Kismaayo: Jubbaland ayaan daran, shalayto waxaa berrigaaga gatay M. I. Cigaal ,
maantana baddaada waxaa gatay dowladda Sh. Shariif.
Jubbaland: Waa dhulka u dhaxeeya Labada webi Jubba iyo Wabiga Tana , waxaa
mustacmarkii Ingriisku uu qabsaday qarnigii 19-aad dhammaadkiisa. 15 june 1924
waxaa heshiis Roma ku wada galay Talyaaniga iyo Ingriiska , talyaaniga ayaa
waqtigaa ku sugnaa webiga Jubba Barigiisa , waxayna ku heshiiyeen in webiga
Jubba laga soo gudbiyo Talyaaniga ilaa iyo Dhoobley , arrinkaas waxaa gaashaanka
u daruuray Suldaan Xaaji Cusmaan Magan.
September 1924 Suldaanku wuxuu Dacwad gaarsiiyey dowlada Talyaaniga iyo dowlada
Ingiriiska , wuxuuna ku caddeeyey dacwadiisa in dhulkiisa Jubbaland uusan
marnaba qaybsami Karin, warqadaas oo ku qornayd Carabi, maantana warqaadaasi
waxaa laga heli karo Madxafyada Ingiriiska iyo Kenya, laakiin dacwadaas
Ingiriisku dheg uma dhigin, wuxuuna 1925-kii keenay Dhoobley ciidan uu watay nin
la oran jiray Captain Leopold si ay u calaaamadeeyaan Xadka . Captain Leopold
goobtaas ayaa lagu dilay waxaana hakad galay muddo sannad ah Calaamadayntii
Xadka ku sheega uu samayn lahaa Captain Leopold.
Bishii 1927 waxaa hirgalay Xadkaas , waxaana loo bixiyey dhankii xaggaa
Ingiriiska raacday NFD (Northern Frontier District). 1963-dii waxyar ka hor
xuriyadii Kenya waxaa afti laga qaaday shacabka dega Gobolka NFD , waxayna 88%
ay u codeeyeen inay soomaaliweyn ku biiraan , laakiin Ingriiska waa uu ka madax
adaygay wuxuuna raaciyey si jujuub ah dalka Kenya oo xoriyadda qaadatay 12 Desember 1963-dii. Dowladii Soomaaliya oo markaa uu hogaaminayey
Dr. C/rashiid
Cali Sharmaake wuxuu xiriirka u jaray dowlada Ingiriiska.
Waxaa gobolkii ka bilowday dagaal gobonimo doon ah , dowladda Soomaaliyeedna
waxay la garab istaagtay Hiil iyo hooba dadkii Soomaaliyeed ee Deggenaa NFD.
Sannadkii 1967-dii waxaa Raiisalwasaare ka noqday Soomaaliya Maxamed I. Cigaal ,
wuxuuna shuruud laaan soo celiyey Xiriirkii Ingiriiska , laakiin Ingiriisku
wuxuu shuruud uga dhigay inuu duudsiiyo xaqa shacabka NFD. 28 -10-1967-dii
Maxamed I. Cigaal wuxuu heshiis kula saxiixday dowladda Kenya Magaalada Caruusha
Tanzania, waxaana dowladda Kenya markaa matelayey M. kuxigeen Daniel Arap Moi,
waxaana dhex-dhexaadinayey Madaxweynihii Zambia Kenneth Kaunda, dulucda
heshiiskaas waxay ahayd :-in Kenya leedahay dhulkeeda , duulaan danbena uusan
soomaaliya uga imaanayn; heeshiiskaasana wuxuu dhaqan galay 01-01-1968.
Waxaa ayaan darro ahayd in Labada dowladood ay heshiiyaan , meeshana ay ka
maqnaayeen Jabhadii NFD (Northern Frontier District) oo markaa iyadu u dagaalamaysay
Xornimo iyo Inay Soomaaliya ku biiraan.
Haddaba haba la bixiyee dhul soomaaliyeed , waxaase isweydiin mudan muxuu ka
helay Maxamed I. Cigaal bixntii uu bixiyey dhulkaas Soomaaliyeed?.
Sida ku cad taariikhda Janayo 1994-tii , waxaa yimi Nairobi Maxamed I. Cigaal oo
markaa ah Guddoomiyaha Waqooyi galbeed iyo Togdheer , waqtigii uu ka soo baxayey
Hargeysa wuxuu dadkiisa u sheegay inuu ictiraaf ka raadinayo East African
Community iyo British High Commissioner Nairobi isla markaana uu ka helay
Casuumad. Maalinkii uu soo gaaray Nairobi maalinkii ku xigtay ayuu shir JaraaŽid
ku qabtay City Hall Nairobi isaga iyo taageerayaashiisa, wuxuuna maalinkaas
caddeeyey inay Soomaaliya tahay Waqooyi , Koonfur iyo Jabuuti, Kenya iyo
Ethiopia ay dhulkooda leeyihiin oo aysan soomaaliya waxba ku lahayn.
Hadalka ka soo baxay Ina Ibraahim Cigaal wuxuu dhaliyey dood aad u dheer , waxaa
maalinkii ku xigay isla hoolkaas shir JaraaŽid ku qabtay Suldaan Deeqow Macalin
Sanbul Guddoomiyaha Jabhada NFD , isagoo dowladda Kenya weydiiyey oo yiri "Dowlada Kenya waa inay war cad ka bixisaa waxa ay ugu yeertay guddoomiyah
Waqooyi galbeed, soomaaliya haddii ay kala tagtay oo gobolo ayey noqotay waqooyi
galbeed iyo Togdheer wax xuduud ah lama laha Kenya , haddii arrin Xuduud laga
hadlayo waa in Guddoomiyaha W/Bari ee Kenya uu arrimaha xadka iyo nabadgelyada
kala shiraa Madaxda Jubbooyinka iyo Gedo, kuwaas ayaa xuduud la leh Kenya ,
waxaana uu Guddoomiyuhu uu u sheegay Daniel Arap Moi inuusan Maanta ahayn
Maxamed I. Cigaal Riisal wasaarihii soomaaliya. balse uu yahay Guddoomiye gobol,
isagoo dowlada Kenya ka codsaday inay warcad ka soo saarto martigelinta Maxamed
I. Cigaal " .
Waxaa habeenkaas Madaxweyne Arap Moi u tegay Mudanaasha laga soo doorto W/bari
Kenya , waxayna madaxweynha ka codsadeen inuu ka warbixiyo waxa uu ka ogyahay
Booqashada Maxamed I. Cigaal .
Madaxweye Arap Moi ayaa habeenkaas u sheegay mudanayaasha laga soo doorto W/bari
Kenya iney la soo xiriireen Rag ehalada Cigaal ah oo deggen Nairobi waxayna u
sheegeen in Maxamed I.Cigaal Raadinayo Qandaraaskii dowlada Kenya ay siisay
heshiiskii Caruusha 1967-dii, kaas oo ahaa inuu Sannad waliba ina Ibraahim
Cigaal qandaraas loo siiyo inuu u iib- geeyo Kenya 20.000 neef oo Lo ah, kana
xaraasho KMC ( Kenya Meat Commission) xarunteeda Lamu, qandaraaskaas oo
bur-buray 1969-kii markii kacaanku uu ka curtay Soomaaliya, Waxaana la xasuustaa
in Qandaraaskii uu la galay dowlada Kenya Ina Ibraahim Cigaal lagu faah-faahiyey
Joornaalada ka soo baxay dalka Kenya. Dhacdadaas ayaa noqotay mid daah furtay
sirtii mudada qarsoonayd.
Markii ay sidaas dhacday oo Joornaalada Kenya ay kashifeen heshiisyadii
qarsoonaa ee ina Cigaal la galay dowlada Kenya laguna bixiyey dhulkii NFD , ayuu
Maxamed Ibraahim Cigaal Habeen madow ka huleelay Kenya una cararay Ugandha oo uu
kasii aaday Hargeysa.
Ulajeedada maqaalka ayaa ah, haddii shalay dowladdii Ina Ibraahim Cigaal ayaa
Berrigii bixisay , maantana tan Shariif ayaa Baddii u saxiixday Kenya, Maxaa
Shariifka loo ballan qaaday oo qarsoon? Waxaa la isweydiin karaa Yaa dillaal ka
ah howshan ? Waa shay aan marnaba qarsoonayn in Dilaal iyo dhaqaale jiro , la
doonayo in laga qaato dowlada Kenya.
Dib u raacid: Arrinkaan ayaa soo jiitamayey ilaa 2005-tii , maantase waxaa loo
helay rag u heelan dallaal oo dantoodu iyo Mustaqbalkoodu uu yahay in hanti
Xaaraan ah ay helaan , waxaana ugu horeeya Shariif xasan Sh. Aadan oo ay
Noloshiisu ay ku dhisantahay Dullaal iyo qaadwale , waxaa kaas weheliya Iimaan
laawaha C/raxmaam Ibbi.
Waxaase ayaan darro ah in Cumar C/rashiid oo ah Raiisalwasaarihii Dowladdan
cusub uu dafiro xaqiiqda dhabta ah ee heshiiska isla markaana uu difaaco. Aaway
Macalin Aadan Madoobe sharcigiisu ma wuxuu shaqaynayey oo kaliya markii uu
Baydhabo joogay mise Shariif sh. Aadan baa afkoodii kula hadlay oo dhegta wax
ballan qaad ah u saaray.
Sh. Shariif: Jubba Kismaayo waxay ahayd goobtii uu u soo qaxay desember 2006-dii
oo ahayd markii Xamar laga soo saaray Kooxdiisii , wuxuuna waqtigaas BBC-da u
sheegay inuu Xamar uga soo baxay inuu badbaadiyo Xamar iyo shacabkeeda ,
isweydiinta taal baa waxay tahay haddii uu Xamar u turay muxuu shacabka Kismaayo
ugu turi waayey ? . Ayaamo kaddib wuxuu iska dhiibay Haluuqo Kenya waxaana
xigtay in Jendai Fraizer tiri dowladda ku meelgaarka ah waa inay la hadashaa
ragga macquulka ah sida Sh. Shariif , xilligaas oo Jubbaland berri iyo Bad iyo
cirkaba laga garaacayey.
Isweyndiinta taal maanta waxay tahay Sh. Shariif Jamhuuriyada Soomaaliya ma ka
taliyaa ? waxse ma saxiixi karaa , iyadoo Dhulka uu bixinayo dadkii u dhashay ay
joogaan.
Geesinimo : Qofkasta oo Soomaaliya wanaaga uu sameeyaa waa wax mudan in lagu
ammaano gobolkuu doono ha ka soo jeedee, Waxaa ammaan mudan in la dhiirigeliyana
mudan Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Oomaar kaalinka uu
iska taagay arrinka Badda loogu saxiixayo dalka Kenya, wuxuuna noqonayaa nin
Masuul ah oo Taariikhda Soomaaliya baal dahab ah ka galay haddii uu ku sii
adkaysto mowqifkiisa ku aadan Badda Soomaaliya ee la dhaxalsiinayo Kenya.
Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay inuusan waxba ka ogeyn heshiiska la sheegayo ee
lala galay dowlada Kenya uusan raali ka noqonaynin . taasi waxay ina tusinaysaa
in Heshiis hoose uu arrinku yahay oo rag gaar ahi ay wataan , dantay doonaan
haka yeesheene.
Waxaan u fadhinaa in maalin dhow ay bannaanka imaan doonto waxa lagu heshiiyey
iyo waxa la kala qaatay. Waxaan ammaan ballaaran u jeedinayaa Website-ka
Somalitalk sida uu uga warbixiyey iyo macluumaadka uu soo bandhigay iyo sirta
qarsoon.
Yuusuf Cali Qammaan
Qammaan@gmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh
qoraaga ku saxiixan