Home » Warar »

“Soomaalida Qabta Cudurka HIV/AIDS oo Gaarey 35,175 qof” UN

“Haddii arrintu sida ay tahay ku sii socota waxaa dadka Soomaaliyeed ee cudurkaas qaba waxaa lagu qiyaasay in ay gaari doonaan 55,000 qof sannadka 2012…” Warbixin Qarammada Midoobay..

Cilmi baaris aad u qoto dheer oo Qarammada Midoobay ku samaysay dadka Soomaaliyeed ee qaba cudurka HIV/AIDS ayaa soo bandhigtey akhbaar aad u argagax badan oo muujinaysa sida cudurkaasi uu xawliga ugu dhex fidayo shacabka Soomaaliyeed (Boosaaso, Hargeysa, Muqdisho, Garoowe, Berbera, Galkacyo, Jawhar iwm).

Cilmi baaristaas oo ka kooban 64 bog oo la faafiyey May 13, 2010, waxay jaaha saartay Woqooyi-Galbeed (Somaliland), Woqooyi-bari (Puntland) iyo Koonfurta-dhexe ee Soomaaliya. Halkan ka akhri Tarjumada warbixinta

Tarjumadii SomaliTalk ee warbixinta ka akhri Halkan RIIX

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " “Soomaalida Qabta Cudurka HIV/AIDS oo Gaarey 35,175 qof” UN "

  1. Isuqabe says:

    Ninka la baxay Axmed Cali ogow in galmo keliya aan lagu kala qaadin HIV, dad qaba ayaa jira oo aan weligood xaaraantaad sheegeyso arag, waa masiibo la isu soo diray, waxa laga dhex heli karaa masjidka ilaa iyo iskuulka inta u dhexaysa, gurigaaga ilaa iyo madaxtooyada inta u dhexaysa, maleh xuduud iyo dabaqad aqoonyahayn iyo derbiyo jiif waa u siman yihiin, intaa Soomaalida waxaa u dheer, 1. dhaqan ahaan ma aaminsana HIV/AIDS, 2. dhaqan ahaan ma isticmaalaan condom.

  2. axmed cali says:

    bacda salaam, waxaan qabaa cudurkan lalaqayladhaaminayo inuu yahay mid labeerayo hadda oo qarash lagiraadsanayo hase ahatee maxaa keena cudurkaan ayriska ama Hiv waxaa keena galmada xaaraanta ah oo ilaahay nayiri ha udhowaanina ayna kalaasimto caro ilaahay iyo cuquubo kadhalata saas darteed dadka muslimiinta ah waxaan ugubaaqayaa inay kafogaadaan waxa ilaahay kaxarimay oo ay xalaasha ku,ekaadaan oo aan shaydaan ka,adkaan oo aduun iyo aakhiroba aysan naftooda halaajin oo aysan kudaysan gaalada ilaahay diidan qofkii kudaysada gaalada ha,ogaado agow lamidyahayومن تشبه بقوم فهو منهم