SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIFAACA BADDA SOOMAALIYEED

Baarlamaanka Baaxadda Weyn & Badbaadin La'aanta Badaheena.

  • Eng. Cabdulqaadir Cumar Yuusuf ( Daadurey)
    Somalihungerhivprojectus2004@yahoo.com

Soomaaliya ayaa Dagaaladii Sokeeye kaddib noqotay in muran la gasho Badaheedii iyo Berrigeediiba sida ku cad heshiiskii dhowaanahan ay Dowladda KMG ula gashay Dowladda Kenya taasoo ay Dowladdu ku tilmaantay is Afgarasho oo micnaheedu yahay inay Xaqiiq tahay in Badaha iyo Berrigga Xuduudaha u dhexeeya Soomaaliya ay noqotay mid uu muran ku jiro ,Laakiin arrintaasi ay tahay mid Xaqiiqada ka fog oo ay cadahay in Dhulka Soomaaliyeed uusan ahayn mid muran ku jira Soomaaliyana ay tahay Dhul Xor ah oo la doonayo in Gumeysi Dib loogu soo Celiyo waa hadii laga helo Shacabka Soomaaliyeed iyo Baarlamaanka.

Waxaa sii kordhaya maalinba maalinta ka dambaysa walaaca ay arrintani abuuratay oo bishan aannu ku jirno 05/13/2009 ay tahay Maalinta ugu dambaysa ay u Qabatay Hay'adda Qaramada Midoobay inay soo gudbiyaan dhammaan Nuqulada Cabirka ee Xudduudaha u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya iyadoo la filayo in haddii aanan la gudbin Nuqul aan Xaq ahayn ay Baddaha Soomaaliya ay noqon doonto mid ay yeelato Kenya ama loo nasbeeyo in aysan Cid lahayn .Haddaba walaacani waxaad moodaa inay Dowaladdu ka dhega adaygaso oo aysan doonayn inay horkeento Golaha Baarlamaanka si Mooshin loogu sameeyo loona saxo .

baarlamaanka soomaaliya
Xaruntii Baarlamaankii Hore | ISha saiwkan: www.swan.ac.uk


Haddaba , Baarlamaanka KMG ahi ee Soomaaliya maxaa la guboon?Su'aashani jawaabteedu way iska cadahay maadaama ay soo dhowaatay mudadii loo qabtay ee ahayd 05/13/2009 haddii la dhaafana uu dhaqan galayo kii ay Dowladda KMG ahi u Saxiixday Dowladda Kenya waxaa haboon inay soo Dedejiyaan Mooshinka arrinkani ku saabsan lana joojiyo kii hore in ay Dhaqan geliso Hay'adda Qaramada Midoobay si loo Badbaadiyo Xudduudaha Xaqa ah ee uu Dalkeennu leeyahay ha ahaadeen Badaha ama Berrigaba.

Xeerarka Xuduudaha Xeebaha ee Adduunka ayaanan marnaba ogalaanayn in Waddan Xor ah uu Xaqiisii lagu qaato Khiyaamo Qaran sida ku Cad Xeerka u yaalla Qaramada Midoobay ee Qeexaya Sharciyada u degsan Badaha Adduunka oo tilmaamaya Qodobada iyo Qeexidooda la soco www.un.org/Depts , sidaa darteed marna lama ogolaan karo in is-afgaradkaasi uu yahay mid Sax ah iyadoon la soo hor dhigin Baarlamaanka waxaana laga maarmaan ah in Xubnaha Baarlamaanka Ballaaran ee Baaxadda weyn waa mid Matalaya Shacabka Soomaaliyeed ma haboona inay Dib u Dhigaan arrintan Murugsan oo ay Xaaladeedu Xun tahay.

Soomaalidu beenta way sheegtaa laakiini Run bay ku Maahmaahdaa waxaa jirtay Maamaah Soomaaliyeed ee oranaysa " Awalba Roore Ma ahayn haddana Ruugagaa i Jaban"
runtii Murtida Maahmaahdani ka dambaysaa Qof waliba waa uu garanayaa Baarlamaanadii hore waa kuwii aad aragteen waxay Shacabka Soomaaliyeed u soo hoyeen Gumeysi dib u soo noqda iyo Xasuuq Aadane oo aan Xad lahayn haddana maxaa Xigay in Xadadkii Xeebaha ay Beec galaan oo weli uusan Baarlamaanku ka hadlin wax Tallaabo ahina uusan qaadin Illaa iyo Maallintii ay arrintani dhacday ,Maantay waxay taagan tahay in Waqtigii loo qabtay uu u sii Siiqayo runtii iyo Xaqiiqdii in ay faraha ka baxday Xeebihii Bilicida Sanaa ee Soomaaliya ayna si Sahlan gacanta ugu gashay Dowladda Kenya oo hore u haysatay Dhulkeena Badh ka mid ah oo lagu Magacaabo N.F.D .

Gabagabadii iyo qoraalkani ku saabsanaa Baarlamaanka Baaxadda weyn iyo Badbaadin la'aanta Badaheena ayaa waxaad moodaa in qoraal lagu soo koobi karin ,laakiin hordhaca aannu kor ku soo tibaaxnay ayaa inooga filan waxaase arrintani sii Cakiraya Xasillooni la'aanta ka jirta Dalka Soomaaliya oo Labada Dowladood ee Itoobiya iyo Ereteria ay Forin ay ku Dagaalamaan ka dhigteen Dalkeena Soomaaliya Hubkana isugu dhiibayaan Shacabkeena Soomaaliyeed ee aan Xaqiiqda Dhabta ahi ogayn ,Oday,Xildhibaan Madaxweyne, Wasiir , Waxgarad ,iyo Aqoonyahano ay noqdeen kuwa Maqla ama ka shidaal qaata Labadaa Dowladood ee ku Hardamaya sidii ay u burburin lahaayeen Dhulkeena Hooyo ee Dagaallada Sokeeye ay Aafeeyeen in ka badan 20ka Sanadood. Sida keliya ee lagu Badbaadi karo Dalka iyo Dadkuna ay tahay Midnimo waarta oo ka dhex dhalata Shacabka Soomaaliyeed meel waliba oo ay joogaan.

Eng. Cabdulqaadir Cumar Yuusuf ( Daadurey)
Somalihungerhivprojectus2004@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 6, 2009

BAARID | SEARCH


shariifSheikh Shariif oo Noqday Madaxwaynihii ugu horeeyay Taariikhda Soomaalida oo Khilaaf Galiyay Badda Soomaaliyeed...
"....baddana waxaa waaye KHILAAF ayaa ka jira" - waraysi cod ah oo laga duubay... Akhri..
 

Xildhibaan Maxamuud Axmed Tarsan iyo Afhayeenka Ahlu suna wal jameeca ee Yurub oo difaacay Badda Soomaaliya
Dawladii C/laahi Yusuf waa diidey in ay saxiixdo
 

craxamnWasiirkii Heshiiska u Saxiixay Kenya oo Qiray in "Dawladda Kenya Kusoo Xad Gudubtay Qayb Kamida Badda Soomaaliyeed"...
C/raxmaan C/shakuur waxa uu intaas ku daray in heshiiska la horgayndoono Baarlamaanka Akhri

Warbixin: - Heshiiska Badda: - Yuu Dan u yahay?! Khatarta ka imaan karta, & Sidee looga Hortagi karaa?!!!

shariiffarooleAragtida Shariifka iyo Faroole ee Heshiiska is Afgarad ee Kenya Lala Galay
Sh. Shariif: kuwa ka soo horjeeda heshiiskan haba yaraatee ma aysan akhrin ----- Dr. Faroole:  Cidna xaq uma leh in qayb kamida dalka Soomaaliyeed cid kale heshiis lagula geli karo... Akhri..

Axmed Walad Cabdalla oo la weydiiyey waxa uu ka ogyahay heshiiska Is-afgarad ee badda ee Somalia iyo Kenya
iyo Kenya oo Markale ka hadashay Heshiiska is-Afgarad ee ay la gashay DFKMG.. Akhri...

"Burcadda Qalinka: Norway, UN, iyo Kenya oo Qorshaha Xuquuqda Shidaal Qodista ka wada Xeebta Soomaaliya"
"Qarammada Midoobay waxay ka qayb qaadanaysaa Norway iyo Kenya gacan ku dhigidooda xuquuqda shidaal qodista ee badda Soomaaliya" InnerCityPress..


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: