Su'aal ay Sheikh Shariif weydiisey Amaal Cali (Xisbiga Hanoolaato)
Waraysi Idaacadda British Broadcasting Corporation la yeelatay Sheikh
Shariif
Sheikh Shariif oo Amaal Cali iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed Ka
Qancin waayey Su'aal ku saabsanayd Heshiiskii Badda ee Xukuumadiisu la
gashay Kenya oo ay weydiisey Amaal Cali
Madaxweynaha Dawladda Federaalka Kumeelgaarka, Sheikh Shariif Sheikh Axmed
iyo wafti uu hoggaaminayo oo booqasho ku tegey dalka Ingriiska (Maarso 8, 2010)
ayaa la kulmay ra'iisul wasaaraha dalkaasi Gordon Brown iyo Wasiirka Arrimaha
Dibadda ee UK David Milband. Isla markaasna waxa ay la kulmeen jaaliyadda
Soomaaliyeed.
Sheikh Shariif waxaa su'aalo la weydiiyey (Maarso 8, 2010) mar uu khudbad ka
jeediyey Xarunta Chatham House ee London.
Amaal Cali oo ka tirsan Xisbiga Hanoolaato oo ka mid ahayd
dadkii su'aalaha weydiiyey ayaa hadalkeedii waxaa ka mid ahaa: "Waxaad ku xad
gudubteen (ama jebiseen) Dastuurka hadda ee Dawladda Federaalka kumeelgaarka,
khaas ahaan Qodobka 2aad oo dhigaya in dhulka Soomaaliyeed oo uu ku jiro
qalfoofka Qaaradda uu yahay laguma xadgudbaan, oo aan la kala qaybin karin. Is-faahamka
(Memorandum of Understanding) ee aad la saxiixateen Dawladda Kenya waa sharci
darro, waayo waxa uu ka hor imanayaa Qodobka 2aad, waxana (is-fahamku) shaki iyo mugdi gelinayaa dhulka Soomaaliyeed
oo uu kala qaybinyo ama dhibaato u geysanayo.
Arrintaasi ma aha dimoqraadiyad, mana aha mid haysata taageero, sidaas
daraadeed waa waxba kama jiraan."
Sheikh Shariif waxa uu Amaal Cali ugu jawaabey: "OK, OK, waa fiican tahay...
Marka hore waxa lala galay Kenya heshiis ma aha ee waa is-faham, baarlamaanka
ayaana diidey, markaa wax laga hadlo meesha ma yaalliin, hadduu heshiis fiican
ahaa iyo hadduu heshiis xun ahaaba lagama hadli karo maxaayeelay waaba la
baabi'iyey, taas ayaanu ku celcelinaynaa mar walba, aad ayaad u mahadsan tahay."
(DHEGEYSO).
Ugu horayn waxaa muhiim ah in akhristayaashu fahmaan in Amaal Cali hadalka
sida ay u dhigtay ay ku xustay
in DFKMG iyo Kenya ay wada galeen heshiis Is Faham (MoU), waayo waxay
Amaal fahamsan
tahay in haddii Is-fahamkaasi dhaqan galo ay Soomaalidu ku waayi karto dhul
baaxaddiisu dhan tahay 116,000 km2, waayo taariikhda
ayaa ina baraysa in Is-fahamkii kan ka horeeyey oo ahaa
Caruusha MoU
1967 in ilaa hadda uu ku maqan yahay dhul Soomaaliyeed oo baaxaddiisu dhan
384,000 km2 oo ku maqan Kenya.
Dhanka kale sida aan hoos ku arki doono Madaxweynaha DFKMG ilaa hadda majirto
meel uu si rasmi ahaan ku ansixiyey xeerkii ay baarlamaanku ku diideen
heshiiskaas is-faham, si markaas uu ugu soo baxo Faafinta rasmiga ah ee
xukuumadda.
Waxaa halkaas ka cad in Sheikh Shariif uusan Amaal Cali iyo Shacabka
Soomaaliyeed oo dhan ka qancin arrintii ay Amaal Cali qeexday ee
ahayd in Heshiiskaas is-faham uusan ahayn sharci maadaama uu ka hor imanayo
Qodobka 2aad ee
Dastuurka
DFKMG oo dhigaya sidan: (1) Wadajirka dhuleed iyo
siyaaddada Jamhuuriyadda Soomaaliya waa laguma xadgudbaan, lamana qaybin karo.
(2) Siyaaddada dhulka ee Jamhuuriyadda Soomaaliyeed waxay ka kooban tahay
dhulka, jasiiradaha, dhul-badeedka, gunta dhulka, hawada sare iyo goobta ay
qaaradda kaga taal.
Waxaa cad shacabka Soomaaliyeed in ay heshiiskaas "is-faham" aysan ka aamusi
doonin oo ay ka hadli
doonaan ilaa Sheikh Shariif uu ka saxiixayo xeerkii uu baarlamaanku ku diidey is-fahamkaas.
Waxaana is weydiin mudan: Mar haddii uu qiray in Is-fahamkaas la baabi'iyey, maxaa Sheikh Shariif ka
hor taagan in uu saxiixo xeerkii diidmada, oo markaas uu nuqul u diro Qarammada
Midoobey si adduunku u ogaado in Is-fahamkaas ay Soomaalidu baabi'isay. Hoos ka
akhri falanqayn dheeraad ah iyo waraysigii Yuusuf Garaad la yeeshay Sheikh
Shariif oo uu wax ka weydiiyey Is-fahamkaas.
London, March 10, 2010
Sheikh Shariif oo Ka hadlay Heshiiskii Badda: Heshiiskaas sida baarlamaanku
u diidey ayuu noqonayaa
(Heshiiskaas is-faham): baarlamaanka maadaama la dhex geeyey oo uu
diidey ma rabno in baarlamaanka iyo xukuumadda dhexdooda uu buuq ka abuurmo,
markaa sida baarlamaanku u diidey ayuu noqonayaa
Idaacadda British Broadcasting Corporation
(Maarso 11, 2010) la yeelatay Sheikh Shariif - waa kaddib markii Amaal Cali ay
Sheikh Shariif hor dhigtay sida is fahamkaasi ku noqonayo sharci darro)
Idaacaddu waxay madaxweynaha DFKMG weydiisey su'aal ku la xiriirta heshiiskii ku
saabsanaa badaha iyo xuduudahooda oo dhex maray DFKMG iyo Kenya iyo in
heshiiskaas looga haray sidii uu baarlamaanku u diirey, waxa uu ku jawaabay:
"Horta marka hore Is-faham ayuu ahaa, waxaan is leeyahay dadka Soomaalida waa
dad shaki ku nool... dareen ku nool aan dhaho, dad badana waxay isku dayeen
markiiba inay heshiiskaas wax ka sheegaan, arrintaasi waxay saamayn ku yeelatay
baarlamaanka, baarlamaanka maadaama la dhex geeyey oo uu diidey ma rabno in
baarlamaanka iyo xukuumadda dhexdooda uu buuq ka abuurmo, markaa sida
baarlamaanku u diidey ayuu noqonayaa. Haddii loo baahdo marka heshiiskii in dib
loo soo celiyo waa in si wanaagsan looga wada hadlo, asagoo tafaasiil leh oo
marka ugu horeysa golaha wasiirada si wanaagsan loogu falanqeeyey kaddibna
markaa la geeyo Golaha baarlamaanka si dawladdii qaybaheedii kala duwanaa ula
socdaan waxa lagu heshiiyey oo aysan uga faa'iidaysanin qola kale oo hore in loo
dhaqaaqo aan ogolayn." (Dhegeyso).
Bishii Agoosto 1, 2009 ayey ahayd markii xildhibaanadda Baarlamaanka
DFKMG ay si aqlabiyad buuxda ku diideen heshiiska Is-faham ee dhex maray
xukuumadda FKMG iyo Kenya. Markaas, sida uu dhigayo dastuurka DFKMG, ayaa
guddoomiyaha baarlamaanka Sheikh Aaden Madoobe waxa uu xeerkaas diidmada ah u
gudbiyey madaxweynaha DFKMG si u u saxiixo oo markaas u noqdo xeer rasmi ah oo
ku soo baxa FAAFINTA RASMIGA ah ee dawladda. Ilaa hadda (Maarso 11, 2010) ma
muuqato in Sheikh Shariif saxiixay xeerkaas.
"Marka Golaha Shacabka uu soo saaro sharci waxaa loo gudbinayaa Madaxweynaha
si uu u ansixiyo. Madaxweynahu labaatan iyo kow (21) maalmood gudahood, marka
sharci loo soo gudbiyey si uu u ansaxiyo" Sidaas waxaa dhigaya qodobka 36aad ee
dastuurka u dhigan xukuumadda Sheikh Shariif.
Waxaa xusid mudan in Waftigii Kenya markii ay xogtii ay wateen ka hor
akhriyayeen Qaramada Midoobey (September 3, 2009) ay
si weyn cuskadaan uga dhigteen Heshiiskii is-afgarad ee April 7, 2009 dhexmaray
iyaga iyo Xukuumadda FKMG. Waxa kale oo Kenya ay arrintaas tiir uga dhigtay
warqaddii August 19, 2009 uu qoray "Prof. Ibbi" ee garabka siinaysey heshiiska
is fahamka. Ilaa hadda ma jiro qoraal rasmi ah oo dhanka xukuumadda FKMG oo
arrintaas Kenya ka hor imanaya.
Agoosto 7, 2009 ayey ahayd markii Sheekh Shariif ayaa yiri: Heshiiskaas dantii laga lahaa waa laga gaaray waaba
laga gudbay, hada waxaa loo baahan yahay si rasmi ah in loo diyaariyo
... yacni.. Is-Afgaraduu ahaa .., heshiis rasmi ah in hada
ladiyaariyo ayaa loo baahan yahay.
(Dhegeyso)
Oct 4, 2009: Madaxweynaha DFKMG ayaa yiri: warqadda la qoray
waxay ku socotey UN-ka, ujeedaduna waxay ahayd dhul maqan in la sheegto… dhinaca
kalena waxay ahayd dhulka naga maqan aan wada doonano oo wada sheegano, ma garan
karo intaas wax khiyaano ah oo ku jira….
October 28, 2009 ayaa ra'iisul wasaaraha DFKMG Cumar
C/rashiid oo la hadlayeeye Jaaliyadda Soomaaliyeed ee London isaga oo ka
hadlaayey heshiiska Kenya waxa uu yiri “Kenya waxay runtii VIOLATION ku
samaysay International Law (Violation = Sharci-jebin, heshiis
jebin, xad-gudub, kutumasho xurmo la’aan ah, waa sharaxaada qaamuuska afka
Soomaaliga). Safarkaas kaddib Cumar C/rashiid waxa uu sii maray Kenya
manamuuqan meel uu si rasmi ah Kenya ugu caddeeyey in ay ku xad gudbeen badda
Soomaaliyeed.
Dhanka kale bishan Maarso 2010 horaanteedii waxaa Norway safar ku tegey
xildhibaan ka tirsan DFKMG, Xildhibaan Cabdi Abshir, ayadoo wararka ka
soo baxay safarkaas ay la xiriiraan heshiiskii is-fahamka ee dhex maray Kenya
iyo Soomaaliya oo ay Norway ku lug leedahay. Baarlamaanka DFKMG arrintaas weli
war sugan kama soo saarin maadaama xubin baarlamaanka ka tirsan uu dalkaas
booqday.
Xubno ka tirsan baarlamaanka DFKMG oo ka dhiidhiyey Heshiiska Kenya oo
Qoraal u
qoray Ban Ki Moon
Sheikh Shariif intii uu hayey xilka Madaxweynaha DFKMG waxaa baylah galay
dhul-badeedka Soomaaliyeed, kaddib markii xukuumadiisu ay heshiis la gashay
Kenya, heshiiskaas oo loogu magac daray
IS-AFGARAD oo ku
saabsanaa in Kenya cabiratay baaxad weyn oo ah dhul-badeedka Soomaaliya. Inkasta
oo xildhibaanadda baarlamaanku ay muujiyeen geesinimo ay ku diideen heshiiskaas,
kana dhigeen waxba kama jiraan, ayaa xukuumadda uu hoggaamiyo Sheikh Shariif
aysan ilaa hadda (March 11, 2010) sharci ahaan oo qoraal ah u caddayn in ay
heshiiskaas ka laabteen, isla markaasna aysan qoraal diidmada caddaynaya u
gudbin Qarammada Midoobey.
Kaddib markii xukuumadda Sheikh Shariif iska dhega tirtay go'aankii
baarlamaanka (oo weliba xeerkii diidmada baarlamaanka ee loo gudbiyey Sheikh
Shariif uusan jawaab ku soo celin baarlamaanka sida uu dhigayo xeerka/dastuurka
DFKMG loo sameeyey) ayaa xildhibaano ka tirsan Baarlamaanku waxay Sannadkii hore
(bilihii dambe ee 2009) qoraal ay ku caddaynayaan mowqifka baarlamaanka DFKMG
waxa ay u direen Xogyahaya Guud ee Qaramada Midoobay iyo qaybta UN-ta u
qaabilsan Badaha.
Ilaa hadda Qaramada Midoobay arrintaas jawaab kama bixin, qoraalkii
xildhibaanadana kuma daabicin bogga qaramada Midoobay, sida ay xildhibaanadu
codsadeen - FG: Qarammada Midoobay waxay si fudud oo degdeg ah u daabaceen
qoraalkii uu u gudbiyey Cumar C/rashiid ee baylahda gelinayey badda Soomaaliyeed
iyo qoraalkii ka dambeeyey ee kaas taageerayey oo sida ay xildhibaano sheegeen
uu saxiixay Prof. C/raxmaan Ibbi, inkasta oo lagu qoray magaca ra'iisul
wasaaraha DFKMG - Laakiin Qaramada Midoobay tii arrintaas lagu burinayey ama
lagu diidanaa weli ma daabacin, jawaab sugana ma siin xildhibaanadda.
Waxaa soo dhaw sannad guuradii koowaad ee ka soo wareegtey xilligii ay DFKMG
saxiixeen heshiiska Is-afgarad ee ku saabsan dhul badeed Soomaaliyeed ee
baaxadiisu dhantahay 116,000km2. (Akhri
qoraaladdii badda).
Maxaa hadda la gudboon Sheikh Shariif
Madaxweynaha DFKMG mar haddii uu qirsan yahay in heshiiskaasi noqonayo sida
baarlamaanku u go'aamiyey waxaa arrintaas kala gudboon in uu wareegto rasmi ah
ka soo saaro isagoo saxiixayo xeerkii uu guddoomiyaha baarlamaanku u gudbiyey
(Diidmadii baarlamaanka ee heshiiska Is faham), si markaas ay u noqoto rasmi la
tixraaco. Dhulka Soomaaliyeed ma aha in uu galo gorgortan.
Haddii heshiiskaas is fahamka lagu socodsiiyo Soomaalida, markaas
dhulka Soomaalidu ay waayi karaan waa dhul badeed baaxaddiisu dhan
tahay 116,000 km2. Si loo fahmo baaxadda
cabirkaas, waxaan tusaale u soo qaadanaynaa qiyaas cabirka bedka
dhulka Soomaalida guud ahaan, sida ku qoran buugga uu qoray
Khaalid Cali-Guul Warsame (2003 Denmark) oo cinwaankiisu
yahay Taxanihii Taariikhda Soomaaliya, waxaa ku qoran sidan:
Bedka Dhulka Soomaalida:
Jamhuuriyadda Soomaaliya: 640,000 km2
Jamhuuriyadda Jabuuti: 23,000 km2
NFD (dhulka ku maqan Kenya): 384,000 km2
Soomaali galbeed (ku maqan Itoobiya): 416,000 km2
Jasiirada Suqadara (oo ay sheegato Yemen): 2,655 km2
Halkaas waxaad ka arki kartaa baaxadda lagu waayi karo Isfahamka
Kenya iyo Soomaaliya in ay dhan tahay dhulbadeed cabirkiisu
shan-jeer (5) ka weyn yahay bedka dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.
LIFAAQ 2:
QODOBKA 36 ee Dastuurka DFKMG oo ku saabsan SHARCI DEJIN
1. Marka Golaha Shacabka uu soo saaro sharci waxaa loo
gudbinayaa Madaxweynaha si uu u ansixiyo.
2. Madaxweynahu labaatan iyo kow (21) maalmood gudahood,
marka sharci loo soo gudbiyey si uu u ansaxiyo sida ku qeexan
qaybta (1), waxaa uu u cadeynayaa Gudoomiyaha Golaha Shacabka in
uu ogaaladay ama diiday sharcigaas.
3. Haddii Madaxweynaha diido inuu ku ansaxiyo sharci la soo
hordhigay afar iyo toban (14) maalmood gudahood, wuxuu qoraal
tilmaamaya faritaanada sharcigaas ee ay la tahay in dib loo eego
si wax looga beddelo uu u gudbinayaa Gudoomiyaha Golaha
Shacabka.
4. Golaha Shacabka wuxuu dib u eegayaa sharciga Madaxweynuhu
ku soo celiyey iyadoo tixgelinaya faalada Madaxweynaha waxayna :
a) Ogolaanayaa soo jeedinta madaxweynaha iyagoo wax ka
beddelay ama aan wax ka beddelin, kuna celinaya mar kale
Madaxweynaha si uu u ogolaado, ama
b) Diidayaan soo jeedinta Madaxweynaha waxayna ansixinayaan
sharcigii hore oo aan waxba laga bedelin iyadoo lagu meel
marinayo cod bixin aan ka yareyn 65% xidhibaanada Golaha
Shacabka taasoo Madaxweynaha ogolaan doono sharciga afar iyo
toban (14) maalmood gudahood maalinta sharciga la soo gudbiyey.
5. Faafinta sharci uu sameeyey Golaha Shacabka ma dhaqan
geli karo ka hor inta aan lagu daabicin faafinta rasmiga ah ee
dowaladda.
Ururka ay ka tirsan tahay Amaal Cali, oo lagu magaacaabo Ururka
Wadaniyiinta Soomaaliyeed (Hanoolaato) waxaa magaalada London lagu
asaasay April 26, 2008.
Daawo Amaal Cali iyo Jawaabtii Shariifka
Hadalkii Sheikh Shariif ka jeediyey CHATHAM HOUSE March 8, 2010:
oo qoraal ah
AKhri
Interview Channel 4 UK with Sharif
Khudbaddii Sheikh Shariif u jeediyey Jaaliyadda Soomaalida London Maarso
10, 2010 (DAAWO)