Home » Faallo »

Bangiyada Islaamka – Buug Cusub

Hordhac

  • “Islamic banking and finance is no longer just a theory or a dream, in fact it is now an emerging, evolving reality” Prof. Khurshid Axmed

Meesha, 40 sano ka hor, bangiyada Islaamku ahaayeen riyo, sida Prof. Khurshid cabbiray, bangiyada Islaamku maanta waxay ka mid yihiin nidaamyada maaliyadeed ee ugu koboca fiican, ugu faa’iidada badan, looguna hadal-hayn iyo kalsooni badan yahay nidaamyada maaliyadeed ee adduunka. Dhinaca koboca iyo faa’iidada, bangiyadaasi waxay 20-kii sano ee la soo dhaafay, sannad walba, sameynayeen koboc iyo faa’iido sare u dhaafaysa 20%; dhinaca hadal hayntana, doodaha la xiriira bangiyada Islaamku waxay buuxiyeen shaashadaha TV-yada, boggaga internet-yada iyo jaraa’idka caalamka. Waxa intaas dheer, in nidaamka maaliyadeed ee Islaamka maanta lagu derso, lagana dhigo xarumaha cilmiga ee ugu magaca iyo maamuuska dheer caalamka. Hadal-haynta iyo kalsoonida dheeriga ahi, qayb ahaan, waxay salka ku haysaa koboca hantida ay maammulaan iyo faa’iidada ay sameeyaan; qayb ahaan, aaladaha ay isticmaalaan, qayb ahaanna siday ugu babac dhigeen iyo siday uga soo doogeen jaahwareerkii dhaqaale ee ku dhuftay hey’adaha maaliyadda caalamka sannadihii 2007-2009.

Horumarkaas lixaadka leh ee bangiyada Islaamku ku tallaabsadeen ma aha wax iska yimid, ama sida dadka qaarkiis moodaan, wax la soo bilaabmay soo ifbixii bangiyada Islaamka. Soo ifbaxa bangiyada Islaamku wuxuu qayb ka ahaa dadaal Islaam raadis ah oo ay hormuudka ka ahaayeen siyaasiyiin, aqoon-yahanno, fuqaha iyo muslimiin badan oo isbeddel doon ah. Dadaalladaas xaq raadiska ahi, marka laga soo tago wacyigelinta guud iyo u jidbaysnaanta shareecada Islaamka, waxyaabaha la taaban karo ee uu ku guuleystay, mirihiisana maanta la guranayo, waxaa ka mid ah soo ifbaxa Bangiyada Islaamka. Bangiyada Islaamkuna waa qayb ka tirsan dhaqaalaha Islaamka. Dhaqaalaha Islaamkuna waa qayb ka mid ah diinta Islaamka. Islaamkuna waa diin dhammaystiran oo buuxinaysa dhammaan baahiyaha aadamaha. Baahiyahaasi ha noqdeen kuwo qofeed ama kuwo bulsho, kuwo nafeed ama kuwo maal, siyaasad iyo dhaqaale, qaanuun iyo dhaqan, gudo iyo dibed. Waa qaab nololeed dhammaystiran oo daboolaysa caqiidada iyo mucaamalaadka, shuruucda iyo nidaamka. Waa qaab dhaqan iyo ilbaxnimo, waxay leedahay nidaam maaliyadeed iyo mid ganacsi, nidaam siyaasadeed iyo mid dawladnimo. Quraanka iyo sunnuhu waa labada ilood ee sharciga. Qiyaaska, ijmaaca iyo ijtihaad-kuna waa hab lagu turjumo quraanka iyo sunnaha si loogala soo dhex baxo xukun. Nidaamkaasi waa mid ku salysan caddaalad, himilooyinkiisana waxaa ka mid ah ciribtirka wax kasta oo xaaraam ah, sida ribada, qararka, khammaarka, iwm.

Mid ka mid ah waxyaabaha aasaaska u ah bangiyada Islaamka, oo ay kaga duwan yihiin bangiyada kale waa ku dhegganaanta shareecada Islaamka iyo ka dheeraanshaha wax kasta oo shareecada agteeda xaaraam ku ah, sida ribada, qararka iyo khammaarka.

In kastoo bangiyada Islaamka lagu sameeyey daraasado fara badan, lagana qoray buugaag aad u badan oo iftiiminaya heerarkii ay soo mareen, sida ay u shaqeeyaan, aaladaha ay isticmaalaan, waxa ay kaga duwan yihiin bangiyada ku shaqeeya nidaamka ribada, derbiyada hortaagan iyo sida ay u wajaheen isbeddellada caalamka sida jaahwareerada dhaqaale, haddana waxaa muuqata in dadka ku hadla luuqadda Soomaaligu weli ka oomman yihiin cilmigaas. Buuggan, oo intaan ka warhayo, noqonaya buuggii u horreeyey ee ka hadla bangiyada Islaamka, u qoran qaab cilmiyaysan (academic) kuna qoran af-Soomaali, in kastoo uusan dabooli karin baahiyaha faraha badan ee loo qabo fahanka, guud ahaan nidaamka maaliyadeed ee Islaamka, gaar ahaan kan bangiyada Islaamka, haddana waxaan rajaynayanaa in uu noqdo tallaabo horseed ah.

Guud ahaan buuggu afar qaybood ayuu ka kooban yahay. Qaybta koowaad, guudmar, waxay ka kooban tahay afar cutub. Cutubka 1aad wuxuu raadraac ku samaynaysaa waqtigii ay soo bilaabmeen bangiyada Islaamku, ciddii bilowday, ujeeddooyinka iyo himilooyinka bangiyadaas, heerarkii ay soo mareen, derbiyada horyaal, waxa bangiyada Islaamku kaga duwan yihiin bangiyada ku shaqeeya nidaamka ribada, iyo mustaqbalka bangiyada Islaamka. Cutubka 2aad, wuxuu hummaag ka bixinayaa sida bangiyada Islaamku ugu baahsan yihiin caalamka. Cutubka 3aad, wuxuu lafagur ku samaynayaa jaahwareerkii dhaqaale ee 2007-2009 iyo sidii bangiyada Islaamku isaga caabbiyeen. Cutubka 4aadna wuxuu kormar ku samaynayaa dhaqaalaha Islaamka.

Qaybta labaad, aasaaska nidaamka maaliyadeed ee Islaamka, waxay soo bandhigaysaa tiirarka aasaaska u ah nidaamka maaliyadeed ee Islaamka. Maaddaama caqdigu uu gundhig u yahay adeegyada iyo hawlaha bangiyada Islaamku qabtaan oo dhanna, cutubka 5aad wuxuu muuqaal ka bixinayaa caqdiga beyca. Cutubka 6aad wuxuu soo bandhigayaa ribada, qararka, maysirka iyo khammaarka oo ka mid ah waxyaabaha xaaraamta ah oo bangiyada Islaamku kaga duwan yihiin bangiyada ku shaqeeya nidaamka ribada. Cutubka 7aadna wuxuu wuxuu wax ka ifiiminayaa muuqaalka, hawlaha ay qabtaan iyo ahmiyadda ay leeyihiin guddiyada culimada ah ee la taliya bangiyada Islaamka (Sharia boards).

Qaybta saddexaad, sidee u shaqeeyaan bangiyada Islaamku, waxay ka kooban tahay saddex cutub. Cutubka 8aad wuxuu muuqaal ka bixinayaa sida bangiyada Islaamku hantida u ururiyaan (deposit side) iyo adeegyada ay u qabtaan macaamiisha. Cutubka 9aad iyo 10aad waxay si qoto dheer u falanqaynayaan aaladaha iyo nidaamyada bangiyadu isticmaalaan markay maalgelimaha samaynayaan. Meesha cutubka hore ka hadlayo aaladaha ku salaysan wax-isku-darsiga (equity based), cutubka dambe, wuxuu ka hadlayaa aaladaha ku salaysan deymaha (debt based).

Qaybta afraad, hey’adaha hantida u maammula sida waafaqsan shareecada Islaamku, waxay ka kooban tahay saddex cutub. Cutubka 11aad wuxuu muuqaal ka bixinayaa noocyada iyo aaladaha ay adeegsadaan hey’adaha hantida u maammula sida waafaqsan shareecada Islaamka. Cutubka 12aad iyo 13aad waxay kormar ku samaynayaan labo ka mid ah adeegyadii ugu dambeeyey ee ku soo biira caalamka maaliyadda Islaamka, i.e. sukuk-ga iyo takaaful-ka.

Buuggaani, sida labadii buug ee ka horreeyey, “Furaha Ganacsiga iyo Hoggaamiye”, waa buug u qoran qaab cilmiyaysan oo akadeemig ah (academic), sidaas aawadeed, buuggaan waxaa loo isticmaali karaa koorsooyinka Bangiyada Islaamka ee jaamicadaha iyo macaahidda sare ee dalka. Sidoo kale, buuggu wuxuu marjac iyo wehel u noqon karaa dadka ka shaqeeya, daneeya, dhiga, dhigta ama ku hawlan siday u fahmi lahaayeen guud ahaan nidaamka maaliyadeed ee Islaamka, gaar ahaan bangiyada Islaamka.

Saciid Cali Shire

B.Sc (Hon), PGD, M.A., M.Sc., M.Phil, MIBC, MIIBF

t. 00 (4) 783 8236 171

e. saidshire@hotmail.com

w. www.buuh.net



Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

8 Jawaabood " Bangiyada Islaamka – Buug Cusub "

  1. a/s
    waxaa mahadleh allaah mareka xiga abtigay aan aadka ujeclahay siciid ali shire aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay buugta uu usoo qoray umada soomaaliyeed dhamaantood waxaana leeyahay noqda kuwii ka faaidaysta buugtaas runtii buugtaas waa ufarxad shacabka soomaaliyeef ee hamoogaanina ka faaifaysta buugtaa qiimaha badan ee dhiirigalinaaya umada soomaaliyeed waxaana leeyahay abtigay illaahay hakaa abaal mariyo abti mcne insha alaah waxaan noqonaynaa kuwii ku bedala in sha allaaaaah

  2. qaas says:

    buugaga aad buu nooga dagay
    waana taageersanahay waxaan ahay arday barta cilmiga Banking and Finance
    waxaan aad u danayanyaaa inaa helo buugaas pro-ku qoray marka meel aan ka helo talo iga siisaaan
    mahadsanidiiiin

  3. sacaada says:

    sc wr wbr kabacd waxaan dr sacid dhahayaa barakalaah ilahayna ha ka ajar siiyo,buugaga qaliga ah.
    sc

  4. axmed says:

    marka hore waan salaamaya qoraaga buugan siciid ilahayna haka abaalmariyo sida qtada dheer aad buugan ugu faahfaahisay bangiyada isalaamiga ah rutiina wa buug qaali ah oo ku dheehan tahay xirfad iyo aqoon u sahlysa dayowga somalia oo damacsan furida bangiyada

  5. sulaiman says:

    Bismillah.Assalamu Calaykum.
    Walaalkeen saciid aad ayuu ugu mahadsan yahay buuga uu u soo bandhigey ummada somaliyeed si loo la socda nidaamka bankiyada islamiga iyo sidii u shaqeeyo . insha Allah dadaalka meeshaas ka sii wad .

  6. mohammed says:

    runtii waa wax ilaahay loogu mahadiyo,, maadaama oo caalamku hadda la dheeldheeliyayo jahwareerka recession-ka ,,,, xalka qudhana yahay in islamic banking systemka la qaado sida ay qoreen gaalada laftoodu beryahan danbe………………………… sheikh siciid cali shire aad baad u mahadsantahay buugaasna waan a khtiyi hadii ale ismo……..

  7. abdilaahi says:

    asc marka hore waxaan aaaad u salamaya bahda somalitalk markasta noo sooo bandhigta wax anfacaya dal iyo dadba mashaa alah marka xiga nin ka m=buugan qoray mr saciid masha alaah ala hakuu siyaadiyo weli sii wad wlala masha allah

  8. Walaae says:

    Allah habara keeyo walaalkeen iyo Aqoontiisa!!!