SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Safaaradda Norway, Standard Group iyo Nation Media Group ee magaaladda Nairobi oo Loogu Hanjabo Arrimaha la Xariira Soomaaliya...

  • Tarjumidii: Ibraahim Da’ud Abdalle “Gentleman”
    Nairobi-Kenya.

Safaaradda Norway ee Magaalada Nairobi iyo labo Hey'ad Warbaahineed oo dalka Kenya laga leeyahay ayaa helay fariimo Hanjabaado ah sidaa waxaa Arbacadii (May 27, 2009) yiri Elisabeth Jacobson oo ah Safiirka dalka Norway u fadhisa dalka Kenya iyo mid ka mid ah Heyadaha Warbaahinta ee dalka Kenya.

“Haa, waa run waxaanu helnay fariimo Hanjabaad ah” sidaa waxaa tiri Elisabeth Jacobson Safiirka dalka Nowray ee dalka Kenya “Dabacan waxaanu Wargalinay Police-ka dalka Kenya” ayay tiri.

Fariintan oo ay aragtay Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sidoo kale dowladda Norway eedeemo loogu soo jeediyay in dalka Kenya ay ka taageertay arrimo la xariira shidaal ay dowladda Kenya Damacsan tahay in ay dhawaan ka soo saarto dhul xeebeedka Somalia iyo ay Kenya ay xabsiyada dhigtay waxaa laguu yeeray Mujaahidiin.

“Kenya waxay Noqotay cadowga Islaamka Waana in ay diyaar u noqotaa weerara aar-goosi ah oo kaga imaanaya Al-Qa’ida xili kasta” ayey Fariintu tiri.

Heyadaha kala ah Standard Group iyo Nation Media Group ayaa sidoo kale helay fariimo loogu hanjabayo weeraro iyadoo lagu eedeeynayo in Cadow ku yihiin Islaam-ka.

Kenya ayaa cabsi ka qabta in weeraro ay ka dhacaan kadib markii dowladda Islaami-ga ah ee Qunyar socodka ka dhisan Somalia iyo kooxaha ka soo horjeeda ee ay Al-shabaab ka mid tahay ay ku dagaalameen magaaladda Mogadishu, ayaa warku sheegay.

Somalia oo ay dhibaatooyin ka socdaan in ka badan 20 sano ayay dowladaha reer Galbeedka ka cabsi qabaan in Somalia ay noqoto meel gabaad ka dhigtaan ururka Al-Qa’ida.

Dowladda Kenya ayaa dhowr wadan oo Maraakiibteedu ilaalo ka hayaan heebaha Somalia waxeyna la gashay Heshiis ku saabsan in ay xirto dadka looga shakisanyahay in ay yihiin burcad badeeda Soomaali ah ee ay maraakiibtaasi soo qabtaan iyo in Maxkamad lagu saaro dalka Kenya.

Sanadkii 1998 ayay aheed markii Baabuur waxyaabaha Qarxa laga soo buuxiyay lala beegsaday safaarada Dowlada Mareekanka ay ku laheed bartamaha Magaaladda Nairobi, Qaraxyadaas oo ay ku dhinteen in ka badan 225 qofood oo u badnaa shacabka Kenya.

Dhan kalle bishii November ee sanadkii 2002 ayaa iyadana weerar lagu qaaday Hotel-ka Paradise eek u yaala meel u dhow magaaladda Xeebta ah ee Mombasa, Hotel-kan Paradise ayaa waxaa laga leeyahay dalka Israel.

Isha warka: wakaaladda wararka ee Reuters: http://www.reuters.com/article/latestCrisis/idUSLR986749

Tarjumidii.

Ibraahim Da’ud Abdalle “Gentleman”

Nairobi-Kenya.

sayfudiin@hotmail.co.uk ama ibraahim@journalist.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 28, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: