RADIO

Faafin: SomaliTalk.com | April 29, 2009

Wasiir ka tirsan DFKMG oo Sheegay in uu Gebi ahaanba ka soo Horjeedo Heshiiskii Badda ee Soomaaliya la gashay Kenya, kuna tilmaamay layaab, sheegayna in uu aad uga xunyahay... Waraysi wasiirka Jaaliyadaha - Apr 19

RA'ISUL WASAARAH & WASIIRKIISU INDHA ADAKAA!!! - Sh. Muxamad Idris
Axaadiista Nebigeenna Ka sugnaatay ee Tiirarka Nolosha iyo Tusaalaha Noqotay waxaa ka mida, Xadiiska oranaya (( Haddaadan Xishoon Waxaad Doonto Fal)).  

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: